In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Si ka jilicsan haddaan u dhaho, Dadka dunidan dulsaaran waxaa lagu kala soocaa Af iyo Addin. Micnaha waxaa lagu kala saaraa dhawaq iyo dheeh. Haddaan si kale u dhaho, waxaa lagu kala duwaa dibna hadal iyo duud heeryo. Dabcan, deegaan dayran iyo dabeecad dadnimo ha daleel marin. Xeer beegti, xukun dhigan, xeyndaab xiran iyo xuduud xeeranna xaf ha uga gudbin.
Dhanka kale, dadku waxay wadaagaan DIIN iyo CAQIIDO ama MABDA’ iyo FEKER, labada hore, waxay ku daaban yihiin sida iska cadba IIMAAN EEBBE iyo RUMAYN ILAAH, keenaysa falidda wixii ADDUUN kaa horjoogsanaya DAMBI, AAKHIRANA kaana dhawraya CIQAAB iyo CADAAB. Waana midda aan qormada ku qaabin doono, anoon ku dheeraanayn.
Sidii Alshabaab (garabka hubaysan ee Wahaabiyadda) looga itaal roonaaday, ayaa waxaa soo baxaya khilaafyo xooggan oo u dhexeeya, heer ay iskhaarijin ka dhex billaabatay. Ha la yaabin, maxaa yeelay, Soomaalida ayaa hore u tiri: “LABADII LAQDABO KU HESHIISA, LILLAAHI AYEY KU DIRIRAAN!”
Sidii Xasan Daahir oo naf la caari ah uu isugu soo dhiibay Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, haddana, isagoo jujuuban uu Xamar joogo, ayaa waxaa soo baxaya farriimo dhiillo iyo xambaarsan dhaleecayn, oo ku wajahan dal iyo dad gaar ah, maxaa yeelay, maadaama ay iyaga ka dhex tolantay, dagaalka waa in dhan kale loo jeediyaa, waa istiraajiyad lagu hago dagaalka, [inta gacalkaa is gowrici lahaa, nacab kale ayaa gondaha loo galshaa (Dhoofinta Qalalaasaha)].
Maalmahan waxaa mareegaha Soomaalida ku soo badanaya warar, qoraallo iyo falanqayn ku aaddan arrin ku cusub dhagaha iyo maqalka Soomaalida. Gadaal waxaa ka riixaya dibna ka hurinaya raggii Soomaaliya ku soo halakeeyey DAGAALKII JIHAADKA (WAHAABIYA) iyo inta aan aragtida fog iyo fekerka toolmoon lahayn, ee marna CAADIFAD diimeeded ku raacaya, marna NACAYN aan jirin ku taageeraya, isu gaynse noqonaya ADDEECID INDHA LA’ iyo ARAGTI GAABAN.
Qolyaha tooshku ku shidan yahay waxaa la yiraa SHIICO, yaa shumaca ku ifiyey? Maxay uga dan leeyihiin? Horta aqriste, wararkan iyo qoraalladan ka hor, ma maqashay inay Soomaaliya joogaan SHIICO? Kaba muhimsane, maxaa kaaga baxay sheekadan la wado?. Aqriste, weydiimaha inta ku quseeya aan kuu daaye, bal aan inta aad iga sugee warcelinteeda gudagalo. Inta aanan jawaabta kama dambaysta ah ku siin, waxaan doonayaa inaan war dheeraad ah ku siiyo, si aad xog-ogaal u noqoto. Sheekadan markii u horraysay waxay soo shaac baxday, ka dib markii ay Dawladda Muslinka ah ee Iiraan ay qayb ka noqotay dawladihii Gargaarka la garab istaagay Soomaaliya, xilligii ay abaaraha xun ku dhufteen sanadkii 2011.
Waxay cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Dawladda Muslinka ah ee Iiraan Safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho bishii may ee sanadkii 2012, Safiirkan oo magaciisa la yiraa Makel Hussein Givzad. Maalintaa wixii ka dambeeyey, waxaa billowda garaaca gurbaanka SHIICADA, oo ay mar kale hor boodayaan raggii Soomaaliya magaca diinta ku gumaaday, af ama addin mid uun.Marka laga soo tago, wararka ay meraagahan qoraan, oo ay hagaan dad aan magacooda oo saxan qori karin, oo aan lahayn aragti ama aqoon ay wax ku kala tifatiraan ama ku kala haadiyaan, ee wixii la sheegaba qora, iyagoon is weydiin waxani Soomaalida Dhaqan, Hidde, Af ama Diin wax ma u dhibayaan? Illeen intaa haddaan la dhawrin waa dabargo’e.
Wararka Mareegahan ay daabici jireen waxaa sii xoojiyey, ka dib markii uu ku soo biiray Garoonka Shiicada lagu far fiiqayo Maxamed Cabdi “Umal” isagoo dhammaadki bishii Lixaad ee na dhaaftay MINABRKA uu colaadda Soomaaliya ka huriyo kaga digay wax uu ku sheegay “MAWJADAHA AFKAARTA SHIICADA!”.Inta aanan falanqayn, horta Aqriste, ma taqaan Umal? Haddaad taqaan waaba taqaan, haddaadan aqoon, waa Xasan Daahir, oo aan QORI wadan, Xasanna waa Umal oo QORI sita. Si kale, Umal waa ninkii WARAABAHA XALAALEEYEY, qormadan bal isha mari:
Haddaad baratay Umal, aan dib ugu laabanno waxa uu sheegay, isagoo yiri: “…Shiicaa soo gashay oo ooddeedii wadata…!” Marka laga soo tago inta eray Carabi oo aan dadku wada garanayn ee ku jiray Khubaddiisa, ayaa isweydiinta mudani waxay tahay Shiicada uu Umal ka digayo iyo Wahaabiyadda uu Afhayeenka iyo gar wadeenka u yahay Soomaali yaa u daran?. Inta aanan ka jawaabin, anoo waaqica tusaalooyin ka soo qaadan doona, oo ay wali qaar taagan yihiin, ma ogtahay in Soomaali hore iyo hadda wali u joogaan SHIICO Soomaali ah?
Micnaha in dalka Soomaaliyeed ay deggan yihiin dad Soomaali ah oo aaminsan Madhabka SHIICIGA ah? Haddaadan ogayn, haddaba, ogoow, maxaa yeelay waa dad wax ku leh dalka iyo dhulka, ciidda iyo calanka, lehna SUNNIGA Soomaaliga ah xaqa uu leeyahay. In kasta oo aysan tiro ahaan badnayn, haddana, jiritaankooda in la ogaado waa muhim, maxaa yeelay waxaa meesha ka baxaysa dacaayadda raqiista ah, ee ay fidinayaan kooxaha Wahaabiyaddu, illeen ninkii quruummo ka hor Masaajidda ku lahaa degaanno Soomaaliya ka tirsan, ma ahan inuu maanta ciriiri ku dareemo xiriir Diblomaasi ee dhex maray Soomaali iyo Iiraan ama warxuma tashiilnimada Wahaabiyadda. Soomaalidan SHIICADA ah, waxay deggan yihiin, o xarumo diimeed ku leeyihiin degmooyinka Xamarweyne, Waabari iyo Shangaani.
Inta aan ku jiray diyaarinta qormada, ayaan baaritaan kooban ku ogaaday magacyada Masaajidda ay leeyihiin, balse, aanan u soo bandhigayn sababo la xiriira inaysan bartilmaameed noqon. Maxa yeelay farriinta ah in lagu JIHAADI karo si dadban way u baxday, kaliya waxaa dhimman middii tooska loogu fulin lahaa. Haddaad maqasho SHIICO ayaa Soomaaliya lagu dilay cidda dishay waad garan kartaa baan filaa, kaba muhimsane, cidda dilkaa sabab u noqotay ama fartay waad garan kartaa baan filaa.
Midda biya kama dhibcaankaa ayaa ah, Soomaali waxaa hore uga jiray dariiqooyinka SUUFIYADA iyo SHIICADA, oo iyagaa ku xoog badnaa dalka gees ka gees. Sidii ay u burburtay dawladdii dhexe ee dalka, waxaa iyana ku baahay oo sidii Daran dab qabsaday oo kalay u fiday manjadkii iyo mabda’ii Wahaabiyadda, iyagoo ku soo duggaalay laba qodob oo aan kala dicin, oo si weyn Soomaali u saameeyey, raad xoogganna ku reebay, oo kala ah:
Labadan qodob waxay Wahaabiyadda u fududaysay inay Soomaali ka noqdaan dhaqdhaqaaq xoog dhaqaale iyo ciidan ba leh. Waxaad fiirisaa inta ay xarummo waxbarasho, caafimaad iyo cibaado ku leeyihiin, sidoo kale, waxaad eegtaa dhibaatada ay u gaysatay Alshabaab (garabka hubaysan ee Wahaabiyadda) Soomaalida, taa ayaana kuu caddaynaysa sida uu yahay xaalka Wahaabiyadda ee Soomaaliya.
Add comment
Comments