Shiikh Shakuul: Aan Garteena Kala Goosanee Gogol Inoo Xaar! - Aragtida: “Yaasin Garaad”

By Yasiin Cabdi Jaamac (Yaasin Garaad) - Wixii Qoran baa Quruuma haree muxuu Hadal Qiima leeyahay, Waxaa yiri Abwaan Soomaaliyeed (Walaalkay nimaan u haystay, Muxuu wado ii fariistay, Maxaa dacar ley walaaqey, Waxay kamid ahayd maanso ay kooxdii Iftin qaadi jireen, Niman yohoow dantay baan hadlaye iga daliil qaata, Dacwadeyda meeshaan u dhigo fiira dib u yeesha)..!
Faallo Keydmedia Online
Shiikh Shakuul: Aan Garteena Kala Goosanee Gogol Inoo Xaar! - Aragtida: “Yaasin Garaad”

Mirahan waxay kamid ahaayeen Gabay uu Allaha u naxariistee Sayid Maxamed C/Xassan ugu jawaabayey qolyo ku farxay jabkii Daraawiish la jabiyey

Aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laabaan! Waa maah maah Soomaaliyeed.

Illaahay Quraanka wuxuu kuceebeeyey kuna canaantay dadka ku hadla ama dadka ku waaniya wax aysan ayagu samayn. Waatuu Illaahay ku sheegey Qur’aanka Suuratul Huud aayada 88, Nabigii Illaahay (Shacayb) oo qoladiisii ku lahaa

“madoonayo in aan idiin daba maro waxaaan idinka reebayo ama idinka waaninayo”

Sidoo kale Suuratul Baqara aayada 44 aad Illaahay wuxuu ku canaantay dadka dadka wanaaga iyo samaha fara ayaguna ilooba inay sameeyaan wanaaga ay dadka farayaan.

Umadaha aduunka in badan oo ka mid ah waxay ku guuleysteen in dad ka loo sameeyo Diiwaan lagu keydiyo taariikh dooda [Record keeping]. Diiwaan ku wuxuu umada ka caawiyaa in aan qofka xun ama qaldan uusan umada u dhuuman oo laga ilaaliyo.Sidaa darteed Dunida qaarkeed waxaad ku arkaysaa qof 60 jir ah oo u sharaxan jago ama raba inuu qabto masuuliyad oo la leeyahay markuu Dugsiga sare dhiganayey ayuu Imtaxaan qishey ama gardaro Ardey kula dagaaley, sidaa darteed laguma aamini karo masuuliyad. Record keeping ku waa xadaarad iyo horumar lagaarey kaas oo qofka xumaantiisa iyo wanaagiisaba kamarqaati kaca.

Arintan waxaan u soo qaatay waxaa maalmahan warbaahinta Soomaalida qaarkood ka soomuuqdey waraysi uu bixiyey Wadaad lagu maga caabo SHiikh Maxamed Ibrahim Shakuul.

Waraysigan oo dheer qofkii rabaa wuxuu ka heli karaa Linkigaan:

Wadaad kanu hadalada uu ku Hadley ama wareysigiisa ku jira waxaa kamid ahaa kuwan hoos ku qoran

“Kenya iyo Ethiopia xaq ayey u leeyihiin in ay arimaha Jubooyinka kahad laan qof kii yiraahda kama hadli karaana waxaan u arkaa arin Doqonimo ah”

“Kenya iyo Ethiopia waxaan leeyahay wey mahad sanyihiin oo dadka ayey bad baadinayaan amaan kana wey sugayaan”

“Egad sharci ayey ahayd shaqo sharci ahna wey ku bilawdey shaqada ay ka wadaan Jubooyinka”

“Beesha caalamku waa stake holders xaqbayna u leeyihiin in ay ka had laan ama talo ku yeesheen arimaha jubooyinka”

Erayadan aan kor ku xusay dhamaan waxay ka mid yihiin ama ku jiraan wareysiga Shiikhu warbaahin ta siiyey.

Afeef

Inta aana hadaladan jawaab ka bixin ama aana ka waramin aqoonta aan Shiikhan u leeyahay.Waxaan jeclahay in aan aqristaha sharafta leh u cadeeyo in aana anigu ka mid ahayn jaceyl iyo xamaasadna ii hayn kooxaha ama xarakooyinka Diinta ee isku heysta Soomaaliya, balse aan ahay qof Muslim ah oo Soomaali ah. Wax aan Muslinimo iyo Soomaalinimo ku gaari waayeyna aana diyaar u ahayn in aan jaceyl iyo xamaasad koox iyo Xarako Diineed ku gaaro.

Shiikh Maxamed Ibrahim Shakuul bal is dhageyso

Maalintii nolosheyda iigu horaysay Shiikh Shakuul waxaan kula kulmay Maraykanka Gobal ka Minnesota. Anagoo sheekaysanayna ayaan waxaan weydiiyey meeshuu ku soo koray ama ku soo bar baaray yaraantiisii wuxuuna ii sheegey in uu kayimid Soomaali galbeed uusana Jamuuriyadii Soomaaliyeed ee xorta ahayd uuna waligiis arag. waxaan filayaa in uu igu yiri waxaan ahay reer Qabri Dahare

Su’aal? Anigoo jawaab tiisa tixraacaya ana xaq ma u leeyahay in aan dhaho Sh. Shakuul in uu dhaho Ethiopia iyo Kenya xaq bay u leeyihiin in ay Jubooyin talo ku yeeshaan waana u mahad celinayaa waa ku saxan yahay ku mana qaldana waayo asagaaba Ethiopian ah waxa guuleystay oo cadawgiisa ka ad kaadeyna waa wadan kiisii. Waxay ila tahay. Haduu asagu u bareerey in uu yiraahdo Ethiopia waa mahadsantahay in ay anigana ii banaantahay in aan su’aal galiyo Soomaalinimadiisa.

Su’aal kale?

Sh. Shakuul Kenya iyo Ethiopia ayagu dhulkooda iyo maamulkiisa maka talo galiyaan Soomaalida? Xageese ku qorantahay in wadan xor ah dhulkiisa iyo Goboladiisa ay wadamo kale xaq u yeeshaan in ay ku duulaan ama maamulkiisa talo ku yeeshaan? Waxaan maqley in aad tahay qof wax bartay ee bal meesha sharciganu ku qoranyahay noo soo sheeg aan kaa faa’iideysanee.

Kulankaygii 2aad iyo Sh. Shakuul

Xiligii 2 aad ee aan arkay Shiikh Shakuul waxay ahayd 2004 mar uu Wacdi iyo Waano ka jeedinayey shir ay Ardey Soomaaliyeed oo iskaga kala yimid Daafaha North America gaar ahaan America iyo Canada ku lahaayeen Jaamacada University of Minnesota qaybteeda dhaqaalaha. Ciwaanka Wacdigiisu wuxuu ahaa“Xaqa Muslimku Muslimka kale kuleeyahay”

Hadaladii iyo erayadii uu maalintaas nagu waaniyey waxaa ka mid ahaa kuwan

“Qofka Muslimkaa qofka kale ee Muslimkaa waa walaalkiis, ma dulmiyo, ma jaajuuso, ma hoojiyo, cadawna uma dhiibo. Sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa in aad noqotaan Ardey Soomaaliyeed oo walaala ah oo aan is dulmin, is jaajuusin, is hoojin, cadawna isku dhiibin”

Su’aal?

SHiikh Shakuul hadii wacdigaasu run kaa ahaa maxaad maantay dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah oo Jubooyinka ku nool oo cadawgoodu mar xasuuqey, marna barakiciyey, marna shaabuuga ku garaacayo, marna kufsanayo aad uga hiilisay oo cadawgooda ugu mahad naqaysaa? Maxaad duliga lagu samaynayo hambalyo uga dhigtay? Mise waxaad u qabtaa in Dadka Jubooyin ku nool oo dhan ay Al-Shabaab kaliya yihiin?

Hooyooyinkii iyo Caruurtii ayagoo Busaska raacaya Diyaaraduhu xasuuqeen ma Al-SHabaab ayey ahaayeen? Buundooyinkii iyo Dakadihii Diyaaraduhu Bur Burinayeen ma Al-Shabaab ayaa iska lahaa? Miyeyna ahayn Hantidii umada Soomaaliyeed ee Muslimka ah?

Mise Al-Shabaab ayaa dhisey Buundiyinka iyo Dakadaha ay Diyaaradaha Kenya Bur Burinayeen? Al-shabaab adigu maxaad ka aaminsantahay ma in ay yihiin Muslimiin qaldan mise Gaalo? Hadii jawaabtaadu noqoto waa Muslimiin qaldan, Muslimka qaldan dilkiisa in loo dabaal dagaa ma saxbaa?

Reer miyigii ay Ciidamada Kenya duurka ku xasuuqayeen ayagoo xoolahooda raacanaya miyeyna ahayn Muslimiin Soomaaliya? Yey dambi ka galeen? Mise gar iyo xaq ayaad u leedahay in aad u mahad celisid kuwii gar darada ku xasuuqay?

Hadaad Ethiopia uga mahad celisay in ay Soomaaliya gasho taa micna heedu soo maahan in aad raali ka ahayd 18,000 (toban iyo sideedii kun) oo ay xamar ku xasuuqeen iyo Milyan iyo barkii ay barakiciyeen?

Su’aal kale? Sh. Shakuul Qarankii umada Soomaaliyeed wuxuu u bur buray waxay ahayd dagaaladii iyo dadaalkii uu u galey inuu xoreeyo dadka Soomaali galbeed ee aad adigu kamid ka ahayd, hadii maantay aad Ethiopia uga mahad celisay qabsashada ay qabsatay intii xorta ahayd taa micnaheedu soo maahan in aad ka abaal dhacday umadii dhiigooda iyo maalkooda u bixiyey in ay Ethiopia idinka xoreeyaan?

Nin Soomaaliyeed ayaa laga sheegey (Duul Culumo waashay baan nahay ).

Kulan kaygii 3 aad ee SH. Shakuul

Markii 3aad ee aan arkay Sh. Shakuul waxay ahayd 2006 xiligaas oo wadanka Canada magaalada Toronto Jaamacad ku taal oo la yiraahdo York University aan u tagay shir ay Ardey Soomaaliyeed ku lahaayeen. Waxaan Salaad Jimce u tagey Masaajid la yiraahdo Khalid Binu Waliid oo ku yaala Toranto.

Waxaa Qud bada Jimcaha akhrinayey Sh. SHakuul oo siduu ii sheegey ka yimid Kenya, maal mahaas waxaa Beriga dhexe (Middle East) ka socday dagaalo u dhexeeyey Israel iyo Lubnan.

SH. SHakuul Qudbadiisa oo dhan waxay ku saabsanayd Nacalad iyo Cambaarayn uu u jeedinayey Israel. Hadaladiisa waxaan ka xasuustaa asagoo luuqada Englishka kuhadlayey

“This is barbaric and in human war against humanity and International law and we are condemning without exception”

Su’aal?

SH. Shakuul hadii aad u mahad naqaysid Kenya iyo Ethiopianka dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee gardarada iyo sharci darada maalin walba ku xasuuqayaan maxaad Israel u nacaladeysay? Miyaan Soomaalidu ahayn Muslimiin Suni ah? Miyaadan adigu ahayn Soomaali Muslim ah oo Suni ah? Hadii jawaabtaadu tahay haa maxaad Gaalada cadawgaa ee xasuuqaysa Muslimiinta Soomaaliyeed ugu mahad naqaysaa?

Hadiise aad Kenya iyo Ethiopia uga mahad celinaysid Muslimiinta Sunigaa ee ay xasuuqayaan maxay ahayd sababta aad ugu qiiroonaysay Shiicada iyo Yuhuuda is dagaalayey? Dadka reer Israel se makaa mudanyihiin in aad ka raali galisid nacaladii iyo cambaarayntii aad u jeedisay 2006 markay Xisbullaah la dagaalayeen?

Waayo waraysigaaga waxaa ku jirta in aad leedahay Kenya iyo Ethiopia xaqbay u leeyihiin in ay nabad galyadooda hubiyaan oo aan Jubooyinku noqon meel bahala galeen ah. Hadii arintu noocaa tahay miyaan Israel xaq u lahayn in ay nabad galyadeeda hubiso oo aan Lubnaan iyo Falastiin noqon meelo Bahalo galeen oo looga soo duulo?

Waxaan filayaa in ay gar iyo xaq tahay in aad ama Dawlada Israel iyo Dadkeeda raali galin ka siisid nacaladii iyo cambaarayntii aad dusha kala dhacday ama in aad waraysigan ka noqotid.

Kulankii 4aad ee aniga iyo Sh. Shakuul

Kulankaygii 4 aad ee aan arkay Sh. Shakuul wuxuu ahaa hameyn uu Muxaadaro ka jeedinayey Masaajid ku yaaley Minneapolis, Minnesota. Markuu muxaadaradii dhameeyey ayaa waxaa su’aal weydiiyey wiil dhalin yar oo Soomaali ah su’aashuna waxay ahayd sidan “Shiikh waxaa jira dad cid Illaahay ka sokaysa barya oo wax weydiista ee dadkaas xukun koodu muxuu noqonayaa?

Sh. Shakuul oo qoslaya ayna ka muuqatay deganaan iyo kalsooni ayaa wuxuu ugu jawaabay wiilkii sidan

“Cid kasta oo la timaada ama sameysa wax qilaafsan kitaabka Illaahay iyo sunada Nebi Muxamed (SWC) laga yeeli maayo weyna qasaartay”

Su’aal Sh. Shakuul hadaladan ku jira wareysigaaga ma waxay waafaqsan yihiin Illaahay Kitaabkiisa iyo Sunada Nebi Muxamed (SWC) hadii jawaabtaadu noqoto haa wey waa faqsanyihiin. Waxaan kaa codsan lahaa in aad soo sheegtid qaabka ay u waa faqsan yihiin iyo meesha ay uga qoran yihiin?

Dhacdo aana goob joob ka ahayn laakiin la iiga sheegey Sh. Shakuul

Nin aana shaki ka qabin runtiisa iyo xil kasnimadiisa ayaa wuxuu hada ka hor ii sheegey in uu goob joog ka ahaa meel Sh. Shakuul lagu weydiiyey su’aal ahayd sidan

Shiikh ka wadaado ahaan markii Shiikh Shariif Sh. Axmed uu Jabuuti ku dhaartay inuu daacad u noqonayo kuna dhaqmayo Dastuurka wadanka waad gaaleysiiseen oo waxaad dhahdeen waa gaalnimo in lagu dhaarto Dastuur qaldan, laakiin markii wadaadadii Soomaali Galbeed UWSLF ay dhaheen Dastuurka Ethiopia ayaan u hogaansanay waxaad dhahdeen waa saxan yihiin ee maxaa Dastuurka aad

Sh. Shariif ku gaaleysiiseen iyo midka Ethiopia ku kala duwanyihiin? Maxaadse wadaadii Soomaali galbeed (UWSLF) ugu darteen ciidamada new police ka Ethiopia?

Siduu ii sheegey ninka joogay meesha su’aalahan lagu weydiiyey SH. Shakuul. Sh. SHakuul wuxuu ku jawaabay sidan

Labada Dastuur waxba kuma kala duwana oo waa isku mid laakiin Culimada ayaa arimahaas maslaxad u arkay

Su’aal SH. Shakuul in laba Dastuur oo isku mid ah midna nin lagu gaaleysiiyo mid ka kalana layiraahdo waad saxantahay ma xaqbaa mise waxay ku qorantahay Kitaab Illahay iyo Suno Nebi Muxamed (SWC)? Waa hadii ay sax noqoto in su’aashan lagu weydiiyey adna aad jawaabtaas bixisay maadaama aana anigu goob joog ahayn.

Yaa eedayn kara ninkii yiri (Duul Culumo waashay baan nahay ).

Sh. Shakuul Ethiopia iyo Kenya isma badelin ee adigaa is bedeley!

Sh. Shakuul Ethiopia iyo Kenya Cadaw Soomaaliyeed wey ahaan jireen, weyna yihiin, weyna ahaan doonaan ismana bedelin. Arintaasna adiga daliisheeda iyo marqaatigeeda lagaama sugayo ee waxaa marqaati ugu filan taariikhda iyo waxay samaynayaan. Waxaanse shaki ku jirin in cida is bedeshey ee booskeedii ka baxdey ay adiga tahay waxaana daliil ugu filan arintaas marka la is barbar dhigo waanooyinkaagii hore iyo wareysigaaga maantay.

Talo iyo waano ku socota SH. Shakuul

Sayid Maxamed C/lle Xassan ayaa gabaygiisii dar daaran wuxuu ku lahaa

“afartaas antaan Deelka ka higaadshey daw maqabadsiiyey

Micnihiina maan dadine(qarine) soo idin ma deeqsiin”

Sh. Shakuul marka koowaad waxaan kaa codsanayaa hadii aan been kaa sheegey ama aan kuu gafey in aad qortid maqaal aad ku cadaynisid in aan kaa qaldanahay oo aan Been kaa sheegey, aniguna waxaan balan kaaga qaadayaa in aan qirto kana noqdo wixii ay cadaato in aan ku qaldanahay. Waxaan kaloo kaa codsan lahaa in aad dhamaan su’aalahan qoraalka ku jira aad ka soo jawaabtid. Hadii aadan sidaa yeelin oo aadan xujo iyo dufaac u hayn waxyaabahan, waxaan ku oran lahaa.

Sh. Shakuul sax ma ahan in aad adigu xaqii tahay, xaquna adiga uu yahay, maalinba meeshaad joogtana aad ku saxsan tahay. Sidaas daraadeed waxaan shaki ku jirin in aad ama maanta qaldan tahay ama shalay ee soo sheeg shalay iyo maanta kaad qaldanayd?

Walaal SH. Shakuul madax adeyga iyo macangagnimadu raganimo iyo geesinimo maahan guul iyo sharafna laguma gaaro ee ka laabo waxaad samaynaysid umada Soomaaliyeed ee walaalahaa ahna ka raali geli dhaawaca iyo dulmiga aad u geysatay.

Geba gabadii

Waxaan hubaa in dad badan oo Sh. Shakuul u taargeersan caadifad qabiil iyo mid Diineed ka caroon doonaan qoraalkan. Waxaan kaloo hubaa in kuwo badan cay iyo aflagaado ii soo qori doonaan. Laa kiin kuwaas jawaabta aan u sii hor marinayaa waxay tahay cabsi iyo jacayl Illaahay baa nagu leh ee xarako Diineed iyo Qabiil naguma lahan. Wax aan dagaal ooga yaashii ka diidnayna Sh. Shakuul iyo qolyo kale midna kama yeeleyno. Gabyaagii Soomaaliyeed wuxuu lahaa “ha karaama seegina habaar leygu kari waaye” ana waxaan idin oran lahaa Sh. Shakuul gardaro iyo gef haku raacina.

Aragtida: Yasin Abdi Jama (Yasin Garad) - Gara0022@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.