Shirka London waa in looga Hadlo Sunta Nuclearka oo Cegaaga Xeebaha Soomaaliya!

Keydmedia - Waxaa Xeebta Magaalada Hobyood kusoo caariyeyey Haan mug weyn leh oo ay ku jirto Sunta dilaaga ah oo loo yaqaan “radiation waste.” Suntaas waxaa soo fogeeyey warshadaha Dalalka horumaray oo diiddan in sun noocaan ah ay Dalalkooda ku qubaan.
Faallo Keydmedia Online
Shirka London waa in looga Hadlo Sunta Nuclearka oo Cegaaga Xeebaha Soomaaliya!

Haddii laysku dayo in suntan dalalkooda lagu meeleeyo, dhib iyo taxadar weyn baa lagala kulmayaa, qarash aad u ballaaran baana ku baxaya meelaynta suntaas.

Haantaas oo Sawirkeedu halkan ku lifaaqan yahay waxay taallaa Xeebta Hobyo oo ah barta Dadku ku dabbaashaan oo Magaalada qarka u saaran. Dadku waa ka cabsadeen oo hanta agteeda lama tagi karo, lamana garan karo waxa ka baxaya. Haantu bir bay ka samaysan tahay waxaana muggeeda lagu qiyaasay ilaa 10 metric tan.

Haantaas iyo kuwo kale oo kusoo caariyey xeebta Eil Badey, Mareeg, Kismaayo iyo xeebo kale waxaa sababay bad-gariirkii ka dhacay dalka Indonesia 25tii Dishember 2005tii. Sida tuhumada runta u badan ay qabto, badaha Soomaaliyeed oo qashin-qub loo isticmaalo waxay soo bilaabatay 1991dii markii ay dhacday Dawladdii kacaanka ahayd, ilaa haddana way socotaa.

Waxaa Kalluumaysatada ku nool keyraadkaa Badda ay qirayaan in Suntaasu is-beddel weyn ku samaysay daaqsinta noolaha Badda taasoo keentay baddii oo xaalufta oo kheyraadkeedu yaraaday.

Xeebta Badda Hobyo , Xeebta Af Barwaaqo waxaa kusoo shubma webiyaal dhulka mara oo suurtogeliyey in inta biyaha macaan gaaraan ay ka baxaan dhir-badeedka soo jiidata Noolaha Badda halkaas oo ay ka helenaan daaqsin, dugsi ay ku gabbadaan iyo meel ay ku tarmaanba, taasoo ka dhigta mid kamid ah 5ta goobood oo ku taal Xeebta Badda Hindia oo ugu badan Kalluunka magaca ku leh suuqda dunida.

Kuwa isku sheega Madaxda Galmudug State waxba kama qaban sidii loo baari lahaa nooca Suntan,sidoo kale kuwa isku sheega TFG-duna kuma jiro dareen Wadaninimo oo ay kaga dhiidhiyaan darxumada naga haysata intifaaca kheyraadka badaha.

Haamaha Suntu ku jirto kuma koobna inta ku daadsan Xeebta Hobbyood ee waa mid ku baahsan dhammaan gunta Xeebaha Soomaaliyeed.

Sidaas darted, Bulsho-weynta Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay Addunka la socodsiiyaan khatarta suntaasu u leedahay jiilka hadda soo koraya iyo kuwa ka dambeeya oo cid walba lahaan kara. Arag Sawirka suntan dilaaga ah oo qoraalkan ku lifaaqan.

Keydmedia.net - Editorial Desk



Daawo Masawirro Keydmedia Exclusive u ah: 

Xeebta Hobyo, Xeebta Kalad iyo Garguur iyo Xeebta Qeyr qabe!




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.