Shirkadaha Duulimaadka iyo Dhibaateynta Shacabka (Baaritaan Muhiim ah)

Nidaamka ganacsi ee ku saleysan Dhiig miiradnimada Soomaaliya mudadanba waxa uu ka ahaa mid iska caadi ah, waxaana bulshada koox walba oo meel isugu tagta magaca ay doontaba ha sheegatee ay ku heshiiyeen sidii loo dhibaateyn lahaa bulshadan daalan ee diifta iyo darxumada ay la dageen.
Faallo Keydmedia Online
Shirkadaha Duulimaadka iyo Dhibaateynta Shacabka (Baaritaan Muhiim ah)

Kadib markii ay burburtay xukuumaddii quwada laheyd ee Soomaaliya isla markaana ay burbureen dhamaan hey’adihii ka shaqeyn jiray dabagalka iyo horumarinta duulimaadyada ka baxa iyo kuwa yimaada Soomaaliya waxaa soo ifbaxay shaqsiyaad ka soo iibsaday dunida Diyaarado aan taya wanaagsaneen oo sheegaya in ay adeegii duuliimaad ee dalka daboolayaan.

Shirkadahan ayaa ku aas-aasmay nidaam qabiil iyadoona koox walba oo isku deegaan ka soo jeeday ay albaab lagu qoray Travel & tourism agency ku bahoobeen, waxaana xusid mudan in dhamaan ku tirsanayaasha shaqsiyaadka sheega in ay howshaasi qabanayaan midkoodna aan aqoon u laheyn howsha ay isku magacaabeen.

Aqoonxumada raggaasi waxaa ka dhashay mas’uuliyad daro balaaran waxaana xiliya kale duwan shiradahaasi ay dhibaato u geesteen shacab soomaaliyeed oo xaalada kale duwan wajahayay, qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa isbitaalo dibada ah ku socday halka kuwa kalana safara muhiim ah ay ku sii jeedeen.

Maryan Cabdi waa hooyo 42 sano jir ah waxaana laba mar dhibaato ay kala kulantay shirkadaha magacyada badan ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaa laga qaaday lacag fara badan iyadoona aan helin adeegii ay u baahneed xiligii ugu haboonaa, waxaana ay sheegtay in xiligii ugu darnaa ay aheyd markii lacag laga qaaday iyada oo caafimaad ugu socota Dubia isla markaana diyaaradii ay ka tagtay aana la siinin wax magdhaw ah.

Xaaji Cismaan Diiriye laba sano ka hor xili uu ku socday Xajka ayaa waxaa laga qaaday lacag fara badan isagoona afar maalin oo isku xigta lagula balamay duulimaad been ah laguna soo lug-gooyay garoonka diyaaradaha isagoona markii danbe go’aansaday inuu iska dhaafo gabi ahaan duulimaadkaasi, laakiin nasiib daro shirkadii uu la macaamilay way ka madax adeegtay lacagtiisa in ay u magdhawdo.

Shirkadahan ayaa ah kuwa marba marka ka danbeysa sii badanaya, waxaana dadka qaarkood ay u sababeeyaan korarkaasi shaqsiyaadka maamula shirkadaha shacabka lagu lug-gooyo oo mar walba isku dhaca kadibna kala taga oo mid walba uu ku fakaro inuu halkiisii ka sii wado dhibaateynta shacabka.

Nidaamka duulimaadyada caalamka marka laga hadlayo dunida lagama ogolo in ay sameyso duulimaad shirkad aan heysan ogolaanshaha caalamiga ah ee ay bixiso International Air Transport Association (IATA)  waxaana ogolaashahaasi uu qeexayaa tayada shirkada iyo heerka la aamini karo adeegeeda.

Diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya taya ahaan marka la eego ma ahan kuwa u qalma in ay howshaasi qabtaan laakiin waa kuwa ka faa’ideysanaya nidaam xumada iyo fowdada guud ee xiligan ka jirta Dalka.

Dowlada iyo urur midkoodna lama xisaabtamo shirkadahan dhibaateynaya umadda isla markaana maalkooda ku isticmaalamaya sida aan sharciga aheyn, waa hubaal marka nidaam iyo xasilooni uu gaaro dalka in si weyn loola xisaabtami doona dhamaan dhinacyada ku lugta leh dhibaatada Soomaaliya.

Qormadan ayaa ah mid aan ugu tala galnay in aan ku ururino xogta dhibaatada bulshada ay u geesteen shirkadaha duulimaadka ee sida dukaamada oo kale leysaga furtay, hadaba haddii aad la kulantay dhacdo dhibaato ah oo ay geesteen shirkadahaasi ku soo dir Email-ka keydmedia ee xiriir@keydmedia.net si dhacadada aad la kulantay ay qeyb uga noqoto baaritaanka qaab howleedka shirkadahaasi ee ay keydmedia ku howlantahay.

NB: Waxaan idin soo gudbin doonaa xiliyada soo socda xog dheeri ah oo ku saabsan nidaam howleedka Shirkadaha iyo dhibaatooyinka bulshada.

keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.