Shirqoolka Maldahan ee Sharif Axmad

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Yaa horboodaya Shirka Daagaal-curinta Cadaado laga bilaabay…? Dagaal-ooggidda maxaa Dabasocda…? Yaa Dabada Ka riixaya…? Yaa loogu danaynayaa…? Yaa Laysku dirayaa…? Yaa loo danaynayaa…? Yaa maalgelinta bixinaya…? Ya ka faa’iidaysanaya…? Yaa daawade ka ah…?
Faallo Keydmedia Online
Shirqoolka Maldahan ee Sharif Axmad

Waa nasiibdarro isaga oo sheegta Madaxweynaha Soomaaliya in Shariif Axmad uusan noqon nin nabadda u codeeya, maslaxadana bulshadana ehel u ah.

Wuxuu ku dhaartay inuu Ummadda wanaag ugu adeego, nabad iyo horumarna ka shaqeeyo ee ma ahayn inuu dhagar ka dhex-alooso meel nabad ku daaqa oo wada dhashay, marna isqoonsada haddana ka heshiiya colaad kasta oo dhexmarta.

Dhiigga sokeeye oo Shariif Axmad uu gacmaha la galay ama uu hadda ku abaabulyo ma ahan mid uu magac ku helayo, aahkirana uu Rabbi naruuro ka siin doono.

Addunkaaga iyo Aakhiradaada haku lumin eed iyo dakano aad ka gasho ehelkaaga, adigoo ku raalligelinaysid kuwo leh oo leh dano gaar ah. Ogow  “Shisheeye sheelo duxa ma leh,” waa maah maah facweyn oo lagu waano qaato. 

Dagaal Sokeeye

Waa Dhacdo Taariikhda gashay in Dagaalka Shariif Axmad uu curiyey oo soo taxnaa ilaa 2009-kii oo uu Madaxweynaha noqday.

Dagaalkaasu wuxuu ahaa mid oo heshiis iyo nabad lagu xallin karo. Wuxuu ku bilaamay Shariif Axmad oo ku ballanfuray jaalkii la duubnaa. Waxay ahayd khatashii uu ku dhabarjabiyey Halgankii Maxaakiimta Saddex Kooxood u kala jabtay markii Jabuuti ay la wareegtay dhoobdhoobidda dhismo dawlad ku mel gaar ah.

Jabuuti waxay taageertay garabkii ay horseedayeen Shariif Axmad, Shariif Xasan iyo Gaandi, kuwaasoo ahaa gaagaab aan marnaba u dhigmi Karin Kooxda Qunyarsocodka ahayd oo kamidka ahayd Maxaakiimta, arrintaas oo Jabuuti ay si weyn ula socotey, haddana Garabka ku dhifatay oo ayna siinin mudnaanta ay lahayd.

Maqaawiirta Maxaakiimta qaran oo Jabuugti geeska ku riixday waxaa kamid ahaa xulka Siyaasadda Qaranka Madaxda hoodada u leh oo hoggaamin kara dawlad nuxur leh ee Soomaaliyeed, waxaana kamid ah: Yuusuf Dheeg, Jaamac Cali Jaamac, Xasharo, Jaamac C. Qaalib, Shariif Saalax, Sheikh Cumar Iimaan, Sakariya, Xuseen M.Faarax Caydiid, Aamina Axmad Warsame iyo kuwo badan oo ay isku mowqif ahaayeen.

Kooxda 3-aad waxaa Hoggaaminayey Madaxda kala ah: Sheikh Daahir Sheikh Aweys, Shangole, Godane, Roobow, Cabdullaahi Cali Xaashi, Suldaan Garyare, Kaba-ku-tukade, kuwaasoo aan cidna soo dhaweyn oo loo arkay garmaqaateyaal.

Garabka Jabuuti u sacabatuntay oo ay Hoggaaminayeen 2-da Shariif, Nuur Cadde, Gaandi, waxaa aqbalay Cabdullaahi Y. Axmad oo lagu maslaxeeyey in dawladdiisa iyo tan iyo tan Garabka Shariif Axmad laysku barxo, Cabdullaahi Yuusuf-na uu noqdo Madaxweyne dahsoon, haddana Maamulka dawladeed hoosta ka wada.

Jabuuti uma wicin Garabkii qunyarsocodka ahaa inuu kusoo biro Dawlaadda TFG-da 3-aad oo halkaas laga sameeyo muwaafaqo nabadeed oo lagu wada shaqayn karo. Sidoo kale, Jabuuti masoo carocelin Garbkii hubaysnaa oo kamidka ahaa Iskaashigii Maxaakiimta oo ciidanka Xabashida ka saaray dalka, haddana lid ku ah garabka afduubay Dawladnimada iyo Ciidanka shisheeyaha ah oo iyaaga badbaadiya.

Jabuuti qorshahaas bay Xabashida ka gaday, wayna oggolaatay. Maadaama Xabashidu ay Ciidan ahaan ugu jabtay Koofurta Soomaaliya, iyana waa oggolaatay inay ciidankeeda la baxdo oo la keno Ciidan kale oo Afrikaan ah.

Waxaase Meles Zenawi ku adkaystey inuu hago dalladda 2-da TFG oo ay wada hoggaaminayaan Madaxweyne Shariif Axmad iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmad. Siddaas oo kale ayaa Waalad Cabdalle oo ahaa wakiila Xoghaya QM Jabuuti uga gaday dhagartii ay isla maleegeen Shariif Axmad iyo madaxdii Jabuuti, wuuna oggolaaday.

Dagaalkii Sokeeye oo Cabdullaahi Yuusuf Axmad uu ku qaaday gobollada Koofureed wuxuu soo ebyoomay markii Ciidanka Xaabashiyeed ay dalka ka baxeen dabayaaqadii Sannadkii 2009, hase yeeshee waxaa dib u curtay oo dhexmaray garabkii Maxakiimta garabkii lagu ballan furay oo la baxay magaca al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM oo difaacaya TFG-da, kaasoo weli socda.

Dagaallada curtay 2009 oo ah markii TFG-da xukunka afduubay, Jabuuti iyo Shariif Axmadba way damin kareen haddii la heshiisiiyo 3-dii garab ee Maxaakiimta.

Hase yeeshee Jabuuti iyo Shariif Axmad midna dani uguma jirin in Soomaaliya ka dhalato dawlad qarameed oo loo dhan yahay oo madaxbannaan.

Shariif Axmad iyo madaxda Jabuuti hala wariyo inta ku dhimatay, inta ku dhaawacanta, inta ku barakacday, hantida ku burburtay iyo basanbaaska ku dhacay bulsho Soomaaliyeey oo kor u dhaaftay 2 Malyan iyo bar, qaarkoodna buulal bac ah baa uga dhisan duleedyada Muqdisho.  

Jabuuti iyo Xambaarashada Kooxdii Manifesto

Bilowgii Dagaalkii lagu riday xukunkii Maxamad S. Barre oo ay iska kaashadeen ururradii hubaysan ee ay hormoodka ka ahaayeen USC, SPM, SNM iyo SDM waxaa si bareer ah uga horyimid Kooxdii Manifesto oo si gaar ah isu xulatay oo diiddanayd in ururro hubaysan ay dalka qabsadaan. Waxaa seegtay inay tixgeliyaan Ururrada hubaaysan oo ay la qaybsadaan Dawlad loo dhan yahay.

Waxaa xusuus leh inaan Maxamad Siyaad oo Madax ka ah dawlad gaamurtay inaan Manifesto hadal iyo gorgortan dawladnimo wax looga qaadi Karin haddaan qori caaraddiis xukuna looga qabsan. Manifesto waxay u guntatay inay afduubto doorkii ururrada hubaysan qabteen.

Waxay damacday in xamladdii rajiim rididda loo weeciyo Ciribtirka beesha Sade oo loo aanaynayo xukunkii Maxamad S. barre oo cid walba ka qayb-qaadatay. USC arrintaas Xasuuqidda Sade waa ku kala jabtay. Garabkii Caydiid Hoggaaminayey wuxuu ku dooday in USC ayna qabiil la dagaalansanayn ee ay rajiim la dagaalansan tahay.

Manifesto oo xambaarsan Cali Mahdi oo Madaxweyne u sharraxan baa Jabuuti Casuntay, waxaana kamid ah xubnihii qabey in si gaar ah loo ugaarsado beesha sade, sida: Maxamad Abshir Muuse, Cadirizaaq Haaji Xuseen, Cabdulqaadir Maxamad Aden Zoobbe, Cabdi Xasan Buuni, Cumar Carte Qaalib,Maxamad Siciid Ciyow (Gentlemen.

Fikradaas Manifesto way isku raacsanayd, Jabuutina waa u guuxday, dawlad ku meel gaar ah baana halkaas lagu soo dhisay. Shirkaas Jabuuti way dhaleeceeyeen ururradii hubaynaa kana qaybgelin shirkii Jabuuti

Shir ma qabsoomi karaa…? Dawlad Manifesto keliya ma la dhisi karaa…? Wax ma la qaybsan karaa…? Manifesto ma oggoshahay inay la heshiiso ururrada hubaysan oo dalka Gacanta hu haya…?

Intuba waa maya ayaa lagu goosta. Si looga dhigo shir loo dhan yahay aaya daayaarad loo soo diray garabkii Caydiid, nin qur ah ayaana ku biiray shirkii Manifesto ay kool-koolinaysey, si uu usoo dhagaysto hawlaha haalkaas ka socdey.

Ururradii hubaysnaa way dhaleeceeyeen shirka Jabuuti iyo manifesto ku gaarka ahaa, dawladdii Manifestana waa la tuuray. Haddii Jabuuti ay daacad ka ahaan lahayd dibu-heshiisiinta Soomaaliyeed, dhinacyada ishaya ayay heshiisiin lahayd, waxayna u dhisi lahayd dawlad loo dhan yahay oo ay isla wadaagaan Manifesto iyo ururrada hubaysan.

Laga soo bilaabo 1991dii ilaa maantada aynu joogno, Soomaaliya waxay aahaan lahayd qaran jira oo dib u dhismay oo leh karaamadii uu xaqa u lahaa. Kuwii waagaas fashaliyey in dalka nabad lagu soo dabbaalo ayaa maantana la taliya Madaxweyne Shariif Axmad, waxaana ugu weyn madaxda Reer Jabuuti, Xabashida iyo dawladaha kale IGAD.

Dhagarta Shariif Axmad ka abaabulay Magaalada Cadaado

Dhagartaas mid lamid ah baa Shariif Axmad ka sameeyey Caddado muddo hadda bil laga joogo. Shirka Reer Cadaado uu ku maalgeliyey hal ujeeddo ayuu leeyahay: In Dagaal abaabulan iyo barakicin lagu qaado beesha daggan magaalada Hobyoood iyo deegaankeeda oo magaalada Hobyo deked laga dhiso si Dawladda Xabashidu u maalgeliso oo ay uga dhoofsato shidaal iyo gaas dhabiici ah oo dibadda loo iibgeyn doono, beesha reer Cadaadana ay yeelato nabadsugidda iyo gacan ku haynta ganacsigaas aaggaas laga saamayn doono.

Halkaan ka Aqriso Qeybta Labaad (Guji Meshaan)

Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.