Shirqoolka Maldahan ee Sharif Axmad - Part 2

Aqriso Qabta 1-aad - Go’doonka Bad La’aanta Xabashida- Xabashida oo heshay Deked u dhow oo ay wax ka dhoofsato –Sida tan Hobyood-bartilmaameed bay u ahayd kadib markay dhacday dawladdii Maxamad S. Barre iyo wixii ka dambeeyey.
Faallo Keydmedia Online
Shirqoolka Maldahan ee Sharif Axmad - Part 2

Markii uu Caabdullaahi Y. Axmad uu Xabashida u ballan qaaday inuu arrintaas wax ka qaban karo haddii Dalka loo qabto, Xabadisha mashruuc bay u aragtay wayna ku gargaartay inay duullaan ballaaran soo qaaddo oo dalkii la qabto, dekeddii Hoyana laga hawl-galo.

Nasiibdarro mashruucaas waa Shirqoolka Maldahan ee Sharif Axmadlagu hungoobay oo jab iyo iyo halaag baa ciidankii Xabashidy kala kulmeen Koofurta Soomaaliya.

Raadraac Qorshe Hore

Haddana Dadka daggan deegaannada Galmudug waa la socdaan naqshadda Degaanka Shidaalka iyo gaasku ku jiraan oo Cabdullaahi Yuusuf uu soo xarriqday. Way la socdaan in Cabdullaahi uu soo qarqoortay deegaanka Xarardheere oo uu ku daray Puntland.

Waa la socdaan qandaraaska Shariif Axmad iyo Maxamad Sheikh Gacmadheere ay Xabashida kasoo qaateen inay arrintaas hirgelin karaan. Waa la socdaan jooqlulidda Cabdiraxmaan Faroole uu damacsan yahay inuu keeno ciidan Xabashiyeed oo u dagaallama oo ilaaliya arrinta haadda maraysa "Gubadkaan gubi doono."

Way la socdaan hiillada iyo kasnaanta Cabdiweli iyo tan Shariif Axmad ay Faroole u hayaan. Way la socdaan rayo-beenaadka Shariif Axmad lagu maalayo iyo wax walba in la hirgeliyo kahor inta aan la gaarin Bisha Agoosto 30-keeda.

Qorshihii Cabdullaahi Yuusuf Axmad

Si uu u fuliyo ballantii uu Xabashida ka qaaday, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu qorsheeyey in Dadka leh Hobyo iyo deegaanka ku hareeraysan daagaal lagu qaado oo oo halkaas laga kiciyo iyadoo laga soo galayo 4 jaho: Xabashida oo kasoo duusha Waqooyi- Galbeed. Beesha Reer Cadaado oo kasoo dagaal gala dhinaca koofureed. Ciidanka Dhafoor-qiiq oo kasoo dagaal gala dhinaca Koofur- bari iyo Puntland oo kasoo dagaal gasha dhinaca Waqooyi.

Isku aaburkaas wuxuu u ekaaday mid miro dhalin kara oo lagula weerari karo Hobyo iyo deegaankeeda oo cadawgu u arko inu yahay mashruuc istrategic ah oo haddi , mashruuciina lagu fulin karo.

Gabagabadii waxaa laysla meel-dhigay in arrinta Shidaalka iyo gaaska I lays kaashado la fulin karo. Dagaal-gelinta beesha Reer cadaado, ololaha dagaalka iyo hirgelinta barakicinta Bulshad deegaanka Galmudug waxaa iska kaashaanaya: Cabdullaahi Yuusuf Axmad ooh ore ballanta Xabashida uga soo qaaday, Maxamad Sheikh Gacmadheere oo aad ugu xeedheer sida nacabka loo oo baalgeliyo, cadawgana jaal loola noqdo, Cabduraxmaan Faroole oo si weyn u danaynaya dkedda Hobyood iyo derisnimada reer Cadaado, Cabdiweli M. Caligaas oo sii joogtaynaya hanka ku jira hawlwadeennada barakicinta Reer Galmudug iyo Madaxweyne Shariif Axmad oo ku hawlgalay inuu filiyo mashruucan si uu mar kale ugu soo noqdo madaxnimo kale.

Meles Zenawina waa ma daale sugahaya miradhalinta is bahaysatay oo duulaanka ku ah beelaha Galmudug State. Illa hadda waxaa Madaxweyne Shariif hirgeliyey inuu qalabeeyo, dhaqaalena ku bixiyo ciidanka Reer Cadaado oo hadda caaradkiisii hore dhufays kaga jiro magaalada Hobyo. Goor ay noqotaba, waxay u eg tahay inaan laga fursan doonin haddaan ciidankaasu ka noqon deegaanka ayna lahayn oo ay doonayaan inay xoog ku qabsadaan.

Nasiibdarro beelaha labada dhinac waa dad walaalo ah oo dagaalama , haddana dhexdddoda ka heshiiya. Way garan karaan dhagarta la abaabulayo iyo ulajeeddada la wato. Way garan karaan cidda dagaal oogidda horboodaysa iyo kuwa ay u shaqeeyaan.

Cabdullaahi Yuusuf xukunkii kama tagin oo weli ballantii Xabashiyeed buu weli fulinayaa;  hase yeeshee Meles Zenawi weli kama rajo dhigin dekedda Hobyo iyo deegaankeeda, saacadduna waa tik leedahay. Shariifku wuxuu ku sugan yahay boqorkii dadkiisu cadawsaday oo dhar la’aan dadka dhexmara. Bal car yaa yiraahda boqorku waa qaawan yahay, baa oogidda Shariif Axmad hadda taagan tahay.

Soo Dedejinta Mashruuca Dagaalka iyo Barakicinta Beelaha Reer Galmudug State

Qorshihii hore ee Cabdullaahi Yuusuf Axmad waa fashilmay, hase yeeshee Xabashidu weli kama quusan, oo cid ay dirsato ma waayin. Cabdullaahi Yuusuf oo weli TFG-da ka ah Madaxweyne dahsoon, wuxuu suurogeliyey in Cabdiweli M. Caligaas looga dhigo Wasiirka 1aad si uu u hirgeliyo qorshaha Xabashidu damacsan tahay.

Cabdiweli oo kaashanaya Mudane Cabdiraxmaan Haaji M. Faroole, waxaa la qorsheeyey in lasoo dadajiyo baarista iyo qandaraas-bixinta Shidaalka iyo gaaska dalka ku jira, waxaana hadda socda ceelkii ugu horreerey oo ay qodayso Shirkad reer kanada ah.

Cabdiweli wuxuu Faroole u qoray Warqad uu wakiil uga dhigay soo saaridda iyo nabadsugidda gaaska Shidaalka Dalka ku jira iyo dhuumaha qaada oo ay kamidka yihiin kuwa ka imanaya: Dooxada Nugaaleed, Sool iyo Sanaag, Kilinka 5aad iyo deegaanka Galmudug; kuwaasoo u qorshaysan in laga dhoofin doono Dekedda Hobyood.

Sida hadda qorshuhu u yahay Madaxweyne Shariif, Meles Zenawi, Cabdiweli Caligaas, Sharif Sakin iyo Madaxweyne Cabdirxmaan Faroole, labo arrimood baa ugu horraysa hawlgalka ku saabsan gaaska iyo shidaalka dalka ku jira, iyo sida looga faa’iidaysan karo:

 

  • In Dadka leh deegaanka Hobyood dagaal iyo nabad midkii hadba door roonaata looga kiciyo Gobolka hobyo si loo gudagalo dhismaha Dekedda, taasoo ay barbar socoto qodidda ceelasha gaaska iyo shidaalka.
  • In beesha deegaankeeda laga qaado wax kale lagu gufeeyo si loo quusiyo, xasaradda ka iman kartana looga nabadgalo. 
  • Inta hawlaha barakicinta iyo dhismaha dekedda lagu jiro la qodo ceelashii shidaalka iyo gaaska, isla markaana lasii dhigo dhuumihii qaadi laha iyo waddooyinkii dhuumaha dhinac qaadi lahaa. 
  • In la keeno dalka gudihiisa ciidan Xabashiyeed oo suga nabadda iyo ammaanka dhoofinta gaaska, shidaalka, dhuumaha iyo waddooyinka isku xira ceelasha iyo waddooyinka laysaga gudbo.

Lama Tixgelin

Qorshaha sidaas u ballaaran laguma darin in dadkii deegaankaas lahaa la arko, lala xaalo, lala tashado, la talageliyo, la tixgeliyo oo wax lala qaybsado haddii la wada heshiiyo.

Laguma darin in dad badan oo ku kala nool deegaamo ku kala firirsan deegaannada Mudug iyo Galguduud ay dekedda Hobyood danaynayaa oo ay difaacayaa haddii qorshahan Shariif Axmad horboodayo dagaal loo rogo, iyo dhibka dambe oo halkaas ka iman kara.

Laguma darin haddii fashilaad timaaddo cidda dhibku soo gaari doono, iyo inta dhibkaasu le’ekaan karo. Ragga qorshan hor boodaya ma haystaan qorshe nabadeed oo dhinac socda oo nabad wax lagu raadin karo, isla markaana mashruucii u fuli karo.

Awoodda madaxda TFG-du ma muquunin karto guul ay dagaal ku gaarto iyo mashruuc dhaqaale oo ay halkaas ka fuliso. Kuwa qorshahan wata waxay ku dheelmanahayaan waddo qalaad goor mugdi ah, taasoo dhinac qura loo maro, balse hala ogaado meesha riyadnu ku dambayn doonto.

Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst -  ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.