Shirweyne Lagaga Hadlayay Arimaha Jubooyinka oo Ka Dhacay Gobolka Minnesota

Waxaa maalintii Sabtida ahayd ee bisha Nofeembar ahayd 10, 2012 Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu qabtay Shirweyne ay soo abaabuleen Beelaha daga gobollada Jubooyinka. Shirkan oo saacado badan socday, dad bandanna ay kasoo qaybgaleen ayaa lagaga hadlay arimaha haatan kataagan Gobollada Jubooyinka.
Faallo Keydmedia Online
Shirweyne Lagaga Hadlayay Arimaha Jubooyinka oo Ka Dhacay Gobolka Minnesota

Waxay dadwaynihii isugu yimid shirka iyo waxgaradkii kahadlayba farta kufiiqeen in Jubooyinka aysan beel lahayn. Beel soo duusha oo xoog ku qabsataana aynan suurtagal ahayn.

Sida kaliya ee nabad waarta loogu hali karo Jubooyinkana aytahay in dadka deegaanka udhashay ee asalka ah ay shir isugu yimaadaan, kana wada hadlaan danahooda. 

Waxaa kale oo ay dadkii hadlayay sheegeen in xukuumadda Soomaaliya ay mas’uuliyad wayn kasaarantahay ilaalinta madaxbanaanida Soomaaliya, iyo nabadaynta  iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed. 

Waxgaradkii kahadlayay shirka ayaa kudheeraaday beelaha kala duwan ee Jubooyinka dagan iyo sida loo kala daganyahay. Waxayna sheegeen in beelaha aan hubaysnayn ee ugu badan labada gobol ee Jubooyinka, sida beesha Jareerwayne oo si wayn udagan labada gobolba, beesha Sheekhaal oo iyaduna lagu qiyaaso beelaha ugu badan Jubooyinka, beesha Gaaljecel iyo beesha Cawramale oo iyaguna aad udagan gobolka Jubada hoose, beesha Biyomaal oo ah beelaha ku xoog badan Jubada Hoose iyo Beesha Mareexan iyo Harti oo wax ka dagan magaalada Kismaayo iyo qaybo kale oo kamid ah gobolka iyo beesha Rawanwayn oo wax kadagan labada gobol ee Jubooyinka in aynan ogolayn, ogolaan dooninna maamul shisheeye wax uu soo dhoodhoobay, la doonayana in Soomaaliya lagu kala qaybiyo.

Waxay sheegeen in Soomaaliya ay Soomaali leedahay ee aynan shisheeye lahayn, sidaa darteed, aragti Nayroobi laga soo dhisay iyo urur beeleed dalal shisheeye ku xidhan oo aanan dan uwadin shacab waynaha gobollada Jubooyinka uunan kashaqeynayn doonin Soomaaliya.   

Waxay waxgaradkii shirka ka hadlayay ku nuuxnuuxsadeen in beelahan aan hubaysnayn ay iyagu yihiin: INTA BADAN EE AAMUSAN, taasina aanan loo qaadanin inay ogolyihiin in xaqooda lagu tunto, maamul shaati qabiil huwan iyo maleeshiyo beeleedna ay soo dhaweynayaan.  Waxaa aad looga hadlay dhibaatada iyo dulmiga ay maleeshiyada Raaskambooni oo intooba badan kasoo jeeda Kililka Shanaad ee Itoobiya, Jubooyinka aan ku dhalanin, kuna barbarian ay ku hayaan dadka magaalada Kismaayo.

Waxaa lasheegay inay dil, kufsi, dhac, xagdhig iyo caburis iyo caga juglaynba ku hayaan dadka magaalada.  Bayaan ayaa laga soo saaray shirka, wuxuuna bayaanku uqornaa sidatan:

Bayaan/Dhambaal

 

  1. Waxaan taageersannahay, soona dhaweynaynaa dadaalka ay xukuumadda Soomaaliya ugu jirto sidii ay maamullo ugu soo magacaabi lahayd gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, sidee ay horayba ugu magac cawday maamullo gobollada Hiiraan, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.  
  2. Waxaan xukuumadda federaaalka Soomaaliya ugu baaqaynaa in maleeshiyada Raaskambooni laga saaro magaalada Kismaayo, hub kadhigisna lagu sameeyo, hadii kale waxay keynaysaa in beelaha kalana ay sameystaan maleeshiyo beeleedyo, taasina ay sooceliso dagaalkii qabaa’ilka.
  3. Gobollada Jubadda Hoose iyo Jubada Dhexe, beel ama qoys midna malaha, ee waxay kadhaxeeyaan beelaha dagan oo dhan, sidaa darteed waxaan beelaha labadan gobol dagan oo dhan ugu baaqaynaa inay nabad, isixtiraam iyo isku xad gudub la’aan kuwada noolaadaan.
  4. Waxaan ka digaynaa in lasoo cusboonaysiiyo colaadii iyo dagaalkii sokeeye ee burburiyay qarankii Soomaaliya ee qiimaha badnaa.
  5. Waxaa waajib ah in beel kasta deegaan keeda lagu ixtiraamo, beel deegaan ay dagantahayna ayna beel kale sheegan, iskuna dayi karin inay maamul usamayso. Waa hadii xasilooni iyo nabad lala doonayo gobollada Jubooyinka.
  6. Waxaan xukuumadda Soomaaliya iyo dawladaha caalamka ee arimaha Soomaaliya daneeya ugu baaqaynaa inay xuukumada Soomaaliya lagu caawiyo sidii ay dalka uxasilin lahayd, nabad galyadiisana u hanan lahayd.
  7. Waxaan xukuumadda iyo bulshada Soomaalida ee nabadda jecel usheegaynaa inuu dhamaaday xiligii dagaal oogayaasha iyo qabqablayaasha magaca qabiilka huwan iyo dagaal oogayaasha magaca diinta huwan. Waxaana lasoo gaadhay xili ay Soomaaliya udhalatay xukuumad aduun waynaha oo dhan aqoonsanyahay, sidaa darteed, maleeshiyo beeleed iyo dagaal ooge xiligiisii wuu dhacay, wuuna dhamaaday. Waana in aan la aqbalin maleeshiyo beeleed dambe, magacay doonto iyo shaarkay doonto hawadatee.
  8. Waxaan usheegaynaa Ururka Raaskambooni iyo beesha ay matalayaan ee arimaha maamul usmeynta gobollada Jubooyinka sida xooga leh ubaabulaysa, waxa kaliya ee aad xaq uleedihiin inaad maamul usameysaan waa dagmada aad dagtaan ee Afmadaw oo kaliya. Beelo kale dhul, magaalooyin iyo tuuloyin ay daganyihiin maamul uma samayn kartaan, beelna ma ogalaan karto inay beel kale maleeshiyadeedu maamul usameyso, deegaan keedana lagu maamulo, xitaa hadii ay xukuumadda Soomaaliya ay ogolaato arin kaas. Waxaa waajib ah, dantuna ay kujirtaa in beel kasta dhulkay dagantahay lagu ixtiraamo, hadii kale waxaa suurtogal ah in dagaal sokeeye oo dabo dheeraada uu mar kale gobollada Jubooyinka kadhaco. Arintaasina dan uma ah shacabka gobollada Jubooyinka oo ku daalay dagaaal sokeeye oo hadba waji cusub lasoo baxaya.
  9. Beelna beelo kale kuma qasbi karto inay maamulkooda hoostagaan, taas waxaa laga diiday, maamullada Soomaaliland, Puntland iyo Galmudug. Hadii xukuumaddii dhexe ee ay Soomaali oodhan soodhistay lagu kalsoonaan waayo inay iyadu laf dhabar ka ahaato maamul usameynta gobollada Jubooyinka sideebaa loogu kalsoonaan maleeshiyo beeleed dawlado iyo dano shisheeye dabada kuhaya.

Waxaan Xal U’aragnaa

Waxaan xal u’aragnaa in marka hore xukuumadda Soomaaliya iyo AMISOM ay laxasiliyaan gobollada Judada Hoose iyo Jubada Dhexe, kadibna ay dadka dhab ahaan udhashay labadan gobol ay shirwayne uqabtaan.

Shirka loo qabanayo dadka daganka gobollada Jubooyinka waan in uu ka madaxbanaan yahay faragalin shisheeye, sida IGAD iyo dalalka dariska ah. Markii ay dadka Jubooyinku ay shirka isugu yimaadaan,  hadii ay iskuqanciyaan, islana ogolaadaan inay maamul sameystaan hasameystaan, hadii kale gobol kasta sidii uu joray u ahaan jiray ayuu ahaanayaa oo gobol kasta maamul caadi ah ayuu yeelan.

Maamul dagdag, juujuub, musuqmaasuq, dano qabiil iyo shisheeye lagu dhisayo, dan uguma jirto shacabka Jubooyinka. Waa in xukuumaadda Soomaaliya ay isugu yeertaa waxgaradka beelaha dagan Jubooyinka oodhan, meel ay ku shiraanna siiso, una ogolaataa inay si xor ah uga wada hadlaan, faa’iidooyinka iyo khasaaraha ka iman kara maamul goboleed loo sameeyo Jubooyinka.

Waxaa bayaankan soo saaray qurbajoogta Beelaha Jubooyinka ee kubahoobay ururkan lagu magacaabo (Codka Jubba)

Codka Nabadda iyo Hormarka ee Gobollada Jubooyinka (VOICE of JUBBA)

Gudoomiyaha Ururka - Axmad Cusmaan - Axmad.cusman@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.