Farmaajo & Fahad

Sidaas miyeey la maagan yihiin Muqdisho?

Faallo Keydmedia Online

Waa Muqdisho, bishii Jannaayo Sanadda 1991. Rajiimka Siyaad Barre ee xukunka ku amar-ku-taagleynayey, waxa uu dareemay in ay maalmihiisii soo koobameen oo gabaabsi yahiin, markaasu go'aansaday in uu dalka burburiyo, dadkana laayo. 

Sidaas miyeey la maagan yihiin Muqdisho?

Waxa uu amray in Magaalada Muqdisho Madaafiic lagu garaaco, gibigeedna Dab, holac iyo Dumin dagaan uu ka dhigo.

Muuqaalkaan waxaa ka arkeysaa madaafiicda culus oo uu ku garaacayo Magaalada, qaxa shacabka. Dadka qaxaya waxa ay u badan yihiin dad nugul ah. Waxaa qixinaya waa ciidankii loogu talagalay in ay ayaga cadawga ka ilaaliyaan, una dhaartay difaaca dadka iyo dalkaba, waxaa lagu xasuuqaya hub lagu soo iibiyay canshuurtoodii.

Muqdisho waa olalaysaa, waxaana lagu garaacayaa madaafiic culus oo aan loo meel dayin, waxaa burburay goobihii bilicda magaalada. Kaligii-taliye Siyaad Barre waxaa uu hirgalinayaa oraahdiisii ahayd "Dal iyo dad igama dambeeynayaan hadii la igu yimaado Kursiga".

Siyaad Barre saddex nuuc ayee kala ahaayeen taageerayaashiisu: Qabiil iyo Qabyaaladd ku taageere, Jago ku taageere iyo Qoor xeerlaawe laaluush ku taageere ah. Islaamka intiisa kale, waa ay ka cowdu bilaysan jireen habdhaqanka Siyaad Barre.

Waxaa hubaal ah in arxan-laawe Siyaad Barre iyo Kaligii-taliyihii Jarmalka Adolf Hitler ay Taariikhdda isku baal ka galeen, markii laga eego Arxandaradda ay kula kaceen Shacuubta ay kala xukumayeen.

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.