Siddeedii Beenood ee Hooyadey ii sheegtay!!

Dr. Ahmed Abdulahi (Keydmedia) - Waxaan ahaa wiilka kaliya ee waalidkay, waxaana ahayn Qoys aad sabool u’ah, oo aan marar Dab helin waxay cuni lahaayeen. Hadaan maalin helo waxyar oo Bariis ah oon ku qadayno, Hooyaday saxankeeda ayay kasoo ridi jirtay Bariiska waxayna oran jirtay “Hooyo cun ani baahi ima haysee!” Taasina waxay ahayd beentii kowaad ee Hooyaday ii sheegtay.
Faallo Keydmedia Online
Siddeedii Beenood ee Hooyadey ii sheegtay!!

Markaan waxyar weynaaday, Hooyaday waxay u kici jirtay Badda s’iay noogu soo dabto Kaluun, markay soo hesho halkaluun ahna gurigay usoo ordi jirtay si’ay noogu kariso oon ugu Qadayno.

Maalina waxay soo heshay 2-Kaluun markay karisayna aniga waxaan cunayay Hilibkii kaluunka Hooyadayna waxay feenanaysay waxa yaryar ee kuharay lafaha dhexdooda. Waxaana hor dhigay kaluunkii 2-aad, waxaana ku iri Hooyo cun, weyna iisoo celisay iyadoo tiri: "Hooyo cun kanna, soo ma’ogid inaana kaluunka jeclayn" Taasina waxay ahayd Beentii Labaad ee Hooyaday iisheegtay!   

Markaan Madrasada galay ma anaan haysanin waxaan kubixino Qarashka Iskuulka, Hooyadayna waxay u kacday Suuqa, waxayna kula soo heshiisay nin dukaanlay ah inay alaabtiisa kusoo wareejiso guryaha, dadkana soo tusto. Habeen ay qabaw iyo Roob badan dhacayeen, baan Hooyaday guriga ka waayay, waana raadiyay waxaana arkay iyadoo alaab xanbaarsan oo Albaabada Xaafadaha garaaceysa. Waxaana dhahay, "Hooyo waad daashay, qabaw badanna wuu nahayaa, ee kaalay aan dheelmanee", waxayna iigu jawaabtay "Hooyo anu madaalani", taasina waxay ahayd Beentii Sadexaad ee Hooyaday iisheegtay.

Maalin aan Iskuulka ku lahaa Imtixaan, Hooyadey waxay ku adkaysatay inay iraacdo, markaan galay fasalkana Qoraxda banaanka ayay igu sugtay. Markaan soo baxayna xabadka ayay sidiiran iigu xanbaartay, waxayna Ilaahay iiga Rajeysay inaan Guuleysto, waxeyna isiisay Biyo Qabow oo aad u macaan ey ii sii gaday, markaan cabayna waxaan arkay Hooyo Dhidid kada




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.