Saxallada Silloon & Saxarka Siyaasadda!

Bashiir M. Xersi - Waxaa jiri jirtay Islaan Reer Quraysh ah, oo degganeyd Magaalada Barakaysan ee Maka, waxay ahayd Islaan hawl badan, oo aan caajis iyo wehsi midna galin. Waagu markuu beryo, ee kaaha iyo iftiinka arooryaad dillaaco ayey shaqo u farsiisataa.
Faallo Keydmedia Online
Saxallada Silloon & Saxarka Siyaasadda!

Hiirada hore ayey waxay billowdaa sooh iyo falkin, waxay is dhaafiso, ee midba midka kale galiso, ayaa marka ay shaqadeedu idlaad iyo dhammad ku dhawdahay ee uu gabbalku sii dhacayo, ee la gaaro casir liiq iyo qorrax dhac, ayey waxay dib u furfurtaa intii ay saaka ilaa maqrib tidicday. Waxay dib u kala dhigdhigtaa xariggii ay maanta oo dhan soohaysay. Qisada Islaantan waxay ku soo aroortay Suuradda ‘MALAB’ka {Al Naxli, tirsiga Aayadda (91)}.

Marka aad si fiican ugu kuurgasho indhahana la raacdo sooyaalka silloon ee siyaasadda Soomaalida, waxaa kuu caddaanaya inay la mid tahay shaqada Islaantaas oo kale, siyaasiyiintu la mid yihiin Islaantaa, oo had iyo jeer ay shaqada iyo hawsha ay maalmo, bilo ama sanado xirxirayeen ay dib u furfuraan. Haddaan si kale u iraa, shaqadii ay muddo iyo muddo dhisayeen ayey dib u dunshaan, haddaba weydiinta baa ah: arrintu ma ogaal la’aan baa mise waa kas iyo maag (ogaal)? anoo kaaga warcelin doonaa weydiinta, adigu aragti caynkee ah ayaad ka qabtaa?

Laga soo billaabo maalinta aan xornimada magac u yaalka ah hanannay ilaa maanta oo aan maxmiyad aan magac lahayn ku jirno, habka iyo hannaanka ay ku socotay siyaasadda Soomaalidu wuxuu ahaa hab halaag laga dhaxlay, laga yaabee, in in badan oo naga mid ah aysan qabin in halaag laga dhaxlay, balse, ay ila qiriyaan inay ahayd siyaasad gurracan iyo hannaan qalloocan, oo haddaa wixii qalloocan inay halaag dhalayaan maxay ku diidadayaan? Kolley Anigu ma agaran.



In badan oo naga mid ah marka laga hadlayo maamulkii milatariga kaalintii uu ku lahaa halaaggaa way ka reebaan ama eedda iyo eelka dusha ka saaraan jabhadihii iyo qabqablayaashii ka daba maray. Hubaal in kuwan halaagga hirgaliyeen, balse, inta aysan hirgalin yaa halaagga horseeday? Micnaha yaa sababay in halaaggu uu hirgalo? Saw ma ahan hoggaankii hore? Iskuma diiddanin haddii aan la marooqsan lahayn MAAMULkii talo WADAAGGA ku dhisan, ee curdanka ahaa, in xaalku sidan ka duwanaan lahaa ama uu dhaami lahaaba.



Waxba yaanan ku dheeraan inta isku dayeysa inay dedaan dayax afar iyo tobnaad ah, iyo Ayax tag eelna reeb, ee aan abbaaro dhawr dhacdo oo mid walba midda kale aysan waxba ka duwanayn, haddaysan, isku dhigaal ahayn. In halaagga uu horseeday maamulkii Siyaad Barre waxaan u soo qaadanayaa marqaatiyaal aan muran la galin karin, oo isla maamulkaa xilal ka soo wada qatay, oo dhammaan isku raacay in mar walba dhanka qalloocan tallaabada loo qaadayey, taana ay sababtay hoogga wali la dul heehaabayo.



Waa ta la yiraa: “Ratiga dambe Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyeehay” taariikhda aan qormada ku soo qaadan doono waxaan ku gaabin doonaa go’aanno gurracan oo la guntay intii walaahowga iyo tiiha wadaad iyo waranle lagu jiray, gaar ahaan 2000-ilaa maanta aan joogno, oo aan qabo inay qayb ka tahay fashilka naga haysta dhanka maamulka iyo maaraynta, hoggaanka iyo hoggaaminta, horseedka iyo hirgalintiisa, talada iyo taabbagalinta, tusaalaha iyo tubayntiisa, tusmada iyo tiigsigeeda, tabta iyo taatikadeeda, guddoonka iyo gundhiggiisa. Maxaa yeelay, haddaan intaa kala garan lahayn, hubaal inaan halka aan maanta naal inaannaan naalleene, ayaan darrase, intan oo qodobba waxaa laga dhigay mid qof, qolo, qabiil iyo koox gaar ay leeyihiin, oo ah hadba inta guddoonka iyo talada haysa ha ku takri falaan, illeen la isu soo raacan maaye.

DAWLADDII CARTA:

13kii Bishii Agosto, 2000 waxaa la yagleelay DKMG ahayd ee “CARTA” oo  loo igmay inay muddo saddex sano ah heshiis dhexdhigto Soomaalida. Dawladdaa waxaa Madaxweyne u ahaa C/Qaasim Salaad Xasan, oo Ra




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.