Soomaalinimada iyo dhibka kasoo gaaray Beesha Hawiye! - Qeybta Koowaad

Cabdalla Salaad 'Kugeey' — Dagaaladii Sokeeye ee Dalka ka dhacay oo Dad iyo dalba hog dheer ku riday, Qaar Dowladii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad ayaa sababteeda iyo eedeeda lahayd ama loo tiriyaa, sida Duqeeyntii Waqooyi Galbeed, Qaarna Jabhahadii Dowladda Meleteriga la dagaallamay ayaa eedeeda iyo dhibkeeda iska lahaa, Sida SSDF, SNM iyo USC.
Faallo Keydmedia Online
Soomaalinimada iyo dhibka kasoo gaaray Beesha Hawiye! - Qeybta Koowaad

Hubaashii cidina cid waxba uma reeban, ninba ninkoow ka xoog badnaa ayuu Madaxa lugta ka saaray hadeey noqdaan reer Waqooyi, reer Barri iyo reer Koofureed Dagaal Sokeeye oo guud ayaa harqiyey shacabka Soomaaliyeed, waxaana gaarey dhib badan maatada u badneyd, haweenka iyo carruurta oo aan iyagu waxba galabsan.

Dagaalkii lala galay ciidankii dowladii Siyaad Barre iyo Dagaal Sokeeyo oo gudaha ahba intuba waa dhaceen, balse, waxaad mooda ayadoo qoloba qolada kale arki karin haddana in dhammaan qoloyinkaas aay qabaan ciil iyo naceybka iyo cunfi ay u qabaan hal qolo oo la yiraahdo Hawiye Gobonimo waa u dhalashe Hawiye inta qolooyinkaas la marshay ee aay ka gadoodeen ayaa la mariyey mar hore iyo mar dambaba sababo jiro awadood ayuuna asigoo dhibane ah, wax badan u liqay mana arkaysid horeyso iyo dambeyso, qof ama koox ka mida Beelaha Hawiye oo ciil qaba ama ku taamaya qolo kale,  waxaa beesha Hawiye degaankeeda ka mid ah Xaruntii waddanka ee Muqdisho ilaa haddana weli lama maqal, iyaga oo leh hanalooga baxo iyo qof reer hebel ama meel heblaayo ka yimid ma arki karno, Halka Gobollada kale guud ahaan arrintaasi caaddo u tahay.
 
Waxay ka siman yihiin in ay ula sinaadaan, dhib iyo dheef deegaankooda Umadda Soomaaliyeed, iyagoo had iyo gooraale tahay ah kuwa u tanaasula Soomaalida kale, dhib walbo oo ay qabaana qarsado si Ummada Soomaaliyeed ay isugu haayaan, noqdaan xadhigii iyo guntintii isku haysay Midnimada iyo Wadajirka guud ahaan Soomaali oo dhan.
 
Hadiise sida qolooyinka Barri iyo Waqooyi u tashadeen u tashan lahaayeen oo intey ka gudbaan Soomaalinimo xagaana iska dhigi lahaayeen, waxaan hubaa in deegaanka Hawiye ka mid yahay goobaha ugu dhaqaalaha badan geyiga Soomaaliyeed iyo guud ahaan Qaaradda Afrikaba.

Soomaalida kalee waxaan aminsantahay ineey in Beelaha Hawiye talo xumo hayso, balse xaalku aniga sidaa waa igala duwan yahay, umad kasta oo adduunka ah, qowmiyad kastaa waxay leeyihiin, qolo u taagan ilaalinta danaha guud, Xaalka Beelaha Hawiye wuxuu taagan yahay "Laba daran mid dooro" oo ah Soomalinimada dayac ee ka daneeyso ama dadkaada iyo deegaankaada dayac waxayna qaateen ineey dadkooda iyo deegaankooda dayacaan intii magaca Soomaaliyeed uu baabi’i lahaa waxayna wax walbo u sameeyeen soomaalinimo dadkuse uma ogoo waxaa la dhahaa waa doqonomo maantase waxaan aminsanahay in Hawiye hurdada ka kaci doono ee Soomaalinimada Ciise, Isaaq, Daarood, Digil iyo mirifle iyo dhammaan Soomaali oo idil ka guurtay inaan mar dambe dhalaanka Hawiye iyo dhulka Hawiye iyo sharafta hawiye aysan u dhiman.

Waxaa Umadd Soomaaliyeed halhays u ahayd Hawiye ayaa dalku ka degi waayey, hawiye ayaan dowladnimo rabin, maantase waxaa sida Cadceeda u muuqda cida aan Dowladnimo, Midnimo iyo Soomaalinimoba rabin cidey tahay.

Waxaa hadda ka hor duulaan gaadmo ah isla qaadey, rag doonaya inay soo aar gutaan, waxayna u soo dhawaadeen beeshii ay doonayeen inay ka aargoostaan, nasiib darro waxay arkeen, dadkii oo yoolsan oo  kulan iyo shir leh, xoolana u qalan yihiin, meel kayn ah oo u dhaw ayay nimankii dhabacaadsadeen oo beerka dhigeen ka dib ayaa waxaa lagu heshiiyey si aan loo arkin inay gurguurtaan, 5 nin bay ahaayeen,nin maaha intii kale waa faranduleysay oo baabacooyinka iyo faraha lugaha ayay ku socdeen nin keliya ayaa jilbaha ku socdey, markaasuu arkay in aan isku si loo wadin arrinta, wuxuuna dhahay, Maahmaah caan noqotey oo ah, haddaan isku si loo wada Gurguuran anigu waa iska sare joogsanayaa.
 
Haddaba  22 Sanno ayaa Hawiye Soomaalinimo u gurguuranayey oo weliba dhibaatooyin badan iyo duullaamo Shisheeye, Maraykan iyo Amxaarba ku soo duuleen sidoo kale  waddamo shisheeye iyo sokeeye Soomaaliyeedba isu kaashadeen oo ay bartilmaameedsadeen.

Waxaan leeyahay Odaygii Soomaaliyeed Hawiye uun ma dhaline Dalka keligood ma degana, haddaan dhib iyo dheef loo sinaan waxaa iman doonta maalin aan laysku ula sinaadaan kuwa kale ee burisyada la dhacaayo dhaxalkii awoowe waxuu asigu dhaxal u leeyahayna uu qaato.

Jabhadahii wadanka ka dilaacay Marka laga reebo USC waxay wadeen dano Qabiil oo qur ah wax waddanimo iyo soomaalinimo ahna meeysan u dagaalameeyn tusaale SSDF waxay u dagaalameysay Majeerteenimo oo malinkaas Mareexaan Ogaaden iyo dhulbahante intaba meysan u haaynin xushmad iyo walaalnimo daaroodnimo ee ayaga ayeeyba la dagaalayeen madaama xukunka ninka haayey uu ahaa Daarood Ragii ugu horreeyey ee kasoo horjeestana aay ahaayeen Majeerteen.

Waxaa tusaale noogu filan in danaha SSDF, ay ahayd kuwo Beelaysan, waxay ahaayeen beeshii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed disha, haddana Beeshii ugu horreysay ee Dalka calan Shisheeye ka taagta iyagoo intaas u marayey, keliya inay hoggaanka dalka Si beelaysan u qabtaan uguna Takrifalaan, waxaan aragnaa miraha ka soo baxay Puntland maanta ineysan ahayn kuwo leh nafci iyo waxtar umad Soomaaliyeed ee ay yihiin, Miro sumeysan oo ka beermay beer qabyaaladeed oo lagu kala fogeynayo bulshada Soomaaliyeed looguna adeegayo cadowga Soomaaliyeed.
 
1: SSDF waxay xukunka ineey ka tuurto loo aas aasay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Nin Daarood ah hadii daaroodnimo dhab ka tahay xukunkaas oo ka mid ahaa xukunada africada madow ugu xooga weyn oo aay dan walbo oo daaroodnimo ku gaari kareen waa ku kaceen ayagoo leh waxii majeerteen wadin ayaa ah waxba kama jiraan sidaa daraadeed daaroodnimada aay barigaas godka ku rideen maanta oo aan ka tabar xun yihiin  ayaan kasoo saarayaa anigu maan u garan, waana awrkacsi iyaga oo abuuraya is nacayb iyo kala fogaansho beelaha Soomaaliyeed mar labaad soo kala dhex gala, iyo aas aas iyo dhagax dhig dagaallo Sokeeye oo lagu rogmado.
 
2: Puntland waxaa la aas aasay 1998kii xubnahii lagu aas aasay ilaa iyo hadeer hogaanka ugu sareeyo waa Majeerteen guud ahaan hoggaanku waa Majeerteen, dadka kale ee deegaamada ku abtirsada waxba looma ogola, dhinac dhaqaale, Siyaasad, iyo Waxtarka kaleba, gobollada iyo degmooyinka aan majeerteenku deign, ma helaan, Adeeg bulsho, waxaana adduunka lagu dawarsadaa baahidooda, sidoo kale waxaa keliya oo dhismay,magaalooyinka majeerteenku dego kuwa kale looma OgollaTusaale waxaa noogu filan.
 
Jabhada ONLF ee ogaadeeniya ee Dagaalka ka waday Soomaali galbeed ee xaqa xurnimada raadinaayey waxan xasuusanaa midkooda Puntland kusoo cararo ineey axmaarada ugu dhiibi jireen sidii arigii ayagoo ku raali galinaayo Amxaarada siduu horreba hadal cad ugu yiri, Farool, Ogaadeen Soomaali maahe ee Af Soomaali ayuu ku hadlaa, maalintaas miyeysan Daarood ahayn Aaweyndaaroodnimadii?
 
Gobollada dalka Sanaag iyo Sool oo ay Puntland sheegato, baahida maamul iyo mida nololeed ee ka jirta, marnaba kama gilgishaan, balse waxaad maalin walba afkooda ka maqlaysaa iney gobolladaasi yihiin Puntland, maamul beeleed magac maahine aan manfac lahayn.
 
Ujeedka aan u soo qaatey arrintan ayaa ah, in sida lala doonayo Ummada Soomaaliyeed ay Maamullada Beelaysan iyo dhaxalka u adeega shisheeyuhu sidan uun ku danbayn doono.
 
La soco Qaybaha dambe.
 
W/Q Cabdalla Salaad kugeey
E-Mail: cabdalasalaad@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.