Soomaaliya & Jabuuti ma xero ayey kala ooteen?

Faallo Keydmedia Online

Taariikhdu waa wax cajiib badan una baahan in noolaha wax badan ka barto kana dhigto cashar wanaagsan xitaa haddii aysan raali galin qofka u joogay, waana wax illaahay dunida dhigay oo noole kastaba Baal uga qoran yahay, oo taariikh wanaagsan iyo mid hiirtaanyo lehba raad reeb uga dhigto, oo qoom iman doono kaga sii sheekeeyaan xusuustooduna ku amaanaan ama tusaale looga dhigto hadba Xiliga xun ee Noolaha aadamiga ugu horeeyo soo mara xusuus adag dhaxalsiisa.

Soomaaliya & Jabuuti ma xero ayey kala ooteen?

Sooyaalku xigsiimo cidna gooni uma siiyo, oo sad wanaagsan cid qaas uguma noqodo waa hadba macaan iyo qaraar ka dhaxeeya ugu yaraan walaalo wada dhashay oo Naas Hooyo wada nuugay oo sida QAABIIL iyo HAABIIL nafta isu qoonsada oo kadibna saan reebkiisu dhaxal sooyaal raad dheer reebo ku dambeeyo.

Yaan ku fogaanin ararta qoraalkayga ee aan u dhaco micnaha uu yeelan karo wajiga maanta yaala geeska ee ina tusinaya sida laba Walaal ah Tuhun uga dhaxeeyo oo Labo kale oo walaalo ah Tashi uga dhaxeeyo, oo dhamaantoodana labada TUHUNKA ka dhaxeeya ay yihiin kuwa kale Cadowgooda 1-aad ee sooyaalka dunida ku dhigan. Hardanka aan macnaha badan lahayn ama isbahaysiga aan macnaha badan lahayn ee Geeska ay ka abuureen Qowm aan anaga ka war qabin oo soo agaasima soona qorsheeya waxan ku fekerno oo raasumaalka nolosha dhaqan dhaqaale iyo siyaasadba ayaa noqda mid Nabad aan caga badan lahayn iyo Colaad aan Joogta ahayn ku dhaxalsiiyey Gayiga aan ku nool nahay.

Eedeynta wiil habar dhashay inuu kaa caqli badiyo oo aad garan weydo inuu kaa garaad badan yahay, taasaa Dulinimo la yiraahdaa, ee haddaad mar garatay waxaad heli karaysaa hadba xalka aad kaga gudbi karto ama uga adkaan lahayd maalin dunida adiga kuu heelanaan doono. Sawirkaasi waa kala duwanaanshaha dhexdeeda yaala ee Feker DIINI ah iyo MID MAADI ahba, oo  aynaan anagu qorshaba ku lahayn inta nolosheena soo jiray ama sooyaalkeenaba.

Waxaa laga yaabaa in qofkastoo soomaali ah is weydiin karo sababta Somaliya iyo Jabuuti uga aloosantay xiisad inteena badan aynaan ka war qabin, ama in badanoo naga mid ah wax macna lehba u arkayn, amaba qolooyin kale u arkaan in tanoo kale hagaajinkarto mustaqbalka ummaddnimada Somalida oo dhan.

Ninba garaadkii iyo intuu gaadho aragtidiisu dhisan tahay, waana waxa qoraagu midka kale kaga duwan yahay aragtida uu aaminsan yahay markaas, taasoo laga yaabo in maalin kalena mid ka duwan la yimaado, waana sida hadba nolosha u dhigan tahay. Waxaano u socdaa waxa khaldamay intii Dowladdeenii la doortay 2017 la dhex joogtay oo waxay daryeel iyo dulqaad samaysayba ku faaqidno, waxaase is leeyahay waxa ugu weyn ee ka khaldamay waxay ugu horeeyo inay tahay khaladaadka ay ka soo kaban weysay ee lagu xusuusan doono markay kursiga banayso.

Khadalaadka siyaaseed ee la galay

Tan iyo markii Madaxweyna farmaajo la doortay waxaa dhacay waxyaabo aan Wali soomaalida dhexdeeda ka dhicin, oo ay ugu horaysay Qaraxii Lagu Hoobtay ee 14 Oktoober 2017, Dhiibistii Qalbidhagax ee Dowladda Itoobiya oo runtii Fashil aad u xun ku dhamaday, Siyaasad Xumada isbahaysiga Geeska Africa ee isku xirka Itoobiya, Somaliya, iyo Eritre, iyo Sida Banaanka Looga dhigay Jabuuti, loona cidleeyey oo ay dusha uun ka daawanaysay waxay noqon karaan siyaasi aan khibrad badan lahayn.

Aan qodobeeyo oo aan midkastaba goonigiisa u dhigo kuna billaabo qodobka koowaad  oo ah Qaraxii lagu hoobtay ee Oktoober, taasoo Somalida oo dhan meel kaliya ka wada eegtay, taasoo ahayd eedeynta Ururka Alshabaab inay ka dambeeyeen.

Dhankaan laga eegin inta badan ayaa ahayd, in Qaraxii ka dhacay Xamar wuxuu ka samaysnaa aan cidna ka war haynin, oo aan loo doonin aqoon yahano, lagana qaadin Samples lagu soo baari meelo LAB, oo xitaa aan laysku howlin sidii loo ogaan lahaa waxa runta ah ee Halaaga intaas la eg geystay nooca ama Maadada sababtay.

Waxaan la yaabay ayaa ahayd in qarankii iyo dowladdii oo dhan u qalbi jabeen sida shacabka u qalbi naxay oo argagax shacabka ku dhacay uga mid noqdeen oo u awoodi waayeen xitaa inay moral ahaan masuuliyadda saarnayd ku koobeen uun inay noqdeen Ambalance dadka kala gurta.

Kala gurista dadka waxaa jara Hanaan dowli ah oo loo maro, ee maaha meelkastoo qarax ka dhaco in shacab lagu sii daayo oo ay noqdaan Gurmadka caafimaadka oo kale, ayadoo maadooyinka qaraxyada laga sameeyey aan la ogayn musiibada beni aadam ee ay sababi karto marka uu qaraxa dhaco kadib.

Dunida meelkastoo dhacdooyin ka dhacaan waxaa isku gadaama Ciidamo, waana la xiraa oo laga go’doomiyaha bulshada inteeda kale, waxaana ugu horeeya oo la sameeyaa baarista waxa meesha ka dhacay, iyo ka taxadirka inuusan saamayn ku yeelan aadamiga nool, ama meeshaas looga qaadin xanuunada faara badan oo aan la holin karin hadduu dadka dhex galo.

Dowladnimadu maaha TACSI TIIRAANYO badan oo shacab loo dirayey ee waxay hayd qorshe u baahan badbaadinta Ummadda iyo dhowrista isku xirnaanta iyo Baarintaan dhab ah oo lagu sameeyey wixii meeshasi ka dhacay oo lala kaashadu dowlado ama hayado ku filan soo bandhigista xaqiiqda meesha taala.

2. Khaladka  kale ee Dowlada farmaajo gashay waa Gaashaan Buuraysiga aan si dagan oo miyir ku jiro loo baandhayn ee kali la orodka noqontay, taasoo macna liita ee sawirka laga qaatay uu noqday oo kaliya ka hortagga Maamul Goboleedyada Itoobiya hoos xuli jiray iyo go’doominta Somaliland Dunida inteeda kale. Fekerka noocaasi ah waa aragti dhextaala arimaha gudaha Somaliya.

Waaba dhacday oo kuba dhaqaaqay madaxweyne farmaajo inuu isku xiray 3 dowladooda oo Midna Jabuuti U cadow ahayd, midna Jabuuti u saaxiib ahayn, waxaase yaab lahayd, waxaysan Itoobiya ku dhaqaaqin in qaranka Somaliyed hogaankiisu ku dhiiraday wuxuuna ahaa khaladkii diblomaasiyadeed ee Siyaasi Soomaaliyeed intuu Taariikhda jiray aan ka dhicin. Waxay ahayd markii Dowladda Somaaliya Mar qura Dowladda JABUUTI kaga NIXIYEY in Dowladda Eritrea CUNAQABATAYNTA HUBKA LAGA QAADO.

La soco Qeybta labaad ee Qormadaan

Ibrahim Abdi Geele

jinniishumi@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.