Soomaaliya oo gashay Booska Ciraaq

Argagixisada Qarniga 21-aad

Ibrahim Abdi Geele — « Qeybtii Koowaad ee Qoraalka« Argagixisada Qarniga 21-aad, waa xeeladda Dhaqaala raadinta Maraykanka iyo xulifadiisa, iyo hirgalinta fekerka ku dhisan New World Order la astaayey horaantii Sagaashamaadka ee ay galbeedka doonayaan inay ku maamulaan dunidan.

Faallo Keydmedia Online
Argagixisada Qarniga 21-aad

Waxaad la yaabaysaa in wixii ka dambeeyey 1991 oo dunida balancegii east iyo west ay kala awood badnaadeen ee ay xoogaa awoodda ah ku hartay in lala soo baxay hab cusub oo new world order-ka lagu hir galinayo taasoo uu qeexay Madaxweyne Bushkii hore, ee uu ku caddeeyey qudbadiisii dalka Kuwayd uu ka jeediyey september 11- 1991, ee uu dunida oo dhan kula hadlayey, asagoo markaa lahaa, dunida waxaa loo dajinayaa nidaam aan ahayn midka duurka iyo xayawaanka isku maamulo, micnahuna ahaa in America ay soo waddo nooc cusub oo ay dunida kula dhaqmayso, mar hadduu cold war kii dhamaaday, ayna doonayso in laga hir galiyo adduunka nidaam ay u dhiseen, taasina waxay keentay in si ay awoodooda u dhisaan ay helaan dhaqaalo iyo miisaan xoog badan oo lagu dhiso awoodda military iyo tan dhaqaale ee dalka maraykanka, iyo in la mideeyo Yurub madaama ay xulifo yihii, taasoo hordhaceeda uu ku sheegay Bushkii hore isku Furista darbiga labada Jarmal ee east iyo west la kala dhax dhigay dagaalkii 2-aad ee ay ku kala qaybsadeen Ruushkii oo Midowgiis Soviet ahaa iyo NATO.

Inkastoo la yirahdo New World Order wuxuu soo billowday dhanka reer galbeedka xiligii Dagaalkii Hitler, haddana dhanka dadka aan islaamka ahayn wuxuu ahaa mid u cusub in global ahaan loo fekero ama laysu balaariyo dunida, waxaanse ugu muhiimsan oo laga xusi karaa project la sameeyey September 2000, oo loo yaqaanay PNAC oo laga soo gaabiyey Project New Amertican Century, oo ula jeedkiisa oo dhanba uu ku urursanaa qarniga cusub iyo dib u dhista iyo dib uqaabaynta dowladda Maraykanka si ay u sii ahaato Global Power Dominant, oo 100-ka sano ee soo socda ay dunida ayada ugu soo xoog badnaato, amaba ay ahaato midda kaliya ee la dhagaysto waa sida ay doonayaane.

Qorshahaas ayaa wuxuu qayb ka noqday, dagaalo fara badan oo dunidan Maanta aan ku nool nahay ka dhacaya oo la yiraahdo dagaalka khayraad raadiska ah (war on crucial resources), ee uu maraykanku ku doonayo inuu helo saliid iyo bir ka badan midda uu hadda haysto, uuna helo new military industrial complex,  oo awood u siinaya inuu helo maraakiib, Gantaalo, Submines, iyo Highly sophisticated ultimate war plane, scientific liabaroties, powerful research oo wada cusub oo Tankooda intuu la eg yahay aysan wali dunida ku riyoon, oo loo design gareeyey as global invasion, looguna tala galay in hal kii Markab uu bilo ka dagaalami karo dunida koonaheeda kale asagoon wax caawimaad ah oo deg deg ah uga baahnayn dalka maraykanka, kuna shaqeeya awoodda nuclear-ka, oo dunida dacaladeeda gaaf wareega si ay u kortaroolaan dhamaan dhaq dhaqaaqa adduunkan aan ku nool nahay.

Hirgalinta Qorshahan ayaa waxay qayb ka tahay habka loo heli karo wuxuu raadinayo Americanka iyo raga la saaxiibka ah ee Yurub, kuwaasoo si isku mid ah u doonaya waxa uu Maraykan ka raadinayo dunida, waxayna si isku mid ah ugu shaqeeyaan dunida oo dhan ayagoo magacyo kala duwan iyo ururo kala duwanba ku dhex yeeshay dunida, waxayna ula tacaamulaan gacmo markay kula joogaan kala duwan laakiin markaad gadaal u raacdo xagga dambe isaga dhagan.

Waxay heshiis buuxda ku yiriin in awoodda reer galbeedku ay ahaato mid lama taabtaan ah oo aan cid wax laga weydiinayaa aysan jirin, waxaad dareemaysaa habka ugu maqcuulsan ee dunida wax uga heli karaan inay ku raadinayaan.

Waa maxay New World Order?

Micnaha luuqad ahaan waxaad moodaysaa inuu qayaxan yahay, oo aad arkayso system cusub iyo aragti cusub iyo dhaqan cusub iyo awood cusub inay dunida u soo baxday, laakiin sida loo dabaqayo ama dunida looga dhaadhicinayo ayaan ahayd mid u baahan in laga fekero, sidaas darted aragtida ayaa waxay noqotay in dunida la maamulo ayna ka amar qaadato dhowr ama hal dowlad oo dunida ayada police ka noqota, hadalka ugu dambeeyana yeelata. Waxayna keentay in aan laga xaajoon diimaha kala duwan iyo fekerada kala duwan, layskuna dayo in la caburiyo, ama laga taqaluso hadba ummaddii loo arko inay xoogaa ka madax adag tahay nidaamkaas ama la qasbo illaa la waafajiyo rabitaankooda.

Si loo hirgaliyo nidaamkani wuxuu ku xirnaaday in la helo saaxiibo fahmaya oo governors ugu noqda dalkastaba, maadaama la doonayo in one world government la hirgalinayo, oo inta koox la ururiyo la soo tababarto kadibna dalkoodii dib loogu celinayo si mustaqbalka ayna ugu hirgaliyaan dowlad ay ayaga dabada ka fadhiyaan kuna illaaliyaan kursiga, ilaa intuu ka dhintana ay ku adkeeyaan, ama u dhiibaan jiil cusub oo ay la yimaadeen oo fulinaya aragtida raggaasi odayaasha ah.

Micnaha waa cad yahay, waa maamul dunida ka aaba ah oo la dhagaysto oo wakiiladii dunida ugu wakiilka ahaa ay u joogaan, ayadoon loo geyn ciidan iyo dabaabado, waxaana la kala iibsanayaa shacabka  dalkasta oo dunida ku nool, kaasoo aan aad u fahamsanayn waxa ka dambeeya in maamul ama dowlad, laysku qabsado, si xuquuq loo helana lagu meel mariyo kacdoon ama violent action. Taasoo ugu dambeyntii asalkeedu yahay anigaa leh, iyo ma lihid. Markastaba reer galbeedka waxaa ayaga muhiim u ah ama Nabad helaya ama amaankiisu ku xiran yahay Cidda waafaqsan fekerka Globalization-ka ah ee dunida loo dajiyey ee laga dhigay (One world, ama Global Village), oo runtii ah Ideology laga dhigayo mid ku wanaagsan in dunida ay tuulo kaliya noqoto, laakiin aan la micnayn wax dhabta ah ee laga leeyahay, ama ka dambeeya. Mar haddii dunidu noqoto one Village, waxay u dhowdahay in Oday dhaqameed maamuli doono, uuna kaasi noqon doono uun ninkii Tuuladaasi isu keenay, waana sida ay tahay ee Ummadda dunida ku nool aan loo sheegayn, Globalization-kuna waa perfect application to attain the world under one system.

World under one system wuxuu u baahday dhaqaalo, taasina waxay keentay in la invade gareeyo dalal badan oo dunida ka mid ah. Gerenal ka mid ahaan Jiray Ciidamada NATO ayaa ka sheekeeyey wuxuu la kulmay mar miiska ay saarnaayeen sida loo qabsan lahaa 7 dal oo dunida muslim-ka ka tirsan muddo 5 ama 6 sanaood ah, taasoo ay ka mid ahayd dalka SOOMAALIYA, ugu dambeyntiina la doonayey in loo bixiyo NEW MIDDLE EAST, xukunkana aad moodaysid in loogu dhiibi doono reer Cabdi casiis Alla Sacuud, maxaa yeelay reer aala sacuud kama shaqeeyaan feker islaami ah, waxay had iyo jeer la safan yihiin kuwa dhabarka jabiya dunida muslim-ka oo dhan.

Haddaan taasi tusaaleeyo, sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar waxay u dhow yihiin in dhaqaalahoodu hoos u dhaco sanadaha soo socda sababtoo ah  shidaalka oo dhaqaalahooda ku xiran dartiisa, kaasoo asaguna aad looga dayrinayo, haddaba sow ma dhici karto in heshiis soomaaliya ka dhan ah inay reer galbeedka la galeen Carabtu, amaba carabtu reer galbeedka heshiis kula galaan oo ay ku doonayaan in khayraadka dalka soomaaliya ka dhigtaan nolosha mustaqbalka carabta, sidii  ay noolaan lahaayeen, ayna doonayaan sidaas darteedna uu reserves u yahay carabta iyo reer galbeedkuba, carabtuna ay dagaal ugu jirto dhamaan khayraadka ummadda soomaaliyeed oo dhan, Aniga shaqsiyan kama shakinayo inay ku fekerayso carab, in waddanka ugu dhaqaalaha badan caalamka carab oo soomaaliya ah, ay doonayso inay ka dhigato future reserves, galbeedkuna ayada wakiil uga ahaato, soomaalina ay aaminsan tahay in carab ay tahay walaaha Muslimka ah, ayadoo maamuladoodu aysan islaam wax dan ah ka lahayn, oo xitaa ay diidayaan, oo ay karantiilayaa dadkeenii, dhuxusheeniina ay u soo dirsadeen rag ganacsato aan waxba garan, iyo ugaartiiba.

Arimaha iskaashiga habka loo dajiyey Global one Village, ayaa keenaya in loo fekero siyaabo kala duwan, waxaa laga yaabaa dunida muslim-ka  mushkiladda ka taagan inay aabe iyo Hooyo ka yihiin Khaliijka, ayna ka mid tahay iskaashiga reer galbeedka iyo Camiiliinta dunida Mislim-ka  ay ka leeyihiin islaamka iyo sida loo hirgalin karo.

Haddaan Tusaale yar ka bixiyo sida uu yahay dhaqaala raadiska maraykanka ayaa meelaha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa dowladaha islaamka ah ee ku yaala bartamaha qaaradda AASIYA, ee sofiyeedka ka mid ahaan jiray, wuxuuna la galay heshiis, dowladahaas waxaa ka mid ahaa dowladdii Islaamiga ahayd ee dalka Afgaanistaan ka dhisnayd ee dunida oo dhan wada Ictiraaftay haba ugu badnaadeen Carabta, kursigii United Nation-kuna ku fadhisay.

Waxaa jira fekero sheegaya in Taalibaan iyo Maraykanku ay isku af dhaafeen habka loo qodayo shidaalka dalka Afgaanistaan si looga faa’ideeyo Ummadda meesha ku dhaqan, qillaafkuna waxaa uu yahay in ay Taalibaaniyiintu ka biya diideen in ay aqbalaan soo jeedin ka timid Maraykanka oo ahayd, inay ay aqbalaan sida loola tacaamulay Carabta oo kale, waxayna keentay inay diidaan, taasoo soo dadajisay dagaalkii lala galay Afgaanistaan laguna Burburiyey nidaamkii Taalibaan, kadibna meesha loo keenay dowlad camiil ah, si ay u fuliso danaha laga waayey raggii meesha laga saaray.

Qorshaha wuxuu ahaa in waddamada AASIYADA DHEXE, laga qodo shidaal, dhuumahiisuna la kala geeyo, Pakistan iyo Balkaniska, oo halkaas laga kala qaato, oo dhul baaxadiisu ay Kumanaan KM tahay dhuumahaas la mariyo. Haybsiga shidaalka iyo raadinta wax sare u qaada Military dalka Maraykanka ayaa gaaray in uu galo conflict, iyo inuu dhiig badan ku daato.

Waxaan daawaday Barnaamij Youtube ku jira, oo ay kaga hadlayaan sida shidaalka ugu baahan yahay Maraykanka iyo sida uu ku raadinayo, waxaana si toos ah kugu sheegaya dad qabiira ah oo kala duwan oo qaarkood la soo shaqeeyeen dowladda maraykanka ah, waxyaaba aan ka xusi karana ay ka mid tahay, sida loo weeraray ciraaq inay ahayd, habka ay ugu sahlanaatay in  lagu helo shidaal deg deg ah, oo howl badan ay ku qabsan lahaayeen. Waxay Yiraahdeen, waxaan is barbar dhignay waddamo badan, Khaliijka waan haysanaa, laakiin aan is barbar dhigno 3 dal, oo kala ah Turkey, Iran iyo Ciraaq.

Waxayna ugu dambayntii yiraahdeen, Iran waa dal is difaaci karo oo Cost galayo, Turkey waa waddan saaxiib ah, Ciraaq ayaa Jilicsan aan garabna lahayne, ayada aan galno, waxayna ugu dambeyntii keentay dagaalka ciraaq inuu noqdo mid aan loogu simin cidna, qof laga dhagaysanayna aanu jirin, ugu dambayntiina hadalkii ahaa shidaal raadinta ee Ciraaq galay wixii itaal laga heli lahaa, laga qaatay, ama sida muuqatay loo caal waayey oo jab iyo dhibaato ka dib ay noqotay in dib looga baxo.

Soomaaliya oo gashay Booska Ciraaq ee dhaqaala raadinta Galbedka

Soomaaliya waxay ka mid tahay 7 dal oo u astaysnayd sida uu sheegay General Howl gab ahaa oo ciidamada maraykanka ka mid ahaa, waxayna noqotay meel ay daraasado is xiga ka wadeen shirkado badan oo Maafiya ahaa oo ka howl galay inta gobol ee hadda dagan, ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo doonayey inay wax uun boobaan, iyo hayado kala duwan oo qiimayn ku sameynayey inay dalka ogaadaan meelaha ugu sahlan uguna wanaagsan ee laga heli karo khayraadka ay u baahan yihiin, iyo sida ugu sahlan ee ay ku heli karaan, ayagoo meelkastaba dhigtay ciddii u fududayn lahayd.

Koofurta Soomaaliya oo ah meesha kaliya ee aan wali laga howl galin ee ay ka taagan tahay dhibaatada, ayaa ah meesha kaliya ee ka badbaaday in sahamadaasi ka dhacaan taasoo ay joogaan inta badan Ururka alshabaab, oo ay Reer galbeedku u yaqaanaan urur Argagixiso. Haddana waa ka nabad qabaan daraasada waalan ee kala duwan ee dalka gudahiisa ay ka wadaan ajaaniib kala duwan oo Yurub u badan. Si loo hirgaliyo damaca in la helo shidaal iyo in ummadda xoolaheeda la boobo, waa waxay ka siman yihiin reer galbeedka.

Tusaale haddaan u soo qaadano, waxaa na soo maray 20 sano ee ugu dambaysay dhacdooyin midna la sharciyeysanayo midna aan sharci ahayn, tusaalaha waxaa ka mid ah, in xeebaha soomaaliya la sumeeyey, khayraadka badda la xaalufinayo, maraakiibtii la qabtay ee ay qabteen wiilasha ee lagu qabtay kaluun badan, wax sharci ah oo dunida ay ka qaaday ma jirto, waxayna fashileen wiilashaas in baddeena aad boob xoogan loogu hayey suntana lagu waday oo aysan kala joogsi lahayn, haddana maraakiib dagaal loo keensaday si howshooda burcad badeednimada ah ugu sii socoto, una qaataan waxxay doonayaan.

Wax micna ah ugama fadhiso reer galbeedku suntan iyo chemicals-ka ay qashin qubka nooga dhigeen, lagana soo daabulo dalalkooda iyo warshadahooda kala duwan, waayo waxay ku difaacaan ayey haystaan, wiilasha sheegaya oo maraakiibta la dagaalamayaa waxay ugu yeereen burcad badeed, ayagoo la og yahay in 24 saac habeen iyo maalin ay Boob ku hayaan xeebaha, dhamaan mediahuna uu sheegayo oo kaliya Burcad badeed soomaali ah oo aysan lahayn xitaa waxaa jira laba burcad badeed.  Taasina ku tusinaysa in howl galka global responsibilities-ka uu yahay uun midda ay ayagu kaligood ogol yihiin ayna doonayaan, inta kalena aysan wax micna ah ugu fadhin, oo shucuubta dunida oo dhan ayey doonayaan in Numbers-kooda hoos loo dhigo, waayo waxay aaminsan yihiin inuu khayraadka dunida aad u sii yaraanayo, si uu u noqdo mid dunida ku filan in ummadda dunida la laayo, waxayna ka mid tahay polices la yiraahdo POPULATION REDUCTION SYSTEM loo sameeyey oo ka mid ah habka dhaqan galinta NEW WORLD ORDER-KA.

Boobka shidaalka wuxuu socdayba wuxuu gaaray inuu dalkeena soo galo oo is qabsiga uu ka dhaco Kenya Nairobi, ayadoo dood la galiyey Neutical Miles-ka soomaaliya iyo Econimic Zone-ka dhanka xeeba dalka, iyo xuduudaha Badda ee Kenya iyo soomaaliya, ayadoo raad raac ay sameysay dowladda Norway la waafajinayo ceelal ay ka sahmisay xuduuda Kenya iyo soomaaliya ee dhanka badda ah, halkaasoo ay ku aragtay meel koleey Muran la galin karayo, taasina ay keentay in Kenya dhaqaalo xoog badan lagu siiyey inay soomaaliya Gudaha u soo gasho ayadoo adeegsanaya ciidamada Kenya iyo cumaaliin Soomaali ah sida Axmed madoobe iyo rag howsha kala shaqeeyey oo Kenya Jooga.

Dhaqan galinta qorshaha dhaqaala raadinta Reer Galbeedka wuxuu joogaa in ciidamada Amisom ay ka mid yihiin jidka ugu wanaagsan ee lagu hir galin karo Natural resources dalka, iyo sida sy u heli karaan national deposit dalkeena, ama violation loogu sameyn karo national deposit, ayadoo wax qawaaniin ah la soo marin, ama sidii ay u suurtoobi lahayd in la bililiqeysto dhaqaalaha keydka ummadda soomaaliyeed. Nabad Ilaalinta dalkuna waxay qayb weyn ka tahay, sloganka lagu invade ama lagu violate garaynayo dalka,  oo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed la gaarsiinayo in ay aqbasho ugu dambeyn waxyaabo badan oo aysan horay u aqbali jirin. Waxaa ka mid ah, system-ka la yiraahdo systematic internevtion, or starvation, ama burburi raja kasta oo ay ummadda yeelato si ay uga niyad jabaan, ugu dambayntiina loo sameeyo some positive things,  oo lagu beer jilicsanayo si ay u aaminaan in markaan ay helayaan waxay doonayeen, laakiin baahida ay qabaan halitaankeedu laga xigsanayo oo ay u muuqanayso inuu nin gacanta ugu hayo, ninkaasina uu yahay ninka cad ee Galbeed ka yimid, ee ku dhawaaqaya waxay ummadda u baahan tahay, laakiin system-ka ama hanaanka lagu hirgalinayo uu isaga  gacanta ku haysto, si aysan uga bixin gacantooda, kooxa badan oo soomaali ahna fulintu waxay doonayaan ay uga wakiil tahay.

Muqdisho oo caasimadda dalka ah  waxaa ka socda dhismo kala duwan iyo rajo, laakiin waxan rajo laga qabin in la dhiso ciidan soomaaliyeed, waayo qorshaha ummadda loo dhigay ayaanay qayb ka ahayn, waxaadna moodaysaa in fekerkii 1960 Aadan cadde iyo cabdirashiid ku raadinayeen uu taagan yahay ee ahaa, in ciidan soomaaliyeed oo dalka illaalin karo la dhiso, kaasoo tiradiisu ahayd markaa 25,000 oo askari oo dalka uu yeesho, waana ka diideen waddamada reer galbeedka waxayna u baahnayd soomaalida kharash dhan in ka badan 200 oo milyan, taasoo ay galbeedka ugu jawaabeen waxaan idin dhisaynaa 5,000 oo Police ah, iyo balan qaad 10 Milyan ah.

Arintaas berigaas taagnayd waxaa laga hoos galay soofiyeedkii oo markaas garab ka raadinayey east Africa oo markiiba keenay qalab military oo dhisay ciidamada dalka kuna caawiyey  military hardwares Tanks T-34, Mig-15, iyo Military advisors, macalimiin, dhaqaatiir, Deeyn,  iyo waxyaabo badan oo ay markaa dowladii cusbayd u baahnayd. Maanta waxaad dareemaysaa dowlad kale oo laga Hoos galo oo ciidanka noo dhistaa inaanu Jirin, oo aad dareemeyso illaa Police dalka in laga dhigayo African. Maxaa yeelay ciidanka dowladda Maanta Joogtaa baahida uu qabo, iyo Tababarka uu leeyahay noockasta uu yahay, wax micna ah malaha, waayo askariga ma haysto mushaar wanaagsan haba yaraatee, mana laha hab ciidan oo la garan karo, umana muuqanayso in ciidan dowladeed la sameyn karo,  nidaamka dhismaha ciidan ummadda leedahay ayaan ahayn mid miiska saran, markaad xamar joogto ayaad si wanaagsan u garanaysaa.

Kala qaybinta gobolada dalka ee kooxkastaba ay gooni ula cararayso, wuxuu qayb ka yahay geedi socodka lagu sii fogaynayo arimaha nabadda dalka, iyo isu keenista ummadda soomaaliyeed, iyo dhismo isfaham ka dhaxeeya qolooyinka, waxayna ku dadaalayaan wakiiladooda inay hadba fuliyaan waxaa ku qoran waraaqaha ay lacagtu ku laaban tahay ee laga keeno Nairobi iyo Addis Ababa, oo cidda u geed fadhisaa ay tahay global interest, iyo hadday sidan diido aniga gobolkaas baan leeyahay. Somaliland iyo Puntland marka horeba dad bay u xiran tahay, howshana waa ka socotaa, laakiin Norway iyo france ayaad moodaysaa in jubbada hoose ay hadda qaybta ugu weyn ku leeyihiin, waana portion-ka ay donayaan inay ku yeeshaan dalka, heshiiskuna waa in reer galbeedku isu ogolaadaan qaybsiga khayraadka dalka, cidday doonaanba ha u mareen.

Hadal  lama dhargo ayaa la yiraahdaaye, haddaan dib ugu noqdo arimaha aan ka soo hadlaynay, waxaan adduunka jirin cid si toos ah ugu kala garqaadaysa mar haddii inta wax garataa aysan cod lahayn, inta awoodda  ku dhaqmaysana ay tahay sida ay ayagu aaminsan yihiin.

Terroris, Axis of Evil, and Radicalism. Militants, Nuclear dispute, Long range Missles agreements, Insurgences, Regime change,Piracy, iyo dhamaan kalimadaha la midka ah, waa ereyada loogu geed galo cidkasta, waana is loganska loo dhiibo dhamaan warbaahinta reer galbeedka laguna caburo cidkasta oo feker ahaan ka duwan reer galbeed-ka iyo cidkastoo xoogaa hub iyo dhaqaale ah isku darsatay xaddaarad ahaana aan ahayn mid aad u fog, warkoodana noqday sources-ka kaliya ee laga qaato macluumaadka dunida oo dhan. Warbaahintoodu waa Afka kaliya ee lagu Burburiyo waxkasta oo ay u baahan yihiin inay ka taqalusaan.

Marka laga hadlayo waxyaabaha terrorist ay yiraahdaa waxaa ugu cajiibsan kalimadda ay islaamka ugu yeereen ee ahayd "ALL MUSLIM ARE NOT TERRORIST, BUT ALL TERRORIST ARE MUSLIM", kalimaddaasi ayaa kuu caddaynaysa in cidda la maagan yahay loo bixiyo, waana erayada u hirgalay ee loo dhiibo wax ma garadka oo dhan, kuna dhaqma laguna dhibaateeyo dad badan oo aan waxba galabsan, wuxuuna dunida ka noqday kalimad crime lagu sameeyo, ama all criminals-ka oo dhan ay ku shaqeystaan.

Waxaan xusuustaa Markuu cabdillaahi Yuusuf Xabashi dalka la yimid, in Kalimadda Taalibaan, iyo qofka Sunnada  ka Muuqato, iyo waliba in xoogaa aad lacag haysato ay isku mid ahayd, oo sidii laguu handadi lahaaba aad noqoto Terror, ama Taalibaan. Iyo Al-qacidda oo runtii magaca ahaan mooyaane aan anigu aaminsanahay inaysan ahayn urur jira oo dhisan oo dunidan manta ka jira, oo meel uu ku dhawaaqay iyo cidda dhistayba aan wali dhawaqeeda la arag laakiin dunida ku caan baxday oo habeen iyo maalin dhagaha dadka lagu shubay.

Intaan waxaan aqris ku jiray waxaan waligeey arkin warqad official ah headerkoodu ku xusan yahay Ururka Al-qacidda iyo system-ka ay u dhisan yihiin  oo kala duwan, amaba cod nin ka mas’uul ah leeyahay oo sheegaya inuu ururkaasi jiro, taasi ayaana igu qasbaysa inaan caddayn buuxda oo maqal iyo muuqaal ah u helo,  haddaan waayana caqliyan aysan ahayn inaan aamino warbaahinta reer galbeedka, iyo dhamaan habkasta oo ay wax u gudbinayaan, maxaa yeelay mas’uuliyad daro weyn baa ku jirta, National Interest waa ay xeerinayaan, ama danaha dalkooda. Sidaa darted baanay ku noqon Karin warbaahin loo qaadan karo mid ka tarjumaysa danaha guud ee dunida, ama meel dhexe ka istaagi karta, waana doqonimo runtii aad aaminto wuxuu nin kuu reason gareeyey, adiga oo aan hubsan, kadibna simple ahaan loo qaato dadkana lagu sii dhax daayo, waana waxyaabaha cawaaqib xumada dunidan manta dhigay, qaasatan dunidan seddexaad.

Shareecadda islaamka ma qabto in waxkastaba lagu qaato sida loo sheegay, waxayna na faraysaa in la xaqiijiyo, waxkasta oo lagu soo gaarsiiyo, si loo hubiyo sax ahaanshaha warbixinta. Taasi waxay hagaajinaysaaa in warka umadda lagu soo dhex tuuro uu markastana gaarin cidkasta oo hadduu been yahayna laga noqdo, hadduu run yahayna si ethic ama aqlaaq badan dadka loo dhex dhigo, loona gaarsiiyo xigmadna loogu daro.

Qofkasta oo soomaali ah waxaa looga baahan yahay in ay kaga faa’iideysato codkeeda lagu dhismayo, ama lagu ururinayo aragtida shaqsiga iyo tan guud, waxayna fursad fiican noo siinaysaa inaan heli karno jidka aan u baahanahay ee dadkeenu fahmayo, iyo qaabka laysugu keeni karo is fahamwaaga dhex yaala ee siyaasiga ah. Waayo dadkeenu ishtimaaci ahaan isuma diidana ee waa siyaasad, meelo kala duwan ku kala xiran, oo aan lahayn principles ka tarjumaya danta guud, micnaha lagu xoojinayaana uu yahay qabiil, ayna ka dambeeyaa aragtiyo kala duwan oo aan soomaali asal u ahayn, cilmiguna ka maqan yahay, ama rag baaba joogee laga fogeeyey, si wax dhisan aysan meesha uga soo bixin.

Maxaa yeelay siyaasiga maanta 100% waxaa role model u ah, nin uu aaminsan yahay oo aan soomaali ahayn, sawirkaas ayaa siinaya inuu qaato aragti nin kale leeyahay, muslim iyo gaal cidduu doonaba ha noqdee. Laakiin waxaan badanaa la xeerin kala duwanaanshaha ummadda dhaqan iyo dabeecad, ayadoo laga yaabo in diin qura la wada haysto ayaan haddana isku si loo deeqsiin Karin marka qofka wax loo sheegayo, oo tusaalayaasha ayaaba kala duwan. Nin waa la qasbaa nina waa nin faham badan, nin waa daacad nina waa nin qiyaano ku nool. Markaa haddii aad carabta Joogto waxaad arkaysaa in daacadnimo iyo midnimo islaamnimo oo si walaalnimo ah ku jirta aadan ku arkaynin, halka ninka soomaaliga ah uu carabka u aaminsan yahay darajo fiican, ayadoo carabta dhexdeeda laga helo Yahuud fara badan iyo Christian fara badan, waxaana u sabab ah inaan islaam u aamino cidkastoo carabi ku hadasha inay tahay Islaam.

Afeef: Qoraalkaygu ugumaan tala galin inaan cid gooni ah ama si gooni ah ugu war yeeleeyo, waxan kugu tala galay uun in wax laga ogaado wadciga dunida ka jira, anigoo aaminsan in aqoontaydu hoosayso, haddana waxaan is leeyahay bal waxa illaahay ku garansiiyey, ciddaad ku dhaanto gaarsoo.

Ibrahim Abdi Geele
jinniishumi@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.