? Soomaaliyeey, Wali hadiinan baran Ogaada: Dagaal Sokeeye dhaxalkiisu waa halaag!- SIR!

DAAWO VIDEO CUSUB / Top Secret (KON) - Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre in la badalo oo lagu badalo Nidaam wadatashi oo Democrati ah Soomaali oo dhan ayaa ku riyooneysay. Ma jirin inta Maskaxda fiyoow Qof islahaa Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre wax ka xun ayaa Wadanka soo mari doona, Nasiibdarase waa dhacday oo waa taas aad idhihiina ku aragtaan.
Faallo Keydmedia Online
? Soomaaliyeey, Wali hadiinan baran Ogaada: Dagaal Sokeeye dhaxalkiisu waa halaag!- SIR!

Dagaalladii ey Jabhadaha SNM, USC, SDM iyo SPM kula jireen Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxaa Afduubay oo ka weeciyay Itijaahii Siyaasadeed, Saraakiil taliska Siyaad Barre ka tirsanaan jiray oo Magac Qabiil iyo mansabad aan jirin ku duulayay.

26. Janaayo. 1991-dii markii Maxamed Siyaad Barre Caasimada Muqdisho laga saaray ayaa waxaa duulaan soo qaaday Ciidamo ey markaas Hogaaminayeen Jeneraalo badan oo aan ka xusi karno Maxamad Saciid Moorgan, waxeyna dulaan ku yimaadeen Ceelasha Biyaha.

Waxaa dagaallo qaraar ka dheceen Ceelasha Biyaha, Afgooye, Jilib, Buundada Araare iyo Sanguuni. Jen. Morgan waxaa garab istaagay  Wadaaddo laga xusi karo Sh, Xasan Daahir Aweys iyo Sh. Cabdullahi Cali Xaashi oo Maantadaan aan joogno ka tirsan Madaxda sare ee Kooxda Shabaab.

Goobtaan waa Buundada Araare, saad arkeysaanba waxaa halkaas ka dhacay Dagaal aan waxba la iskula reeban. Dagaalkaas oo dhaxalkiisu ey yihiin kuwa aad hada dheehaneysaan, waa Hubaal ineysan jirin qolo Tabliiq ahayd.

Yaa yiri Jabhad baa Malaa’ig ah?

Haddaba, Su’aasha ayaa ah: maxaa laga dheehan karaa muuqalkan aad daawanaysid iyo kuwa la midka ah? Maxa laga faaa’iiday dagaaalladii sokeeyee ee uu dagaalkani ka mid ahaa? Maxaa laga dhaxlay duullan beelaad iyo dirir qabiil? Miyeysan muuqan inaan wali lagu cibra qaadan wixii la soo maray ee diif iyo dacar ahaa? Miyeysan waajib ahayan in laga hortago dagaal walba oo magac qabiil wata? Miysan muqaddas ahayn, in laga feejignaado colaad huriyayaasha labaatankii sano ee la soo dhaafay dagaal walba dhexda uga jiray, ee walina ka dhex muuqda Colaad kasta? Saw ma habboona in dirirta Jibbooyinka iyo duullanka socda la hakiyo?

Moorgan Dagaal beeleed ee uusan ku jirin oo dalka ka dhacay ma jiraa?

Haddaba, inagoo eegaynna dhibkii dhacay ee Muuqalkan marqaati nooga yahay, soo idinlama haboona in dhibka, aan dhib kale lagu sii darin, ee loo tafaxayto la iskana kaashado sidii loo heli lahaa Nabad dhexmarta Bulshada Soomaaliyeed oo runahaan Walaalo ah.

Keydmedia ujeedadeedu ma ahan inee Tiraahdo Qoladaas ayaa Qaldaneed, Qoladaas ayaa Saxsaneed, ee ula jeedadu waxey tahay oo kaliyah in ey idiin soo gudbiso Maalintaas, Goobtaas wixii ka dhacay iyo sida ey wax u dhaceen. Mid ka xanaaqa iyo Mid ku farxaba waa Dhacdo Taariikhda Soomaaliyeed maalin soo martay.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.