SSDF & SNM oo weli ku jira Maxmiyada Ethiopia

Dr. Ali. A. Hirabe - Hoolka wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa waxa lagu qabtey munaasabad balaaran oo loogu dabaal degaayey xiligii Ethiopia laga tuurey xukunka keligii taliska ahaa ee Mingiest Hayle Mariam oo 21 sanno ka soo wareegtey.
Faallo Keydmedia Online
SSDF & SNM oo weli ku jira Maxmiyada Ethiopia

Sida oo kale Xaflad lagu maamusay sanad guuradii 21 aad ee ka soo wareegtay xiligii awooda laga tuuray sanadkii 1991-kii Mingistu Hayla Mayran  ayaa iyaduna lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,labadaa xafladood waxaa ka soo qeeyb galay labada qunsul ee Ethiopia u fadhiyo labada gobole ee Hargeeysa iyo Garow,Somalida waxaa aay isweeydiisaa goboladaa ma Ethiopia ayaa leh??

Maxaa keenay in calanki Ethiopia iyo sanadguuradii Zanawi dalka gudihiisa laga xuso iyada oo la ogyahay taariikhda Ethiopia iyo Somali waxiii kala gaaray ???

Rag xilal ka haya ayaa xaflada ka qudbeeyay ayaga oo ilwsan in dhulka,dadka iyo diinta goboladaa aayan la wadaagin Ethiopia dad ahaan diin ahaan iyo dhul ahaan balse aan kala nahay laba dal oo dad ahaan diin aahaan mid kala fog, shacabkii ka qeeybgalay waxaa aay ahaa 100% somali aanan dhiig iyo diin wadaagin Mingisto iyo Zanawi balse hadafka xaflada eey tahay bilow ogolaashaha maxmiyada iyo gumeeysiga cusub ee Ethiopia.

Akhristo ma mudan tahay in xafladaa lagu aflagaadeeyo taliskii Siyaad Bare iyada uu hadafka uu yahay raaligelinta Zanawi ??? SSFD  iyo SNM oo ahaa jabhado guracan oo Ethiopia  abuurtay ayaa weli waxaa socda siyaasad gumeeysi doon ah, xaqiiqdii waa caqabad weeyn maxaa yeelay danaha shaqsiyaadka hogaamiya Garowe iyo Hargeeysa ayaa u muuqda kuwa ka hormarinayaa danaha umada aay hogaamiyaan in aay ka weeyn tahay midka aay ugu adeegayaan dalka Ethiopia balse Rasuulkeena suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: ( (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka cararaa caruurtiisa in uu la mid yahay nin Eebbe ka cararay,Puntland iyo Somaliland inta aay ka cararaayaan Somali ayeey hogdheer ku dhaceen,taasi waxaa sabbab u ah wax magardka hogaamiya labadaa gobol.

Xiligaan qofka xilka qabanaya waxaa quman in uu noqdo xurma-doon shacabka iyo umada uu xilka u hayo ka doono sumcad xurmo iyo amaan,maaha in raaligelinta Zanawi iyo Ethiopia laga hormariyo umada xilka loo hayo,dib u fiiri Madaxweeyne Aadan Cadde,dagaalkii sokeeye ma uusan saameen balse waxaa loogu magacdaray madaarka Muqdisho,iyada oo la ogyahay in dalkaani uu soo maray madaxweeynayaal faro badan,waxaa la joogaa xiligii wax la abuuri lahaa ee lama joogi xiligii wax la guran lahaa.

Kuwa xilka ku raadinaya raaligelinta Zanawi waxaan leenahay Ilaahow naga qabo,waxaan aad ugu xumaaday Sanadguurada Itoobiya oo laga xusay Puntland iyo Somaliland,waxaan is weeydiiyay labada gobol ma Ethiopia ayeey ka tirsan yihiin,maxaa ka galay  sanadguuradii xukunka keligii taliskii Mingiest Hayle Mariam oo 21 sanno ka soo wareegtey.

Waxaa taasi ka sii fool xum in saraakiisha  Ethiopia aay ka qudbeeyaan degaanadaa,waa dhab in laba qunsul aay ku leeyihiin Ethiopia Garowe iyo Hargeeysa bixiyaan VISO dal ku galka Ethiopia,Adno oo aheeyd Wasiiradii hore ee Arimaha Dibada Somaliland  iyo marwadii Ibarahin Xaaji Cigaal ayaa ii xigatay iyada oo dhaheeysa koonfur waa warshadii al-shabab iyada oo la ogtahay in ina adeerkeed weliba jilib hoose aay isla yihiin Godane uu madaxa ka yahay ururka  al-shabab sida oo kale Ibrahim Xaji Jamac Meecaad (Afakhani) oo u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Sacad Muuse.

Abdullahi Gaab waxaa uu u dhashay Isaaq gaar ahaan Arab, Sakariye Ismail Ahmed Hersi waxaa uu u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo sow lama dhihi karo Adna waa Hooyadii Al-shabab ama ayeeyadii al shabab.Akhristow daawo sawirada taariikhda galay ee dhulkii xorta ahaa laga dhigay mid maxmiyd ku hoos jira.

Weli Puntland waa  aay diidan tahay Roadmapka iyo somalinimada halka aad arkeeyso marwalba in Faroole uu u cararo Zanawi Alow Sahar umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe-a@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.