Sumcadda RW ‘Rogane’

Faallo Keydmedia Online

Waxaa aad loo dhalliilay doorka RW Roble ka qaatay ilaalinta xuquuqda Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha u lahaayeen inay sameeyaan bannanbax nabad ah oo usbuuc ka hor lagu dhawaaqay. Waxaa dastuurka ku cad inaan xukuumadda federaalka looga baahneyn fasax si loo qabto bannaanbax.

Sumcadda RW ‘Rogane’

Waxaase dhici karta dad wax ma garato ah ama fidno wadayaal ah ama daneystayaal ah ay siiyeen RW Roble talo qaldan ama waxaa dhici karta in RW Roble ku fashilmay inuu kala ilaaliyo, kala sooco Xilka Xukuumadda xilgaarsiinta ah iyo faragelinta iyo xadgudubyada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday farmaajo. 

Waa dulmi weyn in dowladda federaalka sameysato bannaanbaxyo lagu taagerayo, lagu ammaanayo, isla markaana xoog ku hor istaagto bannaanbaxa mucaaradka, taaso khilaafsan dastuurka, xaqa iyo sinnaanta siyaasadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Weerarka Xukuumadda federaalka u adeegsaday hubka culus, dabaabadaha, iyo qalabka kale ee ciidanka Xoogga dalka wuxuu dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo jiiday magacxumo, dhaleeceeyn, iyo kalsooni darro. 

Xilka Xukuumadda wuxuu ahaa taagerada habsami u dhaca bannaanbaxa iyo ilaalinta guud ee nabadda. Waxaa Midowga Musharrixiinta faafiyeen barnaamijka bannaanbaxa,  saacadda uu bilaabmayo iyo saacadda uu dhammaanayo, iyo mas’uuliiyinta hadlaysa. Waxaa la sheegay in bannaanbaxa lagu qabanayo goob dadweyne (public space) oo dowladda ku qabato bannaanbaaxyada, taaso xaq u siineysa mucaaradka inay ku qabsadaan bannaanbaxooda. Daljirka Dahsoon waa goob dadweyne. 

Waxaa la yaab lahaa sida xukuumadda isugu dhexyaacday markii Midowga Musharrixiinta ku dhawaaqeen bannaanbaxa, taaso xiiso, ahmiyad , iidheh, iyo guul u noqotay bannaanbaxa qabashadiisa ka hor. 

Waxaa intaas soo raacay weerarka saqda dhexe lagu qaaday hotelka Maa’ida ee ay degganaayeen 2 Madaxweyne hore iyo guddoomiye hore barlamaan iyo la dagaalanka xooggaagii sugayay Ammaanka goobta bannaanbaxa iyo la wareegidda goobta, si loo hor istaago bannaanbaxa, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay Xukuumadda federaalka mas’uul ka tahay. 

Waa dambi qarameed RW Roble qorta ugu jira inkastoo la wada og yahay in Madaxweyne hore Farmajo mas’uul ka yahay dhibaatada dhacday. 

Isla marka waxaa subixii lagu weeraray KM4 xubno kale ee ka mid ahaa Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, dhacdaasoo dibedda iyo gudaha laga daawanayay.  Dhacdadaas waxay beenisay warkii RW Roble ka jeediyay idaacadaha ee uu ku sheegay in dagaalkii saqda dhexe ka dhashay weerar ay soo qaadeen koox hubeysan ee maleeshiyad ah. 

Nasiib darro, RW Roble asagoo ogsoon xaaladda nabadgelyo xumo iyo khatarka joogtada ah ee  argagixisada dowladda federaalka u taagweysay ayuu idaacadaha ka sheegay in Xubnaha Midowga Musharrixiinta aysan xaq u kaheyn ciidammo gaar u ah ee ilaaliya nabadgelyada naftooda iyo goobaha ay ku kulmayaan, ayadoo la rabay in Xukuumadda federaalka ku taagerto kuna ammaanto is ilaalintooda iyo isku fillaanshahooda. 

Madaxweynaha iyo RW ayaa lagu aamini waayay ilaalinta ciidanka Soomaaliyeed oo loo baahday ciidan ka socda dalalka Afrika oo Golaha Ammaanka soo ansixiyay. 

Hadalka RW Roble ma aheyn mid munaasib ku ahaa musiibada dhacday saqdii dhexe ee 18-19 Febraayo iyo subixii jimcaha 19 Febraayo 2021. Muwaadiniinta soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay adeegsadaan ilaalo gaar ah (Private security) ama ilaalo ay ku kalsoon yihiin oo ehelkooda ah. Waxaa intaa dheer, xaaladda dagaalka sokeeye iyo dagaalka argagixisada al Shabab darted, Madaxdii hore, Xildhibannada BF iyo mas’uuliinta soo qabatay xilal Sare sida saraakiisha Ciidammada waxay xaq u leeyihiin ciidammo dowladda federaalka mushaar siiso ayadoo la tixgelinayo duruufaha dalku marayo. 

Waa dulmi, marinhabaahin, iyo mas’uuliyad darro in RW Roble ku andacoodo in bannaanbaxa ay soo qabanqaabiyeen ciidammo dowladeed ee hubeysan asagoo ogsoon cidda ku dhawaaqay bannaanbaxa iyo barnaamijka bannaanbaxa oo idaacadaha laga siidaayay. 

Talada la gudboon RW Roble waxay tahay inuu saxo hadalka taarikhxumada ku ah asaga iyo inta wanaagga la jecel, kuna dadaalo inuu maro dhabbaha waafaqsan dastuurka kmg iyo garashada wanaagsan, cidna ka oggolaan in maalin cad karaamada laga qaado. 

Dr. Maxamud M. Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.