Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD

Abdi Osman (Keydmedia Online) - Beryahan waxaa Warbaahinta hareeyey Koox Dowladnimada 22 Sano ka bacdi Soomaaliya usoo bidhaantay isku dayaya in ay carqaladeeyaan haddii ay awoodaan! Kooxdan ayaa isugu jira Dagaal-oogayaal, Rag horey Hanti Qaran u lunsaday, Rag qurbaha howl-gab ku soo noqday iyo Xildhibaanno ka soo jeeda NFD.
Faallo Keydmedia Online
Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD

Raggaan ayaan isku dayayaa in aan wax ka tilmaamo Taariikhdooda Madow iyo Qaladaadka ay Ummadda ka galeen si xaalkoodu uu Ummadda ugu Caddaado waana arrin waajib ku ah Qof kasta oo Soomaali ah oo dalkiisa Jecel in uu ka dhiidhiyo dibindaabyadooda.

Madaxda Dowladda Soomaaliya waa bani aadam oo ma dhahayno ma Qaldami karaan, laakiin waa in Dowladda Talo wax ku ool ah la siiyaa halkii laga Shirqooli lahaa Dalaka deriska ah, sababtoo ah 22 wax Dowladdan dhaama nama soo marin, haddaan duminnana ma hubno in aan wax dhaama iska dhaafe wax iyadoo kala heleyno.

Qoraaladaan lagu soo daabacayo Bogga Keydmedia Online, waxan ku Falanqayn doonaa Taariikhda Madow ee Maxamed Darwiish, C/raxman Baadiyow, C/weli Gaas, Cali Maxamed Geeddi, Cumar C/rashiid, Cali Khaliif Galayr, Axmed Madoobe, C/raxmaan Faroole, Maxamed Cabdi Gaandhi, Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo kuwo kale. Hase yeeshee Qaybtan Koowaad waxaan ku falanqaynaynaa Taariikhda Madow ee Darwiish, C/raxmaan Baadiyow iyo C/weli Gaas.

Waa kuma General Darwiish?

General Darwiish wuxuu Nabadsugidda u Qaabilsanaa (AUN) C/llaahi Yuusuf Axmed, darajada Generaalnimadana waxaa la rumaysan yahay inuu siiyey C/llaahi Yuusuf, waa Ninka asaga iyo afku-dhiige Xuubsireed-ka hadda ka mid ah kooxda SAHAL ee iska leh Website-ka baas abuurka ah ee "Idomaale" ay ka Mas’uulka ahaayeen Xasuuqii iyo tacaddiyadii ka dhacay Xamar xilligii (AUN) C/llaahi Yuusuf, waa nimankii ka mid ahaa Raggii abuuray xerada Ceelasha Biyaha ee ay ku barakaceen in ka badan Afar boqol oo kun (400 000) oo Qof.

Waa xerada loo yiqiinnay (the biggest internaly displaced camp in the world) xerada ugu weyn adduunka ee ay ku jiraan dad dalkooda gudihiisa ku bara kacay, Telefishinka Channel 4 ee Ingiriiska iyo Joornaalka the Mail on Sunday ayaa ku eedeeyey Rag uu ku jiro General Darwiish in ay yihiin danbiilayaal Dagaal (war criminals) ayna galeen xad gudubyo liddi ku ah xuquuqda bani aadamka, hoos ka eeg Dailymail oo soo xiganeysa warbixintooda oo ay cinwaan uga dhigtay: Taliyaha laga baqo ee booliiska Soomaaliya waa digir beegihii Supermarket-ka Tesco! Waxayna Jariidadda warkeeda ku bilowday sidan: Mohamed Warsame Nur ‘Darwiish’, who has been accused of war crimes in conflict-ravaged Somalia, was employed through an agency to drive trucks and pack peas at the supermarket giant’s depot near Daventry, Northants, until late 2006. Now he is General Darwiish, head of the National Security Agency (NSA), the Somali equivalent of the CIA, which is responsible for detaining and interrogating terrorist suspects. The agency is accused of unlawfully imprisoning and torturing hundreds of citizens and launching many other repressive security operations.

Darwiish laguma eedeynin oo kaliya inuu ahaa Dad qalato ee waxaa kale lagu eedeeyey inuu Lunsaday Lacag 3-Malyan ah oo ahayd Deeq ay Dowladda Cummaan Soomaaliya ugu deeqday sida ay guddiga Monitoring-ka ee UN-ka sheegeen oo caddeyneysa in Darwiish iyo C/llaahi Yuusuf ay diideen in Lacagta Bankiga lagu shubo halka Nuur Cadde uu dalbaday arrintaas, aakhirkiina lacagtaas la lunsaday: "General Darawiish confirmed to the Monitoring Group that the Government of Oman had previously provided US$3 million in security assistance to the NSA and stated that the funds had been used to pay salaries to the Somali security forces, as well as to purchase rations and basic equipment.31 However, a former NSA official told the Monitoring Group that a dispute had arisen between former President Abdillahi Yusuf and former PM Nur Hassan Hussein ‘Adde’ over the allocation of the Omani funds: the PM wanted the money to be deposited into the Central Bank of Somalia account, but the President and General Darawiish had disagreed.32 According to the official: “The money simply disappeared and was never accounted for.” Eeg Warbixinta Guddiga ee 2012 Bogga 41-42.

Darwiish waxaa lagu xasuustaa in lagu eedeeyey in Dadka Xamar uu gadan jiray iyaga oo nool oo xaalku uu ahaa ama in ay Lacag bixiyaan ama General Gabre uu u dhiibo. Darwiish Aakhirkii waxaa xilkii ka qaaday (AUN) Cumar Xaashi Aadan oo ahaa Wasiirkii Amniga Qaranka ka dib markii dal iyo dibadba dhibkiisa laga ashahaatay.

Darwiish wuxuu ka mid yahay Ragga hadda Mas’uulka ka ah Xasuuqa iyo barakaca lagu hayo dadka masaakiinta ah ee reer Kismaayo iyagoo adeegsanayo Ciidamada Kenya, ninka danbiyadaas intaas le’eg galay ma doonayaa ayey idinla tahay inuu nidaam dhaco oo Dowlad Cadaalad ah oo danbiyadiisa dabagasha in ay Soomaaliya ka dhalato? Darwiish xalka uu Soomaaliya u hayo muxuu yahay Akhyaarey?

Waa kuma Dr. C/raxmaan Baadiyow?

Dr. C/raxmaan Baadiyow xalka uu Soomaaliya u hayo bal aan ka eegno CV giisa (Taariikhdiisa Aqooneed iyo midda xirfadeed) si practical ah, wuxuu ilaa muddo aad u fog ahaa Madaxda fulinta ugu sarreysa ee ururka Al-Islaax, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Islaax xaggey ku danbeysay yaase halkaas ay Maanta taallo dhigay?

Sheekadiisu way dheer tahay Laakiin waxaa nagu filan inan ka soo qaadanno Labo dhacdo oo Ururka Islaax burburisay oo uu asaga Mas’uul ka ahaa, tan Koowaad waa markii 2006 xilligii maxkamdaha, waagaas Al-islaax waxay ahayd Ururka ugu saamaynta badan gudaha Soomaaliya, in ay midaysnaayee ka Sokow, waxbarashada iyo gargaarka Soomaaliya iyaga ayaa Gacanta ku hayey, markii C/llaahi Yuusuf uu Ciidamadii Itoobiya keensaday, ayaa Dr. Cali shiikh Axmed Abuubakar ( Cali Dheere) oo aan marnaba qarinin in C/llaahi Yuusuf ay saaxiibbo ahaayeen iyo Baadiyow Rag ay ku jiraan waxa ay diideen in Mowqif cad ay Islaax iska taagto duullaanka iyo xasuuqa Itoobiya taasoo keentay in Raggii Islaax ugu waaweynaa Koonfurta Soomaliya, sida Dr. Maxamed Cali Ibrahin, Shiikh C/qaadir Kutub, Shiikh Nuur Baaruud, Cumar Daahir, Shiikh Maxamed Saruur iyo C/kariin Xuseen Guuleed Rag ay hoggaaminayeen ay ka baxaan Islaax oo la baxaan Dam-Jadiid kaaga darane waxay sii wateen maamulkii goobihii waxbarsho ee ay gacanta ku hayeen iyo dhammaan adeegyadii kheyriga ahaa taasoo burburisay islaaxii koonfurta Soomaaliya oo ay ka soo hartay Jaamacadda Muqdisho oo Baadiyow iyo saaxiibkiis Cali sheikh Axmed Abuubakar (Cali Dheere) ay gacanta ku hayeen.

Baadiyow xalka uu Soomaaliya hadda Nairobi ugu hayo oo uu isugu keenaya Ummadda Soomali muxuu u adeegsan waayey waa hore si uu isugu keeno Islaaxa u kala baxay Islaax iyo Dam-jadiid? Dhaawacaas ka bacdi Islaax Koonfurta Soomaaliya Magac unbuu ku ahaa kamana muuqan Saaxada waxay isugu soo hartay xoogaa Puntland joogta, xoogaa Somaliland Joogta, xoogaa Kenya joogta iyo xoogaa Jabuuti joogta.

Odayaashii Islaax aasaasay Qaarkood sida Shiikh Garyare iyo Dr. Maxmed Yuusuf ayaa isku dayey in ay Islaax iyo Dam-Jadiid dib isugu soo celiyaan guddi xaqiiqo raadis ah ayey u saareen xilligii Dowladdii Shiikh Shariif, guddigii oo soo gabagabeeyey Warbixintooda sida aan maqlayna Baadiyow iyo Cali Dheere eedda dusha ka saaray ayey haddana Baadiyow, Cali Dheere iyo Cali Baashi oo guddiga fulinta Islaaxii Dam-jadiid ka harey u ahaa iyo Dusuuqi waxay maleegeen shirqool kale, waxay go’aansadeen in Baadiyow uu u tartamo Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya 2012ki, laakiin arrintaasi waxay u baahneyd in Baarlamaanka Islaax (oo Majlis Shuuro) loo yaqaanno inuu ansixiyo.

Baadiyow iyo kooxdiisa waxay dareemeen in Majlis Shuurada Islaax uu diidi doono (Taasoo ahayd Go’aanka Islaax ee ku salaysnaa in xilligaan aan laga qaybqaadan tartanka Madaxtimada Soomaaliya) markaas ayey Kooxda Baadiyow kal fadhigii Baarlamaanka Islaax (Majliska shuurada) ee lagu waday inuu Hargeysa ka dhaco ay isku dayeen in ay baajiyaan iyadoo wufuuddii ka kala timid ilaa Maraykanka iyo Canada, guddiga fulinta ee kooxda Baadiyow ayaa laga rabay inay diyaariyaan agaasinka shirka Majlis Shuuraha laakiin si aan shirqoolkooda loo carqaladeyn, ayey  dhaheen xilligaan lama qaban karo shirka Majlis Shuuraha taas ayaa keentay in Islaax wixii Dam-jadiid ka haray ay sii kala Jabaan oo Shiikh Garyare iyo Dr. Maxamed yuusuf oo ka mid ahaa aasaasayaashii Islaax ay ku dhawaaqaan in la Tajmiidiyey (shaqada laga joojiyey) qaswadayaasha Cali dheere iyo Cali Baashi oo ahaa kooxda Baadiyow ayna tahay in baaritaan lagu sameeyo shirqooladooda, arrintani waxay ka danbeysay ka dib markii uu Majlish Shuurihii shirkiisi Hargeisa qabsoomay, lana go’aamiyey inuusan Baadiyow u tartami karin madaxtinimada Soomaaliya xilligaan isgagoo matalaya Islaax, hase yeeshee Baadiyow maxaa la gudboonaa ma in uu u tartamo madaxtinimo uusan hubin inuu ku guuleysanayo, Islaaxna ku burburayso inuu galo mise inuu iska dhaafo musharraxnimada oo uu ilaaliyo mindimada ururkiisa (xisbigiisa) Islaax?

Qof kasta oo Siyaasad yaqaanno ama xitaa maskax fayoow qaba wuxuu dhihi lahaa war MIRO GUNTI KU JIRA (midnimada Islaax) LOOMA DAADIYO KUWO GEED SAARAN (madaxnimo in aan ku guulaysanaa aan la ogeyn) ee aan iska dhaafo tartankaan madaxtinimada, laakiin Baadiyow howshiisa ayuu sii watay, waana tii Islaax BBCda iyo VOAda ay isgugu jawaabeysey ee la ogaa 2012 ki, sidaas ayuuna Baadiyow ku waayey labadii miro dhamaantood oo kuwii guntiga ku jiray way ka daateen (Islaax midnimadeeda maalintaas ayaa u danbeysay) kuwii geedka saarnaana ma helin (oo wareeggii koowaad ee tartankii madaxtinimada ayuu ku haray), ninka wax asaga ku xiran (inuu musharraxnimada iska dhaafo) oo uu urukiisii ku burburayo ka tanaasuli waayey maslaxad darteed, Soomaali burbur ma ka celinayaa oo danaheeda oo aan mararka qaarkood isaga ku xirneen ma u tanaasulayaa.

Akhyaarey xaaladda Baadiyow ma aragteen? Haddii ay kula tahay inaan ku been abuuranayo Qof walbow arrintaan baar adiga, oo weydii Qofkii Islaax ah ama ahaan jiray ee aad aragto. Ninkaad kabo ka talaneyso kabihiisa ayaa la eegaa ayey Soomaalidu tiraahdaa, Baadiyoow hadda wuxu Nairobi u fadhiyaa oo uu ku doodayaa inuu Soomaaliya xal u hayo, bal xalka uu Soomaalida isugu keenayo muxuu isugu keeni waayey ururkiisi uu ku soo cirreystay, Soomaaliya iska dhaafee Al-islaax xal ma u hayaa Baadiyoow, walaalayaalow su’aashaas Baadiyow weydiiya adduunyada Ninka Shirkad uu madax ka yahay ay burburto shirkad kale looma dhiibo.

Baadiyow wuxuu yiri dowladda Soomaaliya waa fashilantay, laakiin annagu waxan leenahay Baadiyobow dowladda Somaliya ma fashilmin ee waxaa fashilantay Al-Islaax adiga rag aad ku jirto ayaana fashiliyey ee xalka aad Soomaaliya u hayso ku badbaadi Al-Islaax. Baadiyow xaalkiisa iyo wuxu yahay intaas ayaa nooga filan ee baadiyihiisa ha iska aado.

Waa kuma Dr. C/weli Gaas?

Cabdiweli Gaas waa lagu eedeyaa inuu yahay masiibo qarsoon muuqaalka korena uu ugu egyahay Qof daacad ah laakiin daaha gadaashiisa Soomaaliya ka qasa, waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Sheekh Shariif uu soo dhaweysto C/weli oo cay la daba taagnaa Sheikh Shariif xilligii C/llahi Yusuf, taasi oo ay Rag badan ku sifeeyeen in Sheekh Shariif uusan aragti fog lahayn, C/weli wuxuu soo bartay cilmiga Dhaqaalaha wuxuu Soomaaliya ra’sulwasaare ka ahaa June 2011 ilaa October 2012 bal aan eegno wixii Soomaaliya ka dhacay intii uu xukunka hayey.

Xag Dhaqaale Bankiga oo dhowr Milyan oo Doolar uu Farmaajo uga tagay ayuu C/weli yimid (Eeg Farmaajo oo arrintaas qiraya Video-ga Tartankii madaxnimada Soomaaliya), C/weli markii uu xilka ka tagayeyna Wasaarad kasta deyn ayaa lagu lahaa, Bankiguna Shilin ma oollin, dowladda Xasan Shiikh ayaa qirtay arrintaas, habayaraatee ma cadda sidii loo maamulay Lacagahii soo galay Soomaaliya xilligiisi.

UN Monitoring-ka waxay ku eedeeyeen xilligii C/weli in Lacago badan la lunsaday oo C/weli Lacagta uu sheegay in ay Bankiga soo gashay oo la diiwaan geliyay ay ka yar tahay Lacagta uu Wasiirkiisii Maaliyadda sheegay "The Monitoring Group has confirmed that the UAE donated US $10,000,000 to the Farmaajo administration and US$5,000,000 to the Abdiweli administration.27 Lastly, TFG PM Abdiweli Ali informed the SEMG that the US$15 million from the UAE had been wrongly reported. He noted that in 2011 the Farmaajo Administration had received US$10,000,000 from the UAE, but only deposited US$6,500,000 to the Central Bank, and that his administration had received US$5,000,000, which was entirely deposited into the Central Bank account.28 The SEMG could not reach the Central Bank to confirm these claims and the Prime Minister could not understand why his Ministry of Finance had reported a higher amount than that registered by the Central Bank of Somalia" eeg warbixintooda 2012 bogga 39, xagga Amniga wuxuu Xukunka qabtay iyadoo Xamar laga xoreeyey Al-Shabaab marka laga reebo Huruwaa iyo Dayniile markuu ka dagayeyna waxaa la joogay Afgooye waa muddo sanad iyo 4 bilood ah, waxaa lagu eedeeyey C/weli inuu amar ku bixiyey birihii yaallay dekedda muqdisho in loo raro dhinaca Puntland!

Arrintaas oo fadeexad noqotay, C/weli Gaas waa ninka kariyey oo bisleeyey musiibada hadda ka taagan Jubbooyinka, wuxuu oggolaaday in Beelaha Absame, Sade iyo Harti kaliya ay ka tashadaan arrimaha Jubbooyinka oo laga tago Qabaa’ilka kale ee Soomaaliyeed ee deegaanka rasmiga u leh Jubbooyinka, wuxuu Shirarka Kooxdaan hoos uga dirsan Jiray (inuu dowladda Soomaaliya u matalo) Wasiiru dowlihii arrimaha gudaha ee dowladdiisa Maxamed Maxamuud Aadan (Indha Geelle) oo isna ku reer ah qabaa’ilka awalba meesha ku tashanayey isagoo meesha ka saaray oo talo iyo inuu dowr ku yeesho u diiday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee waagaas C/samad Macallin Maxamuud, waa ninka lagu eedeeyey in uu si qarsoodi ah ula heshiiyey in ay ciidamada Kenya amar la’aan dalka Soomaaliya soo galaan iyagoo gacan siinaya Ururka xag jirka ee Raaskaanbooni iyadoo Madaxweynihii iyo Baarlamaankii dalka aysan ogeyn, si maamul xaraan ah oo sida Puntland oo kale laf dhuungashay ku noqdo dowladda Soomaaliya, looga dhoodhoobo meesha.

C/weli Gaas waa Ninka ansixiyey degmooyin uu isagu reerkiisa u magacaabay ee haddana diiday degmooyin magaalada Garowe ka facweyn oo uu shiikh Shariif magacaabay, waa ninka bisleeyey dastuurkan macmalka ah ee lagu jaangooyey danaha Puntland ee loo diiday in cid ay wax ka bedesho sidii inuu yahay Qur’aan, waa ninka maamulka Axmed Madoobe ee Dastuurka khilaafsan Shanta qaaradood uga ololeynaya in la aqoonsado, waa ninka afkiisa ka qirtay inuu Puntland sed bursi dheeri oo aysan xaq u lahayn ka siiyey wixii Soomaaliya loogu deeqay, waa Ninka lagu tuhunsan yahay inuu hay’adaha UN-ka Soomaaliya ka dhaadhiciyey inay xarun ka sameystaan Garowe halkii Xamar ay imaan lahaayeen oo saamiga deeqaha Soomaaliya 3 meelood qeyb ahaan laga siiyo Puntland sidii iyadoo shacabka Puntland ku nool ay tiradoodu dhan tahay 3 qaybood oo qayb ahaan tirada dadka Soomaaliya, C/weli waa Ninka Shirarkii Xaalamiga ahaa ee ay Dowladda Federaalka ah ka qayb geli lahayd u oggolaaday in ay Puntland ka qayb gasho sidii iyadoo Puntland ay Soomaali oo dhan matasho.

Sawirka waa Shir Waxbarashada Africa looga hadlayey oo ka dhacay Gaana kaasoo la rabay in ay Dowladda Federaalka ka qaybgasho laakiin Puntland ayuu C/weli u gartay inay matasho Soomaaliya, xaalku sow uma eka ninka musanbiigga ah inuu la yaaban yahay Soomaalida ay Puntland Shirka u matalayso! Halkan ka eeg warqadda si dadban loogu oggolaaday in ay puntland ka qayb gasho shirkaas iyadoo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhiirrigelinayso maamul goboleedyada ( yacni Puntland sababtoo ah maamulladii kale sida Galmudug kama qayb gelin) ay dowrkooda ciyaaraan (sida ka qaybgalka shirkan oo kale).

Waxaa Warqadda qoray July 2012 Wasiirkii Waxbarashada ee C/weli Gaas Axmed Ceydiid waxayna si toos ah ugu socotay Global Partnership for Education (GPE) iyadoo Warqadda qaybteeda hore lagu codsaday in ay Soomaaliya ururkaas member ka noqoto ayaa markii la oggolaaday halkii ay dowladda Federaalka ah ka qayb geli lahayd oo faa’idooyinka ka soo baxana ay gobollada Soomaaliya oo dhan ugu qaybin lahayd ayaa la oggolaaday in ay Puntland ka qayb gasho shirka oo faa’idooyinka shirkana kaligeed qaadato sida ka muuqato hadalka soo socda ee ay puntland qortay! Sawirka waxaan ka soo qaatay maamulka Puntland Websiteyadiisa midkood, laakiin warqadda waxaan ka helay meel kale. Bal Akhyaareey warka soo socda ee ay Puntland ku qortay website-yadeeda dhuuxa ka bacdi C/weli Gaas go’aan ka gaara:

Magaaladda Accra ee wadanka Ghana waxaa lagu qabtay shirwayne 25 ilaa 27 September 2012 kaas oo ay isugu yimaadeen in ka badan 25 wadan oo Africaan ah, kuwaas oo xubna ka ah urur waynaha lagu magacaabo Global Partnership for Education (GPE)…..Shirkaas waxaa Puntland uga qayb-galay wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashadda Mr. Maxamed C/wahab Axmed. Faaiidooyinka shirkaas uga soo hoyday Puntland waxaa ka mid ah:

    In Puntland laga caawiyo mushaaraadka macalimiinta dugsiyada hoose dhexe
    In laga caawiyo tababarka, tayaynta macalimiinta iyo hagaajinta maamulkoodaba
    In laga caawiyo horumarinta wxbarashada gabdhaha ardayda ah iyo kuwa macalimiinta ahba
    In Puntland laga caawiyo dib u fiirinta iyo horumarinta qorshaha waxbarasho ee 5 sano 2012-2017)

Bal u fiirsada faa’idooyinka Shirka ka soo baxay maxaa Dowladda federaalka ka soo gaaray? Wixii manfac ahaa ee shirka ka soo baxay waxaa qaatay Puntland oo dowladdii federaalka ahayd matashay bal Soomaalida kale Puntland wakiillo matala ma ku leeyihiin sida ay Puntland wakiilo matala ugu leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, C/weli Gaas sidaas ayuu Phd ku haystaa oo uu maamul aqoon ku yahay!

C/weli waa Ninka kibriyey Faroole ee Dowladda Federaalka ka dhigay mid laga hago Garowe, C/weli oo 70% dhibaatada manta haysata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligiisi abuurantay xal Malaga sugayaa akhyaarey?

La soco qaybaha danbe ee Taariikhda Madow ee Ragga kale …..

Abdi Osman - Adam2025@gmail.com
Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.