In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Bulsho kasta ee soomaaliyeed waxay lahayd hoggaamiye lagu soo dooran juiray hab dimuqraadi ah. Xilka hoggamiyenimo waxa loo dooran jiray qofba qofka uu ka garaad sarreyey kana baruud iyo karaamo badnaa.
Gumeysigii reer Yurub, markii uu dhulka soomaaliyeed qabsaday, wuxuu nidaamkii doorashada hoggaaamiyaalka bulshooyinka u beddelay qaab magacaabis. Wixii markaa ka dambeeyey hoggaamiyaalkaasi waxay noqdeen dad mushaharo qaata ee uu gumeystuhu u adeegsado xakamaynta dadweynaha hoos yimaada.
markii xurriyadii la qaatay, waxaa dalka laga dhisay nidaam dastuuri ah ee ku salaysan dhaqankii dimuqraadiga ahaa iyo doorashada xorta ah, waxaana dalka laga hirgeliyey nidaam siyaasadeed ee ku dhisan wadar xisbiilaha oo waxaa la qabtay doorashooyin guud ee lagu doortay Gole Shacbi oo isagana doorta Madaxweyne.
Nidaamkaas, inkasta uu curdun ahaa, wuxuu shaqayey muddo 9 sano ah, ayada oo aan wax weyn laga dhaxlin.
Nidaamkii Dastuuriga ah waxaa afgembiyey koox ka mid ahayd Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee la magac baxay Golaha Sare ee Kacaanka ee uu hoggaaminayey Jen. Maxamed Siyaad Barre.
Golihii Sare ee Kacaanku, markii uu talaga dalka la wareegay, wuxuu laalay dastuurkii dalka, isla markaana waxaa uu xabsiga u taxaabay madaxdii hayadihii Dastuuriga ahaa.
Golihii Sare ee Kacaanka wuxuu ballanqaaday in uu dalka u dejin doono nidaam oggol wadar xisbi, ka dibna uu abaabuli doono doorashooyin guud ee xor ah.
Xukunkii caskariga ahaa ma fulinin ballaqaadkiisii ahaa inuu dalka ka abaabulo doorashooyin guud ee xor ah, bal waxaa uu caddeystay dictatooriyad iyo Inuu ku tunto xuquuqul Insaanka.
Kud ka guur oo qanje u guur
Markii ay burburtay xukuumaddii dhexe, waxaa dalka ka hanaqaaday hoggaamiye-kooxeedyo ama qabqablayaal dagaal oo dadka kadeeday isla markaana u diiday hurdo iyo hoyaad.Waxaad moodaa in kooxahaasi aysan lahayn hadaf siyaasadeed , bal ay ahaayeen burcad ujeeddadoodu ahayd xoolo-aruursi iyo inay is-hortaaggaan dadaal kasta oo loo galo soo celinta nidaam guud iyo kala dabeyn.
Ayada oo loo maaro láyahay qabqablayaalkii dagaalka ayaa waxaa u soo baxay Maxaakimta Islaamiga ah oo Ihaahay guusha ka siiyey, meeshana ka saaray qabqablayaalkaasi.
Maxaakimta Islaamiga waxaa meesha ka saaray cadowgii labajeesoodka ahaa ee Itoobiya iyo Mareykanka oo isku bahaystay inay baqtiiyaan iftiinkii iyo rajadii lixda bilood ku sinnaa.
Khilaafkii soo kala dhexgalay Maxaakimtii Islaamiga iyo guud ahaan muqaawimada ayaa guushii hore ay soo hooyeen Maxaakimta ka dhigay wax dhalanteed ahaa.
Ka dib markii uu dalka ka baxay cadawgii Xabashida, waxaa soo ifbaxay kooxo sheeganaya magac diimeed oo dhammaan doonaya inay xukunka xoog ku qasadaan, hadalkoodana laga dhadhansanayo inay ayaga oo kaliya xaq u leeyihiin inay qabtaan talada dalka.
Marka la eego falalka waxshinnimada ah oo ay ku kacayaan qaar ka mid ah kooxahaasi, waxaa caano iyo nabad noqanaaya wixii ay ku kici jireen qabqablayaalkii dagaalka.
Maanta waxaa la isku raacsan yahay ee Golaha Shacabku jideeyey in dalka iyo dadka lagu dhaqo Shareecada; waxaase muran ka taagan yahay: Yaa ku dhaqaya???
Koox kasta waxay qabtaa inay ayada oo kaliya xaq u leedahay inay Kitaabka wax ku dhaqdo oo dabaqdo Shareecada Islaamka. Miyuusan Shacabku xaq u lahayn inuu isagu doorta cidda hoggaanka u qabanaysa oo ku dhaqaysa Shareecada Islaamka?
Ma is-diidayaan Shareecada Islaamka iyo doorasho xaq iyo xorba ah ee ka dhacda dalka Soomaaliyeed?
Talada oo dadweynaha loo celiyo ayaa ah xalka kaliya oo lagu soo afjari karo dagaallada iyo loollanka siyaasadeed ee ka socda dalkeenna. Taasina waxay ku suurto geli kartaa in kooxa ku hardamaya awoodda dalka ay:
Add comment
Comments