Talooyin M/weyne & Shuruudaha Xulashada Ra’isulwasaaraha! - By C/qaadir Maxamed

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. - Mudane Madaxweynaheena cusubow (Prof. Xassan Sh. Maxamuud) Ummada Soomaaliyeed waxeey kuu heeysaa taageero aad u balaaran "HADA!" meel kastaba ha joogtee...

Faallo Keydmedia Online
Talooyin M/weyne & Shuruudaha Xulashada Ra’isulwasaaraha! - By C/qaadir Maxamed
Waxeey kuusoo wada dhaweeynayaan si aad u qalbi furan, iyagoo og in aad tahay shaqsi aqoon leh, kana tirsanaa hogaanka bulshada rayidka ah, waliba og in aad tahay hogaamiye aaneey gacmihiisu ka disqeyn Dhiigii Ummada.
 
Doorashadii lagu doorteyna Ummada Soomaaliyeed waxeey galisey rajo aad u heersareeysa, balse waxeey ka dhursugayaan, nuuca iyo qaabka aad usoo xulandoonto Primeminster-kaada, oo aan marnaba xaqiiqdii sahlaneyn. Balse waxaan jeclaan laheyn in aan inagoo wanaagaada iyo kan ummadeenaba jecel, ku talo siino, oo sidan aad wax yeesho, insha Allaah.

SHURUUDO IYO TALO SIIN MADAXWEYNE

1-Mudane madaxweyne, Primeminster-ka aad soo xuleeyso waa in uu ahaado mid: Aqoon, khibrad, waayo-aragnimo ku filan, iyo taariikh waxqabad leh, taasoo looga qiyaas qaadankaro waxqabadkiisa mustaqbalka.

2-Mudane madaxweyne, mas’uulka aad soo xuleyso waa in aanu noqon, shaqsi eey kuu keensadeen Dowlado shisheeye, danaha eey inaga leeyihiin darteed, sida Arimaha Badda, iyo ceelasha Shidaal ee ay ka qodan rabaan gudaha soohdinta Badeena baaxada leh, iyo qorshahooda eey gobollada Dalka qaar ka mid ah, nidaamka maqaar-saar ah uga sameeynayaan, si mustaqbalka fog eey ugu darsadaan dalkooda, waa hadii duruufuhu u saamaxaan’e.

3-Waa in uu noqdaa shaqsigaasi, mid sidaada oo kale aaminsan in nabada geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo, wadahadalna lala furo cidkasta oo Soomaali ah iyo cidkasta oo eey quseeyso nabada Dalkeea hooyo. Ileyn Xabad oo kaliya xal noqonmeeyso'e. Iyadoo taa uu ka duulayana xooga saara tayeynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), si fursad loogu helo in waqti xadidan (deadline) loogu sameeyo siijoogitaanka Ciidamada Ajaanibta ah ee dalka jooga, kuwaasoo dhibkooda iyo culeyskoodaba leh, si looga maarmo in ciidamadaa Ajaanibta ahi eey wadanka iska sii joogaan intii eey doonaan, ilaalana u noqdaan Madaxdii ugu sareysey Qaranka, sidaana u dhex taagnaadaan Sirtii Qaranka iyo xarumihii ugu muhiimsanaa ee Dowladeena.

4-Mudane Madaxweeyne, Primeminster-ka aad soo wado, waa in aanu ahaan shaqsi Dowlad Gobolled eey wadato, oo eey ku dooneeyso in danteeda gaarka ahi, uu ugu jujuubo dantii guud ee Qaranka, ee ummada Soomaaliyeed oo dhami kawada dhaxeeysey, meelkastaba ha joogaane. Hadii taasi dhacdana waxeey keeneeysaa in hogaanka Dowlad goboleedkaasi-Oo ka goowsgaba Ra'iuslwazaarahaasi-, isu arko in uu wadankaba isaga Madaxweyne si dadban uga yahay, sidaana awood dheeri ah isu bido, horumarka, nabada iyo hanaanka dowladnimana caqabad xoogan ku noqdo.

Ugu dambeyntiina kula cayaara Game-kii dowladihii kaa horeeyey lala cayaarey ee ahaa “Teeydana Gaar u lihi, tan Guudna kula lihi” sida Dakhliga Dakadaha dalka, deeqaha waxbarasho ee la helo, iyo waxkastoo anfac leh ee bulshada caalamka Dowladaadu ka hesho.

5-Primeminster-ka aad soo wado, waa in uu ahaadaa shaqsi eey ka go'antahay in uu sii dardar galiyo wadahadallada u biloowdey walaalaha Koofureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka, si "Midnimada dalka ee muqadaska ah” dhidibada loogu adkeeyo, iyadoo wadada kaliya ee loo marayana tahay, mid is ixtiraam, is qadarin, isugaroowsasho wixii dhacay iyo mid walaaltinimo, iyadoo dhinaca kalena, la unkayo koox qubaro Soomaali ah wadaniyad dhab ahna lagu xuley, kuwaasoo loo xilsaarayo ka hortaga, iyo u babacdhigida cadowga gudaha iyo kuwa shisheeye ee midnimada dalka iyo wadajirka ummadeena walaalaha ah kasoo horjeeda, dacaayadaha raqiista ah ee joogtada ahna meelkasta la taagan, iyagoo hadafkoodu yahay in dalka iyo dadka lakala qeybiyo.

6-Mudane madaxweyne, waxaa sidoo kale muhiim ah, oo aan kugula dardaarmi lahaa, in "Qabyo Qoraalkii Halista ahaa", aadan ka seexan, oo talo-bixintii Odayaashu ka dhiibteen, aadan Indhaha ka laaban, oo qodobada eey dureen, iyo talo soojeedinta eey sameeyaanba, aad ahmiyad gaar ah siiso. Ummada xalaasha ah ee Soomaaliyeedna waxeey kaa wada sugeeysaa in danta iyo maslaxada ummada ee Dalka, Dadka iyo Diintaba aad cadowga gudaha iyo kan dibadaba ka difaacdo.

Waxaad sidoo kale si gaar ah wax uga badashaa Qodobada xafiista Madaxweynaha ee ah "Midka lasoo doortey!", lagu bahdilayo, oo awoodo badan looga xayuubinayo, iyada oo Xafiiska ra'usilwazaaraha oo ah "Midka aan lasoo dooran, balse madaxweynuhu xuley!", awoodo badan gacanta loogu galinayo, taasoo inta aad madaxweynaha tahay caqabad weyn kugu noqondoonta, hadii hada si taxadar, foojignaan iyo dhiifnaani ku jirto aadan wax uga qaban.

7-Mudane madaxweyne, waa in uu ahaadaa shaqsi mas'uuliyad iyo Moral sare leh, hantida Qaranka ee nuuckastaba lehna, Ummada u miradhaariya ama u tashiila, iska daa in uu isagiiba dhaco oo jeebabka ka buuxsado'e, ama kaba sii darane cadowshisheeye kaba-qaad ugu noqda, u boobida kheyraadkii dalka hooyo ee Ummadeena qaaliga ahi laheyd.

8-Waa in uu noqdaa shaqsi karti, aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida dadka loo soo xusho, qofkastana meesha uu mudan yahay ama ku haboonyahay loogu dhiibo "The concept of Staffing", si looga badbaado in markasta wax uun la badalo, si joogta ah waziiro loo ceyriyo ama la isuguba shaandheeyo, taasoo aan fursad u siineyn, in eey Waziiradu waxqabad dhab ah la yimaadaan, una sameeyaan team la shaqeeya lehna tayo sare, qorshayaasha kuwooda dhow iyo kuwooda fogba (Short term and long term goals) udiyaariyaan, oo u dajiyaan, Wazaaradaana u fadhiisiyaan.

Waa nasiib daro! Hadii inta kursigaba aanu toosisan waziirkuba, la eryayo markasta, waana sida cadowga Ummadeenu inoola barteen, oo eey inala rabaan, si xaalka ummadeena eey ku jirto, aanu isu badalin abid, oo waxqabad dhab ah aanu meeshaba u iman.

9-Mudane madaxweyne, adigoo ka duulaya isbadal doonka aad tahay ee aad u taagantahay, iyo waliba adigoo ka dharagsan in aad Ololahaba ku gashey sidaa, ayaa waxaad ogaataa in ummadu indhaha kugu wada heyso, kaagana fadhiso in aad ficil ahaan ku muujiso is badalkaa, kana biloowdo in Raisulwazaaruhu ka imaankaro dhinackasta oo ka mid ah Qeybta Ummada Soomaaliyeed ka midka ah, ee Nidaamka 4.5-ka la isugu afgartey in uu ka yimaado, oo aadan ku qasbanaan, in aad sii raacdo nidaamkii qalafsanaa ee hore loo caadeeystey ee "4.5-ka kale, looga dhexsameeyey 4.5-kii hore u jirey".

Hadii is badalkaa aad sameyso, waxeey kuu saamaxeeysaa in  aad hesho muwaadiniin Soomaaliyeed oo jagadaa mudan, meelo farabadana ka imaankara, iyo in aadan qeyb ka noqon sharciyeynta wax aan ummadu kuwada heshiin, balse la iska caadeeystey.

10-Waa in uu ahaado nin aad is leedahay waad wada shaqeynkareeysaan, oo sidii Madaxdii kaa horeeysey is qabqabsi, isku dhac iyo dagaal joogta ahba waad ka badbaadikareeysaan, ileyn dad iyagiiba dagaashan, oo-Kabasiidarane-Mararka qaar cadowgii soo jireenka ahaa ee ummada u kala caroonaya, ummad si wada jir ah marxaladan adag ugama badbaadinkaraane. Isdagaalkiinuna wuxuu fursad siinayaa, cadow idin kala gata, idinkala taageera, iskuna kiin dira, si waligiinba aadan waxba u qabsan, danihii ummadana sidaa looga taqaluso (Divide and rule!)

11-Waa in uu ahaadaa hogaamiye eey ka go’antahay in uu waxweyn ka qabto Qowleeysatada Nairobi ku dhuuqeeysa lacagta Ummada Soomaaliyeed loogu talagalay, ee lagu qiyaaso sanadkiiba “Hal Bilyan oo Doolar”, balse aan Nairobi soo dhaafin, iyadoo bulshada caalamkana kula xisaabsanto dowlada waxa yaree Dakada iyo Garoonka muqdisho kasoo gala. Bal malee Halkaa Bilyan ee Doolar, oo sanadkasta si hufan loo galiyo, hannaanka Qaran soo celineed ee dalkeena!

12-Ugu dambeyn, Mudane madaxweyne, waa in Primeminster-ku ahaadaa shaqsi aad is leedahay wuu iskala weynyahay in uu ka bililiqeeysto shilimaadka Dhiiga Ummada uu ka da'ayo ee caalamku ugu deeqey Ummadan tabaaleeysan. Balse hadafkiisu yahay, "Legacy" iyo in taariikhdu xusto, oo uu baal Dahab ah ka galo taariikhdeena, sidaana ummadeena ku xusto, hadana sii diyaariya, jawaabta muga leh, ee su’aasha ummadu mustaqbalka weydiindoonto, isagana eey tahay in uu isasii weydiiyo had iyo jeerba, taasoo ah , "Maxaad u qabatey Intii aad xukunka heysey ummadaadan tabaaleeysan, ee sugeysa hogaamiye dhab ah oo sharaftoodii iyo karaamadoodii iyo cizigoodii usoo celiya?"

GABAGABO IYO GUNAANAD

Mudane Madaxweyne, waxaan dareensanahay in aad mas’uul iyo madaxweyne u noqotey Ummad iyo wadan mudo aad u dheer waxkasta ka burbursanaayeen. Wadan xaalada hada la joogo aan ku filneyn bixinta mushaaraadka nuucyada kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, xubnaah Baarlamaanka, kuwa Xukuumada, iyo shaqaalaha kale ee Qaranka.

Waxaa la filikaraa in Dowladaha iyo hey’adaha qarashkaa bixinayaahi shuruudahooda iyo danahooda gaarka ahi wataan, kuwaasoo aan ku dhiiradeen hadii dalku illaa iyo xad ku filnaan karilahaa waxyaabahaa asaaska u ah jiritaanka hanaankeena dowladeedimo oo dhab ah.

Hadana sidaasoo eey tahay, aad ayey ummadu kuugu hami iyo rajo weyntahay, mudada dheer ee eey rafaadsanaayeen darteed, iyagoo inta badan xaalada aad ku shaqeyneyso ee gacmo xiranka ah, aan ama fahamsaneyn, ama aan kuugu garaabeyn, balse kaa raba in aad u tilaabsado sidii madaxweyne wadan cududiisa dhinackasta ahi buuxdo oo kale.

Hadiise dadaal dhab ah oo wadaniyad, waxqabad iyo dadjaceyl ku saleysan aad la timaado, waxaan aaminsanahay in wax badan aad qabankareyso, waxaana rajeeyneeynaa in aad qabandoono, insah Allaah. Mudane madaxweyne Ummadaadu waxeey maanta u baahantahay Halyey iyo Hero u hanaqaada, wax eey ku farxaan oo eey ku faani karaana sabab ugu noqda. Allaahna waan kuusoo baryeeynaa in uu kula garabgalo. Aamin Yaa Rabbi!

"If you fail to plan, you plan to fail”-(unkown)

Walbillaahi Towfiiq

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”  
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha  
Al-Madinah International University, Malaysia  
abdulkadirphd@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.