Tarzan: Dhulka Sow Aniga Ma Lahi?!

Dr. Ali. A. Hirabe - “Muqdisho waa Caasimadii Dalka, waa muraayadii Qaranka waa hooyadii magaalooyinka, dad yar oo kooban ma bedeli karaan awoodna uma laha mana aqbaleyno dastuur xaqiraya oo aan ku qoreneeyn halka aay tahay caasimada, dastuurka la soo bandhigayna ma qorayo arintaas waa inaan diidnaa kana hor tagnaa” ayuu yiri Tarsan oo ka hadlayey munaasabad Shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Faallo Keydmedia Online
Tarzan: Dhulka Sow Aniga Ma Lahi?!

Waa wax laga sugayay mudane Tarzan  in uu mar´uun cadeeyo  aragtidiisa ku wajahan dastuurka qabyo qoraalka iyo caasimada dalka Somalia,waxaan aad ugu xumahay in dhawaaqaan ka soo yeeray mudane Tarzan in aay mudneeyd in uu ka soo burqamo xiligii Garowe 1 Garowe 2 iyo Galkacayo.

Sabbabta oo ah waxa hada socdaa waxaa lagu soo la-faguray hoyga Faroole iyada oo uu hafadka ahaa xaqiraada shacabka degen Muqdisho in masiirkooda noqdo mid lagu dafiro jiritaankooda xiliga dhaw iyo midka fog ,iyada oo la ogyahay DFK in aay gogol u tahay caasimada Muqdisho.

Dhaqaalaha Muqdisho oo ah dhaqaalaha kaliya ee ugu weeyn oo eey dowlada hesho ayaa waxaa uu ka yimaadaa Dekeda iyo Madaarka Muqdisho, iyada oo  15 % laga siiyo maamulka gobolka Banaadir inta kale ee  85% aay qataan dowlada uu Gaas uu ka yahay r/wasaare.

Muqdisho waxaa aay leedahay indheergarad aqoon yahan, siyaasi, culumo , dhalinyaro iyo shacab aad ugu damqanaya kana dhiidhinaya gardarada iyo dhagarta inta maanka gaabka ahi aay wadaan,waxaa la soo gaaray xiligii xisaabtanka.

Xiligii loo damqan lahaa Muqdisho laguna mideeyn lahaa dhamaan shacabweeynaha reer Muqdisho in aay u istaagaan gardara qaawan ee wax magaradka,dhagarqabaha la damacsan yahay xiligaan,haddii aadan ka damqan waxa hada socdaa sidii Garowe 1 iyo 2 laguu marsaday ayaa iyana laguu marsan marka dastrruka la ansixiyo.

Dastruuka qabyo qoraalka waxaa uu qorayaa in Puntland aay tahay 8 gobol halka caasimadii dalka,hooyadii qaranka aay dafireen kuwa soo qoray dastuurka laguna sheegayo aqoon yahano iwm xagee aqooni taal marba haddii caasimada dalka aay dastuurka u qorayeen ayan aqooon u laheeyn,sow tuugo maah dabcan haaa.

Puntland waxaa aay qorsheeysay in tuulo walba laga dhigo degmo halka degmooyin qaar laga  dhigay Gobolo waa arin guracan oo la og yahay  in Somalida aay  ku tahay sadbuursi iyo cadaalo daro ujdeedada ugu danbeeysana aay tahay  Raqda  Maandeeq in aay ka helaan Gobolo magac u yaal ah gacan ku rimis ah oo aay ayaga abuureen,dastuurkana sidaas ayuu qorayaa ?

Tarzan: Better late than never!

Waxaan talo kuu siin lahaa .

1. Muqdisho waxaa ku dhaqan  shacab ka badan 3 malyan ogow shacab la mid ah  tiro ahaan  gobolada dalka kama jiraan,sidaasi darteed waxaa ku saaran xil aad u weeyn,haddii aad xurmodoon tahay fadlan ka damqo dhagarta,xaqiraada iyo cadaala darda lagu hayo Caanismada Muqdisho,waxaa aay mudneeyd in aad ka qeeybgasho shirwalba oo Un ka ama caalamka leeyahay qabanqaabadiisa,sida kii Kenya, Garowe 1 & 2 kii Galkacayo.

Waxaan aaminsanahay in aadan maanta mucaaradeen dastuurka qabyo qoraalka sabbabta oo ah ama waad saxi laheeyn ama waxaad noqon laheeyd kuwa sameeyay dastuurka,adiga oo ah gogosha dowlada,hooygii dowlada ku shaqeeyneeysay in aadan ka qeeybgelin talada masiirka dalka waa kugu ceeb.

2. Waa xili kala guur ah fadlan haddii aad dhimaneeyso dhareerka waa leeyska duwaa,haddii aad ka baqeeyso in lagu bedelo fadlan adiga oo xaqa ku taagan halagu bedelo sidaa  umada ku wargeli meesha xaaraanta aay ka imaaneeyso iyo cida wadaa.

3. Ilaa intee socon kartaa in daqliga Muqdisho Dekeda iyo Madaarka aad ka hesho 15 %  halka 85 % lagu marsuufo kuwa hagardaamada iyo dhagarta la daba taagan caasimada Muqdisho ee aad xilka u qabatay ?? dhawaan canshuur ayaa la bilaabaya hadaba ma sidaas ayeey Muqdisho 15 % daqligeeda loogu qoondeeynayaa mise ???

4. Ciidamada AMISOM ee maalin walbaa lagu soo daadgureeynaayo Muqdisho goormaa dalkooda dib looga celaa ?? mase jiraa qorshe dib laagu celinaayo dalkooda,sow ma mudna in dhaliyarada reer Muqdisho ee shaqa la´aanta haysaa aay qeeyb ka noqdaan soo celinta nabada Muqdisho iyo xasilinta dalka sabbabta oo ah dhalinyaradaa xaqa ayeey u leeyihiin in aay shaqo helaan, xaqna waxaa loogu leeyahy in aay qeeyb ka qaataan xasilinta caasimada maadaama aay u dhasheen.

Sow ma qumana in 1000-ilaa 800 dhalinyaro aay kuu taba baraan AMISOM si aay ula wareegaan ilaaliyaan nabada Muqdisho, waxaa quman la qeexo awooda duqa magaalada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com


Mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.