Tee Soomaali Dantu Ugu Jirtaa…? -> Daawo

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Labadaan, Tee Soomaali Dantu Ugu Jirtaa...? - Waxaan wada ognahay inay nabadu tahay udub dhexaadka nolosha aduunyada, colaaduna kamid tahay dhibaatooyinka aduunyada kuwa ugu waaweyn. Diinteenuna ay siisay Nabada qiimo aad u sareeya, oo Ilaahay magacyadiisa waxaa kamid ah Assalaam.
Faallo Keydmedia Online
Tee Soomaali Dantu Ugu Jirtaa…? -> Daawo

Janada uu Rabbi u ballan qaaday adoomihiisa wanaagsana Magacyadeeda waxaa kamid ah Daar Assalam, salaanta uu Rabbi noo jideeyayna waa Assalamu Calaykum waraxmatu Allah wabarakatu…  oo Macnaheedu yahay: (Nabad-galyada Ilaahay, naxariistiisa iyo barakadiisu korkaaga ha ahadeen).

Carabtii deganayd Magaalada barakaysan ee Makkah Islamka kahor Ilaahay wuxuu faray (inay caabudaan Allaha iska leh gurigaan sharafta badan, ee ka quudiyay baahi, kana badbaadiyay cabsi).

Casrigii Jaahiliyada ee Islamka kahoreeyay bani aadamku waxay kunoolaayeen dagaalo iyo colaado aan xad lahayn oo laysu dilo wax aan qiimo lahayn, hal neef oo xoola ah dartii bay laba qabiil udagaalami, isagana dili jireen tobanaan qof oo bani aadam ah.

Maxaayeelay qofka aan haysanin Diinta islamka een kucamal-falin waxyiga uu Rabbi samada kasoo dejiyay, mafahmi karo qiimaha iyo sharafta uu Rabbi siiyay nafta bani aadamka. Sidaa darteed bay u sahlan tahay inuu dilo, ku xadgudbo, dayoco, daryeeli waayo, madaama uusan garanaynin qiimaheeda, meesha laga abuuray, hadafka iyo sirta loo abuuray.

Islamkuna wuxuu inoo cadeeyay Aadamuhu inuu yahay Uunka kan ugu sharafta badan, aduunyada inteeda kalana isaga loo abuuray, si uu u maamulo, uga faa´iidaysto, Khayr cadaalad iyo horumara uga buuxiyo.

Naftuna waa sir uu Rabbi (swt) ku afuufay aabeheen Adam calayhi assalam,  isaga oo qur ahina abuuri karo, haday tagto ama ladilana cid kale oo soo celin kartaa ayna jirin marnaba. Wuxuuna aad u adkeeyay in la ixtiraamo, la ilaaliyo ladaryeelo labad-baadiyo nafta.

Kuliyaadka guud ee Islamku ilaalintooda faray waxaa u horgal ah Nafta, qofkasta haku jirtee muslim ama gaal midkay dooniba. Wuxuuna aad u cariiryay dilka nafta ama in lagu xadgudbo, oo xataa gaalada marka lala dagaalamayo waxaa ladili karaa oo kaliya inta dagaa-lamaysa, saacada uu dagaalku socdo.

Waxaana laxarimay in ladilo maatida aan dagaalamaynin sida; dumarka, caruurta, baadariyaasha, dhaawaca kuwa lasoo qafaashay iwm.

Bal waxaa waajib kuah Muslimiinta inay dhaawaca gaalada daweeyaan, kan lasoo qafaashayna  cunto iyo biyo siiyaan, marnana aan lagu-qasbin inuu Islamka galo, ee xoriyd buuxda loosiiyo; inuu Islamka qaato ama inuu diintisii hore haysto.

Intaana waxaaba kasii horaysa inaan dagaal laqaadi karin ilaa gaalada loo bandhigo inay Islamka qaataan, haday diidaana, loo bandhigo inay Muslimiinta nabad galiyaan oo colka iyo dhagarta ka dhaafaan.

Dagaal markii laqaadi rabana waxaa waajib ah in si aad ah loogu tabtaysto, loogu diyaar garoobo, hadafkii iyo palankii lagu guulaysan lahaana sicad loojeexo, loo qorsheeyo.

Oo Islamku mayaqaano isbiimayn ama dagaal aan laga baaraan degin in umada madaxa loo galiyo.

Qofka Muslimka ahina markasta iyo meel kasta oo uu jooga waa:

  • Waa nooleeye  ee  dilaa ma aha.
  • Waa nabad doone ee dagaal ooge ma aha.
  • Waa naxariiste ee col haye ma aha.
  • Waa qof wax dhisa/ hagaajiya ee dumiye ama burburiye ma aha.
  • Wanaajiye /  khayr abuure  ee sharwade ma aha.
  • Waa same fale, ee xuma fale ma aha.

Diinta Ilaahayna marna nama farin in gaalada la dhameeyo, dagaal joogta ah lalagalo, oo Rasulkenii suubana (NNK) magaalada Madiina wuxuu kula darsay yahuud iyo nasaara, wuxuuna lagalay heshiis nabad galyo.

Muslimiintana wuxuu faray inay dadka diimaha kale haysta xuquuqdooda ilaaliyaan, oon lagu xadgudbin, xataa qaadashada diinta aan lagu qasbin, ee siwaangsan loogu cadeeyo Xaqa, haday diidaana loo dhaafo xoriyadooda iyo diintooda.

Rasulkeeniina wuxuuba dhintay isagoo gashaankiisii dagaalku layaalo nin yahuud ah oo deyn kulahaa, taasina waa arin tusinaysa inuu dadka diimaha kale haysta ula dhaqmi jiray si wanaag, xishmad iyo qadarini kujirto, oo aan ku dhisnayn colaad, dagaal, xasad iyo xumaan midna.

Maxayeelay nabada, xasiloonida iyo degenaantu waa udub dhexaadka nolosha qiimaha leh, markii taa lahelo ayuuna Islamku faafaa/ fidaa  horumarna garaa. Oo  dadkii waxay helayaan xasilooni iyo xoriyad ay wax ku baraan, xaqa ku raadiyaan, xumaanta iyo shartana kukala soocaan.

Lasoco Q.2aad  

Dr. Axmad Cabdulahi - axmed.abdulahi@Keydmedia.net - keydmedia.net Correspondent - Germany


Daawo Film -> Nolosha Nabi Muxamed S.C.W.




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.