TOP SECRET - Qoto Bari (Qeybtii 6-aad) Sulux-Manifesto (Daawo Video)

Ayuub A. Aden - Sana‘a (Keydmedia) - Qeybti 6aad - Fadlan Aqriso Qeytii 5aad - Xukun-Hardanka Sade Daarood iyo Qoto Bari oo Cakirmay. Xukun-Doonka Qoto Bari Iyo Marin-Habaabinta Aayaha Ummadda. Absame Iyo Aragtida Siyaasadeed ee Qoto Bari.
Faallo Keydmedia Online
TOP SECRET  - Qoto Bari (Qeybtii 6-aad) Sulux-Manifesto (Daawo Video)

Habqankii Qoto Daarood oo Kismaayo isku aruursaday waxaa ku biiray Maxamad S. Barre, shir-hoosaadyo gooni gooni ah iyo kuwo guudna waa la yeeshay, kuwaasoo isu duubnaa dhawr arrimood:

A - In Maxamad Siyaad barre xukunka ku wareejiyo Qoto Bari oo Maxamed Abshir Muuse uu horyaalka u yahay.
B - In duullaan xoog leh la qaado si awoodda Caydiid dhabarka looga jabiyo, is-bahaysi Harti Abgaal iyo Harti Daroodna lasii xoojiyo.
C - In xuddunta boqortooyo Qoto Daarood laga hirgeliyo gobollada Jubbooyinka Hoose.
D - In Hiraab lays qabadsiiyo oo inta na raacsanna lala safto, inta na diiddanna laga safto.
E - In laga takhaluso xiriirka midnimada gobollada waqooyi galbeed la leeyihiin gobollada koofureed.
F - In is-bahaysiga Hawiyenimada la xididsiibo, Dir iyo Daaroodnimadana dib loo curiyo
G - In kaalmo dibudhis ah oo deg deg ah dunida la weydiisto, siiba dawladaha aanu gacansaarka la leenahay, sida Talyaaniga iyo Masar.
H - In UN-ka laga raarido inay tixgeliso aragtida Qoto Daarood si hiil iyo hooba looga helo.

In kastoo Kisimaanio ay ka taagnayd abaabul dagaal oo beelaha Sade Daarood iyo kuwa Maxamuud Saleebaan il-guruxsi iyo xarig ku joogsi isku hayeen, haddana arrimaha kor ku xusan waa loo wada riyaaqay, waxaana loo magacaabay guddi hoosaadyo sii taabba-geliya. Si kastoo Jen. Maxamad Abshir iyo Maxamad Siyaad ay nacayb gaamuray wadaageen, haddana, waxaa laysku waafaqay in la caymiyo, inta la caymin karo, si xukunka Qoto Daarood uusan sinnaba gacanta uga bixin. Ha yeeshee, Maxamad Siyaad baa talo, tusaalayn iyo taakulayn baaQoto Daarood maalintaas marti u ahayd.

Xukun-Hardanka Sade Daarood iyo Qoto Bari & Marin-habaabinta Aayaha Soomaaliyeed

Waxaa aad u muuqaatay in hormuudka Qoto Daarood uusan isku maan iyo himilo midna ahayn oo gujo-hoosaad laysku hayey, arrinta ugu weyn oo laysku mari waayeya ahayd in Maxmad S. Barre uu xukunka ku wareejiyo Maxamad Abshir Muuse oo ku caanbaxay calansidaha Qoto Bari, Suluxna ka ahaa hormuud aad loo qadariyo.

Aragtida Sade qabey way ka duwanayd tan Qoto Bari qabtey. Sade wuxuu qabey inuu soo galay kaalinta ugu muuqaalka dheer hormuudnimada Qoto Daarood, cid walbana ay ahayd inay soo dabafariisato. Sidoo kale, Sade wuxuu qabey in awoodda xukunka uu hayo lagu mintido oo sinnaba uusan gacantiisa uga bixin, Qoto Barina lasoo baalgeliyo. Isku duubnidaasu xukunka ayay difaaci lahayd, aragti iyo Himilo midaysan bayna yeelan lahaayeen.

Dhulbahante iyo Harti Daarood intiisa kale isku maan iyo Himilo midna ma ahayn. Dhulbahante inuu deegaan badeed iyo dhul-beereed helo wax badan buu ku taami jirey, taasuna waxay kamid ahayd shaxdii Qoto Daarood naqshadeeyey oo doorkeeda sugaysey in la suurtogeliyo, hase yeeshee xukun ahaan, Dhulbahante si fiican buu ugu lifaaqnaa hoggaanka Sade Daarood, sidaas darteedna Maxamad S. Barre buu hoosta kala safnaa.

Qoto Bari waxay ku doodday in xukunka Maxamad Siyaad hayo uu gacan kabax taagan yahay oo uu halis u ugu jiro in Caydiid meel cidlo ah ka qaato, gacanta Hawiyana uu muddo kusii jiro. Qoto Bari waxay kaloo ku andacootay in xukunka Siyaad barre uu gaaray fadhiidino aan la caymin Karin, sidaas darteedna ay tahay in la dhiso dawlad cusub oo Maxamuud saleebaan hoggaamiyo oo la timaadda xiiso cusub iyo dardar caabboon.

Waxay ku doodeen in la joogo doorkii Maxamuud Saleebaan uu xilka dawladnimada la wareegi lahaa, sidaad darteedna ay tahay in Sade uu xukunka ka dago iyadoon Qoto Daarood isku dhicin, dhiigna ugu daadan.

Dhabnimada, Maxamad Siyaad wuxuu ahaa nin keligi taliye ah oo xukun jecel haddana aan qaadan quursi iyo qabweyni lagu danaysto, sidaas darted, dhabarka ayuuna u duwa gujooyinkii badan ee ahaa xukun doonka uu garqaadayo Maxamuud Saleebaan.

Hormuudnimada Maxamuud saleebaan uu calanka u ruxayey Sade kuma faraxsanayn oo waxaa Sade loo muujiyey inuu yahay cid wiiqaysa himilada Qoto Daarood guud ahaan, gaar ahaanna tan Maxamuud Saleebaan. Ugu dambayn nabadgelyadii uu Maxamad Siyaad joogey Kisimaanio baa halis gashay oo ma sugi Karin natiijada kazoo baxda dagaalkii “Ruug-caddaagii Soo Rogaal-celi” oo Muqdisho lagu duulay, wuxuuna usii ruqaansaday xagga Buur-dhuubo, bahdiisii buuna dhexfariistay.

Absame iyo Aragtida Siyaasadeed ee Qoto Bari

In kastoo Absame uu Jubbooyinka Hoose deegaan taariikhda galay ku leeyahay, haddana Qoto Bari kuma darsan shawrka inaan Absame looga maarmi karin boqortooyada la damacsanaa in laga dhiso gobollada Jubbooyinka Hoose.

Absame uma dhutin oo gooni-daaq buu u baxay, hase yeeshee kuma midaysnayn aragtida siyaasadeed ee Qoto Bari maleegayso. Waxgarad Absame baa  qabey inay halganka uu homuudka ka yahay Axmad Cumar Jees la taageero oo isaga la dabagalo, meeshii uu reerka ku furana lagu nagaado Absame cid kale marti u noqon.

Qaar yar baa qabey in gacansaar lala yeesho xukunka Maxamad Siyaad oo lala bahoobo Sade Daarood oo uu hoggaaminayo Jen. Gabayow. In kale oo badanna waxay ahaadaan daawade gaar u taagan oo sugaya meesha hadba roobku xareed dhigo.

Waxaanse Absame xiiso u qabin iuu la bahoobo qadiyadda Qoto Bari ay damacsanayd oo ahayd in Jubbooyinka Hoose laga dhiso boqortooyo Qoto Bari Maxamuud Saleebaan hoggaaminayo, berrina Absame geeska la daro. Waxgaradka Absame naqshadda boqortooyada waxay u arkeen inay tahay tookhii Maxamuud Saleebaan lagu aqoon jirey, sidaas darteedna aan la filayn inay mirodhasho.

Sidoo kale, Absame kalsooni kuma qabin xukun-doonka Sulux oo waxay u arkeen inay tahay xeelad xukun-doon ah, taasoo kasoo horjeedda qadiyadda ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darted, Absame, dhabarka ayuu u duwday dhollatuska Sulux ay calanka u ruxday.

Sulux ma tixgelin in Soomaalia ay markaas maraysey waqti kala guur ah oo madaxda dalka ay aamindarro weyn kala qabeen. Magaca Sulux ma ahayn mid run ku salaysan ee wuxuu ahaa shabeel soo huwaday maqaar ari oo xukun doon u harjadaya. Sulux ma tixgelin dhaleecaynta qabyaaladda oo aad usoo shaac-baxday oo Soomaalinimadii macna tirtay.

Ma baadi goobin xal guud oo xukunka heshiis lagu qaybsado iyadoo la tixgelinayo soo dhawaynta iyo wax wada qaybsiga jabhadihii usoo halgamay in Maxamad Siyaad xukunka laga rido, sida: USC, SPM, SSDF, SNM, Sulux iyo Manifesto oo is-huwan, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo dawlad caadil ah u oomanayd. Kuma fakirin inay udubdhexaadka u taagaan taariikh cusub oo dalka lagu badbaadiyo. Ma tixgelin ciilka, carada iyo tiiraanyada ay ummadda Soomaaliyeed ka qabto ku-hoos noolaanshada xukun dabadheeraaday oo ku shaqeeya qabiilnimo mutuxan, eex, caddaalad-xumo, anshax-xumo, laaluush iyo boob hanti qaran, iyo marin-habaabinta aayaha ummadda.

Sidaas darted, burburka dalka Soomaaliyeed waxaa taariikhdu kala xissabtami doontaa inta ka hartay xubnihii Sulux oo xukun-doon dartiis ummadda Soomaaliyed u marin habaabisay, maantana dhibkeedii weli taagan yahay.

So’aasha mar walba u taagan jiil walba waxay tahay, “Haddii aan la tilmaamin kii dambi ka galay aayaha ummadda, sidee mid fiicanu u iman karaa?”  “Haddii aan la tilmaamin kii wanaagsanaa, sidee loo xakamayn karaa kan xun…?” “Haddaan la taariikhayn dhib kasta oo dalka ka dhaca, maxaa dhaxal looga tagi karaa jiilasha dambe?” Dhibka ummaddu kuma sinna inta wax ku bi’isa qoriga caaraddiis ee waxaa kasii daran kan maleega shirqool siyaasadeed oo bulshada lagu jaho-wareeriyo, laguna afduubo rabitaanka ummadda, iyadoo la adeegsanayo farsamo kasta oo xukunka lagu booboo o ay kamid yihiin: Ddhagar,  hagardaamo, hoosgalka iyo la bahowga dawlado shisheeye, iyo marin habaabiya masiirka ummadda, iyadoo qabiil la huwan yahay.

Shirweynihii Kisimaanio ka dhacay, fikrado badan oo intooda badani ay weli qabyo yihiin baa lays tusaaleeye, balse waxaa laysku raacay oo lasoo hormariyey in dagaal rogaal-celina la qaado oo Muqisho la xoreeyo, waan-waanta iyo doodda xukun-wareejintana Muqdisho lagu dhaammaystiro.

Shacabkii Kisimaanio hore u deggenaa waa toban-jibbaarmay oo magaaladi waxay isu rogtay goob colaadeed oo haddana dhiilo ka qabta in ciidanku oo jabo, taasuna la timaaddo barakac iyo qaxid cusub. Muddo gaaban baana lays abaabulay, Jananno badan oo cartamaya ayaana ciidamada Muqdisho usoo horkacay. Dumar badan baa ka alalaasay, gabayaa qiiraysanna bulshadii bay guubaabiyeen. Guluf colaadeed baa lagu hilbo qashay, dagaal ballaaran baana lasoo dhaqaajiyey. Gurmadka saadka wada waa heegan oo ciidanka ayuu dabasocdaa. Madashu waa Muqdisho…! Madasho waa Muqdisho…! ayaa dhinac walba ka yeertay.

Waxaa halkaas ka qulqulay ciidan fara badan oo sita qalab weerar dagaal oo aan shaki laga qabi Karin inuu yoolka seego. Absame talo-bixin, abaabul dagaal iyo cudud ciidan midna ugama muuqan dagaalkii la magac-baxay-baxay, “Ruug-caddaagii soo rogaal-celi.”

Himiladii xukun-afduubka Sulux labo dhagax bay dhexgashay. Xubnaha Qoto Bari oo Suluxa kamidka ahaa oo Xamar ku sugnna waa dhoollo-cadaynayaan oo farxad iyo ray-rayn bay dhacadiid ula dhaceen, waxayna isku gujiyaan, “Intaan guul sugnaaba waa muddo gaaban. Inta ka horraysa foodda hala gaabsado.”

Layskuma soo qaadin in ciidanku soo jabi karo. Layskuma soo qaadin in Maxaamd Siyaad uu dalka isaga bixi karo isagoon xilka madaxnimada wareejin. Laysma warin in xukun-doonka Qoto Bari uu fashilmi karo. Laysma oran in Caydiid uu guulaysan karo oo kusoo bixi karo horyaalka madaxnimada dalka. Layskuma soo qaadin in madaxnimada Cali Mahdi ay noqon karto buubaal la biqleeya rajadii laga qabey.

La soco Qeybta 7-aad

Ayuub A. Aden - Sana‘a - Keydmedia.net Correspondent

____




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.