TOP SECRET - Sulux-Manifesto. Qoto Daarood oo isku badashay Qoto Bari!

Ayuub A. Aden - Sana‘a (Keydmedia) - Qeybti 4aad - Fadlan Aqriso Qeytii 3aad - La Soco: Maxamad Siyaad oo Villa Somalia ka baxay. Sulux oo Dhistay xukun Bililiqo ah. Dagaalkii Ruugcaddaagii soo Rogaalceli. Ushii Sulux Kismaanyo ku tuurtay. Huleelkii Qoto Bari... Dagaalkii Xadka iyo Xawaaraha…Dhismadii Boqortooyada Qoto Bari ee Gobollada Jubbada Hoose. Nadiifinta Al-Shabaab.
Faallo Keydmedia Online
TOP SECRET - Sulux-Manifesto. Qoto Daarood oo isku badashay Qoto Bari!

Xukun Maandooriye Noqday

Laga soo bilaabo 1989 ilaa 1992dii 3 awoodood baa dawladnimada isku haysatey:

1 - Maxamad S. Barre oo ku dadaalay in dawladnimadiisu sii cimri dheeraato ugu dambayna uu damacsanaa in Maslax Maxaamad Siyaad kasii dhaxlo.

2 - Manafesto oo Sulux dhasay oo ku dadaalay inay xukunka dhexda kala baxaan si kastoo uu xaaraan u ahaa.

3 - Iyo halgankii Jen. Caydiid oo qabey in goodirka ku dhacay xariggii uu dhigtay uu isagu xaq leeyahay, mar haddiiba uu yahay ninka burburiyey xukunkii Maxamad Siyaad ee gobollada koofureed, isla markaana uu dalka ka saaray keligi taliyihii dalka xukumay 21 sano, sidaas darteedna uu mudnaa inuu madaxweyne dalka ka noqdo.

Caydiid wuxuu kaloo haystey kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed intiisa badan oo aan qabiilnimo ku colaadinayn, isla markaana wuxuu ku dhaadanayey in ummaddu soo dhacsato xaqii ka dahsoonaa muddo dhan 21 sano.

Xukun jecaylku waa maandooriyaha maanka iyo maskaxda ka lumiya cidda doonaysa xukun bililiqo ah. Dhabta iyo riyada ayaa isaga milma, mana garan karto sawirka markaas u muuqda waxa kasii dambayn kara. Sulux isma warsan sidii ay u dhisi lahayd dawlad xalaal ah oo heshiis lagu wada yahay.

Ma kasbin kalsoonida ummadda Soomaaliyeed oo muddo 21 sano ah ku hoos macaluushay xukun askari oo keligi talis ah. Raashin iyo laaluush loo qaybiyo kooxda u sacabbad-tuntay bay u qaateen inay maamulka Sulux dhistay uu nuxur ku kordhin karo. Waqti ma siin sidii taageero salballaaran ay ummadda Soomaaliyeed uga kasban lahayd; meesha Caydiid ka haystey qiyaasta wax ka badan 70% codka bulshada.

Sulux ma xurmayn codka iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed oo marka Caydiid la garab-maray, waxaa la garab-maray 70% ummadda Soomaaliyeedna oo Caydiid u heelanayd. Dimuqraadiyadda ayaa rumaysan, “Codka shacbiga waa codka Rabbi; hase ahaatee kaska Sulux wuxuu ku wajahnaa, “Maxamad Siyaadba waa bililiqaystey ee annaguna aanu xukunka afduubno.”

Sidoo kale, waxayna maankooda gelin in bulshada Soomaaliyeed ee sannadkii 1991dii ayna lamid ahayn tii 1969kii. Dhibaatooyin badan oo keli-talisnimo ayaa lasoo maray. Garaadkii ummadda ayaa kobcay. Dad badan baa la xasuuqay deegaanna ballaaranna waa la burburiyey sida Gobollada Waqooyi galbeed iyo Gobollada Dhexe.

Xuquuqdii rabbaaniga ahayd oo dadku lahaa baa la inkiray, dad badan baana dalka ka tacabiray. Diintii baa la farageliyey, culumadiina waa la laayey. Dhaqaalihii baa burburay, in yar oo xaday hantidii qaranka baa naaxday, ummadduna u jeedaa. Qabiilkii baa labo-lixaadsaday, eeddii iyo dakanadii baana sii badatay. Eexdii iyo nin-jeclaysigii baa caddaalladdii burburiyey. Midnimadii iyo Soomaalinimadii baa wiiqantay. Boobkii hantida qaranka baa loo tartamay, horumarkii dalkuna hoos bu u dhacay.

Caddaalad-xumo iyo sharcidarro ayaa la caadaystay, intii xaqoodii weydana ciil bay lasoo godatey. Haddana bulshadii cod iyo hub bay yeelatay oo waxay u taagan tahay inay xaqoodii soo dhacsadaan. Sulux intaas iyo in kasii badan way iska indhotirtay oo xukun bililiqo ah ayay dhifsatay.

Cadawsiga Caydiid

Weli waxaa lays weydiiyaa waxa Qoto Daarood Caydiid ku colaadiso? Inta afka lagu dhiftay waxa ugu weyn dhawro arrimood oo aan hore Qoto Daarood usoo marin haddana uu muddo gaaban Caydiid ku hirgelay, waxaana kamid ahaa:

A - Kalsoonida Caydiid uu isku qabay iyo codka bulsho-weynta raacsan.

B - Midaynta bulshada Hawiye iyo dhismo cudud ciidan oo Qoto Daarood u birdhigi karin.

C - Is-bahaysigii beelo Hawiye ka tirsan iyo kuwo Qoto Daarood ah oo laysku xabkayn jirey oo iska milmay.

D - Hawiye oo Hawiyenimo dib ugu abtirsada oo aragti cusub iyo baraarugsanaan la yimid.

E - Kaalintii iyo doorkii Qoto Daarood cayaari jirtey oo wiiqantay

F - Caydiid iyo Cali Mahdi oo Dadwynaha Dunidu u arkeen inay yihiin hormuudyada Soomaali isku haya.

G - Bulshada Carabeed iyo inta diir-madow oo xambaarsaday hormuudnimada iyo geesinimada Caydiid.

H - Caydiid oo mar walba ka dareen qabay shirqoollada Qoto Daarood maleegto, gelin qurana cagta marin jirey wax kasta oo la dhoob-dhoobo.

I - Jubbada Hoose oo ah deegaan Qoto Daarood isha ku hayso ahaa oo Hawiye isku fidiyey, kuna daaqa madaxa Caydiid.

J - Caydiid oo ka adkaaday UN-ka iyo UNISOM oo kusoo baxay Geesi Soomaaliyeed, dagaalyahan Carbeed, halyeygii koonka madow iyo cadaw walwal gelin kara danaha waddamada galbeed ay Somaaliya ka leeyihiin.

K - Caydiid oo kalsooni ku leh Gobollada Woqooyi-galbeed sidii looga mayri lahaa dhibaatooyinkii lasoo gaarsiiyey, midnimadiina dib loo kabo.

Maxamad S. Barre oo Villa Somalia ka baxay

Fiidnimii 26dii Jan.1991, Maxaamad Siyaad waxaa laga saaray Villa Somalia isaga iyo ciidankii difaacayeyba, wuxuuna ku biiray qubanihii Muqdisho ka yaacay oo kisimaanyo isku uruursaday.

Caydiid iyo ciidankii daacadda u ahaa baa guushaas gaarey, ummadda Soomaaliyeedna waa u bogaadisay waana ku riyaaqday. Ciidankii Dhafoor-qiiq iyo intii Cali Mahdi Kaaraan kusoo abaabulay midna ma caymin karin in Maxaamad Siyaad kusii nagaado Villa Somalia.

Dardarta cuddoon oo Caydiid la yimid Sulux niyadjab bay ku ridday, waxayna noqdeen ciyow waa ku baryey. Walaac iyo walwal baa Sulux ku habsaday, so’aalo badan baana lays wariey sidii xukunka loola wareegi lahaa.  

“War yaa dagaal rogaalcelin ah hoggaamin kara…?” ayaa Sulux isla dhex-qaadday. Generaal Moorgan iyo ciidankii Dhafoor-qiiq baa ciirsi la biday. Goobihii Ciidanka Dhafoor-qiiq ku jireen, sida: Warshadda Baastada, Telefishinka, Staadiyo Muqdisho, Xaruntii Guukwadeyaasha, Golihii Saraakiisha, fidinta beeraha ee Lafoole, iyo meelihii kale oo ay ku jireen way ka qulquleen markii la ogaaday in Maxamad Siyaad Villa Somalia ka baxay, oo waxay isku uruursadeen Shabeelaha Hoose, dabadeedna Kisimaanyo aya ku biireen.

La Soco Qeybtii-5aad

Ayuub A. Aden - Sana‘a - Keydmedia.net Correspondent

______




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.