TOP SECRET - Sulux-Manifesto - Qoto Bari (Qeybtii 5-aad) - Daawo Video

Ayuub A. Aden - Sana‘a (Keydmedia) - Qeybti 5aad - Fadlan Aqriso Qeytii 4aad - Jen. Maxamad Siciid Moorgan & Dhismo Boqortooyo Gobollada J. Hoose
Faallo Keydmedia Online
TOP SECRET - Sulux-Manifesto - Qoto Bari (Qeybtii 5-aad) - Daawo Video

Jeneraal Moorgan labo shaati buu huwanaa, hase yeeshee waqtigu ma siin inuu difaaco labada arrimood oo laga filayey inuu mar qurah jilibka u wada dhigo.

A) - Maxamad siyaad kalsooni ballaaran buu Moorgan ku qabey, sidaas darteedna waxaa loo xilsaaray inuu caymiyo dawladda sodogiis intii la caymin karo. Waxaana hore loogu xilsaaray heshiisiinta iyo soo-dargelinta jabhaddii Dhafoor-qiiq oo isugu jirtey Siyaasiin, saraakiil iyo ciidanba; wuxuuna gaashaandigga Xabashida ka ballan qaaday in colaaddii jabhadd SSDF hurisay lasoo afjaray.

Wuxuu talada u hayey ciidanka lugta ee Dhafoor-qiiq oo loogu talogalay inuu ahaado mid madax bannaan oo Moorgan hoos yimaada, lagana biilo khasnadda wasaaradda gaashaandhigga. Saraakiil iyo siyaasiin badan oo Hawiye ahayd oo kamid ahaa dalladda SSDF lama soo dhaweyn, ciidanna laguma darsan, hantina laguma gufayn sida kuwa Dhafoor-qiiq oo kale. Waa lagu meelgaaray waana lagu ballan-furay.

Sidoo kale, Jen. Moorgan wuxuu ahaa sargaalka u dhabarka adag dheellitirka iyo meelmarinta himilada Qoto Bari oo muddo badan buu ku mintiday sidii xididdada loogu dhidbi lahaa xukun la damacsanaa inuu boqortooyo cusub laga dhiso gobollada Jubbooyinka Dhexe, taasuna dhibaatooyin bay la timid oo Jen. Moorgan muddo badan buu la raftay sidii deegaanka Jubbooyinka Hoose loo tolayn lahaa, Qoto Daaroodna dib loogu unki lahaa.

Si Jubbooyinka Hoose loo toleeyo, waxaa lagama maarmaan noqotay in la mataaneeyo Qoto Bari, Sade Daarood iyo Absame Daarood oo kala maan duwanaa, kuwaasoo loogu talogalay inay noqdaan gaashaanka samatabixin kara boqortooyada madaxa lagu hayey in aaggaas laga dhiso, waxaanse meel laysla dhigin ciddii boqortooyadaas hoggaamin lahays, siiba meertada ugu horraysa.

Maxamad S.Morgan waa sarkaal ku gaamuray dagaalka kaymaha, waana nin ku mintida inuu fuliyo waxa uu damco ama la faro, kulay ku tahay xasuuqa bulsho rayad ah, sidii uu gulufka dagaal ugu qaaday gobollada Waqooyi Galbeed. Waa sarkaalkii Maxamad S. Barre ugu kalsoonida badnaa, kulay ku tahay wiilashiisa, isla markaana ugu awoodda badnaa wasaaradda gaashaandhiggana, kulay ku tahay wasiirkiisa.

Kor-usoo Qaadidda Aqoonyahanka Majeerteenka Kale

Jen. Moorgan waxaa loo xilsaaray hirgelinta kormeerka iyo meelmarinta mashruucii FAI (Fondo Aiuto Italiana) oo dawladdii Craxi ku gufaysay maamulkii Siyaad Barre, si sare loogu soo qaado, magac iyo ilo-dhaqaalena uga kasbadaan aqoonyahanno kasoo jeeda Majeerteenka kale, sida Cali Saleebaannada, Dashiishlaha, Ibraahiimada, iwm. wuxuuna Moorgan mashruucaas u dhiibay C/dir Juurile iyo Inj. Khaliif Bidaar. Majeerteenka kale waxay caadaysteen in Qoto Bari ay tahay muuqaal siyaasadeed oo hadoodil ah oo guntiga ugu jira beelaha Maxamuud Saleebaan oo qurah, inta kalena ay marti ku yihiin. 

Maareeyaha guud iyo ilaaliyaha xafiiska mashuurcii FAI inta u dhexeysey- marka laga bilaabo Muqdiho- Gaalkacyo, Garoowe iyo Bosaaso, kuma jirin qof shaqaale ah oo aan hayn Qoto Bari. Mashruucu kuma salaysnaynd jaangooyo hindiso iyo qiimayn dhaqaale midna oo wuxuu ahaa Craxi soo cantoobiyey si uu wax uga qaato.

Injineerrda hindisaha qandaraaska lagu siiyey waxaa la oran jirey Al-Muhandisiin, kumana jirin nin aan Qoto Bari ahayn. Maalgelintaasu waxay ahayd hanti qarameed oo bulshadu wadaagto, haddana Qoto Barri ayaa lagu gufeeyey.

Waxaa kaloo nasiibdarro ahayd inaan mashruucaas loo fulin sidii farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku habboonayd. Dekedda Boosaaso nus baa laga dhisay, jidka isku xira Gaalkacyo iyo Boosaasana ballaciisa waa la yareeyey, xajmiga laamigana waa dhumuc yar yahay.

Si loo baajiyo lacag la lunsado, buundooyinkiina jidka waa laga saaray jidka, hoygii gaadiidkana waa bar baa la dhisay. Mashruucaas qaar kamid ah waxaa laga sii gaday dal kale oo afrikaan ah, waxaana lacagtaas qaybsaday Craxi iyo madaxdii Qoto bari. Waa la hayaa injineerradii lagu yiri,”Haddii aydnaan ahan reer Qoto Bari waa laydin dilayaa oo mashruucan ma fulin kartaan.” Taasu waxay ahayd dhacdo cusub oo Qoto Bari ummaadda tusaalaysey…!

Moorgan waa nin xukunka Maxamad Siyaad iyo kan Sulux abaabulaysey mid walba lugta kula jira oo difaaci jirey hadba tii rajo yeelan karta.

Markii Maxamad Siyaa Villa Soomaaliya ka baxana, wuxuu ahaa ninka calansidaha  xulufada Qoto Bari wuxuuna dhabarka ku sitey Sulux xukunka ay harjadaysey.

In kastoo Maxamad S. Barre Muqdisho ka baxay, ciidamadii Dhafoor-qiiq oo Moorgan Xamar soo geliyeyey waxay ka dagaalamayeen Muqdisho, waxaana saldhiggooda ugu weyn ahayd Xarunta Kubadda cagta ee Muqdisho oo Huriwaa ku taal, iyo goobo kale, sida: Xaruntii Guulwadeyaasha, Rugta Saraakiisa, Xaruntii ciidammada, Xarunta fidinta beeraha iyo Carbiska oo Afgooye u dhow, halkaas bayna shacbi badan ku xasuuqday.

Jen. Moorgan wuxuu ahaa ninka sii fogeeyey kalsoonidii iyo kasnaantii reer waqooyi galbeed u qabtey midnimada Soomaaliyeed, taasoo ka turjimaysey aragtida Qoto Bari oo ahayd in Soomaaliland la burburiyo dhabarkana la xijiyo si ay cadawnimo u qaaddaan dalkana uga go’aan. Waxaa kaloo qorshaha Qoto Bari ku jirtey in awoodda dawladnimo lasoo kobo oo qaybtu ay kusoo aruurto gobollada koofureed si ay buro u helaan.

Dhismo Dawlad Bililiqo Ah

In kastoo uu Villa Soomaaliya isaga baxay, haddana waxaa dadka intiisa badani ka diimoon tahay in Maxamad S. Barre uu weli dalka madaxweyne ka ahaa, Suluxna ay ahayd koox yar oo xukunkiisa hoos timaadda. Intii uu weli Muqdisho joogey ma jirin shir ay Sulux la yeelatay Maxamad Siyaad, ama isagu la yeeshay Sulux oo lagu heshiiyey in jagada madaxweynenimo cid kale uu ku wareejiyey. Ma jirto waqti la magacaabay oo Sulux iyo Maxaamad Siyaad ku heshiiyeen inuu jagada madaxweynenimo isaga dago.

Wuxuuse Maxaamad Siyaad oroh ahaan u aqbalay inuu Cumar Carte Qaalib oo Sulux soo xulatay lagu wareejiyo jagada wasiirka 1aad, in kastoo taasna aan diiwaanka dawladnimo la gelin, isla markaana aan loo dhigin xaflad lagu caleemasaaray.

Waa jirtaa in Maxamad Xawaadle Madar uu Cumar Carte Qaalib kala xaajooday sidii uu xilka ugu wareejin lahaa, waxaanse jirin kulan Maxamad S. Barre iyo Sulux isugu yimaadeen, heshiisna kala sixiixdeen, oo lagu shaaciyey in Cumar Carte Qaalib lagu wareejiyey jagada wasiirka 1aad ee dawladda dhalan doonta oo Sulux hoggaamin doono.

Dawlad qaybsiga Sulux iyo maamulka Dawladda Maxamad S. Barre waxay dhici lahayd in marka hore 2da dhinac ku kulmaan shir hore loo abaabulay oo ahayd in Qaahira laguu dhigo bisha Oktoobar ee sannadka 1989kii oo halkaas xukunka lagu qaybsado, taasuna weli ma dhicin, haddana waqtigaas waa lasoo dhaafay oo Caydiid baa Muqdiho soo galay.

Markii dhinac walba loo rogrogo, Cumar Carte wuxuu haystey oggolaanshii maxamad S. Barre inuu noqdo wasiirka 1aad oo uu baddalo Maxamad Xawaadle Madar, balse waxaa madaxweyne u noqon ahaa Maxamad Siyaad Barre oo weli ku fadhiyey kursiga madaxweynenimada ee dalka.

Sida kalena, Maxamad S. Barre xubin kama ahayn Sulux, kamana amar-qaadan jirin ee wuxuu la yeeshay doodo taxadar leh, ciddii maamulkiisa kusoo biirtana isaga ayaa madaxweyne u ahaa. Sulux afgambi bililiqo ah bay la hullaabnayd, Maxamad Siyaadna arrintaas waa ku gaartay oo xarigga ayuu u dabciyey, ugu dambayna dalka waa laga saaaray oo xukun-qaybsi iyo xukun-wareejin intuba halkaas bay ku fashilmeen. Wax kastoo Sulux damacsanayd gulufkii xukun-ridka oo uu Caydiid hor-boodayey baan waqti usiin, iyaguna waa ka santaagleeyeen inay Caydiid dabagalaan ama wax la qaybsadaan.

Argagixii hore hadib, Sulux waxay dhisatay Dawlada ku meel-gaar bishii Jannaaio 29-30kii, waxaana xafladdii lagu qabtay Scuola Polizia ee u dhow haamaha shidaalka ee dekedda Muqdisho, waxaana madaxweyne ku meelgaar ah loo magacaabay Cali Mahdi Maxamed. Cumar Carte Qaalib waa wasiirka 1aad, Maxamad Abshir Muuse iyo Maxamad Siciid Ciyow (Gentleman) waa ku-xigeennada Cumar Carte. Maxamad Abshir waxaa u dheeraa wasiirka arrimaha gudaha. Maxamad Siyaad wuxuu markaas joogaa Kisimanio oo weli waa madaxweynihii sharciga aha ee dawladda dunidu aqoonsan tahay.

Lama hayo meel uu xilka ku wareejiyey iyo ciddii uu ku wareejiyey. Lama oga in Caydiid dagaal kisimaanio ku qaadi doono iyo in kale. Markii uu Caydii ogaaday in Sulux damacsan tahay inay dawlad ku meelgaar ah dhisato, wuu kala taliyey oo wuxuu yiri:”Yaan la dhisin dawlad sharci darro ah oo aan Soomaali weyn u dhammayn. Dhisa guddi ku-meelgaar ah,”taasoo uu ku toosanaa.

Ma dhici kartaa in dawlad jirta laga hoos dhiso mid kale iyadoon tan hore xukunka laga ridin? Maxamad Siyaad oo Villa Soomalia ka baxay miyaa loo qaatay inay burburtay dawladdii uu madaxda ka ahaa? Ma dhici kartaa in madaxweynihii dawladda oo dalka weli xukuma in mid kale oo ku meel-gaar ah la caleemasaaro? Wasiirka 1aad oo Sulux magacaabatay wuxuu warrsiir u yahay Maxamad Siyaad markaas oo sharci ahaan Sulux xil uma qaban karo.

Sidoo kale, Cumar Carte Qaalib labo dawladood xil uma wada hayn karo; waayo Cumar Carte xilka loo magacaabay looma dhaari, golaha shacbiga lagama ansixin, goob fagaare ah lagama shaacin, habmaamuus iyo bogaadinna looma dhigin. Arrintaas ma waafaqsana habmaamuus dawladnimo ee waxay ahayd ganacsi suuq madow oo koox yar dhexmartay.

Sidaas darteedna Cumar Carte Qaalib cidna wasiir sharciyaysan uma ahayn, sida Cali Mahdiba uusan u noqon Karin madaxweyne ku meelgaar ah iyadoo madaxweynihii sharciyaysnaa uu wel dalka joogo xukunkana uu weli hayo.

Halkaas dawlad bililiqo ah oo aan shari ku taagnayn baa Sulux dhoobdhoobtay, bulshada Soomaaliyeedna ku marin habaabisay ilaa maantada la joogo. Aayo-darridii ugu waynayd ee ummadda Soomaaliyeed soo martay baa halkaas ka laba-kaclaysay welina waa socotaa…!

Maxamad Siyaad  ma ahayn nin dood iyo boolxooftayn wax looga qaadi karey, arrinta dhoob-dhoobka ahayd oo Sulux xambaarsanaydna qabyo ayuu uga tagey isagoo rajo ka qaba inuu soo rogaal-celiyo oo uu kursigiisii dib ugu fariisto.

Waxaa aad u muuqaatay in Caydiid uu lahaa awood ciidan oo mintid ah iyo taakulayn hub iyo dhaqaale uu dagaal kusii wadi karo. Sulux iyo Maxamad Siyaad Waxay kaloo ogaadeen in laga soo gudbay xilligii Caydiid lala geli lahaa heshiis xukun qaybsi, Caydiidna sidaas ma aqbaleen. Sulux waxay noqotay ciyow waa ku baryey oo shafka ayay dhulka ku dhufatay. War maxaa la qabtaa…? War xagee laga bilaabaa…? War maxaa xal noogu dhow…? lix arrimood baa Sulux lasoo daristay:

A - Caydiid oo awood buuxda yeeshay iyo sidii looga takhalusi lahaa…?

B - Ma inta dawlad bililiqo ah la dhiso ayaan Maxamad Siyaad dalka ka saarnaa...?

C - Ma Caydiid baa lala dagaallamaa kahor inta aan Maxaamad Siyaad dalka laga saarin…?

D - Ma Caydiid baa lala dagaallamaa, Maxamad Siyaadna dib ayaa loo soo celiyaa oo lola heshiiyaa…?

E - Ma Caydiid baa guddoomiyenimada USC laga tuuraa oo nin kale oo bahdiisa ah baa lagu beddelaa…?

F - Sidee Caydiid loo khatala…?

Waxa walba waxaa kasii daran oo la yaab leh in xubnaha Sulux hadda ka nool ay weli rumaysan yihiin in dawladdii Maxamad Siyaad uu Sulux riday, sida Cali Mahdi iyo jaalkiisu ay weli qabaan…! Marka hore, Maxamad Siyaad ma ahayn nin dood,  boolxooftayn iyo dhagar wax looga qaadi karo. Taariikhdu waa qoran tahay oo lagama beensheegi karo. Qori caarraddiis bu Maxamad Siyaad xukunka kula wareegay, qori caaraddiis baana xukunka looga ritay.

Xukun 21 sano ah baa ummadda Soomaaliyeed ku hoos noolayd oo way kasoo daashay koox ama kelitaliyey xukun-doon ah.

Haddii cidu doonayso in dhisato dawlad xalaal ah, waa inay haysato codka iyo rabitaanka ummadda, isla markaana ay gacanta ku hayso barnaamid dawladeed oo dhisan oo hawlaha qaranka lagu fuliyo. Waa inay soo bandhigaan dastuur qarameed oo ka turjumaya danta bulshada iyo aayaha qaranka oo ummaddu difaacdo.

Waxayd ahayd inta madaxnimada dawladda u hanqal taagaysa inay fagaare isugu yimaadaan oo laga dodo masiirka dawladnimo, heshiis iyo xukun-qaybsina lagu caymio qaranka. Bulshadu diyaar uma ahayn dhismo dawlad aan unuggeeda loo dhaammayn oo koox yari xatooyo ku boobto. Taasna waxaa la arkay aaya-xumaheeda labaatankii sano ee lasoo dhaafay, wixii dambi ah oo halkaas ka yimidna Sulux baa qayb libaax ku leh.
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Dagaalkii Ruug-caddaagii Soo Rogaal celi. Dagaalkii Xadka iyo Xawaaraaha. Dagaalkii Isku-Dhaca Hiraab. Dagaalkii Wanle Weyn iyo Xadkda Kenya. Dagaalkii UNISOM iyo Muqdisho.

Ayuub A. Aden - Sana‘a - Keydmedia.net Correspondent

______




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.