Topaz & Godane waa John Okello

Ibraahim Sh. Cabdiweli - Jasiiradda Zanzibar waxay leedahay Taariikh facweyn. Boqorradii Maamulka Zanzibar soo maray, waxaa ugu caansanaa Saciid Barqash bin Taymuur oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Cumaan.
Faallo Keydmedia Online
Topaz & Godane waa John Okello

Boqortooyadaas oo dhowr qarni ka talineysay xeebaha Bariga Afrika, ayaa 26 Abriil 1964 la midowday dhulweynaha Tangayika, waxayna la baxeen magaca TANZANIA. Jasiiradda Zanzibar waxay lahayd welina leedahay ismaamul hoosaad (Autonomous).

Jasiiradda Zanzibar oo ku jirta barwaaqo iyo baraare ayaa 12 Jannaayo 1964 belaayo madow cirka uga soo degtay. John Okello oo ka dhashay qabiilka LUO ee Ugaandha oo yaraantiisi ahaan jiray bayhoof iyo baalashle (kaba caseeye) ayaa u dagaagay xagga Jasiiradda Zanzibar, wuxuuna ka helay shaqo Boliis. John Okello muddo yar markuu joogay Jasiiradda Zanzibar wuxuu abaabulay dadkii madoobaa, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay ku hoos jiraan gumeysi Carab cascas, oo kasoo haajirtay dalka Cumaan, loona baahan yahay inay heeryada gumeysiga iska rogaan.

John Okello wuxuu dhallinyradii madoobayd u qeybiyey seefo, warmo, manqar iyo middiyo, wuxuuna weerar ku qaaday xaruntii boqortooyada, dabadeed qoyskii boqortooyada wuxuu ku qasbay inay dalka ka cararaan, halkaas ayaa John Okello ku noqday boqor madow oo muddo gaaban ka taliya Jasiiradda Zanzibar, waxaase soo rogaaceliyey boqorkii oo hiil ka helay Ingiriiska, kadibna waxaa la jebiyey Kacankii Zanzibar ee John Okello holliyey. Adduunweynaha waxaa fajac iyo amakaag ku noqotay wiil baalashle ah Ugandha ka yimid inuu inqilaabo boqortooyo qarniyo soo jirtay.

Sheeko la mid ah taariikhdii Jasiiradda Zanzibar ayaa ka taagan Soomaaliya, wiilal kasoo dagaagay deegaanno fog-fog ayaa xukuma oo ka amar ku-taagleeya gobollo aysan u dhalan. Dad baa qab jebiyey, laan-dheer ayaan ahay iyo waa tiro badanahay waa socon-weyday, oo gabbalkeed waa dhacay.

Nin baa ku gabyey(hadba dunida duul baa usoo baxoo diin lasoo shira). Axmed Cabdi Godane oo ka dhashay beel yar (Arab) oo Hargeysa ka yimid ayaa Xamar soo galay isagoo kasoo cararay Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland & Puntland ka ugaarsata kooxaha reer Galbeedku ugu yeeraan Asal-raac. Godane si gobannimo ku dheehan tahay ayaa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ku biiray jahaad-doonkii (Mucaskarkii Saalaxudiin) ee Aadan Cayrow tababbari jirey.

Godane oo ah xariif karti badan wuxuu ku guuleystay inuu mid-mid u qaarijiyo raggii ka sarreeyey, ururkiina gacanbir ah ku qabto isla markaana noqdo AMIIR  awood badan oo aan laga daba hadlin. Sidii John Okello addoonta madow u abaabulay oo kale ayaa Godane dhallinyaradii Koofurta u hubeeyey, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay isqarxiyaan oo ay xasuuqa dadkooda janno ku helayaan. John Okello dallinyarada madow wuxuu ka dhaadhiciyey inay Carabi gumeysato ee Godane muxuu ku dhalanrogay oo dhaadhiciyey dhallinyarada Koofurta? Runtii Godane hooyadi doqon ma dhalin, maxaa yeelay wuxuu ku guuleystay inuu reer Koofur indhaha ka rido, dhulkoodana ka dhigo omos lagu kala qaxo. Godane reer Koofur wuxuu ka dhigay: qof qoorta laga jaray, qof la qarxiyey, qof qaxay iyo qof qalqalsan. Hadafka Godane waa inuu Koofur ka dhigo gelgelin iyo gabaahiir, ciqaabtana ku sii hayo ilaa Somaliland la aqoonsanayo, Koofur waa inay burburka ku sii jirtaa ilaa Woqooyi ka dhismayo.

Hoggaamiyaha al-Qaacid Ayman al-Dawaahiri iyo Amiirka al-Shabaab Axmed Godane waa rag ficil badan oo tolkood jecel. Masar oo Muslimiin badan lagu xasuuqay weli qarax iyo dagaal sokeeye kama dhicin. Nabadsugidda Xabashida oo gumeysi arxamdaran ku haysa Somaliland, weli qarax iyo dagaal wax-iska cabin ah kama dhicin. Hase yeeshee Ciraaq iyo Koofurta Soomaaliya qaraxa iyo xasuuqu waa joogto. Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland joogta waa Muslimiin Ahlu-Xadiis ah, Ugandheyska Koofur jooga waa Gaalo soo duushay, waa hadafka iyo halkudhegga Axmed Godane ku hawlgalo.

Nabadsugidda Xabashidu xarunta ay ka maleegto shirqoollada ku wajahan burburinta qowmiyadda Soomaalida, waxay ku taal Hargeysa, taas ka sokow  Somaliland sannad walba waxaa laga xusaa laba munaasabad oo heer sare loo agaasimo, waxay kala yihiin: Maalintii Meles maamulka Itoobiya la wareegay iyo maalintuu geeriyooday ee gabbal u dhacay gafeneyaashii iyo jaajuuseentii la shaqeyn jirey Miles Zenawi.

Fu’aad Shangole oo ah kaaliyaha Axmed Godane isna wuxuu ku guuleystay in diiradda jihaadka laga weeciyo Puntland oo dagaalka loo xawilo Xamar. Sheekh Atam wkiilka Shabaab ee Puntland waxaa loo aqoonsaday macalin dugsi qur’aan dhiga, wax khatar ahna ku hayn maamulka Puntland.

Dhowr muxaadaro iyo wareysi idaacadaha deegaanka laga baahiyey waxaa dhallinyarada lagu guubaabiyey dagaalka Xamar ka socda inay kaalin firfircoon ka qaataan. Ragga ku xeeldheeraaday in jihad Koofurta la dardargeliyo waxaa hormood ka ah Sheekh Cabdiraxmaan Abyad oo reer Puntland ka codsaday in lala jihaado Gaalada joogta  Muqdisho.

Sheekh Abyad wuxuu yiri Gaalo waxay joogtaa Koofur ee ma joogto Somaliland iyo Puntland ee qofkii khayr iyo wanaag raba haka qeyb galo jihaad Koofur, illeen jihaad halkaa kaliya ayuu ka jiraa oo gaalo rasmi ah joogtaa. Tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego.

Heestii Caanka ahayd ee lagu ammaanay Siyaad Barre waxay ahayd, horta qabo Siyaadoo car mid kale kusoo dara. Waxaa beddelay horta qabo Godanoo car nin kale kusoo dara. Rag nindoor kama dhammaado, oo waxaa lagu soo daray Faarax Topaz oo kasii xariifsan Godane, Godane afduub siigada ayaa lagu dhaafay oo siddeedle ayaa lixle lagu saabilay, rag waa u seben barwaaqo ragna waa u silic iyo hoog. iska samir sokeeyow adduun galabba waa seere. Gabyaa Cabdi Galayax wuxuu yiri:

Ninkii seedo gaab ahi mar buu saaca kaa heliye,

Saalax baa geelii la tegay aniga waa i soliweyday

Faarax Cabdulqaadir waa kuma? Faarax Topaz waa reer Aw Xasan ku dhashay Kilinka 5aad waa NGOle ka tirsan aas-aaseyaasha Ururka Islaax, wuxuu la shaqeeyaa Nabadsugidda waddamada: Mareykanka, Qatar, Itoobiya, Keenya iyo meelo kale, wuxuu haystaa dhowr Basaboor: Itoobiya, Keenya, Soomaaliya iyo degenaansho Qatar. Muddo dheer wuxuu ahaa xiddig firfircoon iyo JOKAR kala jaheeya hawlaha hay’adaha samafalka waddamada Muslimiinta ee Soomaaliya ka shaqeeya.

Markuu hanti badan helay wuxuu ku hammiyey inuu dalka madaxweyne ka noqdo, taasna waa ku guuleystay. Sidii Jamaal Cabdinasir isaga hormariyey Maxamed Maxjuub, muddo yar kadibna u qaarijiyey oo kale wuxuu iska soo hormariyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha hoose ee Ururka Islaax, maadama deegaanka Banaadir tolka Xasan u badan yihiin, Faaraxna ka dhashay beel yar oo deegaankeedu yahay Kilinka 5aad.

Faarax Topaz wuxuu beddelay laguna samiyey Shariif Sakiin oo ahaa(backseat driver-kii) maamulkii Shariif Sheekh Axmed. Topaz iyo Sakiin maxay ka mideysan yihiin? Labaduba waxay ka dhasheen beel yar (Aw Xasan iyo Asharaaf Sarmaan). Laangaabnimada darteed waxay ku tiirsan yihiin oo garab iyo gaashaan u ah Nabadsugidda Shisheeyaha. Labaduba waxay aaminsan yihiin curaafeysiga iyo cilmi felegga. Waa niman damac badan (ambitious) oo yoolkoodu yahay inay madax sare noqdaan, hanti xad-dhaaf ahna boobaan oo waxba ma hambeeyaan. Waa niman Dollarka caabuda oo helintaankiisa wax walba ka hormariya.

Dabciga iyo habdhaqanka Topaz iyo Sakiin farqi weyn baa u dhaxeeya. Shariif Sakiin waa bulshay dabci wanaagsan, dadkana kusoo dhoweeya weji furan iyo dhoolla caddeyn. Faarax Topaz waa nin dabci xun oo dadka ku qaabila weji xiran oo aan naxariis lahayn. Shariif Sakiin waa deeqsi muraadkiisa ku meelmariya manfac iyo musuq. Waa nin awood u leh inuu 30% ka bixiya hantida uu qaranka ka dhaco. Faarax Topaz waa muudal wuxuu heloba meel dhigta oo aan midigta taagin, xataa inuu $100 bixiyo suurtagal maaha. Bal iska daa inuu sadaqo bixiyee, lafahiisa dhar qurxoon uma lebbisto shirarkana wuxuu ka tagaa jaadkad Huudhay ah.

Shariif Sakiin wuxuu maskaxda ka haystay Shariif Sh. Axmed, wuxuuse jeclaa in maamulka Shariif hanaqaado oo dalka oo dhan ka hirgalo. Faarax Topaz isna wuxuu maskaxda ka haystaa Xasan Sheekh, wuxuuse si dadban ugu hawllan yahay inuu iska horkeeno dowladda iyo dadweynaha, tusaale Cumar Hadliye iyo Yusur Abraar, magacaabistooda waxaa ka dambeeyey Faarax Topaz. Labadaas shaqsi waxay leeyihiin taariikh madow oo ku biyoshabata musuq iyo wax-is-dabamarin, waxayna dharbaaxyo xun oo weji gabax ku ah dowladda ku dhufteen maamulka Xasan Sh. Maxamuud.

Shaxdaas waxaa dhigay oo shirqoolka dejiyey Topaz, lamase yaqaan goorta Xasan Sheekh fahmi doono luggooyada Faarax Topaz.  Hadafka iyo himilada Faarax Topaz waa inuu meel bannaan iyo daleel si fudud uga helo jagada madaxweynaha.

Intii aan loo magacaabin wasiiru dawlaha Madaxtooyada wuxuu Madaxweynaha uu raacay dhowr shir oo ka kala dhacay:  Kampala, Dooxa,  Nairobi, Adis Ababa, Stanbul, Washington, London, Brussels iyo meelo kale. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud reer abtigi oo ku xeeldheer (Computer-ka.. faalka & felegga)ayaa malaha ka dhaadhiciyey in burjiga Topaz u wanaagsan yahay maamulkiisa, waajibna ay tahay inuu shir walba tago, waxaase la fahmi-waayey farsamadii Faarax Topaz u isticmaalay laba shir: Heshiiskii Adis Ababa ka dhacay ee Axmed Madoobe loogu ansaxiyey maamulka Jubbooyinka waxaa kala saxiixday Faarax Topaz iyo Axmed Madoobe.

Su’aasha taagan waxay tahay, wasiirrada kale ma hawlgab baa mise heshiiska qeyb kuma leh? Shirkii ugu dambeeyey ee Madaxweynuhu ku tagay USA, maalin laga hadlayey dhaqaalaha lagu taageeri karo Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud madashii shirka waxaa raacay Faarax Topaz iyo Fowsiya Lamood, ayaandarro waxaa Hotelka looga tegay Wasiirka Maaliyadda oo hawlgab laga dhigay, waxaase is weydiin leh jaamacadee Faarax iyo Fowsiya kusoo barteen Cilmiga dhaqaalaha?

Ibraahim Sh. Cabdiweli - Xaniifa77@yahoo.com


Qoraaga ayuu u gaar yahay Qoraalkaan




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.