Tubta RW Roble waa tubta Farmajo

Faallo Mohamud M Uluso

Warqadda aan summadda laheyn ee taarikhdeeda tahay 4 Maajo 2021 ee RW Inj. Roble ku magacaabay “Guddi farsamo ee ka soo talo-bixiya xal ka gaarsita khala-laasihii ka dhacay Muqdisho” waxay daaha ka qaadeysa ismaandhaafka ballaaran ee u dhexeeya fikirka iyo aragtida RW Inj. Roble uu qabo, kuna shaqeynayo iyo rajada isbeddel ay ka qabaan mucaaradka iyo bulshaweynta isbeddel doonka ah.

Tubta RW Roble waa tubta Farmajo

Sida laga garan karay khudbaddii RW Roble jeediyay markii Farmajo u xilsaaran qabanqaabada doorashada waqtigeeda dhaaftay iyo qorshaha amnigeeda iyo fulinta qorshaha amniga guud oo ah af gobaadsi waayo suura gal ma ahan muddada xilgaarsiinta Xukuumadda RW Roble , iyo tixgelinnada ku qoran warqadda RW Roble oo tixraacaya “baaqii Madaxweynaha Farmajo,” waxaan shaki ku jirin in RW Roble yahay sarkaal loo xilsaaray shaqo tilmaaman, lagana sugayo fulin awaamirta iyo shuruudaha uu bixiyay xilsaaraha - farmajo- ( specific delegation of authority).

Aan ku celiyo, RW Roble wuxuu hadalkii xilwareejinta ee Farmaajo ka sheegay GSH ee BF u fasiray “Baaq Madaxweyne.”

Ilaa hadda RW Roble kuma qancin in Farmajo ku tuntay dastuurka kmg, xilkiisa kala wareegay, yahay Madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday, halka hadaf ee uu daba joogana yahay inuu Soomaaliya ku haysto xoog, laalush, kala qaybin, iyo dacaayad. Sidaas oo kale RW Roble kuma qancin in dalku ku jiro halis, asaguna yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad Xilgaarsiin ah oo Barlamaanka iyo Madaxweynaha loo oggoleyn inay shaqeeyaan.

Warqadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Farmajo u qoray GSh summadeedu tahay MJFS/Note 003GGSH/4/21, taarikhdeeda tahay 29 Abrile 2021 wuxuu GSh ka codsanaya in loo oggolaado dhaqan gelinta sharciga lambar 30 ee 26/09/2020 ( kaaso labada Aqal ee BF wada ansixiyeen, haseyeeshe aan warqadda ku xusneyn).

Ayadoo ay tahay dambi in Farmaajo u qoro labada aqal BF warqad ku saabsan xilka Golaha Wasiirrada iyo RW, warqadda ma xuseyso mana codsaneyso ka noqoshada muddo kororsiga 2 sano ee uu saxiixay 13 Abrile 2021, wuxuuna sheegaya in “dib ugu noqoshada doorasha sharciga 30 ay tahay go’aan wadar oggol ah ay u qaateen xubnaha Golaha Wadatashiga si dhaqso loogu dhaqaaqo doorashada,” taaso been ah, muujineysana daacad-darrada iyo mardadaabaada farmajo adeegsanayo si Ummadda Soomaaliyeed u jaahwareeriyo.

Warqadda RW Roble qoray waxay tilmaameysa dhawr arrimood:

1. In RW Roble uusan tixgelin go’ammada ka soo baxay QM, Midowga Afrika, IGAD, EU, Mareykanka, kuwaaso lagu cambaareeyay golaha Shacbiga iyo Madaxweyne farmajo qalalaasaha siyaasadeed ee ay abuureen kaddib markay ku dhawaaqeen muddo kororsi 2 sano ah oo aan dastuurka waafaqsaneyn;

2. In halkii uu mashquuli lahaa sida loo joojin karo sharcidarrada GSh iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday farmajo wadaan oo ay ugu darneyd muddo kororsi 2 sano oo adduunka oo dhan ka soo horjeestay, kuna Kalliftay Ciidammada Badbaadada Qaranka inay hawlgalaan, RW Roble wuxuu shaqo ka dhigtay shirqoolka Ciidammada horseedka ka ahaa xakameynta sharcidarrada dowladda federaalka oo adduunka u taag waayay;

3. In Arrimihii dhacay 25 abrile 2021 lagu tilmaamo “qalalaase” ay sameeyeen ciidammo horey Wasiirka Amniga Xundubey ugu tilmaamay maleeshiyo. Wasiir Xundubey waa Guddoomiyaha Guddiga taaso ah madax jabin loola bareeray Ciidammada Badbaadada Qaranka ee u hawl galay difaaca dastuurka iyo diidmada muddo kororsiga 2 sano ee sharci darrada, xukun boobka ah, iyo badbaadada Madaxweyne hore Xassan sheikh Maxamud oo ciidammo lagu sheegay inay Madaxtooyada ka amar qaataan soo weerareen sharci la’aan;

4. In Xubnaha guddiga intooda badan yihiin saxiibadda iyo taagerayaasha gaarka ah ee farmajo, xogtana sheekeyso inaysan xiriir shaqo iyo amar ka qaadasho la laheyn RW Roble;

5. In sennatarrada iyo Xildhibannada qaarkood aan lagu aqoon difaaca dastuurka, mabaadi’da dowladnimada, iyo halgamayaasha daacadda ah oo dalkooda ka naxaya.

6. In waajibaadka guddiga yahay dib u celinta Ciidammada u soo hawlgalay ilaalinta dastuurka iyo qabashada doorasho heshiis lagu yahay kaddib markii dowladda federaalka ka baxday wada hadallada doorashada, kuna dhawaaqday muddo kororsi, hadafkaaso weli horyaalin labo caqabadood: jiritaanka barlamaanka Federaalka oo dastuurka farayo in la kala diro madaama muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Madaxweyne farmajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday haseyeeshe u dhaqmaya sida Madaxweyne sharci ah halka waajibku ahaa inuu is casilo si loo abuuro xasillooni iyo kalsooni doorasho lagu qaban karo. DG, Xukuumadda xilgaarsiinta, mucaaradka, iyo waxgarad kale oo kaashanaya beesha caalamka ayaa ku filan inay dejiyaan hab doorasho oo lagu kalsoon yahay;

7. In RW Roble isku mashquulin inuu marka hore asaga, beesha caalamka, DG, iyo dadweynaha ku qanciyaan Farmaajo inuu iscasilo, farahana kala baxo Wadatashiga doorashada muddada dheer daahsan. Saameynta Colaadda iyo dib u dhaca uu farmajo geliyay Soomaaliya waa qoto dheer tahay, waxayna qaadaneysa sanooyin in laga soo kabto.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.