Tusbaxna Waa Wataa Togane, Towxiidkiisana Waa Majeerteen! | Aragtida: Dr. Ali A. Hirabe

Dr. Ali. A. Hirabe - Waxaan aad ugu xumahay wareeysigii lagu sheegay Prof. Togane ee ku wajahnaa isbedelka siyaasada cusub ee somali kuna cabiray xog aad ugu fog xaqiiqda dagaalka siyaasadeed ee ka dhex jira somalida.
Faallo Keydmedia Online
Tusbaxna Waa Wataa Togane, Towxiidkiisana Waa Majeerteen! | Aragtida: Dr. Ali A. Hirabe

Aadanaha waxaa uu u baahan yahay in ruuxda,caqliga iyo jirka laga dhiso balse xaqiiqdii waxaa soo baxaday in Togane uu jirka uun ka dhisan yahay,caqliga waxaa lagu koriyaa aqoonta maadiga ah iyo mida diinta ah sida oo kale ruuxda waxaa lagu kobciyaa caqiidada iyo towxiidka taariikh ahaan caqiidadiisa diinta  waa la ogaa sida aay isku bed-bedeshay sanadadii la soo dhaafay oo mar ayuu ahaa nin ka tagat diinta Islaamka marna waa uu ku soo noqoday.

Waxaa ilaah ka fogeeyay waxa la dhaho dabeecad wanaaga Aadanaha,waxaa uu si aanan loo meeldayin madax ku xiratay Majeerteen halkudhigna ugu dhahay Money Mareykan iyo Majeerteen, Aniga kan wareysanaayo ayaan ka aqoon yar oo xitaa aanan la barin anshaxa saxaafadda sidee ayuu u dhegeysan karaa qof caytamaya oo dadka sharaftooda? meel uga dhacaya....??

Togane xisaabta maskaxdiisa uu ku duubay ee ah Money Mareykam iyo Majeerteen waxaa quman in uu ogaado in xiligeedii la soo dhaafay ee hada lagu jiro money Mareeykan iyo Mudulood,dib u fiiri sidii foosha xumeed ee C/aahi Yusuf looga qaaday xilka madaxweeyne Jendayi  Frazer   waxaa aay si qayaxan ugu  sheegay C/laahi Yuusuf in uu baneeyo xilka madaxweeyne.

Jendayi  Frazer  waxeey si cad u taageertay Nuur Xassan Xussen ” Nuur Cadde ” iyo qorshaha siyaasadeed uu hormuudka ka ahaa ee wadahadalka Jabuuti ku dhex maraayay dowlada iyo Mucaaradka,Mareeykanka waxaa uu si cad u taageeray Sh.Shariif mida hada socotana sida xaqiiqda tahay haddii la xisaabiyo raga siyaasada ku tartamaayay waxaa ugu cad-cadaa afar nin oo Mudulood ahaa sida Proff.Xassan,Sh.Shariif iyo C/qaadir Cosoble,C/raxmaan Baadiyow iwm miyeeynan kuu muuqan in xisaabta masakaxda kaaga dhegtay aay qalad tahay ??

Waceeysle maaha Sawaaqroon balse waxaan hada kahor qoray qormo aan ugu magacdaray Meheri maaha Mudulood minti Abkiisa waa yaqaan,xiligaa waxaa r/wasaare ahaa proff.Cali Geedi waxaa dad badan laga dhaadhiciyay warsangeli Abgaal waa Harti iwm waxeey walaalo yihiin warsangeli daarood ,runtii waxeey aheeyd taariikh qaldan waxaase moodaa in Togane iyo kuwo faro ku tiris ah ay aaminsan yihiin in ay ka soo jeedaan Sawaaqroon shurugaa ku raac nin walba meesha uu ka yimid waa yaqaan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa inta uu aflagaadeeyay Togane ee somalida ah waxaan leeyahay xaal ayaan idiinka siinay nin waalan talkiis ayaa u miirqaba ayeey somalida dhahdaa,sida  Proff.Xassan madaxweeynaha jamhuuriyada federaalka Somalia iyo reerka uu ka soo jeedo iyo C/qaadir Cosoble iyo Khadiija Cosoble,Inj Enow iyo dhamaan Mudulood.

Togane doorashada sida aay u dhacday iyo xaqiiqda caalamka aay arkeen,fadalan haddii aad Puntland jeceshahay macnaheeda maaha waa in ay hogaamiyaan balse xiliga lagu jira waa in aay u hogaansamaan dimoqoraadiyada raacaana hogaanka madaxweeyne Proff.Xassan sida aay xaqiiqda tahay.

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com

Masuuliyada Qoraalka waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan! Keydmedia Online Ma Qorin Qoraalkaan!




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.