TUUG LA QABTAY TALO MA LEH

By Avv. Xussein Diiriye Afrax - Soomaaliya waa beer bexeyso oo ka soo kabaneyso dhibaato mudda dheer ku habsatay, beer bexeysana lagama waayo geed buko, soomaaliya na waxaa mar waliba madax ka soo noqday dad maskaxda ka buko oo haba yaraatee lahayn aragti ama ujeeddo hor u kac, meeshii ay shaqada u doori lahaayeen cid u qalanta oo howsha loo dhiibay taqasus u leh.
Faallo Keydmedia Online
TUUG LA QABTAY TALO MA LEH

Waxa ay u xagliyaan kaliya in danaha waddanka ku aaminaan qolooyin ay qaraabo hoose yihiin ama saaxibo oo xantooda u qariya,kama jirto Soomaaliya hayad guud oo shaqale ama mamul ka madax banana xulasho mugdo ka muuqdo,dhinac waliba aad ka eegtid shaqaalaha dowladda waxaa kuu soo baxaayo in ay hor booda yaan canaasiir qabiil lagu soo xulay oo ku xeel dheer sidii ay u booby lahaayeen hantada yar oo loogu tala galay in umadda lagu taakuleeyo.

Kama jirto waddanka hayad ah xisaabi xil maleh oo dar dar geliso ka war qabka lacagaha dowladda sida bareerka al loo lunsado, ciddii arrintaas isku daydo in ay ka hadasho waxay halis u tahay in shaqada la ceyriyo iyo in weliba xabsi loogu daro sida haatan uu la kulmay ninkii madaxda ka ahaa xeer ilaalinta guud oo dembi looga dhigay ka hadalka tuug iyo madax hanti lunsatay.

Soomaaliya waxay ku sifowday goob ay ka taliyaan tuugo is aruursatay, wax ay hambeynayaan la arag, jeebabka ka buuxsado lacagaha yar oo dalka soo galo, xishood ma yaqaaniin waxaa u cad xatooyo hanti dadwene,s ed buursi iyo laaluush ku dhaqan, balse waxay aakhirkii ku dambeyn doonaan in dabin ku dhacaan laguna qaado tuug la qabtay talo ma leh.

Madaxda waddanka ka taliso meel kasto oo ay tagaan waxay kala kulmaan aflagaado iyo xushmo darro sidii hadda ka hor ka dhacday shirkii London oo si gabasho lahayn loogu sheegay in tuugo iyo caado qaatayaal ay yihiin ayna xadeen lacag malaayiin kor u dhaaftay sidaas daraadeed na mar dambe lagu amini doonin hantida waddanka dibadda uga timaado, shirkaas madax ku shegga kulligood mid qaran ama mid gobol wey u dhammaayeen, meeshii ay ka gil-gilan lahaayen in ay iska rogaan heeryada dusha looga tuuray,waxay ka badin waayeen in gorodda ay raariciyaan waxa ay ogyihiin tuuga nimada ay faraha kula jiraan,tuug la qabtay talo ma leh.

Madaxda tuugada lagu tilmaamay qaar waa culumo, kuwa waa asharaaf,kuwa kalena waa madax hore uga soo shaqeyay dowladihii beri samaad kii,waa dad munaafiq ah oo u bareeray in ay ku takri falaaan jeebabka na ka buuxsadaan hanti guud oo loogu tala galay qolooyin masakiin ah.

Waa xaaraan ku naaxyo aadabta yu yartahay oo sida runta ah dhib badan u horseedi doono haddii ay leeyihiin ubad ay dhaleen, ciddii xaaraan lagu koriyo aaya dambe oo fiican laga sugi maayo,waxay ku wey naan doonaan ayagoo og in waalidkood tuug aha kuna soo koriyay lacag uu dadweynaha ka xaday.

Hoos waxaad ka aqrin kartaa in yar oo laga soo qaaday warbixintii UN ka loo gudbiyay,meeshaas waxaa ka muuqdo wax is daba marin oo haba yaraate loo meel dayin,inta wax hala boobo lagu jiray ayaa waxaa la illoobay in xisaabta la is waafajiyo,tuug la qabtay talo ma leh.

Missing funds, missing information

20. A key enabler of corruption and misappropriation of public finances is the
absence of reliable information. TFG revenue and expenditure records are not only
incomplete, but also essentially incoherent.
23. There exist serious discrepancies in recorded revenues, even within the TFG’sown financial institutions.
For FY 2011, the Ministry of Finance (MoFin) reported
actual revenues of US$72,643,000 whereas the Accountant General (OAG) reported

revenues of only US$55,482,997: a difference of US$17,160,003.
Inta yar oo warbixinta laga soo xigtay waxay muujineysaa in tuugo nimo cad ay madaxda faraha la galeen,mana muuqato caqli iyo cilmiin ay isaga difaaci karaan,waxay ka badin waayeen in midba midka kale uu eed badan farta ku fiiqo,tuug la qabtay talo ma laha.

Somalia: President Is Shielding Pirate Leader, U.N. Report Says

President Sheik Sharif Sheik Ahmed, left, has shielded a top pirate leader from arrest by issuing him a diplomatic passport, according to a United Nations inquiry, which criticizes the “climate of impunity” enjoyed by pirate kingpins in Somalia and abroad. The United Nations Monitoring Group on Somalia said in a report to the Security Council that senior pirate leaders were benefiting from high-level protection from Somali authorities and were not being sufficiently sought by international authorities. The group said a diplomatic passport had been provided “with the authorization of” Mr. Ahmed to Mohamed Abdi Hassan, a pirate leader also known as Afweyne, who presented it to authorities in Malaysia on a trip there in April. The report said Mr. Ahmed said the passport was “one of several inducements” for Afweyne aimed at dismantling his pirate network. Mr. Ahmed, in a letter to the chairman of the Security Council Sanctions Committee, called the report “one-sided” and described its contents as “unsubstantiated allegations.” President Sheik Sharif Sheik Ahmed 

Xil kas nimo xumada madaxdaas waxay waddanka u horseeday jahawareer siyaasadeed,mid bulsho iyo mid dhaqaale iyo kala boob xabsi la’aan hantida umadda, maah maah ayaa waxay ahayd: markii bisadda maqan tahay jiirka waa bood booda; waddan madaxdiisa tuugo ku sifowda,xaqiiqda waxay tahay in marna waddankaas shaqaalahiisa laga sugeynin wax fiican oo loo aayo,tuug la qabtay talo ma leh.

Avv.xussein diiriye afrax - Edmonton London




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.