Bililiqadda Berriga Dalka 

Faallo Keydmedia Online

Ibrahim Abdi Geele — Dowladaha dunida waxay ku dhisan yihiin Siyaasado u adeegaya Ummadda ay maamulaan oo had iyo jeer isku daya inay baahida haysa ay daboolaan taasoo ay ku raadiyaan hadba sida ugu macquulsan ee ay ku heli karaan, si ay dhaqaala ahaan iyo Sumcad ahaanba u noqdaan Ummad dhisan oo ku faanaysa waxay dowladdoodu dhaxal siisay, ayadoo marka hore uga faa’iideynaysa dhaqaalaha Dalka uu leeyahay iyo khayraadkiisaba, wixii ka batana uga raadisa sida ay ku heli karto.

Bililiqadda Berriga Dalka 

Hanaanka loo marayo waa kala duwan yahay, oo waxay ku xiran tahay dalba sida ay la noqotay inuu ku helo wuxuu dunida kale uga baahan yahay, tusaale ahaan, reer galbeedku waxay dunida kale uga baahan yihiin waxay ku raadiyaan khalalaase, dagaal iyo dhiig lagu hoobtay,  si ay u noqdaan dalal sii jira muddo dheer, waxayna ku fekeraan mustaqbalka fog sidi ay ummaddooda u ahaan lahayd kuwa dunida laga haybaysto, waxayna ku raadiyaan cudud military oo aan xita wax diplomaasiyad ah ku daabnayn, oo warkaan sheegayo maqal oo haddaad fahamto wax ka dambeeya qaaradaha waa lagaa masaxayaa oo cad cad ah, oo aan qarsoodi  lahayn.

Dowladdaha qaar waxay ku shaqeeyaan inay la tacaamulaan ummaddaha dunida ayadoo wax collaad ah, ama mushkilo ah aysan ka dhex abuurin, kuna fulinaya hanaankooda qaab dagan oo aad u Maskax badan, Tusaale sida Jaban, China, Turkey, Brazil iyo dalal kale oo dhamaan waxay dunida kale uga baahdaan si nabad galyo ku jirta uga qaata waxay doonayaan, layskuna xushmeeyo, loona ogol yahay.

Kuwa kale ayaa waxay doonayaan ku raadsada si Dulinimo ah, ayagoo khayraadkooda ugu deeqa dalal kale, maskaxduna ka madoobaatay oo aan u fekerayn sida benu aadamka caadiga ah ee nool, iyo xigmadda illaahay ku shubay aadamiga ee u kala saarta habka nolosha caadiga ah, waxayna doortaan had iyo jeer in ay noloshooda iyo dhaqaalahooda u raadiyaan in la hoos fadhiisto ummadda sida asaagooda oo kale, dowladahaasi waxaa ka mid ah Carabta qaasatan Khaliijiyiinta oo dhamaan khayraadkooda si nuxuusnimo ah ugu deeqay, oo aan sharaf iyo ixtiraam midna ku lahayn, iskuna howlin maalin galinkeed inay mar uun noqdaan ummada ka faa’iideysan karta dhaqaalaha, ama heli kara high tech gacantooda ay ku samaysteen. Waxay doorteen inay shidaalkooda ku deeqaan reer galbeedka halkaana ay ka doonaan nolol ay isleeyihiin waad ku raaxeysan doontaan.

Rag xoog leh xisaabtan kama dhamaado ayaa la yiraahdaaye, wixii lacag shidaal looga badashay ayaa haddana loo daba taagan yahay oo waxaa loo keenaa Hub kala duwan oo wakhtigiisii dhacay, Waxyaabaha lagu raaxaysto ee macnawiga ah, iyo nidaamyo kale oo ay ka mid tahay dhaqaalaha deeqaha UN-ka dunida ay ku qaribaan, Tusaale haddaan usoo qaadano, beryihii Abaarta xun ku dhufatay dhulka soomaaliyeed, waxaan og nahay in Iran, iyo Turkey Toos wixii deeq ah ay ugu keeneen dalka soomaaliya, laakiin 50 Milyan oo Sacudiga soomaali siinayey wuxuu u mariyey UN.

Hanaanka strategyadeed ee dowladdaha awooda badani ay isticmaal waxaa u asal ah 3 arimood oo kala duwan oo dowladkasta oo ay aad u danaynayaan  ku qiimeeyaan, kuwa waa sida Bulkanska, iyo waddamada Bariga Yurub, oo Kala Goynta Yuguslavia, iyo u Hiilinta Bosnia, iyo Kosovo waxay ahayd strategy looga danleeyahay sidii loogu dhawaan lahaa xuduudaha dalka Ruushka, mana ahayn inta badan wax ku xiran dhaqaalo, ee waaa Military strategy, Afgaanistaan waa Power struggle maxaa yeelay boqortooyooyin Iyo dowlado xoog is biday oo kala duwan ayaa dagaal ula tagay waxna ka qaadi waayey, oo ugu dambeyntii Soviet Empire keentay 1989 inay cararaan.

Sidoo kale Dagaalkii Vietnam oo ahaa Albaabkii ay doonayeen inay ku hakiyaan Cilmaaniyaddii sii fidaysay ee uu waday Odaygii china qabsaday ee Socialist ahaa, iyo Barriga dhexena waa wadnaha dhaqaalaha Reer Galbeedka,  Hindiya Pakistan, ama dalalka laysku yiraahdo Southeast Asia waa Market-ka reer Galbeedka iyo meelaha ay ka helaan Cheap Raw Materials-ka, iyo waliba cheap labor, ama shaqaale iyo khayraad raqiis ah, waayo noloshooda ayaa adag, waana overpopulated Nations, central Asia waa Russian paver Zone, oo waa pro-Russia intooda badan, waxayna u baahan tahay cost iyo Time in lala tacaamulo. Laatiin America reer Galbeedku Heshiisba maaha, wax caqaalaad macna leh oo ka dhaxeeyaa ma jiro.

Laakiin Soomaaliya waxay kulmisay intaan ka soo sheekeynay inta ugu muhiimsan, waxay economic Corridor u tahay dhamaan reer galbeedka iyo dunida oo dhan, waxaa kale oo ay tahay Military strategy ciidamadu buuxaan oo ay ka illaashadaan Middle east oo dhamaan nolosha Galbeedka 60% ka badan ku xiran, iyo Soomaaliya oo baarist muddo badan socotay ay ka heleen waxyaabo badan oo micna ugu fadhiya reer galbeedka, kuwaasoo isugu jira waxay sheegeen oo la Qoray lana og yahay iyo waxay qariyeen ee ay diideen in la bandhigo, maxaa yeelay wali ummadda Soomaaliyeed maysan helin khibrad ay ku kala saarto khayraadka dhulka ku jira.  

Yaanan ku fogaanin ka faalaynta hirgalinta Baahida dalkastaba leeyahay, waxaan doonayey inaan bal ku falaanqeeyo, waxa runta ah ee jira, iyo sida aad moodayso in looga indha la’yahay, oo Ummaddiina aysan u fahamsanayn inay Halis keeni karto arimahan aan ka hadlayo ee Mustaqbalka dhow iman doona, haddii aan la fekerin, waxaana ka mid ah.

1. Waxaan dareemayaa in dhamaan dhulka soomaaliyeed khayraadkiisa in loogu sii gogol xaarayo shirkadaha reer Galbeedka, taasoo aad dareemayso in ciidamada Amisom ay yihiin masaartii loogu geed qaadayey reer Galbeedka, wuxuuna u dhow yahay in qorshaha mustaqbalka ay Imanayaan ciidamo Caddaan ah oo haysta Fekerkii 1992-1995 ee UNISOMII, oo loo yaqaanay Operation Restore Hope, oo ahayd Raja soo celinta Soomaaliya, kaasoo Hal ku dhigiisu ahaa in lagu soo xero galo HUMANITERIAN, kadibna shaqa kale oo u gooni ah laga  qabto dalka gudahiisa. Caddaymaha laga qoray ee yaala waxaa ka mid ah sida shirkadda CONOCO uga qayb ahayd, habka bililiqeysiga khayraadka dalka, haddii aad u baahan tahay Faahfaahin Halkaan ka Akhiso, shirkadda CONOCO waa shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka waxayna ka shaqeysaa Baarista shidaalka, waxaana lagu eedeeyey inay dhaqaalaha ciidamada maraykanka ee ka howl agalayey ay bixinaysay, si ay u hesho waxybaaho badan oo ay horay u sahansatay, ayna doonaysay in ay kaga faa’iideysato inta ay jirtay fowdada dalka ku baahsanayn.

2. Qorsha xiga waxaa ugu muhiimsan in dowlada Soomaaliya ayadoon ciidan qalabaysan yeelan, ama aan loo ogolaanin, la doonayo in dhamaan dalka oo dhan loo gacan galiyo ciidamo shisheeye, ayadoo la leeyahay waxaa jira cabsi laga qabo ciidanka soomaalida, lamana aamin karo kuwa soomaalida, ayadoo loo ekeysiinayo in ciidanka soomaalida ay la shaqeeyaan qaybo ka mid ah ururka alshabaab, lagana dhigayo in aysan suurta gal ahayn in la hubeeyo ciidanka soomaalida ama la siiyo qalabka ay u baahan yihiin, oo laga dhaadhiciyey waxay gaarayaa alshabaab. Arintan waa sawir muuqaaleed aad looga soo fekeray oo dhisan, oo lagu mashquulinayo ra’yiga guud ee Ummadda, waan Hirgalinta Hadaf la xaqiijinayo oo ka yimid dibadda, taasoo cid falaaqeyn kartaa aanu jirin.

3. Dowladda waxaa lagu mashquuliyaa markastaba Cabsi galin xoog badan oo  u sawiraysa in ayaduba ay halis ku jirto, waxaana loo sameeyey sawir ku kala dhex jira ayada iyo dadkeeda ay isku luuqadda yihiin, waxaana loo diiday inay bal in yarna ka fekeri karto habkii ay ku kala saari lahayd cidda cadowga u ah iyo cidda la shaqeynaysa, waxaana lagu qasbay in si systematic ah logic loogu dhigo, in ay soo xaraystaan ciidanka ururka Alshabaab oo ayadoo aan hanaankii dowliga ahaa la marinin, lagu dhex shubay ciidankii kale ee ay dowladda haysatay, sawirkaa dowladda afka laga galiyey, iyo cabsi galinta warbixinada mukhaabaraadka dibadda ay siinayaan dowladda, ayaa ka dhigay in ay awoodi kari weydo inay ka fekerto howl looga baahnaa, waxaana lagu guuleystay in la mashquuliyo illaa ay dhexdooda kala shaqeyaan oo la gaarsiiyo in ninka madaxda ugu saraysa dalka ay ku hurudo oo noqdo nin Ajnabi ah. Sawiradaasi waa howl ay qabteen dad aan soomaali ahayn, waana curyaaminta dowladda, iyo inaysan isku howlin habka dajinta dalka, iyo xalinta qilaafaadka, oo ay sahwi uun waqtiga uga dhaco.

4. Qodobka Afaraad waa kicinta Ummadda iyo sidii looga hor keeni lahaa Maamulkasta oo jira, ayadoo lagu dhex deynayo warar aad looga soo shaqeeyey oo maangal u ah ummadda soomaaliyeed, loona dhiibo dad corker ah oo si wanaagsan u dhacsiin kara shacabka, oo wixii warbixin ah ee dowladda dhankeeda ka imaanayaa ayadoo daba gadisan uga soo tabinaya. Taasoo kuu muujinaysa in Ummadda iyo Hogaankastoo loo sameeyo lagu kala dhex jiro, noockasta oo uu yahay. Berrigii Maxaakiibta dadka u saldhigi waayey, dowladihii kala duwanaa u saldhigi waayey, waxaa ka mas’uul ah dad afka soomaaliga ku hadla, dhaqaalana haysta ama meelo ka hela, oo haddana u sameysan in ummaddeena lagu jaha wareeriyo, si markastaba aysan u suurtoobin inay hal meel isu raacaan oo Muwaafaqada uga lunto, kadibna ay waligood ahaadaan ummad u sawiran inay cawaan yihiin. Cidkasta oo wax garanaysaa inay dhex joogto waa loo diiday oo waxaa is hortaagaya duruufo la abuuray oo aan u saamaxaynin inuu soo gaaro meel ummadda uu xaqeeda uga xaqiijin lahaa, waxana ay u badan tahay inuu shaqsiyaasi nolol la dirir yahay, cabsi hayso oo saaxiibkii run lagu dilay, ama lagu cabsi galiyey, dalka isaga baxay oo noqday nin haajiray oo baqdin darted aan dalka iman Karin.  

Dhamaan waa howlo laga shaqeeyey laakiin salka ku haya sababo rag ka shaqeeyeen oo lagu qanciyo Fekerka guud ee Ummadda. Haddaan tusaale ka soo qaado waxaa laga yaabaa in dowladda Arin horumar ah keento, hindisaheeduna noqdo mid aan hirgalin, sababo caqabaad ah dartood, kadibna rag ajendayaasha dowladda ku dhex jira inta arkaan inaysan arintani soconayn u soo bandhiga bulshada ayadoo aad u fool xun, kadibna Ummaddii sidii loogu sheegay kama sal gaaraane, inta la boodaan oo inta la sii qurmiyo haddana ayadoo qurunsan ummadda lagu dhex wareejiyo.

Dowladdeenu waxaad si buuxda u dareemeysaa inaysan wax qorshe ah aanu jirin illaalinta khayraadka dhulka ama Berriga dalka. Waxaadna si toos ah u fahmaysaa in qorshaha ay aaminsan tahay uu yahay, ciribtirka urursha alshabaab ee dalka laga sifaynayo ayadoo la adeegsanayo ciidan ajaaniib ah, iyo ciidan maqaarsaar uun ah ee aan lahayn mabda’, aqlaaq, iyo habdhaqan ciidan oo ummadda soomaaliyeed wax ku ool mustaqbal u ah. Maxaa yeelay askari kasta oo soomaaliyeed maalinta uu tabarbarka muddada gaaban soo qaato, waxaa gacanta laga saaraa Jingalkii ciidanka iyo Qori AK47 ah, iyo Gaari Ciidan oo Nooca Cabdi Billaha loo yaqaan ah, markuu ku ak marayo ku argagax galinayo.

Askarigaasi ma haysto Sargaal aad iyo aad u tababaran oo xakamayn kara, una doodi kara xuquuqaadka uu leeyahay, ummaddana waxay ku leedahay uga qaadi kara, waxa ummadda lagu leeyahayna uga qaadi kara, oo abuuri kara is dhex galka ummadda iyo ciidanka soomaaliyeed. Waxaad dareemaysaa askariga dowladda manta u joogaa inaan laba barin waddaniyadda iyo xuquuqaadka dowliga ah, taasoo micnaheedu yahay in askarigan siduu Mooryaan dadka laaya u ahaa tababar loo diray, uusan helin dhaqan celin, iyo shuruuc xakamaysa.

Taas waxaa ka sii daran Sawirka na horyaala ee hadda naloo sheegayo in dalka marka laga saaro alshabaab ay gacanta ku hayn doonaan isla ciidanka aan sifahiisa kor ku soo sheegnay, yacni waxaad dareemaysaa in Ummaddii hadda been loogu heesayo oo aan la dareensiinayn mushkiladda baaxadda weyn ee ummadda soomaaliyeed ku soo socota.

Kenya waxay si aan sharci ahay ku timid dalka, Burundi, iyo Uganda oo AU mandate-keedii ku Yimid oo hadda aan xuduud lahayn dhaqaalo ciidankeenu u baahan yahayna lagu guro, iyo Itoobiya oo dalkanba rajadiisii inay daba jarto loogu tala galay xaruntooda looga sii hagaajinay magaalada Baraawe, iyo Jabuuti oo walaalo ah, laakiin aan Itaal badan lahayn.

Waxaad dareemaysaa inuu dalku dayacan yahay, qorshe dowli ahna uusan jirin oo noo muuqda, maxaa yeelay xaq baan u leenahay inaan helno halka lagu wado dalkeena, iyo sida loogu baahan yahay in dajintiisa ay u hirgasho, ma doonayno in Inta naloo aamuso meel aan ka soo qaban weyno oo hadda ka hoosaysa ay gaarto, taasoo ah in Ummad Soomaali la yiraahdaba dhaqaale ahaan iyo Ummad ahaanba loo waayo.

Shabaab halaga saaro dalka markastaba waa PLAN B, PLAN A waxan ka sugeynaynay responsibility dalka yaa qaadaya, haddii ciidan qalabaysan la waayo, plan C, iyo D……, waa arimo kale,  laakiin PLAN “A” hadduu noqon AU lagu geed qaado Alshabaab, B-plan in ciidamada AU lagu baddalo ciidan UN oo west ka yimaada oo hadday ugu badato turkey ka mid noqdo, waana midda aan ka baqanayno, in berrigana sida badda loo boobayo asaguna la xaalufiyo.

ILLAAHAY BAA MAHAD LEH.

Ibrahim Abdi Geele | KEYDMEDIA ONLINE
jinniishumi@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.