Umuloow: Waraabaha Maxaa Xiga!?

By Bashir M. Hersi - Soomaalidii hore Wadaadada siyaabo badan ayey uga hadleen, ammaan, dhaleecayn, wiirsi iyo maadba isugu jira, mid walbana dhacadeeda ayey lahayd.
Faallo Keydmedia Online
Umuloow: Waraabaha Maxaa Xiga!?

Guud ahaan wadaadadu marna Siyaasadda kuma jirin, isuma soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la dhawrayey awgeed, haddana wadaadadu si guud qayb ayey uga ahaayeen hagidda qaab nololeedka bulshada iyo maaraynta mashaqooyinka maalmaha.

Dhahdooyinka meelmaray ee dhawaqa dadka iyo dhagahooda ku badan ee ku saabsan WADAAD waxaa ka mid ah: “Ragga iyo Dumarka yaa badan?” jawaabtu waxay noqotay: “Haddii Wadaadada lagu daro Dumarka ayaa badan!” mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa, Abeesana Dhul u eki”.

Marna waxaa la yiri: Wiil labaatan jir ah oo murqo kuus ah ayaa geed ka booday, Wadaad meesha ka dhawaa ayaa asna damcay inuu ka boodo, wadaadkii geedkiina kama boodin, maradii uu guntanaana way ka bidday, markaas ayaa wiilkii wuxuu yiri: “Wadaaddku inuusan Oodda ka boodi karin waan ogaaye waxaa idmanaa in Cawradiisa la arko!” dhanka kale, waata la yiraa: “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!” oo wadaad laga soo gaaray.

Uma jeedo dhaleecayn ama caay, ee bal aan dhalanrogga dhacaya wax yar ka dhaho, Diintu waa Raxmad u soo degtay Dadka, waa aqoon looga boxo Jahliga, waa iftiin looga gudbo mugdiyada, waa ambo qaadada Hor-u-marka, bidhaamisada dhabbaha ilbaxnimada, waa aruurisada samaanta, waa kaydka anshaxa iyo hoyga dhaqanka suubban, waa..... waa... Marka laga soo tago ceebaynta iyo cillad u yeeliddeda, ama haaraammada iyo haydaarrada kaga imaanaysa Caqliga iyo Cilmiga, ama cid gooni u colaadinaysa.

Diimuhu markoodii hore waxay ahaayeen erayo aan qornayn, waxay ahaayeen erayo hadal ahaan loo meersho, balse, ka dib qaab fahamka laga qaato erayadaa ayaa wuxuu isu badalaa wax ku lifaaqan oon marnaba ka go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.