Urkutaalka Haysa Kamaal Iyo Inta Faciis ah..!

Prof. Mohamoud Iman Adan (Keydmedia) Virginia, USA - Kamaal waa inan da’yar oo jaamacad dhigta oo weli ku hoos nool gacan ku haynta waalidkiis. Sida faciis u badan yihiin, Kamaal nolol qurbo-joog ah oo walwal la’aan ah buu ku nool yahay, maararawgiisa maalmeedna waxaa kamid ah: Nooca raashinka uu cunayo, casharka uu maanta qaadanayo, waqtiga uu la qaybsanayo saaxiibta ay faqa wadaagaan, iyo filimka ay wada daawan doono dhammaadka toddobaadka.
Faallo Keydmedia Online
Urkutaalka Haysa Kamaal Iyo Inta Faciis ah..!

Sida noloshiisu ku wajahan tahay, kamaal wuxuu si fiican u la qabsaday xaalaadaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed ku sugan yihiin, lamana aha inay wax ka maqan yihiin.

Si lama filaan aha baa Kamaal maankiisa iyo shucuurtiisu mar qur ah isu baddashay. Maanta Kamaal waa walwalsan yahay oo ma laha firfircoonidii iyo dhoollo-caddayntii lagu aqoon jirey. Uurku taallo hore leh baa ku timid, lamana garan waxa uu gocanayo.

Baryahan dambe Kamaal hurdo gama’ ma siin, oontuna xaraar bay u noqotay. Xiiso uma hayo baashaalkii uu la yeelan jirey walaalihiis, waalidkiis, iyo saaxiibtiis jaamacaddana cagajiid buu ku tagaa.

Hamiga iyo caloolyowga Kamaal qabo lama qabaan jiilkiisu sida ay u badan yihiin, inta kasii fac weyna dareenka wiilka haya lama qabaan.

Keydmedia ayuu Kamaal kusoo cawday inay wax la qabato. Isla markiiba Keydmedia way u garawday qiirada waddaninimo oo Kamaal ku jirta, waxayna u guntatay in codkiis iyo shucuurtiisa qaaliga ah lasii baahiyo oo aqoonyahanka dhallinta yar loo bandhigo.

Keydmedia waxay ogaatay in hifashada Kamaal ay la xiriirto shirqoolkii la magac baxay Kampala Accord. Dhacdadaas ugubka ah nin walba siduu jecel yahay buu u qaatay, hase yeeshee uurkutaallo weyn bay arrintaasu Kamaal ku abuurtay.

Dhacdooyinkii taariikheed oo Soomaaliya soo martay labaatankii sano ee ugu dambaysey baa Kamaal dib u baaray wuxuu ogaaday in qarankii Soomaaliyeed la dhalanrogay. Wuxuu ogaaday in madaxda TFG iyo afhayeenka Baarlamaanku ay masiirka dalka iyo dadka dullaan ku yihiin.

Wuxuu ogaaday in maamulka dalkeena ay hoggaamiyaan dawladaha aan jaarka nahay oo ay ugu horreeyaan kuwa aan ahaan jirney cadaw soo-jireen ah. Wuxuu ogaaday in midnimo Soomaaliyeed ay gabaabsi tahay cidna ayna dareen ku hayn. Wuxuu ogaaday in koox yar oo magaca nala sheegata ay afduubtay rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, UN-kuna u xalaaleeyey.  

Kamaal wax badan oo uu ka diimoonaan jirey baa manta u iftay, wuxuuna u guntaday inuu is-baddal dalka ka sameeyo isagoo la kaashanaya jiilka waxbaranaya oo ku kala faafsan dacallada dunida.

Kamaal kama harin inuu sii baaro xaaladda siyaasadeed ee dalku maaanta ku sugan yahay, wuxuuna ogaaday in ergeyga gaar ahaaneed ee Xoghayaha QM Ambassador Augustine P.Mahiga uu yahay Madaxweynaha UN-ku sharciyeeyey ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu ogaaday in ciidamada Uganda iyo kuwa Rwanda oo Muqdisho jooga ay dalka ka taliyaan oo Madaxweyne Museveni loo afduuban yahay.  Wuxuu Kamaal ogaaday in Madaxda TFG, kan golaha baarlamaanka iyo xildhibaannada intooda badani ay yihiin la haysteyaal shisheeye u taliyo oo markii la rabo lagu adeegto.

Muddo yar baa Kamaal ku ogaaday xaaladda manta Soomaaliya ku sugan tahay oo jiilka daambe ku hungoobi doono. Wuxuu kaloo Kamaal ogaaday in caasimaddii Soomaaliya loo raray deegaamo dalka dibaddisa ah, sida: Nairobi, Addis Ababa, Kampala, London iyo New York, halkaas oo laga hoggaamiyo masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Kamaal iyo Ficiis Maxaa La Gudboon?

Raq walba waa ku raggeeda, waa maah ma




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.