Video: Aas-Qarameedkii Allahu u Naxariistee Marxuum Cabdullahi Ciise Maxamud - 1988

? DAAWO VIDEO CUSUB (Keydmedia) - Aas-Qarameedkii Allahu u Naxariistee Marxuum Cabdullahi Ciise Maxamud ee Xabaalaha Qaranka Muqdisho lagu Aasay 1988. - Waxaan ku jirnaa 25 guuradii ka soo wareegtay Geeridii halgamaa C/llaahi Ciise.
Faallo Keydmedia Online
Video: Aas-Qarameedkii Allahu u Naxariistee Marxuum Cabdullahi Ciise Maxamud - 1988

Keydmedia Online ayaa kusoo badhigeyso Taariikhdii iyo kaalintii uu ku lahaa Marxuum C/llaahi Ciise xuriyada dalka iyo la dagaalkii gumeysteyaashii dalka soomaray.

Filimkan oo ka kooban dhawr Qeybood isla markaana Afar Qeybood aan hore u soo Saarnay ayaa waxaad ku arki doontaa Muuqaalo aan abid lagu soo Bandhigin Warbaahinta nuuc kastoo ay tahay kuwaasoo muujinaya Howshii SYL iyo Madaxdii Qaranka.

Waxaa Maamuuska Aaska hor kacaya Madaxweynihii ugu Horeeyay Soomaaliya Adan Cabdulle Cusmaan iyo Madaxweyne Jen. Maxamad Siyaad Barre, Madaxweyne ku Xigeenkii Xusein Kulmiye, Madaxweyne ku Xigeen Laxwas, Madaxweyne ku Xigeen Maxamd Cali Samatar, Madaxweyne ku Xigeen Axmed Saleemaan Dafle. 

Geeridii Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxba kama beddelin jiritaanka Magaciisa iyo karaamada Bulshadu u hayso, wuxuuna halqabsi u yahay inta ay ku jirto qiiro wadaninimo iyo daryeelidda Ummadda Soomaaliyeed. 

Sawirka boggan ku muuqda waa tusaale muujinaya Madax kamid ah intii faraha badnayd oo kasoo qayb-gashay tacsidii marxuum Cabdullaahi Ciise Maxamuud bishii Maarso, 1988dii oo lagu dhigay gurigiisa ku yaal Muqdisho.

Waxaa Hubaal ah in waqtiga aad siisaa daawashada filim-kan taariikhiga ah uu naftaada u noqon doono mid qiima leh, waxaase ay keydmedia kaa dalbaneysaa in aadan ka laba labeynin u gudbinta Filimka saaxibada aad leedahay ee dunida daafaheeda ku nool si ay uga faa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.