​​​​​​​Waa Kuma Taliyaha Kumaandoosta ee Farmaajo Sharci-darrada ugu xiran?

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Taliye Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, taliyaha sida sharci-darrada ah ugu xiran MW Farmaajo, wuxuu ka mid ahaa, ardeydii Soomaaliyeed ee wax kusoo baratay, kana soo qalin-jabisay, mid ka mid ah jaamacadaha ugu sumcada badan dalka Maleeysiya.

​​​​​​​Waa Kuma Taliyaha Kumaandoosta ee Farmaajo Sharci-darrada ugu xiran?

Isla markii uu soo qalin jabiyey taliye Ismaaciil, meeshii uu aqoontiisa jaamacadeed, shaqo ku raadsan lahaa, sida dhalinyaradii ficiisa aheydba yeeleen, wuxuu kusoo laabtay dalkiisii hooyo, kadibna hore uga biiray, kuwa naftooda u hiibeeyey difaaca dalkooda.

Wuxuu ku biiray ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. Isla markiiba aqoontiisa, geesinimadiisa, wadaniyadiisa, iyo cod-karnimadiisa ayaa soojiidatay, madaxdii ugu sareeysay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Sooomaaliyeed (CXDS) ee xilligaa Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarsho), oo aad uga maqsuudsanaa tayada sarkaalkan, ayaa ku daray imtixaan loo galayey, tababar Mareeykanka loogu qaadayey saraakiil Soomaaliyeed, kuwaasoo dalka Mareerkanka gudihiisa lagu soo siinayey, tabarbar dhanka kumaandoosta ah, oo heerkiisu aad u sareeyo.

Taliye Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, wuxuu galay kaalinta 1-aad, hade waa number-ka koobaad, ee dhamaan saraakiishii imtixaankaa wada gashay! Saraakiishii Mareeykanka ayaa aad ula dhacay, sarkaalkan heerkiisa aqooneed sidan u dhisan tahay, isla markiina uqaaday dalka Mareerkanka.

Tababar dheer oo mudo socday kabacdi, Taliye Ismaaciil kuma dhex baxsan dalka Mareeykanka, oo isma dhiibin, sida askar iyo saraakiil badanoo tababaro loogu diray, dalal badanoo Afrika iyo Eeshiyaba ah, gaar ahaan kuwii Turkiga, dooman Giriiga uga siiraaceene, tababarkaa markuu dhameeystay, wuxuu toos dib ugu soo laabtay dalkiisii hooyo, si uu naftiisa ugu hibeeyo, cadowgana uga xoreeyo.

Dad badanbaa la yaabanaa! Oo lahaa, war xitaa orod-yahannadii caalamka Soomaaliya u dirsatay, si eey noo matalaan, waa kuwa Europe, Mareeykanka, Canada, iyo Australia iska kala dhiibaye, ninkan Mareerkanka tagay, ee hadana dabkan holcaya, inuu dhex-maquuro usoo noqonaya, muxuu ahaa? Laakiin taliye Ismaaciil wuxuu ogaa, in dalkiisu dirsaday, wax usoo bartay, waajibna ku tahay, inuu naftiisa u huro, si uu cadowga uga xoreeyo. Mudo kabacdi, wuxuu noqday taliyaha mas'uulka ka ah, amniga raysalwasaaraha dalka, iyo xafiiska raysalwasaaraha intaba.

Macallimiintiisii tababarka siinayey, ayaa ammaan qiimo badanoo qoraal ah kasoo bixiyey, una soo gudbiyey, madaxda dalka ugu sareeysa, iyo madaxda & saraakiisha Mareeykanka, ee geeska Africa jooga, gaar ahaan kuwa Soomaaliya gudaheeda ka howlgala, iyagoo madaxda dalka ugu sareeysa u sheegay, in Ismaaciil yahay, sarkaalka qaba tababarka ugu sareeya ururka Kumaandoosta dalka, dalbanayaana in la abuuro, guuto kumaandoos ah, loogana dhigo gaashaanle Ismaaciil taliyaha ciidamadaa kumaandoosta ah.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u abuuray Guutada 16-aad ee kumaandoosta Soomaaleed, Ciidanka Kumaandoosta, oo horay u ahaa urur, ayaa la ballaariyay, iyada oo la gaarsiiyay guuto la magac-baxday guutada 16-aad ee Danab, isla markaana u magacaabay gaanshaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, in uu taliye u noqdo, taariikhdu markii eey aheyd November 2, 2019-kii.

Taliye Ismaaciil durbadiiba wuxuu billaabay, inuu jiida horee dagaalka ka hogaamiyo kumaandoosta Soomaaliga. Waxaa aad ula dhacay madaxda ugu sareeysa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, iyo Saraakiisha Mareeykanka ee bixiya tababarka, mushaarka, qalabka iyo saanada Military ee ciidamada kumaandoosta Danab ee Soomaaliya, geesinimadiisa, dajintiisa istiraatiijiyada dagaalka, codkarnimadiisa, dhiiragalinta askarta iyo saraakiishiisa uu hogaamiyo, iyo sida eey uga go'an tahay in dalkan laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Waxeey u qireen taliye Ismaaciil, inuu yahay taliye ka fog musuqmaasuqii ka jiray ciidamada xoogga, waxkastoo lagu aaminayna, sidooda loogu yimid.

Kumaandoosta Dalab iyo taliyahooda gaashaanle Ismaaciil, waxeey Al-Shabaab ku dhufteen dharbaaxooyin lama illaawaan ah. Waxeey ka xoreeyeen deegaanno faradan. Waxeeyna guryahooda iyo godadkooda ugu daateen, saraakiil farabadannoo Al-Shabaab ka tirsan, iyagoo in badan nolosha kusoo qabtay. Wuxuu Kumaandoosta Danab ka dhigay, ciidan eey aad uga argagaxaan argagixisada dalka, taasoo Kumaandoosta Soomaaliya iyo taliyahoodaba usoo jiiday, sumcad ballaaranoo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ku wada faani karaan.

Gunaanad

Taliye Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin wuxuu mudnaa, billad geesinimo, iyo in isagoo nool taaallo dalka looga dhiso, nasiibdarro! Maanta wuxuu ku jiraa xabsi uu dhigay Madaxweyne Farmaajo, waxa taliyahaa dalkiisa naftiisa u hibeeyey lagu heeystana, waxaad ku dhaweyd raysalwasaare Cali Cali Kheeyre, amnigiisa ayaad mar mas’uul ka aheyd, isku reer baad tihiin, iyo waxaan rabaa inaan kugu badalo wiil aan isku reer nahay, abtina  u ahay (Waa Siciid Kampala’e), inkastoo Mareeykanka soodiideenba.

Nasiibdarro! Waxaa arintaa ka argagaxay saraakiishii Mareeykanka ee taqaannay, lana soo shaqeeyey, oo ku tilmaamay xarigiisa, wax aan la aqbali karin, soona diiday sarkaalkii MW Farmaajo ku reerka ahaa, ee uu ku badal is dhahay. Waliba Mareeykanka wuxuu ku hanjabay, ineey joojinayaan, mushaaraadka kumaandoosta Soomaaliya, iyo dhamaan wixii taageero militari ah, oo eey siinyeen, hadii eey ahaan laheyd, tababarradii, hubkii, rasaastii, iyo guud ahaan agabkii Millatari.

Illaa maanta Taliye Ismaaciil, wuxuu ku jiraa xabsi, isaga oo aan dambi lagusoo eedeeyn, iyo waliba isaga oo aan wax maxkamad ah la horgeyn, sida sharciga dalka qabo. Waax absi sharci-darro! Ku ah dastuurka dalka iyo dhamaan shuruucdiisa. Wuxuuna taageero uga baaha yahay qofkastoo damiir iyo damqasho Soomaalinimo ku dambeeyso.

Lasoco qeeybaha kalee xiga, oo aan sii wadi doonno, inta uu xoriyadiisa dib uga helayo Taliye gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, inshaa Allaah.Wa billaahi toowfiiq.




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.