WAA MAXAY DANAHA MAREYKANKU KA LEEYAHAY SOOMAALIYA? (XOG MUHIIM AH)

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - (keydmedia.net) - Waxaa intaanan guda gelin mowduucan jeclahay inaan u cadeeyo Aqoonyahanada qaarkood ee qurbaha wax ku bartay ee qaba in xaqa aayo ka talinta ee reer Yurub ku heesaan marka ay shucuubta caalamka 3-aad la hadlayaan in ilbaxnimadu ay gaarsiisay in dadyowga dunida ay yeeshaan xaqqa aaya ka talintooda, ma dhabaa hadalkaasi?
Faallo Keydmedia Online
WAA MAXAY DANAHA MAREYKANKU KA LEEYAHAY SOOMAALIYA? (XOG MUHIIM AH)

Waa maya xaqa aayo ka talinta waa xaqa ay shucuubta leedahay waana xuquuqul insaan dabiici ah oo ay qirtay dhamaan shareecooyinka Samaawiga ah, sidoo kale heshiisyada dawliga ah.

Sidaan isla garanay oo culimada Islaamka saxda ah aaminsantahay waxaa jira dad aan islaam aheyn oo afka carabiga ku qoray waxyaabo ka dhan ah islaamka kuwaasoo marin habaabinaya dadka caqiiqadooda ay hooseyso..

Hase yeeshee haddii aan dhuuxno waa kuwama kuwa ka faa’ideesta xaqqaasi dadku leeyahay, waxaa inuu cadeynaya waa dowladaha waa weyn eel eh Warbaahinta xoogga badan raadkana ku reebta dadka aan laheyn aragti iyo aqoon qoto dheer, hadaba yaa hormuud ka ah dowladaha dunida ee adeegsada warbaahinta si ay Ra’yiga caalamka u badalaan.

Washinton ama dowlada Maraykanka waa mida keentay ama soo hindistay xaqa aaya ka talinta, qofka hindisayna wuxuu ahaa Woodrow Wilson oo madaxweynihii Maraykanka ahaa 1918, ujeedaduna waxa ay aheyd si dowlada maraykanku ay xaqaasi ugu ogolaato ciddii ama shacabkii ay doonto.

Tusaale ahaan Qaramada midoobay iyo dowladaha Afrika waa key isku raaceen in xukuumadihii Ingiriiska, Talyaaniga IWM loo daayo sidii ay u dagnaayeen markii hore, doonitaan iyo yeerin uu Maraykanka u yeeriyay QM iyo ururka Afrika ayeey aheyd, hase yeeshee haddii dal dano gaar ah ay leedahay buuq ka dhaco oo dadka dhulka daga ay doonaan in ay ka go’aan dowlada ay ka tirsan yihiin sidaasi way dhaceysaa haddii maraykanka ama dowladaha reer galbeedka doonaan sida haatanba ka dhacday Koonfurta Suudaan oo dhawaan noqotay dowladii 53-aad ee midowga Afrika.

Sidaa kaliya ma aha ee dowladaha reer galbeedku waxay doonayaan in ay Suudaan oo Dal weyn ah aadana Hodan u ah kala googooyaan oo cad cad u qeybiyaan.

Soomaaliya Maraykanku wuxuu ku soo duulay isagoo wata Ciidan 31 kun oo askari ah oo Carab, Aasiyaan, Maraykan, Ingiriis, Jarmal, Beljum iyo Faransii isagoo dunida u sheegay inuu Soomaaliya u yimid wax ka qabashada Abaaro baahsan oo xiligaasi Dalka ka jiray.

Maya runta sidaa ma aheyn maraykanka marka hore wuxuu bixiyay in ciidamada maraykanka hoos iman Karin taliye dowlad ajnabi ah, sidaa waxaa ka sii daran inuu isaga iclaamiyay in Maraykanka u taliyo awaamiirtana uu siiyo.

Dowlada Talyaaniga oo ciidankeeda ay ka mid ahaayeen ciidmadaasi ayeey dhawr jeer iska horyimaadeen Maraykanka, nasiib daro dowladihii carabta ahaa oo masar ugu horeysay way ogolaadeen sidoo kale ciidamadii Pakistaan  dowladaha Sacuudiga iyo Jarmalka iyagu waxay ku ekaadeen in ay quudiyaan dadka ku jira xeryaha magaalada Muqdisho, mana eynan la dagaalamin ciidamadii Jeneraal Ceydiid.

Maxay Rabeen Maraykanku?

Maraykanku muddo dheer ayuu Soomaaliya min raaskanbooni ilaa raas caseyr ka baarayay macdan wuxuuna ogaaday in Soomaaliya macdanta ay u wehliso dhul biyo buuxa dhulka hoostiisa  ka buuxaan, iyo laba webi sidoo kale xoola farabadan.

Wuxuu maraykanka ogaaday in dadka Soomaaliyeed haddii dad wadaniyiin ah ay hogaamiyaan in ay halis ku tahay dalalka dariska ah sida Itoobiya, Kenya, Ugandha ayna baraarujinayaan dadyowgaas tusaaleynayaana waxa aduunsi yahay iyo wadaniyada waxa ay tahay.

Aad iyo aad wuxuu Maraykanku u argagaxay markii Jen Ceydiid uu magaalada Baardheere ku gacan seyray maraykanka kadib markii wafdi uu hogaaminayo nin Soomaali ah oo SNA ka tirsanaa oo la socday wafdigaas ay u bandhigeen xaashi inuu saxiixo batroolka Soomaaliya lagu saaro, GEN Ceydiid waa diiday oo wuxuu ugu jawaabay "iga raali ahaada aniga jabhad ayaan hogaamiyaa la dirirtay keligii taliye ee xukuumad ma ah, marka dalka Dowlada leysku raacsanyahay ka dhalato ayeey arintaasi dhici kartaa iyadoo Soomaalidu ka wada tashatay".

Soo gelitaankii maraykanka ee QM ku asteysnaa, maraykanka danahaasi ayuu ka lahaa in la cadcadeeyo Soomaaliya, waxayna ku dhalatay iyadoo aragtay in GEN Ceydiid uu wadankiisa iyo Dalkiisa mukhalas u yahay dowladaha reer Galbeedka waxa ay aad u daneeyeen Soomaaliya markii danjiraha dowlada Dhanishka la geeyay, danjirahaasoo ahaa C/llaahi Ciise Max’ud ilaahay ha u naxariistee.

Mudana C/llaahi Ciise wuxuu uga waramay Dowlada Dhanishka dhibka uu ku hayo xukunka keli tashadka ee Milatariga , dhaanishkii waxay arkeen sida ninkan uu wadankiisa u jecelyahay waxaana ay dib u eegeen keydka taariikhdiisa iyo dhacdooyin ay ka keedisay mudanaha QM.

Sida aad ogtihiin kaligii taliyihii Geeriyooday Max’ed Siyaad Barre safaarad kastaa jaajuus buu ku lahaa waxayna ogaadeen jawaasiistaasi in C/llaahi uu hayo Documents muhiim ah.

Markii uu marxuum C.llaahi uu isagoo Rooma jooga lana daweynaya geeriyooday waxaa la arkay shandadihiisii oo la jeexjeexay iyadoo laga baarayo Document-yadaas, ilaa hadana waa xal xiraale sababta uu u geeriyooday iyadoona loo badinayo khaarijin.

Dagaalka lagula kacay wadaniyiinta Soomaaliya oo maraykanka maleegay waa badnaa haatana wali waa socdaa markii maraykanka uu abuuray Al-shabaab si loo necbeysiiyo Soomaalida Islaamka, ka hortagga Shabaab iyo tirtirkooda Soomaaliyaa ku filan, waxaase aad arkeysaa in shabaab uu ku diray umadda Soomaaliyeed Diinta Islaamka sidaana loo fududeynayo Al-shabaab.

Waxaa furan dekadii Kismaayo oo wax walba Al-shabaab uga soo dagaan, sidoo kale gegada diyaaradaha No 50 iyo gegada diyaaradaha Beled doogle kan kismaayo, marka dekadeedu waa furantahay sidoo kale Baraawe Ajaanibta shabaab hogaamisa ayaa ka soo degta.

Hadaba sow ma cadda in dowladaha reer galbeedka ay doonayaan inay Soomaaliya Markey dhibka shabaab u adkeysanayaan gaajada iyo abaaruhana u adkeysan waayeen, inuu maleynayo in Soomaaliya is dhiibto?

Waa mu’amarad ay Maraykanku ka danbeeyaan, dowlada Itoobiyana loogu gogal xaarayo in ay dowlad yareey kasta oo xeeb leh gooni ula yeelato xiriir, waxaasi dhan waa wax aan cidina ka qarsooneen, waxaase ugu daran puntland oo iyadu Maamul qabiil ah horayna Talyaaniga musaliini u oran jiray, waayo dad soocan oo jufooyin waa weyn ah ayaa doonaya in ay boqortooyo seddex jufa ah yeelato xukuntana inta kale ee reer deegaankaas ay rabaan.

Kala googo’aas Soomaaliya ee dowlad yarey kasta heshiis gaar ah lala dhigto ayaa dowlada maraykanku dooneysaa waxaana u aaba ah in marxuum Gen Ceydiid  oo diyaar u ahaa in wada hadal  loo wada siman yahay ay wada yeeshaan Soomaalida, ay diyaarad AC130 ah kula dagaalantay dowlada maraykanka, waxaana taasi ay noqotay markii ugu horeysay ee qaarada Afrika dad ka soo jeeda lagula dagaalamo diyaarad, waxaa kaloo Genan-ka dagaalkaasi loo adeegsaday diyaaradaha casriga ah ee COBRA ABAASHI F16 IWM  oo hadana ceyrsatay si ay u qabat, qabana weysay oo Soomaalidii ayaa ka hortagtay.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent

___

QORAALKAAN WAXAA LA QORAY 26-January-2011




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.