Waayaha DEPUTATO, Xildhibaan & Danayste!

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Magac kastaba ha yeeshee, siyaasiga bulshada wakiilka ka ah sideebu ku yimid, sideebuu ku hawl-gali jirey wixii kacaanka ka horreeyey, xildhibaan muxuu qaban jirey intii ay jirtey dawladdii kacaanka, hawl-qabadka xildhibaan waa maxay inta ay jireen dawladihii TFG oo ay kamidka tahay tan hadda jirta, iyo waxa xildhibaan ku dambayn doono mustaqbalka rahman.
Waayaha DEPUTATO, Xildhibaan & Danayste!

Magacu wuxuu ahaa “deputato”xilkuna wuxuu ahaa wakilka shacbiga masala. Kaalinta deputato kusoo baxay waxaa la abuuray markii isticmaarka Talyaani uu gobollada koofureed ka sameeyey maamul hoosaad dawladeed oo loogu gogolxaarayey madaxbannaanidii la qaatay 1960.

Xisbiyadii siyaasadda oo markaas jirey oo SYL ay hormoodka ka ahayd baa deputati-yada laga soo xuli jirey. Ninka deputato loo soo dooran jirey looma arki jirin shakhsi  ku lug leh astaamaha qabiil lahaa iyo mid gobolaysiba ee waxaa lagu soo xuli jirey:

Daacadnimada , waddaninimada, iyo kartida iyo hufnaanta uu shakhsigaasu lahaa. Deputati-ga loo bogo kartidiisa iyo hufnaantiisa, sallaanka maamulka dawladnimo buu kor usii tafi jirey oo wuxuu noqon jirey: Wasiir ku-xigeen, wasiir, wasiirka 1aad, guddoomiyaha Barlamaanka ilaa Madaxweyne.

Lixdameeyadii wixii ka horreeyey, debutati-gu wuxuu danta deegaanka laga soo doortay ka hormarin jirey tan isaga u gaarka ah si uu horumar iyo barwaaqo u gaarsiiyo bulshadii soo doortay. Ninka u gaatama danta uu leeyahay waa lagu ceebin jirey oo axsaabtu iyo bulshaduba way cambaarayn jirteen, ummadduna waa ku halqabsan jirtey fadeexada shakhsigaasu la yimaado, ugu dambayna waxaa laga xayuubin jirey maamulka uu dawlaadda u hayo.

Xaawo Wiilo Deputato la oran jirey oo kasoo gashay magaalada Ceel-Buur mooyee, intii Deputati noqotay dhaammaantood rag bay ahaayeen.

Deputato looma soo dooran jirin qof anshax daran. Nin tuug ah oo lunsaday hanti qaran. Nin maangaab ah oo xilka uu xambaarsan yahay la dheeliya. Nin dhaleecaysan. Nin gacansaar la yeesha cadawga Ummada iyo kan Qaranka.

Ninka dhulka ku jiida haybadda Qaranka iyo magaca Ummmadda. Nin aan indheer-garadka ahayn oo xilka la gabidhacleeya, iwm.

Haybadda uu Deputati-ga Soomaaliyeed lahaan jirey lixdamaadkii waa midda hadda ka jirta dal kasta oo ku dhaqma nidaamka dimuqraadiyadda suubban.

Taayadu waa dhacdo la yaab le. Intii aanu hore uga sii ruqaansan lahayn halkii aanu lixdamaadkii marayney ayaa dibu dhac ballaaran nagu dhacay oo doorkii xildhibaan laga sugayey baa saylaadda xoolaha loo rogay. Arrintaasu ummadda ma qabataa…? Xildhibaan maxaa dhiba…?

Xildhibaankii Dawladdii Kacaanka

Magaca (xildhibaan) waxaa curiyey dawladdii kacaanka ahayd, waaxaana laga soo naqayn jirey hawlwadeennadii ka tilmaanaa maamulkii xisbiga hantiwadaagga.

Xubnaha xildhibaanada rag iyo dumarba way lahaayeen, waxaana lagu soo xuli jirey: Xiisaha xildhibaankaasuu u qabo haybadda kacaanka, aragtidooda ku wajahan hantiwadaagnimada, iyo kalsoonida iyo kasnaanta ay u hayeen xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka.

Xildhibaanka kacaanku soo xuli jirey kuma jiri qof anshax xun leh, qof kacaandiid ah, qof gacansaar la leh ama lasoo safta cadow qaran iyo mid bulsho, qof hantibursade ah, dullaal siyaasadeed, qof u codeeya qabiilnimada ama gobolaysiga, qof laaluush cun lagu yaqaan, iyo qof dhulka ku jiida magaca ummadda iyo haybadda qaranka.

Xildhibaankii dawladdii kacanku wax weyn buu uga duwanaa kii dawladihii ka horreeyey: Xildhibaanka kacaanku ma lahayn cod uu u madaxbannaan yahay. Lama imaan jirin fikrad uu leeyahay oo ka duwan aragtida hantiwadaagnimada. Dawladda kalama doodi jirin arrin isaga la khaldan. Qalinka jeebka ugu jira wuxuu ku saxiixi jirey barnaamij kasta oo dawladdu la timaaddo.

Xildhibaanka Maanta Jira

Xildhibaanka waa in xisbi siyaasadeed soo doortaa. Qof qabiilkiisu soo doortay ma noqon karo  xildhibaan qarameed, mana aha inuu magic bililiqo ah kusoo fadhiisto Golaga Shacbiga.

Hadduu sidaas sameeyana wuxuu ku xadgudbayaa rabitaanka ummadda aan doorashadiisa u dhammayn. Xildhibaanka ninka sheeganaya maanta bal dib ha u fakaro ama bulshada ha waraysto inuu yahay mas’uul matalaya ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaannada maanta dhex-fadhiya Golaha Shacbiga waxay isugu jiraan saddex qaybood:

a) Kuwo si bareer ah ula safan Shariif Sheikh Axmad-Madaxweynaha TFG, haddana codkooda ka ganacsada marka dawlad cusub lasoo dhiso oo kalsoonidooda loo baahan yahay.

b) Kuwo si bareer ah ula safan Shariif Sheikh Aadan-Guddoomiyaha Barlamaanka TFG, oo u codeeya isla markaana difaaca meekhaanka uu ku fadhiyo. Waxay kaloo ku shaqo leeyihiin inay soo xerogeliya xildhibaanka diyaarka u ah inuu racooda kusoo biro, hadda gunno ku qaata jaalnimadiisa iyo hawlgalkooda.

c) Qayb qunyar socod ah oo tiro yar oo jecel inay dadka wax u qabtaa, dalkana caymiyaan, haddana gabbasho ku jirta si aan wax dhibaal ah naftooda iyo magacooda loo gaarsiin.
Xildhibaanka TFG-yada la ambaqaday wax badan buu ka duwan yahay xildhibaankii kacaanka hjabeeyey iyo kuwii jirey dawladihii rayadku xukumay:

d) Xildhibaanka hadda jira oo dhex-fadhiya Golaha Shacbiga ma haysto darajo uu xisbi siyaasi ka wato.

e) Kuma iman karti iyo hufnaan gaar ahaaneed oo looga maarmi waayey.

f)  Wuxuu ku yimid xisaabtii khaldanayd ee loo bixiyey 4.5. Xildhibaankahabkaas ku yimid ma matali karo maamul qaran ah ee wuxuu meesha u fadhiyaa qabiilkiisa

Haddaba, su’aashu waxay tahay: Xildhibaan qabiilnimo lagu soo doortay xildhibaan qaran ma u dhigmaa? Jawaabtu waa maya. Adigoo dan qabiil u fadhiya Golaha Shacbiga, ma dhici kartaa inaad dan qaran u codayso? Jawaabtu waa maya.

Dhabnimadu waxay tahay Golihii shacbigu ma ahan gole laga fuliyo arrimo qaran ee wuxuu ku shaqeeyaa dan iyo aragti qabiil, kuwaasoo ku salaysan astaamaha qabiilka, gobolaysiga, nin-jeclaysiga iyo nin necbaysiga, boobka hantida qaranka, loollanka beelaha, jillaafada siyaasadda gurracan, iyo jaho-wareerinta siyaasadeed ee ummadda lagu hayo.

Xildhibaanka qabiilka u codeeya waxba kama maqna oo wuxuu ku jiraa guri dugsi wacan leh. Wuxuu ku jiiftaa gogol xariir ah. Wuxuu barkadaa hanti boob ah, waxaana ilaaliya ciidan naftooda u hura naftiisa, haddana aan mushaar ku qaadan. Cidda xildhibaan xalaal ahu ka maqan yahay waa ummadda Soomaaliyeed oo u baahan kalkaasha.

Unugga dawladnimadu wuxuu ku qotomaa xildhibaanka xisbiyada siyaasaddu soo doortaan. Mar haddiiba xildhibaankii isu-rogay magic-u-yaal beelu keensatay, dhismaha dawladnimadu qabiil bay ku salaysan tahay: Xildhibaanku waa xildhibaan qabiil oo beeshiisa u fadhiyo Golaha Shacbiga. 

Guddoomiyahay baarlamaanku wuxuu meesha ku fadhiyaa xil beeleed. Madaxweynuhu wuxuu meesha ku fadhiyaa xil qabiil, wasiirraduna waxay hayaa xil beeleed. TFG qabiil uhu maxay qaran u qaban kartaa? Iyadoo qabiil la yahay maxaa calan qaran lo huwan yahay? Goormaa runta la gaari doonaa? Arrintan hala faaqido oo runteeda ha laga salgaaro.

Maamulkii Baarlamaanka ee Dawladiihii Rayadka Ahaa (1960-1969)

Dawladihii rayadku xukumi jirey, deputati-yadu way doodi jireen oo arrimo maamul dawladeed ayaa la falanqayn jirey, in badanna waa laysku khilaafi jirey, waana laga heshiin jirey marka cod nin dheeri ah loogu ansixiyo barnaamijkii kasta oo dood la geliyo.

In kastoo arrintaas la sharciyeeyey, hadaana waxaa jiri jirtey cid aan  waafaqsanayn dhaqan-galka barnaamijkaas, haddana go’aanka inta badanu gaarto waa la xurmayn jirey oo kuraas iyo bakoorado laguma dagaalami jirin barlamaanka dhexdiisa.

Xildhibaanno is-weerara oo ciidan hubaysanu ku kala dhex jiro TFG kahor nama soo marin. Dhaawac dhiigbaxaya lagama qaadi jirin barlamaanka dhexdiisa. Doodo buuq iyo bulaan kicisa kama  dhex-dhici jirin xildhibaannada. Is-qoonsiga iyoo xasaradaha sayladda xoolaha ka dhaca waa laga ilaalin jirey goobta fagaaraha ah ee dawladda laga hago.

Hadlka waa la teelayn jirey, nin walba waqti loo siman yahay buu qaadan jirey oo fikraddiisa ku cabbiri jirey, xildhibaanku wuxuu yiraahdana waa la diiwaangelin jirey.

Marna lagama leexan jirin asluubta fiican, anshaxa hawl-qabadka barlamaanka iyo is-xushmaynta iyo wadashaqaynta xubnaha baarlamaanka. Marna laguma xadgudbi jirin sharafta iyo karaamada xildhibaanka, hawl-wadeennada golaha shacbiga, madaxda dawladda, shaqaalaha u xilsaaran hab-maamuuska hawlaha baarlamaanka iyo ciidanka nabadda sugaya.

Maxaa Keenay Dhaqan-Gabka Golaha Shacbiga?

Maamulka hufan ee Golaha Shacbigu ku shaqeeyo wuxuu astaan caafimaad qabta u yahay maamul ku dhisan dimuqraadiyad caafimaad-qabta oo madaxda dawladdu ay tiigsanayso daryeelidda ummadda iyo horumarka dalka.

Maamulka golaha shacbigu waa in aqooni hoggaamisaa si uu u dhiso dawlad ceebla’ oo ummaddu tusaale u noqda. Maamul baarlamaan oo ku wajahan arrimaha aanu kor kusoo xusnay wuxuu u baahan yahay: Aqoon hufan iyo waayo-aragnimo liiltiran.

Wuxuu u baahan yahay daacadnimo iyo is-xilqaan dheeraad ah. Wuxuu u baahan yahay karti iyo hawlkarnimo wadaninimo ku dheehan tahay. Wuxuu u baahan yahay siyaasiin u dhabar-adag inay soo celiyaan rajadii ummadda iyo haybaddii qaranka. Golaha Shacbiga ee maanta jira ma laga filayaa inuu isa-soo dadbo oo uu kusoo laabto hiddihii iyo dhaqankii gole shacbi lagu aqoon jirey? Is-beddel soo dag-daga rajo yar baa laga qabaa…!

Gardaadinta Habsami-U Socodka Maamulka Golaha Shacbiga

Qof aqoon maamul barlamaan leh baa garqaadin kara hoggaaminta Golaha Shacbiga. Maamulku waa farsamo cilmi ku salaysan oo la barto ee laguma dhasho, waana wax la baran karo haddii dan la bido.

Aqoondarrada lagu hoggaamiyo maamul aan la aqoon loo lahayn gabi-dhaclayn badan baa ku timaadda. Ceeb ma aha in la barto sida baarlamaan loo maamulo iyo sida hawlihiisa loo kala socodsiiyo.

Shuruucdii barlamaanka laga sugayey baa cakiranta.  Waxaa loo baahan yahay in hawlqabadku bato fadhi-ku-dirirkuna meesha ka baxo. Golaha Shacbigu waa ceel biyo leh oo bulshada laga waraabiyo ee ma ahan in xildhibaannadu keligood iska waraabiyaan Waa nasiib-darro in Golaha Shacbiga loo rogay saylad xoolaha lagu kala iibsado.

Maamulka Golaha Shacbiga waxaa dugsanaya ummadda Soomaaliyeed oo dhan ee ma aha wax ku shaqeeya rabitaan shakhsi, ama koox yar oo ku danaysata. Hawlaha Golaha Shacbigu fulinayo ummadda ayaa iska leh ee ma aha wax u danaynaya shakhsi ama koox dan gaar ah wadata. Sidaas darted, koox yaru yayna afduubin kula wareegin wax ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed.

Qiimaynta Xildhibaannada

Hawl-wadeennada TFG kama duwana kuwa kale ee u adeega dalalkooda iyo dadkoodaba. In ummadda si fiican wax loogu, waxaa loo baahan yahay in hawl-wadeenka dawladda – heer kastaba haku sinnaato darajada ay leeyahaye-uu yahay muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa oo aan ku shaqayn: Eex, xatooyo hanti qaran, mardadabaanimo, danaysi, karti darro, khiyaamo, musuq-maasuq, colaad-hurin, maangaabnimo, ugaarsashada iyo dilka xulka qaranka, iwm.

Sidoo kale, waa in dawladdu dajiso xeer-hoosaadyo dalka lagu maamulo. Waa in dawladdu kala taqaan shaqaalaha dawladnimada daacadda u ah iyo kuwa dantooda u shaqeeya.


Sidaas darted, waa in la dhiso guddi madax-bannaan oo ku shaqo leh qiimaynta qof kasta oo dawladda u shaqeeya oo isla makaana dabo-gal ku sameeya hawlqabadka mas’uul walba. Waxaa la ogsoon yahay inay jiraan wasiirro iyo xildhibaanno tiro badan oo ku can baxay xatooyo hanti qaran. Xatooyada magaca iyo hantida qaranku weli waa socdaan, waana laysku oo waa la laba gacmoodinayaa.

Waa in la baaro  oo laga saalgaaro xiddignimadiisa, nusqaantiisa, ceebtiisa iyo wanaaggiisa.

Waa in la sugo kartidiisa iyo hufnaantiisa. Waa in la sugo daacadnimadiisa iyo daacad-darradiisa, si loogu aamino ama looga kaaftoomo xilkii loo dhiibi lahaa, iwm.  

Sidoo kale, marka mas’uulkaasu hawl-gab shaqada ka noqdo waa in qofkaas dib loo qiimeeyo oo lagu abaalmariyo kaalintii hufnayd ee  uu soo qaatay. Waa in la maamuuso oo la taariikheeyo kii wanaag badan xilkiisa/keeda ku gutay/ku gudatay; waana in la dhaleeceeyo qofkii u bayray dhinaca xumaanta, isla markaana lagula xisaabtamaa wuxuu bi’iyey.


Waa in la sameeyo diiwaan laga dhex-arko qof walba oo qaranka u shaqeeya, heer kastaba ha ahaadee, iyadoo loo hormarinayo kuwa hadda haya mas’uuliyadda, sida:

a) Xildhibaannada
b) Guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Golaha Shacbiga
c) Madaxweynaha TFG
d) Wasiirka 1aad & ku-xigeennkiisa
e) Wasiirrada & ku-xigeenadooda
f) Safiirrada Dawladda
g) Janannada ciidamada qalabka Sida
h) Hawl-wadeennada hay’adaha kala duwan ee dawladda, iwm.

Dawlad aan xisaabtamin oo qofkii maamulka ku xadgudba aan maxkamad lasoo taagin ma aha dawlad laga haybaysto ciduna uma hoggaasamaayso.

Ayuub A. Aden - Sana




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.