Wallee midka wax khayaanay waa MD Farmaajo’e ma aha RW Kheeyre!

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Intaa kabacdi aqristoow, maadaama Nabad iyo Nolol (N&N) burburtay, garabka ama taageerayaasha MD Farmaajo, oo waxaad ayaamahan maqleeysaa dhahaya, Kheeyre waa ninkii Khayaanay MD Farmaajihii keenay!

Wallee midka wax khayaanay waa MD Farmaajo’e ma aha RW Kheeyre!

Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, maadaama Nabad iyo Nolol (N&N) burburtay, garabka ama taageerayaasha MD Farmaajo, oo waxaad ayaamahan maqleeysaa dhahaya, Kheeyre waa ninkii Khayaanay MD Farmaajihii keenay! Si eey xumaanta, foowdada iyo sharci-Jabinta MD Farmaajo ku kacay, uga leexiyaan, illeen wax la qaadan maro ma aha’e, sababteedana dusha uga tuuraan mudane Kheeyre.

Xaqiiqda biyo-kama dhibcaanka ah, ayaa waxeey tagay, in MD Farmaajo yahay, ruuxa wada khayaanay ummada Soomaaliyeed, Raysalwasaarihii iyo shuruucdii dalka, xeer-Hoosaadkii iyo hab-Sami usocodii golaha Shacabka, sumcad-Wanaagii iyo kala dambeyntii dowladnimo, iyo waliba ummada Soomaaliyeed wixii eey ku wada heshiisey intaba.

Waxaan cidi inkiri karin, in ummada Soomaaliyeed ku heshiisay, ineey si dimoqraadiyad ah u doorato madaxdeeda, raysalwaaaare Kheeyre-na ahaa mas’uulkii labaad ee dalka ugu sareeyey, ee sida cad, oo aan ka gambasho laheyn, fagaraaha uga sheegeay, kuna celceliyey in ummada Soomaaliyeed, sidaa ku heshiisay, sharciyadana madaxda dowlada ku heeystaan, in afar sano kabacdi, dalka gaarsiiyaan, doorasho xor iyo xalaal ah, xiligeedana ku dhacda. Maadaama MD Farmaajo yahay, shaqsiga arintaa diidan, ee doonaya inuu helo laba sanoo dharci-Darro, iyo waliba isaga darsasho ah, dabcan hade waa MD Farmaajo mas’uulka wada khayaanay, kuna wada ballan-fulay dhamaan shuruucdii dalka, raysalwasaaraha iyo waliba kalsoonidii ummada Soomaaliyeed.

Mar hadii moowqifka Raysalwaaaare Kheeyre cadaa, oo maqal & muuqaal-Baahiyeyaasha uu ka sheegay, in doowladiisu ka shaqeeyneeyo doorasho xor iyo xalaal ah, waqtigeedana ku dhacda, wax ku-Darsasho ahna eeysan jirin, isagoo moowqifkaa lagu wada ogyahayna, la tagay shirkii Dhuusa-Mareeb 2, haduu moowqifkiisaa meeshiisaa kasii waday, hade lama dhihi karo waxbuu khayaanay, illeen waa nin markii horaba moowqifkiisu cadaa’e.

Kan wax khayaanay, waa MD Farmaajo, sababtoo ah, isagoo ka dharagsan in doorasho qof-iyo-Cod ah, aaneey dalka ka suurtagali karin hadda, maadaama dalka in badanoo ka mid ahi gacanta Al-Shabab wali ku jirto, wali aan ummada la tirakoobin, wali aan la wada qorin cod-bixiyeyaasha, la siinin kaararka cod-Bixiyeyaasha, la dhameeystirin shuruucdii Xisbiyada iyo dhismahooda, waxa dowlada dhan u dhimanna yihiin Lix bilood oo kaliya, ayuu si uu u helo, mudo kororsi, aan shaqi aheyn, wuxuu ku af-gobaad sanayaa, in doorasho qof iyo cod ah uu rabo,isagoo arintaa hore isulasoo karkariyeen isaga iyo guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan Mursal iyo Muudeey, si dhamaan Baarlamaanka iyo Madaxweeynahaba, waqtiga sifo aan sharci aheyn ugu wada korosadaan.

Xaqiiqdu waxeey tahay, Kan wax khayaanay inuu yahay MD Farmaajo, oo iyadoon wali shirkii Dhuusa-Mareeb 2, lasoo gabagabeeynin, Xamar usoo orday, si uu uga takhaluso raysalwasaare Kheeyre, waliba si foowdo ah, kana baxsan Hab-Dhaqanka dowladnimo, halis weeyna ku ah dimoqraadiyada Soomaaliya, ee nasiibdarro!

Curdanka ah, iyo waliba heshiis-ummadeedka Soomaaliyeed, kadibna habeen mugdi ah, inta shiriyey wasiiradii ka tirsanaa xukuumadii RW Kheeyre, iyo tiradii ugu badneyd Golaha shacabka, u sheegay in dantoodu ku jirto, ineey isaga la saftaan, subaxa xigana si kastoo suurta hal ah, uga wada takhalusaan RW Kheeyre, maadaama RW Kheeyre rabo doorasho waqtigeeda ku dhacda, sidaa daraadeedna, aan la garaneyn ineey kuraasta kusoo noqonayaan iyo in kale, halka isaga Farmaajo ahna doonayo, in laba sanoo ka baxsan, mudadii sharciga aheyde loo doortay, meesha iska sii joogaan, sidaa daraadeedna, iyadoo aaneey jirin soojeedin, mooshin laga keenay xukuumada RW Kheeyre, saxiixid eey saxiixeen tirada xildhibaanno ah ee waajibka aheyd, si mooshinka loo qabto, iyadoo eeysan jirin, fursad is-difaacid, ee la siiyey xukuumada, si eey isu difaacdo, oo dabcan ah xaq dastuuri ah, iyadoo aan lagusoo darin ajendaha fadhiga Golaha shacabka, iyadoon si nidaam ah inta loo codeeyo, kabacdina aan loo tirinin, si xalaal ah, waatii Gudoomiye Mursal, iyo ku-Xigeenkiisa Muudeey oo hore isula ogaa, isaga dhawaaqeen, in xukuumadii dhacday.

Khayaanada xigtay ee MD Farmaajo ku kacay, waa in foowdada, iyo sharci ku durdurinta intaa la eg, markii eey dhacday, meeshuu MD Farmaajo diidi lahaa, waliba cambaareeyn lahaa, bilcaksi hore ka taageeray, illeen waa ninkii qorshahaaba mugdiga kusoo karkariyey’e, oo watay’e. Wuxuu mudo 30-Daqiiqo ah gudaheed ku sheegay, inuu aqbalayba! Hade ogoow waa sharci-Ilaaliyihii dalka, waa oraah uu MD Farmaajo jecelyahay, inuu ku celceliyo’e. Waa khayaano kaloo bareer ah, oo aan geelna loogu soo gamban.

Waxaa xigtay inuu halkiisii kasii waday khayaanadii, isla markiina, si af-Gambi aan dhiig ku daadan ah, iyo sharci-darro cad, dikreeto ugu magacabay, RW ku-xigeenkii, inuu noqdo RW ku meel-gaar ah. MD Farmaajo wuxuu dikreetadaa, markale ku jabiyey dastuurka dalka, qodobkiisa 103-aad, kaasoo dhahaya, waa in raysalwasaaraha iyo xukuumadiisa xilka sii hayyaan, inta raysalwasaare iyo xukuumad kale, xilka kala wareegayaan.Hade ogoow! Intaa oo idil, oo Khayaano ah, wuxuu MD Farmaajo wada sameeynayaa, iyadoo raysalwasaarihii dalka mudane Xasan Cali Kheeyre, wali ku maqan yahay shirkii Dhuusa-Mareeb 2, oo aan wali si rasmi ah, loosoo gabagabeyn, taasoo iyada lafteeda ah, khayaano kale.

Intaa kuma ekaan khayaanooyinkiisii’e, wuxuu MD Farmaajo, si afgambi aan dhiig ku daadan ah, isla markii dikreeto ku magacaabay, wiil uu adeer u yahay: Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato), kana dhigay xog-hayaha joogtada ah, ee xafiiska raysalwasaaraha, si uu degdeg gabi’ahaanba ula wareego, hoowlaha Xafiiska raysalwasaaraha, ogoow hade waa wiilka sida akhlaaq darrida ahe liidata, ula dhaqmi doona Galabnimadii 1-dii August Prof. Yaxye Cali Hareeri, oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, oo sii galaya Madaxtooyada, iyadoo ciidan uu ku weeraray, gaarigii aan xabbada karine, sida rasmiga ahaa loogu ogaana, inta qoryo ku qabtay, si xoog ah uga dajiyey, kalana wareegay.

Waxaa intaa oo dhan kasii yaab badnaa, iyadoo beesha caalamka, oo eey hogaaminayaan Mareykanka iyo Midowga Yurub, madaxda mucaaradka, iyo qaar ka mid ah maamul-Beeleedyada si cad uga wada hor yimaadeen foowdadii ka dhacday Baarlamaanka, in Raysalwasaarihii waxaa oo dhan, ee khayaaro iyo sharci-Darro ah lagula kacay, ee MD Farmaajo uu ka filayey, inuu dood iyo dagaal ka keeno, sidii hore u dhici jirtayba, uu si duuduub ah u aqbalay, isagoo khudbadiisii is casilaado ku cadeeyey, in wixii golaha shacabka ka dhexdhacay ahaayeen, wax aan sharci aheyn, waddo sharci ahna aan loo marin, hadana isagoo intaa oo dhan wada og, dalkana uturaya, duuduubka ku aqbalay, jagadii raysalwasaarenimo ee dalkana, sidaa isaga casilay.

Gunaanad

Marka aad wada dhugatood, wada dhuuxdo xaqiiqooyinkaa biyo kama dhibcaanka ahe, la isla wada ogolyahay, waxaa kuusoo baxeeysa, in midka wax khayaanay yahay MD Farmaajo’e, aanu aheyn mudane Xasan Cali Kheeyre.Wa billaahi Toowfiiq.

Wabillaahi Toowfiiq.

C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.