Warqad Furan Oo Ku Socota Hogaanka Sare Ee Dawladda Soomaaliyeed

Eng: Ali Hersi Karshe (Ali Kabayare) - Mudane madaxweyne, mudane raiisal baarlamaan iyo mudane raiisal wasaare, waxaan idiinkugu doortay inaan warqaddaan idiin soo qoro, maadaama aad tihiin hogaankii ugu sareeyey qaranka soomaaliyeed, la idinkuna aaminay ilaalinta shuruucdiisa, qaranimadiisa iyo difaacidda danaha qaran mid guud iyo mid gaar ahaaneedba.
Faallo Keydmedia Online
Warqad Furan Oo Ku Socota Hogaanka Sare Ee Dawladda Soomaaliyeed

Maadaama aad u dhaarateen inaad ilaalin doontaan guud ahaan gayiga Soomaaliyeed, aadna ruqsad buuxda u haysataan inaad matashaan magaca iyo midnimada umadda Soomaaliyeed oo aysan jirin  maantay cid idinku haysta inaad fagaaraha caalamiga ah ee quruumaha xorta ah ay ku kulmaan aad  ka matashaan una hadashaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maadaama aan ahay muwaadin Soomaaliyeed aanan ku hadlayo magaca in badan oo Soomaaliyeed oo fikirkaan ila wadaaga.

Maadaama aan xaq u leenahay inaan ka hadalno aayaha iyo mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

maadaama ay maantay Soomaaliya ku sugan tahay xaalad qatar ku ah jirintaanka qaranimada Soomalaiyeed ee aad matashaan.

Maadaama ay soo baxeen kooxo sheeganaya magaca Soomaaliyeed oo u adeegaya dane shisheeye.

Maadaama dalalka dariska Soomaaliya la ah ay si toos ah faragelin ugu hayaan in Soomaaliya ay hesho xasilooni buuxda ayna yeelato dawlad hanata danaha guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeedba, si ay u gaaraan ujeedooyinkooda guracan ee ay ka leeyihiin dalka Soomaaliyeed baddiisa iyo barigiisaba, ayagoo u adeegaya danaha guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee dalalkooda iyo  danaha shacabkooooda.

Maadaama ay shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay shaki ka qabaan in dalalka ay Soomalaiya ciidamada ka joogaan qaarkood ay daacad ka yihiin shaqadooda ay Soomalaiya u yimaadeen ee loo soo idmaday, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Waxaan soo jeedin lahaa qodobadaan hoos ku qoran.

  1. In dhammaan ciidamada wadamad dariska nalaha IGAD Frontline States of Somalia, ah ee aan daacad ka ahayn xasilinta iyo horumarinta dalka Soomaaliya laga saaro soomaaliya iyo AMISOM si ay Soomaaliya arimaheeda siyaasadeed iyo kuweeda amniba ay u noqdaan kuwo ka madax banaan faragelinta ay ku hayaan wadamada dariska nala ah oo ay naga dhexayso cadowtinimo soo jireena hadana ay dano dhaqaale iyo mid istiraatijiyadeedba ay Soomaaliya ka leeyihiin.
  2. In maadaama aad heshiis amni la gasheen dawladaa aan walaalaha nahay ee Turkiya, soomaaliyana si ku meel gaar ah loogaga qaaday cuna qabateyntii hubka  ee  saarneyd. In aad dawladda Turkiya kaalmo milateri oo toos ah aad warsataan kana codsataan inay ka qayb qaataan xasilinta dalka Soomaaliya iyo sugida aminiga . Sidoo kale hubinta inaan lagu soo xadgudbin xuduudaha xorta ah ee Dalka Soomaaliya uu la leeyahay dalalka dariska ah inta Soomaaliya ay awood ugag yeelanayso inay ilaashato xuduudaheeda xorta ah.
  3. In sida ugu dhaqasaha badan loo dardar geliyo in ciidamada ku sugan gobolka shabeelada hoose ay u dhaqaaqaan dhanka dhinaca magaalada xeebta ah ee Kismaayo, si ay meesha ugaga baxdo doorka ay Kenya sheeganayso inay dawladda Soomaaliya u hayso magaalo muhiim ah ee ay dhaqaalo badan ka heli jireen Alshabaab, iyado aan wada ogsoonahaya in canshuurta laga qado shacabka masaakiinta ah ee Soomalaiyeed ay kala qaybsadaan Kenya Axmed Modoobe iyo saraakiil Ethiopian ah oo ku sigan Gedo iyo xuduudaha ku aadan Bay iyo Bakool, si aysan u imaan Kismaayo, taas oo ah ilhaanadii ugu xumeyd ee  abid Soomaaliya  soo marta, ahna wax aan loo dulqaadan karin xaalad walba oo lagu sugan yahayba.
  4. Waxaan ognahay adinkuna aad ogtihiin inay Kenya si toos ah faraha ugula jirto arimaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubooyinka iyo Gedo, ayna iska dhagatirtay baaqyada iska soo daba dhacaya ee ay u soo jeedinayaan Dawladda iyo shacabkeeda wadaniyiinta ah. Waxaan idinka doonaynaa adinkoo ku hadlaya magaceena iyo kiina dawladnimo inaad badashaan luuqadda  dibloomaasiyadeed ee aad hadda kula hadashaan dalka Kenya oo ku soo xadgudbay sharafta iyo jriitaanka dalkeena iyo dadkeenaba. inaad Golaha amaanka ee qaramada midoobay, kan Afrika iyo midka IGAD-ba aad ka codsataan in Kenya laga saaro ciidamada AMISOM, maadaama aysan dhexdhexaad ka hayn arimaha Soomaaliya, dano gaarana ay ka leedahay gudaha dalka Soomaaliya.
  5. Waxaan kaloon codsanaynaa inaad si buuxda noola socodsiisaan siyaasadda ay dawladaha IGAD  ee aan xubinta ka nahay ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya, si aan iskugu diyaarino xoreynta iyo difaacidda dalkeena, sidii aan u xoreysanay una difaacanay markii ay nagu soo duushay dawladda Ethiopia ayadoo xanbaarsan tabcane ay is lahaayeen ku gaara danihiina siyaasadeed ee aad ka leedihiin dalka Soomaaliya, waxaase arintaas beeniyey shacabweynaha wadaniyiinta ah ee xalaasha ah ee sharafta leh ee Soomaaliyeed, haddana waxaan diyaar u nahay inaan difaacano dalkeena, dinteena iyo sharafteena, anagoo ku kalsoon inaan ka guuleysan doono cid kasta oo isku dayda inay  nagu soo xadgudbaan.
  6. Mudanayaal madaxdeeniiyeey waxaan idinka doonaynaa anagoo idinku kasloon inaad la xisaabtantaan umaddana aad ka qabataan kuwa xildhibaanada sheeganaya ee ka shaqaynaya inaysan Soomaaliya cagaheeda ku istaagto ayagoo xildhibaano dawladda soomaliyeed sheeganaya, hadana u adeega dano shishiiye iyo dano qabiil. Kuwaas xildhibaanada sheeganaya ma matalaan mana matali karaan shacab weyanha xalaasha ah ee Soomaaliyeed, waa in lala xisaabtamo loona gudbiyo guddiga ilaalinta anshaxa baarlamaanka, talaabo cadna laga qaado lagana saaro baarlamaanka hadday u hogaansami waayaan ilaalinta sharciga iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.
  7. In aad dacwad rasmi ah ka gudbisaan xoghayaha guud ee uru goboleedka IGAD ninka lagu magacaabo Maxbuub Macalin oo ay shacbiga Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ahi ay rumeysan yihin inuusan si dhexdhexaadnimo ah oo daacad ah uusan ugaga hadli doonin wixii uu Soomaaliya ku soo arkay, iyo inuu ka run sheego siyaasadda ay dawladda Soomaaliya doonayso inay ku hogaamiso Dalka, taas oo ka madax banaan cid walba oo aan ahayn umadda Soomalaiyeed.

Ugu danbeyn  Mudanayaal waxaan idinka codsanaynaa inaad codkiina kor u qaadaan aadna ogaataan inaad madax u tihiin dal madax banaan oo xor ah, "sovereing state" kana mid ah qaramada midoobay xaqna u leh in la tixgeliyo xuduudihiisa xorta ah hadday ahaan lahayd mid dhul, mid cir iyo mid badeedba intaba.

A sovereign state is a place with borders where people live, and where a government makes laws and talks to other sovereign states. The people have to follow the laws that the government makes and only the government is allowed to hurt people or put them in jail. The government can do whatever it wants and doesn




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.