Waxaa Duullan Lagu Yahay Jiritaanka Dalka Iyo Kheyraadka Dhabiiciga! - Xogta KM

Salma Abdikarim (Keydmedia) - Iyagoo Gacanta ku haya Ciidan dawladeed iyo midkii AMISOM ayaa madaxda TFG sugi la’dahay xakamaynta qulqulatooyinka had iyo jeer ka dhaca Caasimadda Dalka. Waxay sugi la’dahay inay soo qabqabato oo xukun ku riddo tuugada dhacda raashinka barakaceyaasha. Waxay sugi la’dahay inay gacanta ku hayso dhulkii Shabaabka laga kiciyey.
Faallo Keydmedia Online
Waxaa Duullan Lagu Yahay Jiritaanka Dalka Iyo Kheyraadka Dhabiiciga! - Xogta KM

Ciidan hubaysan oo leh aalad iyo awood lagu sifayn karo xasaradaha Muqdisho ka aloosan, haddana TFG-du waxay awoodi la’daha inay hanato xasilinta deegaan baaxaddiisu tahay ilaa 200 km oo isku wareeg ah!?

Dhaarta Dawladdu ay ugu tookhdo Shabaabka iyo tuugada dhacda cuntada Barakaceyaasha waa lagu bartay inaan filcil ka dambayn. C/waali Gaas wuxuu shan bilood horteed Stadiyo Moqdisho ku dhaartay inuu tallaabo cad ka qaadi doono Dadka xada raashinka WFP ay Dalka keento.

Magacyada ragga xada Cuntada loogu deeqo danyarta Soomaaliyeed weli waxay saaran yihiin Wasiirka 1-aad C/waali iyo M/weyne Shariif Sheikh Axmed "Shariif Lamood", tallaabana lagama qaadin.

Dhaarta C/waali maanta ku dhaartay maxay ka duwan tahay tii uu hore ugu dhaaran jirey waana lagu bartay? Shacbigu wuxuu taas u arkaa “Qawda maqashii waxna ha u qaban” Yaa laga dhaadhicin karaa afka beenta ah?

Soo Kordhinta Ciidamo Shisheeye

Waxay dan ka leeyihiin C/waali iyo Shariif lamood. Labo maalmood ayay ka qaadatay inay Ciidanka Kenya u fasaxaan inay Dalka Soomaaliya soo galaan, hase yeeshee lama xusin inta ay Dalka sii joogi doonaan iyo goorta ay ka bixi doonaan. Maalin qur ah ayay ka qaadatay inuu C/waali Ciidan Xabashiyeed u sixiixo inay Dalka soo galaan hase yeeshee ma sixiixin waqtiga ay ka bixi doonaan.

Sixiixa Go’aan Qarameed

Go’aan Qarameed waxaa gaari kara shakhsi lagu soo doortay rabitaanka shacbiga. Waxaa la ogsoon yahay in TFG-da aan shacbi lagu soo dooran ee ay soo naqeeyeen Dawladaha IGAD oo ay hadda danahooda u adeegaan.TFG-du Shabaabka iyaga ayaa naaxiya oo goobta ku haya, taasuna waxay kamid tahay Qalabka xukun-ku-raagga loo adeegsado oo TFG-da jeebka ugu jira.

Su’aashu waxay tahay: Ma Shabaabka baa lala dagaallamayaa mise arrimo dahsoon baa meesha ku jira?

Dambi Qaran

Sida hadda arrimuhu yihiin, al-Shabaab oo keliya duullaan laguma aha ee waxaa duullaan lagu yahay jiritaanka Dalka iyo Kheyraadka dhabiiciga ah ee ku duugan, taasuna waxay ku caddahay ficillada Qaranduminta ah ee ay isla wadaan madaxda TFG-da iyo Dawladaha aanu deriska nahay oo ayaguna u adeega Dawladaha G.8-ka laguna fushado danaha Dhaqaale ee laga leeyahay Dalka Soomaaliya.

Sida xeerka, dhaqanka iyo hiddaha dawlanimo na farayaan go’aan qarameed waxaa go’aamin kara Golaha Shacbiga, kaasoo xeer-dejinta ka dejin, xeer-baabi’inta iyo xeer-ilaalinta qaranka u xilsaaran.

Golaha Shacbiga ayaa dalka u fasaxi kara ciidan  shisheeye soo dalka soo gala, tiradiisa, tayadiisa iyo wuxuu qabanayo. Golaha Shacbigu wuxuu go’aaminayaa cidda lala dagaalamayo, goobta lagula dagaallamayo, Qalabka dagaalka loo adeegsanayo iyo goorta ciidankaasu uu dalka ka bixi doono. Intuba ma dhicin.

Tallaabo kasta oo madaxda TFG-du qaaddo oo ka dhan ah rabitaanka iyo danta guudna wuxuu xadgudub ku yahay karaamada qaran iyo aayaha dalka, waana fal-dambiyeed heer qaran ah.

Go’aan ay sixiixeen madax aan shacbigu soo dooran kuma fadhiyo sharci mudan xurmayn qaran ee waa xadgudub lid ku ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, waana sida TFG-du dalka ku maamusho.      

Barakicinta Bulshada

Waxaa Keydmeda.net (KM) soo gaartay in madaxda Azania ay barakicin ku samaynayso beelaga deegaannada Jubbooyinka ayadoo maalgelin ku samaynaysa labaatan nin oo kasoo jeeda kilinka 5-aad. Lacagtaas waxaa bixiyey Shirkadaha danaynaya Shidaalka iyo Gaaska laga soo saarayo xadka Dalka Soomaaliyeed.

Labo Milyan ilaa shan millyan oo ah doolarka Maraykanka ayaa nin walba la siinayaa si ay u gataan guryaha Kismaanyo, Jamaame, Jelib iyo beeraha intaas u dhexeeya.

Nin walba wuxuu qoran doonaa 100 nin oo ciidan ah oo uu kasoo qorto reerkiisa si uu difaaco danta Azania. Raggas waxay lacagtooda dhigteen banuugta Nairobi waxayna olole u galeen sidii ay deegaanka Jubbooyinka ula wareegi lahaayeen inta la hayo dagaalka ku wajahan al-Shabaab. Arrintan waa middii Yuhuuddu ku barakicisay shacbiga Falastiin 1948 oo ilaa hadda dhibaatadeedii taagan tahay.  Lama oga waxay ku dambayn.

Dhulka Shidaalku Ku Jiro

Madaxweynaha Gobolleedka Mudane Cabduraxmaan M. Faroole ayaa dhul shidaal ku jiro u saxiixay Shirkad Ajnabi ah (Aqriso Warbixinta ey KEYDMEDIA ka Qortay) oo uu ka leeyahay dan gaar ahaaneed.

Waxaa isweydiin leh: Deegaanka shidaalku ku jiro oo lagu muujiyey naqshadda yaa deegaan ahaan u leh? Ma lagala tashaday bulshada deegaannadaas sheegata?

Sow taasu ma ahan danayste iibsanaya deegaan uusan lahayn? Yaa fidnada wada?

Salma Abdikarim Ayuub – Keydmedia.net editor - Columbus, OH
Salma.a.ayuub@keydmedia.net


Repartion Of Somalia





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.