“Jubbaland” - Waxaa La Yari: “Jubbooyinku Waa Degaan Daarood” - Subxana Allah!

Najiib Cabdisamad - Arinta Dhulbalaarsiga iyo Xukun Xabad ku maroqsiga oo ayaantaan ka socda Gobolada Jubbooyinka waxay Waxgaradka Soomaaliyeed ku dhaliyeen Walaac horseeda Dagaalo Qabaa'il.
Faallo Keydmedia Online
“Jubbaland” - Waxaa La Yari: “Jubbooyinku Waa Degaan Daarood” - Subxana Allah!

Waxaa si Cad Maalmahaan banaanka usoo baxday Qabyaaladd Qaawan oo aan geed loogu soo gamban.

Waa Cajiib: Qarnigaan 21-aad oo aan Maantay ku jirno waxaan Maalmahaan dambe Idaacadaha ka maqalnaa Erayo Soomaalida ka Fajiciyay (SAHAL) oo ka kooban Shan Xaraf.

S = Sadde Daarood (Mareexaan)
A = Absame (Ogaadeen iyo Adeerkiis)
H = Harti (Harti Daarood)
A = Awrtable
L = Laylkase

Waxaad marag ka tihiin in Soomaalidu Boqolkii 80 ay aad uga xishooto Qabiilka iyo Qabyaaladda Buumbuumintooda oo aan Muwaadinka Caadiga ah ku dhiiran karin in uu Xabadka u garaaco Qabyaaladda.

Waxaan Arintaan wax ka weydiiyay Prof. Liibaan Xasan Sababta ay Qarnigaan Dad Soomaali ah u Buumbuuninayaan wax aan moodnoh Qabyaaladd Qayaxan.

Prof-ka wuxuu yiri: "Horta waxaad ogaataa in Soomaaliya uu ka jiray Xukun Dikatari ah oo 22 Sano Xukunka Xoog ku haystay, taas waxaa ka dambeesay in Soomaali oo dhan ay kacday oo Rajiimkii oo Qolo walba ka koobnaa la Afgambiyay"

"Hadaba Maamulkaas Dad baa Sadbursi ku haystay inta kalenah wey ka oomaneed Qayraadka Dalka. Afgambigaas markuu dhacay Qolooyinkii loo burin jiray waxay u arkeen in ay Xukunkoodi soo ceshadaan, sidaas bayna Dagaaladii Sokeeye  uga qarxeen Koofurka Soomaaliya."

"Waxaad Xusuusataan 1991-dii in Ciidamo isku bahaystay Magaca Qabaa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.