Mudane Madaxweyne Is-Casil…!

Keydmedia Online — ...Ama Xilka ka qaad kuwa ku fashilmay oo aad Mas'uuliyadda u dhiibatay - Anigoo aanan ku faraxsaneyn wixii Shalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada hadana, waxan oran lahaa waa loo baahnaa dhacdadaan oo kale...
Faallo Keydmedia Online
Mudane Madaxweyne Is-Casil…!

Waxan oran lahaa waa loo baahnaa dhacdadaan oo kale si ay hurdada ugu kiciso, diyaaradahana uga dajiso Madaxda Dowladda Soomaaliya ee ku jira tamashlaha iyo dalxiiska, halkii ay ka sugi lahaayeen Amaanka iyo xasiloonida Wadanka.

Dhacdadaan waxay keeni doonta (waan sidaan rajeynayo) in xilalka laga qaado Madax-badan iyo Saraakiil ciidan oo ku guuldareystay ka miro dhalinta darajooyinkii loo magacaabay, Nasiibdarro Keydmedia Online taladaan Sanad kahor ayay soo jeedisay.

Waxaa iskood isku casilo doona Madaxda ku fashilantay inay difaacaan Xafiiskii iyo Gurigii Madaxweynaha iska daa inay difaacaan shacabka iyo marasta Soomaaliyeed ee beylahda ahe. Waxaas oo dhan waxay dhici doonaan haddii damiir iyo dareen uu ku harsan yahay Madaxweynaha iyo Madaxda la Shaqeysa. Haddii kalana, waa la inkiri doonaa fashilka Shalay dhacay, waxaana ay Madaxda dowladu ku faani doonaan inay fashiliyeen Weerarkii Al-Shabaab kuna guuleysteen inay jabiyeen oo dileen Raggii Weerarka soo qaaday, waaba dhacdee...

Weerarka Kooxda Al-Shabaab ay gudaha ugu galeen Xaruntii Madaxtooyada iyagoo wata Gawaari Tikniko ah wuxuu ka tarjumayaa Awood la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.