Weerarkii Villa Somalia: Shacabka waa Marqaati in Amaanka uu gacanta ka baxay

Keydmedia Online —Fiidnimadii Xalay (Tallaadadii), xilli Shacabka Muqdisho ay u fadhiyeen Afurka ayaa Qarax weyne oo la soctay Rasaas xoogan laga maqlay Gudaha & Banaanka Dhismaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Villa Somalia, waana markii labaad.
Faallo Keydmedia Online
Weerarkii Villa Somalia: Shacabka waa Marqaati in Amaanka uu gacanta ka baxay

Hadaba sidee wax u dhaceen?

Rag ka tirsan Kooxda Al shabaab oo watay Gaari NOAH ah ayaa, islamarkaana ku hubaysanaa Walxaha qarxa & AK-47 ayaa u suura gashay in ay si nabad ah uga gudbaan 2 Bar Koontarool, iyagoo iska dhigaya inay ka tirsan yihiin Ciidamo Illaalo u ah qaar ka tirsan Wasiiradda Dowladda.

Xoogag hubeysan, ayaa weerarka waxay ka soo qaadeen ilbaabada Madaxtooyada ee ku beegan Iskuulka 15-ka May (Fifteen May), iyagoo ka soo gudbay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda.

Weerarka wuxuu ku bilowday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu soo jebiyay Kontoroolka 1-aad ee wadada gasha Madaxtooyada, waxaana xigay rasaas xoogan oo mar kaliya halkaasi is qabsatay.

Xoogaga weerarka soo qaaday, ayaa si toos ah kaga soo gudbay ilinka laga soo galo Madaxtooyada, waxaana jira Ciidan la sheegay inay Shabaabka horey ugu sii diyaarsanaayeen meel ku dhow Albaabka laga galo Madaxtooyada, kuwaa oo ay weerarka wada fuliyeen kuwii kale ee soo jebiyay Kontoroolka hore.

Nimankaan ayaa waxaa hogaaminayay Wiil la yiraahdo Xasan Muxyadiin




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.