Xaajadu way Murugsantee, xagee baa naloo wadaa?

Waxaa mudooyinkan isa soo tarayaa ismaandhaaf aan qarsoodi ahayn oo dhexyaala dowlada ku meelgaadhka , markaan leeyahay ismaandhaaf maaha wax bulshada ku cusub khilaafka gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra,iisal wasaaraha inay mar walba tahay dhacdo taagnayd mudo 20 sanadood ah oo si joogto ah loo bartay.
Faallo Keydmedia Online
Xaajadu way Murugsantee, xagee baa naloo wadaa?

Mar waxay isku qabsadaan qaabka maamul ee jira iyadoo ay u badan tahaay dano shaqsiyeed marna waxay isku qabsan jireen hanta qaran oo la wada lunsaday oo midkood badsaday.

Hadaba maanta khilaafka ba,an ee dhexyaal  Madaxweynaha  Jamhuuriyada soomaaliya iyo Ra,iisul Barlamaanka  jamhuuriyada soomaaliya ayaa ah mid markii hore ku bilowday dano iga ku koobnaa hadase ay soo ifbaxayso in laysku hayo shaqadii iyo nidaamkii dowliga ahaa  iyada oo  laysku maandhaafay danta guud iyo tan gaarba ayaa waxaaa  muuqaana  damac siyaasadeed oo fara badan iyo kala jiidasho  xubnaha baarlamaanka oo ay tahay farxadooda ugu wayni khilaafka madaxda sare  ayaa waxaa xukuumada  hada jirta iyo madaxweynuhu  go,aan taariikhiya ka qaateen  shirka dib u shirqoolka umada soomaaliyeed ee uu keenay  ergayga  soomaaliya u qaabilsan jimciyada quruumaha ka dhaxaysa  waa Mr Mahiga  oo doonaya inuu ka dhigto soomaaliya meel ku korsado  awlaadiisaa  dhibaatada iyo kadeedka shacabka soomaaliyeed.

Waxaan kale oo aan qoraalkan ugu mahadcelinayaa ( fanaaniinta qayladhaan )oo noqday  Garyaqaanka keliya ama afhayeenka keliya  ee la odhan karo waxuu u doodaa xuquuqda umada soomaaliyeed  iyo shacabka dhibaataysan  waayo waxay mar walba suugaantooda iyo fankooda ku muujiyaan dareenka fog ee nin garaadle mooyee moogaha  iyo indhawgaradka hoos marayaa  waxay toosiyaan umada waxayna u noqon doontaa berito taariikh lagu xuso iyaga iyo ubadkoodaa wadaniyada  iyo wanaaga ay wadaaa.

Waxaan kale oo  aan aad ula dhacay ku farxay  hadal uu yidhi iyo waraysi uu bixiyay madaxweynihii hore oo soomaaliya   oo siiyay idaacada madaxa  banana ee  VOA mudane cabdilaahi yuusuf axmed oo aan mucaarad ku ahaa mudo dheer   ayaa shaaca ka qaaday inaysan qaramada midoobay iyo wadamada  deriska ah iyo dhamaan  Reer galbeedka, carabta iyo afrikaduba inaysan wadin  horumarka umada soomaaliyeed ee ay ka shaqaynayaan dhibaatda umada soomaaliyeed ayna doonayaan inay  50 sano ka dib gumaysi maldahan  dib ugu celiyaan.

Hadaba  shalay  waxaan ogayn inay labada shariif heshiis ku ahaayeen  in soomaaliya loo helo nabad buuxda  waxay  ku midaysnaayeen ururka dib u xoraynata soomaaliya  ARS  waxaa shariif  xasan  halhays u ahayd waraysiyadiisaa maanigaa argagixsa mise ninka dadkayga qixinayaa ee dilayaa ee madfaca la dhacayaa waxuu sheegayaa waa  askartii tigreega ee xasuuqa ka waday wadankeena sanadihii 2006 _2009  mudadaas oo ahayd mudo umada soomaaliyeed  ay haysatay marxalad adag oo aan waligeed soo marin  hadaba  waxuu shaaca ka qaaday in soomaaliya gumaysi lala doonayo  Mudane Cabdilaahi yuusuf   waayo cida la doonaysa wuu ka gaabsaday balse aqristoow miyay kaa qaarsoontahay inay tahay  itoobiya, Kenya, tansaaniya, Uganda, Burundi,  iyo kuwa la mid  oo aan shalay inagu ka magic iyo  muuq dheerayn inaan maanta hoostooda joogno aynuna noqonay  isha keliya ee ama  meesha keliya ee dhaqaaluhu ka soo galo. Xerada ciidankooda lagu tababaro iyo sheekada ay aduunka  la hortagaan ama ciwaanka ay caalamka  ka hor aqriyaan.

Yaa ku saacidayaa  wadamaas inay  ina dhibaateeyaan oo hadba shirar iyo shirqoolo inoo qabtaan waa wadamaa reer galbeedka oo dadkeena  dhimanaya aan u qudhin  hal xabo oo kiniin ah ama  xal xabo cirbada  nimanka  dumiya iftiin kasta oo soomaali u baxana ku bixinayaa boqolaal milyan oo doolaar.

Shariif xasan  ma maanta ayuu wadani yahay mise shalay, shirka umada soomaaliyeed lagu kala qaybinayo ee qoryaha  mar kale laysugu dhiibayo ee khilaafka iyo khaatuma xumada  horseedayaa ninka ka qayb galay isaga oo maksab siyaasadeed iyo qancin aduun wada  ma noqon karaa masuul metela oo ka noqdaa gudoon shacabka soomaaliyeed.

Shacabka soomaaliyeed oo mudo 20 sano ah afduub ku jiray ayaa waxay galeen marxaladii ugu cuslayd iyada oo labada dhinac waa dowlada iyo mucaaradkee labaduba awood ku muquuninayaan  waa diidmada shacabka iyo mudaaharaadka  umada soomaaliyeed ee ka dhacay  wadanka qaybo ka mida waxaa la yidhi waa  odayaal iyo habro iska qaylinaya ayuu Mahiga oo u dhashay Tansaaniya yidhi waxuuna ka hor leeyahay  masuulka ama afhayeenka golaha shacabka umada soomaaliyeed  isaga oo aan awoodin inuu yidhaahdo waa bulsho soomaaliyeed oo muujinaysaa codkooda diidmada ku aadan shirka una baahan in laga dhaadhiciyo waxay ka biyo diideen.

Inta masuul ee madax maamul goboleed ee ka qayb galay  waxay ahaaayeen dad la haystayaal ah oo aanay muuqanayn  masuuliyada iyo xilalka ay sidaan hadalkooduna uu ahaa mid aan lahayn qiimo wayn iyaga ayaana   la kala celinayay  meesha dhexdeeda oo aan isku mawqif ka ahayn  waxay ka midaysnaayeen laba arimood oo ah u adeega cadowga umada soomaaliyeed  fulinta dhagarta dadkooda iyo iyaga oo u arkayay inay ku helayaan maksab siyaasadeed iyo waxoogaa loo balan qaadoo oo dhaqaale ah waxaa loo laqamiyay erayo lid ku ah jiritaankooda iyo qaranimadooda waxaana u laqimay  shaqsi aan u dhalan dalkooda oo dadkiisa nabadgelyo iyo maamul haystaan doonayaana inuu kooda burburiyo iyagana madaxa isu geliyo sidi hogaamiye kooxeedyadii dowlada keliya hubayn jirtay ee aan garan jirin hal dowlad ayaan hubka na siisee maxaan isku dilaynaa  yayse taageersan tahay ?

Siyaasadu maaha xoolo uruursi iyo ganacsi waa magac iyo muuno iyo karti  qofku ku dhex yeesho bulshadiisa laguna xasuusto waa hanaan wanaagsan oo ku dayasho leh oo nin walba lagu amaano waxqabadkiisa ,  siyaasadu maaha inaad awrkaaga umada  jagada aad u hayso ku kacsato.

Waxaan leeyahay  Madaxda dalka ugu saraysa   qaarkood  ma oga awooda iyo macnaha  xilalka ay hayaan iyo xeerka iyo xadka uu leeyaahay ee sharciga dib haloogu noqdo Madaxweynuhu maaha inuu Mediaha ka dagaalamo ee waa inuu awoodiisa  ku bedelayaa ficilada ka dhanka qaranimada iyo jiritaanka dowlad soomaaliyeed waa inuu umada ka qabtaa waxii ku xadgudbayaa  xilka saarana u gutaa si  xaq ah.  baarlamaankuna waa inuu ilaaliyaa sababta uu meesha u joogo oo ah kala xadaynta iyo ilaalinta dastuurka iyo dhaqdhaqaaqa dowlada maaha maalin walba inay qof sacabka isaga  tumaan  ninkasta oo jecel ama jantaa  kurisga madaxweynanimada  maaha inuu shisheeyaha iyo qaramada midoobay ka raadiyo sumcad ee waa inuu bulshada soomaaliyeed ka raadsadaa dhexdeeda daacadnimo iyo hawlkarnimada la yimaadaa  laguna doortaa wadaniyadiisa ee aan loo eegin  xeerka  4.5  shacabka soomaaliyeed iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada meel kasta oo ay joogaan waa inay ka feejignaadaan shirqoolada iyo hagardaamooyinka ay dhigayaan  dowladaha shisheeye.

Dowlada  ku meelgaadhka ah waa dowladii ugu cimriga dheerayd mudadii ay jirtay waxaa soo martay  laba madaxweyne iyo afar ra,iisul  wasaare, iyo  laba ra,iisula baarlamaan  waxay gaadhay sanadkii sideedaad waxaanay ku sii socotaa sanadihi tobnaad  waxaa hirgalay magaca dowlad soomaaliyeed iyada oo aan lahayn awood badan oo ay ku hanato dalka  waxaa aduunka inta neceb horumarka soomaaliya  wali doonayaan inay dib u tirtiraan  oo ay baabiyaan wax magac soomaaliyeed oo dhan sita  makala jecla deegaamada soomaalida degantahay wax horumarana uma ogola ,  aduunka siyaasadiisu maanta waa wax cad oo aan cidna laga qarinayn.

Iyada oo aysan jirin  wax wayn oo ay qabtay dowlada ku meelgaadhka ah hadana waa yool ama rajo umada soomaaliyeed sugayso inay maalin un rumowdo oo wax ka soo baxaan  noqotana midho dhal  waxtara

Waa ilays yar oo meel fog ka bidhaamayaa  waxay arkeen dadkii oo u taagan inay goboladooda wax u qabtaan haba kala googoosteen oo tuulo walba magac haloo bixiyo balse waa dad usoo jeeda dalkooda  dhamaan yididiilooyinkaas waxaa la doonayaa in la tirtiro oo hada iyo kow laga soo bilaabo  ninkii ogaa waa ogyahay ninkaan ogayna ma oga.

Waa su,aale horta ma lays waydiiye  Xagee baa laynoo wadaa xaajadu waa murugsantahaye waxaa inagu gorgortama  dhawr  jabhadood, oo kala duwan, waa  dowlada lafteeda , mucaaradkeeda,  reer galbeedka  , midowga afrika,  jaamacada carabta, iqb  kuligoodna  ilaa hada mahayno qolo si rasmiya inoogu sheegtay meesha ay inoo wado waxaan ahayn  qowda maqashii waxna haw qaban.

Hadaba  waxaan odhan lahaa  umadyahay waxaa la gaadhay xiligaad kala garan lahayd kii wax kuu wada iyo kii aan waxba kuu hayn  waa in si isku duubniya  bulshada soomaaliyeed isaga qaadan heeryada danaystaha , iyo dambiilayaasha  noocay doonaanba ha ahaadeene .

Xukuumada  iyo madaxweynha  , xildhibaanada, odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka,  shacabka  intuba waa inay ka soo horjeestaan  shirqoolada iyo dabinada loo maleegayo  waan a inay dareemaan meesha loo wadaa inay tahay  1990kii  markii  qolo qolada iyo jufa jufada laysu cunayay ee  lakala dilay soomaali oo dhan. Dhaxalkeedii ilaa hada ayaan laga  soo kasban  soomaaliyeed yaan raad arooryo dib loo raacin  wabilaahi tawfiiq

Xisbigaan nabadaanu nahay
Xeerkii umadaanu nahay
Xisaabtan ayaan wadnaa
Xaqaan  ku dhawaaqaynaa
Xumaha waa reebaynaa
Xisdiga waa diidaynaa
Xaashe samahaan wadnaa
Ninkii xuma raadiyoow
Ninka xagla gooya shacab
Xisaabna ku doonayoow
Ninkii xeerkiyo dastuur
Xadgudub  ku samaynayee
Misana xilka doonayoow
 
Xaqiiqdu siday ahayd
Xalkaagu halkuu ahaa
Xeerkeeda adaa jabshee
Xasaradiyo xumaha dhaaf
Xantaada ma  moogidoo
Xogtaadii way baxdee
Xilkaad sido dhawra oo
Xajiinta ka daa sharciga
Xasaasiyadana ka  daaa
Xasuustaada adkee
 
Xiqdi waa dhiilo abid
Beruu ku xisaabayaa
xertaadiii hore ku samir
Halkay xagla toosiyeen
Xasuus xumidaa u taal
Xaqdhawrlidaa u taal
Xantiyo ceebtay faleen
 
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.