Xaalufintu waa Xabaashii Noolaha | Q: 2aad

Abdulkadir Osman “Aroma” (Keydmedia Online) - Sunta Cagaaran: Qaad Sun leh iyo Qori rasaas leh ayaa Qarankii rogee Qaadirow ka qabo. Bartamihii Qarnigii 19aad Shiinaha oo dhaqaalihiisu sarreeyo oo dibedda u dhoofiya “Shaah, xariir & maacuun” ayaa Reer Galbeedku u fekeray tabtii Dhaqaalaha Shiinaha loo cuuryaamin lahaa.
Faallo Keydmedia Online
Xaalufintu waa Xabaashii Noolaha | Q: 2aad

Kadibna reer Galbeedku waxay dalka Shiinaha ku qarqiyeen oo ka haqabtireen daroogo khatar ah. Shacabka Shiinaha oo qabatimay daroogadii, 70% waxay noqdeen daroogiste derbiyada jiifa oo aan waxbarasho iyo shaqo midna tahli karin. Si loo samatabixiyo shacabka sumeysan, dowladii Shiinuhu waxay soo saartay xeer lagu joojiyey soo-dejinta iyo isticmaalka daroogada, hase yeeshee waxaa diiday reer Galbeedka, dabadeed Ingiriiska iyo Faransiisku waxay Shiinaha ku qaadeen dalkii loo yiqiin “opium war” ee socday 1839-42 & 1856-60, ayaandarro Shiinaha oo tayada hubkiisu hooseysay dagaalkii waa looga adkaaday, waxaana laga saxiixay inuu ka noqdo xeerkii joojinta daroogada.

Kenya iyo Xabashida oo gumeystihii Ingiriisku u hibeeyey dal iyo dad Soomaaliyeed, si Soomaalida loo sumeeyo waxay ka haqabtireen sun cagaaran oo lagu magacaabay QAAD, qowmiyadda Soomaalidu miyi iyo magaalo meel kastoo ay ku nooshahay 50% waxay si ba’an u qabatintay “drug addicted” raamsiga qaadka oo qof-qoys ilaa qaran Soomaali rogay oo khayrkeed ka reebay. Sannadkii 2010 dowlada Kenya waxay sheegtay inay waddamada: “Soomaaliya, Jabuuti, Yaman, Holland & Ingiriiska”  u dhoofisay 200-tan oo qaad ah, kasoo qiimahiisu ahaa $250 million (arag [url=http://www.news24.com/africa/features]http://www.news24.com/africa/features[/url]). Sidoo kale Itoobiya waxay sheegtay inay waddamada: “Soomaaliya, Jabuuti & Yaman” u dhoofisay 22,390-tan oo qaad ah oo qiimahiisu ahaa $108.3 million (arag [url=http://www.ethiopianreview.com/content/3595]http://www.ethiopianreview.com/content/3595[/url]).

Sida la ogsoon yahay Soomaalida iyo Yamanta kaliya ayaa qaadka raamsata oo xataa shacabka Kenya iyo Itoobiya ma cunaan qaadka. Maadaam gobolka Ticis ee Yaman qaad baa ka baxo, qiyaastu waxay u egtahay qaadkii Itoobiya iyo Kenya ay dibedda u dhoofiyeen in Yamaniyiintu ka istcmaaleeen 30% oo qiimahiisa lagu qiyaasi karo $110 million, inta kale oo qiime ahaan dhan $248 million in laga gaday qowmiyada Soomaalida meel kastoo ay dunida ka joogtoba.

Lacagtaas marka lagu daro waxyaabaha iyo adeega raaci kara sida (kirada gaadiidka kala daabula, sigaar, shaah, kirada goobha lagu gado ama lagu raamsado, nadaafadda goobaha iwm) qiyaastu waxay tahay qowmiyadda Soomaalidu sanad kasta inay suntan cagaaran ee qaadka ku bixiso lacaga dhan $300 million. Qaadku waa khatar weyn, qof-qoys ilaa qaran khasaare laxaad leh ayuu gaarsiiyey, Soomaaliya waxay noqotay “narcotic state”.

Khasaaraha qofka uu gaarsiiyo waxaa ugu daran: caafimaaddarro, mashqeystenimo, tuugsi, qandho joogto ah oo lagu magacaabo qaadiro subax. Seddaxda nolosha daruuri u ah ayuu dadka ka rafacaa “risaqa la cuno, hurdo riyo leh iyo galmo raaxo leh”. Qofka qaadka raamsada seddax marxaladood ayuu u dhexeeyaa “xaraarad, marqaan iyo dubaab = duhurkii waa doondoonaa oo waa xaraaradeysan yahay, galabtiina waa raamsanayaa oo waa marqaansan yahay, habeenkiina qaraw buu ku jiraa oo dubaab baa daba ka gala”. Sababta ugu weyn ee qoysku ku burburo waa suntan qooshan ee qaadka, maxaa yeelay aabbihii ayaa masruufkii caruurta qaad ku raamsaday. Qaad raamsade ubad qaday dan kama galo.

Qaadku waa dhibaatada ugu weyn ee dowladnimadii burburisay. Madaxdii sare ee dowladu hantidii qaranka ayey xadeen si ay qaad u raamsadaan isla markaana u helaan qol dugsoon iyo gabadh qaawan oo qaxwaha shubta. Askartii iyo shaqaalihii hoose waxay si bahalnimo ah u boobeen dadweynaha si ay qaad u raamsadaan. Tiro yar mooyee sida loo badan yahay dadka qaadka raamsada kali-kali uma fariistaan oo waxaa marqaanku ku baxaa lamaane aan is qabin, dabadeedna marka lays xoodaamiyo xishoodka ayaa xakamaha goosta, halkaasna fisqi iyo foolxumo ayaa ka dhalata.
 
Dagaalkii “opium war” kadib reer Galbeedku daroogadii ay dadweynaha Shiinaha ka haqabtireen waxay ka dhigtay shacab nolosha ka dhacay, fisqi iyo foolxumo ayaa guri kasta gaartey. Guuldarradii daroogadu waxay Shiinaha u soo jiiday naaneys xun, yasitaan iyo in la liido, halkudhugyagdii lagu naaneysay waxaa ka mid ah hoyga dhilleysiga iyo daroogada “home of drugs and prostitute”. Kacaankii Shiinaha ka hanaqaaday 1949 ayaa naaneystii xumayd tirtiray.

Hoggaamiyihii weynaa halyey Mao Testung wuxuu dalka ka joojiyey keenista iyo isticmaalka daroogada, isla markaana wuxuu amray in safmar iyo aragti loo toogto Shiineys kastoo isticmaala daroogo. Mao Testung wuxuu ku guuleystay inuu dib u soo nooleeyo sharaftii iyo karaamadii Shiinaha, shacabkiina noqdo dad nadiifa ah oo shaqeysta.

Haddaba si sharaftii iyo haybadii dib loogu soo celiyo, maanta Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiye mayal adag oo la ayni ah Mao Testung oo marka hore dalka ka joojiya suntan cagaaran, kadibna si naxariis la’aan ah oo safmar iyo aragti u laaya dadka isticmaala nooc kastoo daroogo ah.

Abdulkadir Osman “Aroma” - shirwac55@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.