In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Taariikhiyan Soomaalidu waxay ahaan jirtey dad qabweyn oo diida quursi iyo qabbaannimo. Waxay ahaan jirtey dad isla sareeya oo diintooda iyo dhaqankooda ku faana. 1980-yadii ka hor haddii gabadh Soomaaliyeed ay guursato nin-cad waxaa la oran jirey heblaayo Gaal bey u fuushaa oo waa geyaan seegtay.
Shacabka oo ku dhegan diinta iyo dhaqanka darteed waxaa la aaminsanaa Gaalka cad inuu yahay Saancaddaale aan gabadh Soomaaliyeed geyaan u ahayn. Ayaandarro qabkaasi maanta waa lumay oo haweenkii Soomaaliyeed waxay noqdeen beylaha habardugaag iyo haadba u nugul, waxaana lagu naaneysay “hot cake ... cheap and clean”.
Dhaqan doorsoonka dhacay waxaa ugu xanuun badan qowmiyadda Soomaaliyeed oo Maanta inteeda badan ku nool dawarsi iyo darxumo aan Alle ku kallifin.
Maahmaahdii ahayd “nin seefi qaaday waxaa ka xun nin soori qaaday” maanta waxaa lagu beddelay “tuugsi baa tacab ka fiican oo waa lagu taajiraa”. Soomaalida maanta qiimeyntii qarankeeda qaxooti bey ku doorsatay, tacabkii dalkeedana tuugsi bey ku doorsatay. Bal si dhugmo leh u dhuux seddaxdaan tusaale:
Dad ladan oo ku noolaa xaafado aan dagaalku gaarin ayaa goobihii loo barakacay ka dhistay guryo lagu magacaabay “Buush-Bariis” maalinta raashinka la qeybinayo habeenkeeda ayaa carruurta la geeyaa oo subaxii ayaa dabka canjeelada la shidaa, dabadeedna WFP laga qaataa xoogaa sandareerto ah. Nin baa ku gabyey “Barre Bokaasiyo waxaan ogaa Boqorki Iiraane, barwaaqada la caasiyo Ilaah waa burburiyaa”.
Laba Sano goortii la qaadanayey xoogaa raashin ah, 2009 Kooxda Shabaab ayaa Xamar oo dhan dabgelisay oo meel kasta dagaal ka qarxisay, dadkii shalay “Buush-Bariiska” beenta ah dhistay si dhab ah ayey u barakaceen oo waxay degeen Buush aan Bariis lahayn, sababtoo ah WFP Shabaab ayaa dalka ka eryey.
Ganacsi ballaaran ayaa Soomaalidu Nairobi ka yagleeshay, haddana waxaa Nairobi ku badan dhallinyaro hablo iyo wiilal isugu jira oo meheradoodu tahay tuugsi. Goobaha ganacsiga Soomaalida waxaa ka shaqeeya dad Afrikaan ah, dhallinyarada Soomaaliduna waa dawarsadaan, arrintaas feker bey igu riday, dabadeedna waxaan u tegay ganacsato leh “hotello, maqaayado iyo dukaamo” waxaan weydiiyey sababta dhallinyarada Soomaalida loo shaqaaleyn waayey? Jawaab kooban ayaa lay siiyey oo waxaa laygu yiri, qof aamin ah oo shaqo raba bal adiguba keen. Dhallinyaradii dawarsaneysay ayaan qaar ka mid ah ku iri waxaan idiin hayaa shaqo, balse way diideen oo waxay yiraahdeen tuugsiga ayaa ka dhaqaale badan oo ka dhib yar shaqada.
Gabadh dawarsaneysa ayaan ku iri waxaan ku hayaa haweeney laba carruur ah Yurub kala soo guurtey oo dooneysa gabadh carruurta u haysa oo ay siiso $100 bishii ee ma kuu geeyaa, waxay iigu jawaabtay ka badan baan tuugsi ku helaa ee nabadgelyo.
Lamaanaha isqaba si ay ku helaan laba “welfare/caydh” waxay ku andacoodaan waan kala dudnay “seperation” ama waan is-furnay oo laba xaafadood ayey kala degaan. Gaalada oo markii horeba dooneysa in la dumiyo qoysaska islaamka, hooyadii laga duday ama la furay lacagta ayaa loo kordhiyaa oo waxaa lagu magacaabaa “single mother” xilkii aabbe iyo kii hooyoba dusha u ridatay. Saqda dhexe saamaleylka markii ay kulmaan ninkii ay sheegtay inuu furay dabadeedna uureysato iyadoo xijaab iyo indhashareer leh ayey xafiiska “welfare” tagtaa oo tiraah “boy friend” ayaa i uureeyey. “Subxaanallaah, Rabbaa risaqa bixiyee sidee baa haweeney muslim ahi ugu dhiiratay boy-friend baa i uureeyey”.
Xadiis baa leh “furiin iyo nikaax” ciyaar ma galaan. Taarikhiyan erayga “xila-fur” wuxuu ahaan jirey dhaarta ugu dambeysa ee rag lagu aamino. Waan is furnay looga golleeyahay in lacag yar lagu helo iyo “boy friend” baa i uureeyey waa dembi culus iyo ceeb iyo dhegxumo liddi ku ah diinta islaamka iyo dhaqankii suubanaa ee Soomaalida lagu yiqiin. Ciqaab Eebbe oo beentaas ka dhalatay iyo labadii waalid ee carruurta tarabiyeyn lahaa oo laba xaafadood kala degay, waxay keentay in carruurtii noqdaan dugaag iyo dibjir xabsiyada ku dambeeya.
Sideedaba hooyo kaliya carruur ma edbin karto siiba wiilasha markey gaaraan “teen-age”. 1980-yadii kadib dhaqan doorsoonka dhacay si weyn buu u gilgilay qowmiyadda Soomaalida gudaha iyo dibeddaba.
Lasoco Qaybta Afaraad...
Abdulkadir Osman “Aroma” - shirwac55@hotmail.com
Add comment
Comments