Xaalufintu waa Xabaashii Noolaha | Q: 4aad

Abdulkadir Osman “Aroma” (KON) - [Qeybta 3-aad], [Qeybta 2-aad], [Qeybta 1-aad] | Afka Hooyo waa Hodon — Sannadihii burburka wadaaddo “gardheer iyo surweel gaaban” leh oo hab xisbi u abaabulan ayaa la wareegay ganacsiga iyo hawlaha adeegga bulshada...
Faallo Keydmedia Online
Xaalufintu waa Xabaashii Noolaha | Q: 4aad

... waxay mudnaanta koowaad siiyeen hormarinta afka Carabiga iyo tirtirista afka Soomaaliga, fekradaas waa ku guuleysteen oo Soomaaliya waxay noqotay Maxmiyad Carbeed iyo Mustacarab la dhalanrogay.

Gaar ahaan dugsiyada waxbarashda iyo goob kastoo gacanta wadaadada ku jirtey waxaa loo bixiyey magac laga soo waariday Jasiiradda Carabta, dabadeed waxaa soo ifbaxay magacyo Carbeed ay ka mid yihiin: “Abu Quteyba, Abu Mansuur, Abu Mascood, Abu Dalxa, Abu Maxamed, Abu Muxsin, Abu Ayuub, Abu Dujana, Abu Subeyr, Abu Ridwaan, Abu Salma, Abu Seynab iyo kuwo kaloo tiro dhaafay”.

Xafiisyada wadaadadu maamulaan hawl maalmeedku wuxuu ku socdaa af Carabi aan eray Soomaali ah ku jirin, waxaad maqleysaa erayadaan. “Ustaad malafkaan u gee Amiir hebel oo fadhiya Maktabka Shuurada ama Qismu Tanfiid” iyo wixii la mid ah.

Dugsiyada wadaadadu maamulaan lagama soo dhoweeyo oo si dadban baa loogu diidaa inay waxbarasho ka helaan ardayda wadata magacyadii hore ee cuskanaa dhaqanka Soomaalida sida “wiilasha = Guuleed, Suudi, Warfaa, Rooble, Geeddi iwm, gabdhaha = Suuban, Sareedo, Cawrala, Cambaro, Shaqlan iwm”. Kumanyaalkii magac ee taariikhiyan Soomaalidu la bixi jirtey daaqada dambe ayaa laga tuuray oo magacii raggu wuxuu kusoo uruuray 90 magac kaliya “30 macnahoodu yahay addoon sifo Eebbe lagu daray sida “Cabdi+Raxmaan iyo Cabdi+llaahi” iyo 20 lagasoo minguuriyey ambiyadii Alle Qur’aanka ku xusay iyo 40 lagasoo minguuriyey magacyada Carbeed”. Sidoo kale magacii haweenku wuxuu kusoo uruuray wax ka yar 30 magac sida “Sundus, Sumaya, Sacdiya, Farxiya, Fowsiya, Nimco, Salma, Najmo, Muna iwm”. Qowmiyadda Soomaalida meel kasta ha joogtee bal aan ku qiyaasno 30 malyan, soddonkaas malyan maanta waxaa ka dhexeeya 120 magac kaliya. Haddaan Alle samatabixin, af Soomaaligii hodonka ahaa maanta wuxuu qarka u saaran yahay geeri iyo god aakhiro.

Eraybixinta Teknaloojiyada oo af Soomaaligu ku liito mooyee, xeeldheereyaasha afafku “linguist” waxay qireen af Soomaaligu inuu ka mid yahay luqadaha ugu hodonsan afafka adduunweynaha looga hadlo, bal aan 3 tusaale ka bixiyo:

Af Ingiriis haweenta la qabo waxaa loo yaqaan hal magac kaliya “wife” balse af Soomaaliga waxaa loo yaqaan ilaa 13 magac “afo, arad, oori, xilo, marwo, maranti, bilcaan, daalli, maakhiido, xaas, bilcaan, naayaa, geesaxir, u-dhaxday iyo magacyo kale”.

Af Ingiriiska caanaha waxaa loo yaqaan laba magac kaliya “milk iyo yoghurt” laakiin af Soomaaliga waxaa loo yaqaan 15 magac waxaa ka mid ah “caano, dhaay, mac, manyac, suusac, karuur, garoor, aydaq, ciir, caanooyo, dano, bararis, buqbuqood, kasoofeen, faar, wan iyo magacyo kale”

Af Ingiriis halaqa xamaaratada ah waxaa loo yaqaan “reptiles” waxaa loo kala saaraa 3 magac “snake, serpent iyo cobra” laakiin af Soomaaliga magacyada loo yaqaan halaqa lama soo koobi karo waxaa ka mid ah: “mas-cadde, mas- ciideed, mas-johaar, abeeso, carra-tahan, abeeso-lugaley, abris, seyle, good, mar-soo-bax, jilbis, goodaado, subxaanyo, jibiso, harrey, dhaji iyo magacyo kale”

Deegaanka burburay iyo dhaqan doorsoonka dhacay ka sokow, Soomaalida maanta afafka qalaad waxaa loo arkay ilbaxnimo iyo hormar, afka Soomaaligana waxaa loo arkay luqad jaahil iyo dib-u-dhac mudan in laga rugdoorsado. Tusaale, Soomaalida sheegata aqoonyahannada waxay barteen erayo dhihida iyo dhawaqu is-khilaafsan yahay sida: “pharmacy enough therefore these”. Erayadaas waxaa loogu dhawaaqaa “F iyo D” balse “F” waxaa loo qoraa “ph + gh” sidoo kale “D” waxaa loo qoraa “th”. Wargeysyada iyo Websiteyada Soomaalida rag aqoonyahan sheegta ayaa maqaallo ku qora, markey afka Ingiriiska qorayaan si saxan bey wax u qoraan, balse markey af Soomaaliga qorayaan way ku adag tahay inay si saxan u qoraan shibbanaha labanlaama “MNLGRDB” iyo xarfaha waaweyn “capital letters” ee sadarka ama magaca gaar ahaaneed laga billaabo. Cajiib! Waa qof afkiisii iyo dhaqankiisii liidaya.

Soomaalida maanta dhaqan iyo dalba waa ka dhaqaajisay oo dhismaha dalkeeda waxay ka doorbiday qaxooti, dhaqankii iyo afkii hooyo waxay ka doorbiday dhaqan shisheeye iyo af qalaad. Murti baa leh, “aafo ku asiibtay hadday maalka kaa lumiso waxba kaama lumin balse hadday dhaqanka wanaagsan “values” kaa lumiso wax walba way kaa lumeen” Soomaalida maanta waa inay arrintaas garwaaqsataa. Gabyaa M. W. Tabantaabo wuxuu yiri:

“Ummadi dhaqan gaara iyo,
Diinteedey ku dhaadatiyo,
Dhawaq laysku af-gartiyo,
Dhul bay wada yeelataa,
Taariikhduna waa mid dhigan,
Dhambaalley aruurisaa,
Dhacdiyo mid la dhowrayaba,
Waxay qarannimo dhuntaa, Markii dhaqan laga qulqulo

Abwaan Maxamed Cali Kaariye isana wuxuu yiri:

“Shanta qaaradood ee camiran uunka ku caweeya, Caddaan iyo Madow uumiyahas caynba yahay caynka,
Qolo waliba dhaqan la cuskadoo caaney leedahaye, Curdankiyo barbaartii kacday keenna caasiya’e
Ka caraabe sidii geel cusbiyo ceel dhanaan raba’e Dhallinyarada caadadii Allahayow noogu soo celi”

Aqoonyahan sheegatada afka qalaad xurmeeya ee afka Soomaaliga liida ka sokow, dadweynaha ayaa erayada qaar si qaldan u isticmaala. Af Soomaaligu maanta waa agoon aan aabbe lahayn, waayo dalka kama jirto dowlad u heellan daryeelkiisa iyo difaaciisa haddiiba loo gefo oo si qaldan loo adeegsado. Erayada sida qaldan loo isticmaalo, bal aan laba tusaale ka bixiyo “hebel gabadhiisa iyo hebel wuxuu qabaa”

Woqooyi: Sidey aniga ila tahay reer Woqooyi adeegsiga af Soomaaliga waa kaga horreyaan reer Koofur, balse waxaa jira dhowr eray oo ay ku qaldan yihiin, waxaa laga xusi karaa naag la qabo oo carruur dhashay ayey leeyihiin hebel gabadhiisa. Ooridu hadday gabadh u tahay saygey u dhaxday, inantii ay isu dhaleenna maxay noqon? Magaca guud ee haweenku wuxuu u kala baxaa seddax “Gabadh, Gambooley iyo Geesa-xir” oo macnahu yahay inta timaha tidcan oo aan weli meher ku dhicin waa gabadh, inta meher ku dhacay ee shaash loo saaray waa gambooley iyo inta mehersan balse aan lala aqal gelin waa geesa-xir oo nin bey u geesa xiran tahay.

1980-yadii sarkaal reer Koofur ah oo Hargeysa ka shaqeeya ayaa gabadhiisa oo jaamacad ka dhigata Xamar waxay dooneysay inay imtixaamka qalin jebinta “thesis/disertation” wax ka qorto goobaha caanka ah ee Woqooyi ku yaal. Sarkaal Boorame joogay ayuu la xiriiray wuxuuna ka codsaday gabadhiisa oo Xamar ka timid iyo isaga in martigelin loo sameeyo, sarkaalkii “XDS Gaas 1aad Boorame” joogayna codsigaas waa aqbalay. Goobaha taariikhiga ah ayaa gabadhii lagu soo wareejiyey, goortii habeenkii la gaarey sarkaalkii reer Woqooyi ee Boorame joogay wuxuu u diyaariyey qol loo sharrxay hab aroos.

Sarkaalkii reer Koofur wuxuu ku yiri, walaal aniga iyo gabadhu xagee baan kala seexaneynaa? Sarkaalkii reer Woqooyina wuxuu ugu jawaabay “dee sow gabadhaadii maaha maad baalgashid”. Afgaranwaagaasi weli waa taagan yahay, waxaana ku qaldan reer Woqooyi oo naag meher ku dhacay oo carruur dhashay bey gabadh ku sheegayaan.

Koofur: Reer Koofur deegaanka Hiiraan Galbeed ka ah waxaa halhays u ah hebel wuxuu qabaa lo’ tiro badan, hebel wuxuu qabaa beeso tiro badan. Sida qaalibka ah erayga qabis waxaa loo isticmaalaa say iyo oori isu dhaxay. Naxwe ahaan eraygu wuxuu ku saxan yahay hebel wuxuu qabaa heblaayo ama heblaayo waxaa qaba hebel ee lo’ iyo lacag toona lama qabo. 1960-yadii midnimadii Woqooyi iyo Koofur, sheeko dhacday waxay leedahay askeri Koofur laga beddelay ayaa galay dukaan ku yaal Hargeysa, wuxuuna ninkii dukaanka iibinaayey ku yiri “Xaaji Xalwo ma qabtaa?

Dukaan iibiyaha oo xaaskiisa lagu magacaabo Xalwo ayaa ku jawaabay haa waan qabaa. Askerigii inta lacag miiska saaray ayuu ku yiri keen-hee. Dukaan iibiyihii ayaa yiri haddaan keeno maxaad ku sameyn? Askerigii wuxuu yiri waan cunayaa oo waan jecelahay. Dukaan iibiyihii ayaa yiri oo ma horaad u cuni jirtey? Askerigii wuxuu yiri hore baan u cuni jirey oo Xamarba macmacaankeeda waan ku muudmuudsan jirey ee keen-hee. Dukaan iibiyihii oo xaaskisa Xalwo bil ka hor Xamar kasoo laabatay ayaa maseyr dareemay oo madax xanuun ku dhacay.

Soomaalidu markey qoreyso ama ku hadleyso afafka qalaad xil weyn bey iska saartaa oo waxaa lagu dadaalaa in si hufan loo hubiyo isticmaalka erayada, balse waxaa ayaandarro ah haba yaraatee inaan xil layska saarin saxitaanka afka Soomaaliga oo mudan in loo hiilliyo oo weliba in la hormariyo ay tahay waajib iyo lama huraan aan laga baaqsan karin.

Gunaanad

Guntii iyo gabagabdii burburka deegaanka ku dhacay iyo dhaqan doorsoonka dalka ku baahay nolosha Soomaalida, waxaa looga hortegi karaa in la helo maamul iyo nidaam dadweynuhu ku kalsoon yahay oo dib usoo celiya nabadgelyadii iyo hay’adihii adeegga bulshada.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la joogteeyo ol-ole ku wajahan waxtarka iyo muhiimadda badbaadinta deegaanka iyo dhowrista iyo ku faainista hidde dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalidu leedahay. Raqba waa ku raggeeda. Aqoonyahannada, suungaanleyda iyo qoreyaasha maanta nool waxaa saaran xil weyn oo berrito la weydiin doono. Sidaas awgeed waa inay hirgeliyaan halkudheg hadafkiisu yahay Soomaaliyeey “Xaalufinta deegaanku waa xabaashii noolaha. Deegaankoo la badbaadsho waa dantii ummaddeenna.

Soomaaliyeey dhaqankoo la dhowro waa dhaxalkii ubadkeenna “back to basic values. Intaad tuugsan lahayd Rabbi ku tiirso turuqana maal. Ha tahriibine dhulka tabcoo tiigso khayrkaa. Xumaanta dhaaf oo xirfad baro”. Ugu dambeystii waxaan ku dardaarmayaa Soomaali kasta oo damiir wanaagsan leh inuu kaalin firfircoon ka qaato sidii loo horjoogsan lahaa seddax kala daran oo kala ah:

Waxyeelleynta deegaanka iyo walaahowga tuugsiga iyo waabayda jaadka oo runtii ah seddax cadow oo Soomaali qayrkeed ka reebay. Qoraalkan waxaan kusoo afjarayaa hambalyo iyo mahadnaq aan u jeedinaayo Mudane Ismaacil Cumar Geelle madaxwaynaha Jabuuti oo qabanqaabiyey isla markaana maalgeliyey dhowr kulan oo loogu talogalay uruurinta suugaanta abwaannada Soomaliyeed meel kasta ha joogeene. Wa- Billaahi Towfiiq

Abdulkadir Osman “Aroma”  - shirwac55@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.