Runta Ma Jecli…! | Daawo Video

Ayuub A. Aden | Sana’a, (Keydmedia) - Marka dhaqanka Soomaaliyeed dib laga tusaale Qaato, cayda iyo Aflagaaddada waxaa adeegsada inta maangaabka ah. Waxaase kasii liita inta isku dayda inay Qorraxda Sacabka ku Qariyaan oo Asaraar been ah fadhi-ku-dirirka kaga hadaaqaan.
Faallo Keydmedia Online
Runta Ma Jecli…! | Daawo Video

Ceebi kuma jirto in Taariikhda la xigto oo lasoo shaaciyo Xumaan iyo Wanaag wixii Dalka ka dhacay, iyo ciddii fashay xadgudubka Taariikheed. Waxaa sidaas looga jeedaa in laga waantoobo dhibaatooyinkii ummadda Somaaliyeed soo maray 21dii Sano oo lasoo dhaafay.

Iskeedana Saxaafadda Madax bannaanu waxay ku nooshahay inay soo shaaciso dhacdooyin laga diimoonaa ama laga beensheegay. Waxaa kaloo jira, in Maanta la haysto Qalab Dhacda kasta lagu qabto oo lagu kaydiyo Maqal iyo Muuqaal ahaan iyo Muuqaal ahaanba.

Waxaa la joogaa casri Runta iyo Beenta aan laysku qaldi karin oo wax walba si cad loo muujin karo. Been lasoo dhodhoobay ciduuna kaama qaadan karto. Waxaa kasii daran in been lagugu barto oo waxaan jirin loo qaato intii Akhrisan jirtey Qoraallada aadmsoo Bandhigto. Run baa reerka lagu dhaqaa!!

Hitler Ummad badan buu Xasuuqay, haddana ma Arkaysid cid ammaanaysa, kulay ku tahay wixii ka haray xigtadii uu ka dhashay.

Markaad damacdo inaad runta qariso, waxaad ka hiilinaysaa Dhacdada Runta ah, waxaanadna u hiilinaysaa kii Gabadha Soomaaliyeed sidii orgiga u faraxumeeyey. Waxaad u hiilinaysaa kii fagtay bakaartii Agoonta u duugnayd. Kii gubay buulkii nugulaka Ummadda. Kii Qashay hashii dhallaanka loo maali jirey.

Kii barakiciyey Ardo-quraanka iyo Nugulka Bulshada. Kii Biyaha Webiga ka gatay ceelalyada ooman oo dad iyo duunyaba leh. Dhacdooyinkaas waxaa loo hayaa Maqal iyo Muuqaal, waana ka dhargi doontaan haddaad jeel u qabto.

Fadlan noo soo Qor haddii si aad rabtaan inaad indhahaaga wax ku Aragtaan, dhagahiinana wax ku maqashaan, adinga ayanna idinka warsugaynaa.

Inta cayda iyo aflagaadada noo soo tabisa waa fara-ku tiris. Hase ahaatee in ka badan 95% Boqolkiiba waxay noo soo jeediyeen ammaan iyo sixid xaqiiqo sheegid laga beensheegay oo ku saabsan qaabashadii Kismaanyo 1991-92 oo lagu soo bandhigay maqal iyo Muuqaal ku magacbaxay "Qorrax Sacabka Laguma Qarin karo" oo Keydmedia.net Soomaali ay soo bandhigtay.

Ninkaan Akhrisan weli, fadlan guji Keydmedia oo indhahaaga ku arag, dhagahaagana ku maqal, qoraalka iyo cajaladaba. Wixii nin ka beensheego mid kale ayaa ka runsheega, waxaana sii fogaanaya in lays cafiyo oo laga heshiiyo wixii nasiibdarro ku dhacay oo soo jiitantamayey 21 Sano.

Sidoo kale, ninka fadhi ku dirirka ah oo Aflagaaddada ku hadaaqaya ha keeno Xaqiiqo Beeninaysa Dhacdadii Kismaayo. 

Ha keenaan ficil Wanaagsan oo ay faleen kuwa loo raadgadayo. Bal keen Generaal Maxamad Siciid Moorgan oo Soomaali weyn Nabad ugu baaqaya iyadoo Maqal iyo Muuqaal ah.

Bal keen Maqal iyo Muuqaal Generaal Moorgan oo ku baaqaya: War yaan la biliqaysan Bakaarta Agoonta u Duuga. War dadka yaan hantidooda la boobin. War Dumarka maatada ah yaan la faraxumayn. War Masaakiinta yaan la la barakicin, iwm.

Si kastoo lagu tukado janaaso Qaran, si kastoo loo afuufo biqil beeleed, si kastoo la huwiyo Calan uu gubay, si kastoo loo baahiyo geeri Qaran, haddana Cabdullaahi Yuusuf Axmad wuxuu Taarikhda ku galay inuu noqday cadawgii ugu horreeyey oo dalkiisa kusoo hoggaamiyey cadow soo jireen ah.

Maanta xukun-suge ma ahan oo Rabbi baa oofsaday, hasee yeeshee taariikh dhiigle buu ka tagey, taariikhadana waa la kaydiyaa si looga waantoobo inaan ficil kaas lamid ah uusan dib nooga dhicin.

Nasiibdarro Marxuun Cabdullaahi Yuusuf (AUN) keli kuma ahan nin Madaxweyne sheegtay haddana Xasuuqay dadkiisa oo waxaa haddaba Madax noo ah mid aan ka yaraysan oo haddaana tusbax dheer warfinaya, cadown shisheeye dalka ku haya kuna hoos-gabbada inuu xukunka kusii waaro.

Yaa Qabiil ahaan Ummadda u Xasuuqay? Yaa Aargoosi baaxaddaas ku kacay? Mudane Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Axmad waa u siman yihiin dabiga ay Dalka ka galeen, hase ahaatee Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ahaa "Geesi" qirta xumaanta uu dadla iyo dalka ku falay. Inta kale laguma hayo inay qirtaan xatooyada iyo dilka ay Dadka iyo Dalka ku hayaan.

Inta Aflagaadada Keydmedia usoo tabinaya waxay huwan yihiin Shaarkii General Aadan Gabayo iyo Moorgan.

Fadlan isa soo barraxa oo goobta keen Dhacdo Taariikheed, ummadana Maqal iyo Muuqaal ugu soo Bandhiga haddaad run asal ah haysaan oo lagu qaanci karo. Inta runta soo barraxda iyo beenta ku hadaaqda bulsho-weynta Soomaaliyeed ayaa garsoore u ah, ilmihii beenta lagu barbaariyeyna runta ayay dib u baran doonaan.

Ragga Asaraarka beenta ah ku handaaqaya bal car Maqal iyo Muuqaal Asal ah u keenaan General Maxamad Abshir Muuse oo shir Soomaali ku dhan tahay Bulshada kala irdhowday heshiis dhexdhexaadin oo uu garqaadayo.

Mar haddii uu kamid ahaa maqaawiirta Qaranka loogu hanweynaa, waxay ahayd inuu nabad Calanka u ruxo oo door shariif ah ka qaato xasilinta iyo baadigoobka nabadda. Nasiibdarro ma dhicin taasu in kastoo uu haystey fursad uu bulshada kala irdhowday nabad iyo heshiis u kala dabqaadi karey.

Waxaa maankiisii iyo Nagaciisii dhaamay inuu Dawladnimo u saallaxo kooxdii Sulux iyo Manifesto oo halgankii xukun-rididda aan qayb-libaax ka qaadan.

Haddii Maxamad Abshir Muuse uu nabad u ololayn lahaa waddanku sidaas uma burbureen. Nagama lunteen 21 sano oo dawlad la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.