“Xarafkii Alif ka qaloocda, Al Baqro kuma soo tooso” - Beello Qaadacay Shirka G/Dhexe

Keydmedia Online — Labo Sanno kahor, intii ay DFS soo faragelin, ayaa Bulshadda Gobollada Dhexe waxey go'aansatay in ay sameysato dib u heshiisiin iyo Maamul wadaag ka dhisma Gobollada Dhexe. Waxaa lagu isku waafaqay in Madasha Shirweynaha laga dhigo Magaalada Cadaado ee ah Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, kaaso aheyd in uu furmo 5ta, Agosto, 2014.
Faallo Keydmedia Online
“Xarafkii Alif ka qaloocda, Al Baqro kuma soo tooso” - Beello Qaadacay Shirka G/Dhexe

Ayadoo Howshaas lagu gudo jiro ayaa Wadamada Shisheeye ee faraha kula jira Arimaha Soomaaliya iyo Dowladda Dhexe markii ay dareemeen in Bulshadii Goboladaas ay tashadeen, waxey kor ka keeneen Hindise Maamul loogu sameynayo Gobollada Dhexe.

Maamulka Cusub ee loo dhisayo Galgaduud & Mudug waxaa markii hore saxiixay 3 Maamul oo kala ah Galmudug, Ximan & Xeeb & Ahlu Sunna & 4 Wasiir oo DFS kamid ah.

7 Qof waxa la siiyay Mandate ama Mudo ah 10 Maalmood inay Gudi Farsmo kusoo dhisaan, waxay ka dhamaatay Mudadaasi 20 Maalmood kahor. Markii ay mudadii dhamaatay waxay si Qarsoodi ah ula tageen RW C/wali Sheekh Axmed Warqad ay kusoo qorteen 27 Qof oo Reerahooda kasoo kala jeeda, waxaana lagu tilmaamay in ay yihiin Gudiga Farsamada Maamul u samaynta G/Dhexe.

Madaxda Qaranka qaarkood ayaa lagu laaluushay Xubno dheeri ah oo Gudiga loogu daray, iyadoo la afduubay, lana dulminayay Beelaha qaar kamid ah oo ku jiray Maamulada Ximan & Xeeb, Galmudug & Ahlu Sunna, sidaas waxaa Keydmedia Online Xildhibaanno kasoo jeeda Gobollada Dhexe.

Maamulka Galmudug waxa uu Muqdisho la yimid 6 Wasiir oo matala 6 Beelood oo dega Deegaanka Maamulkaasi, balse 2 Wasiir oo kamid ah Wasiiradaasi waa loo diiday inay ka qeybgalaan Shirka & Gudiga dhisaya Maamulka cusub.

2 Wasiir oo kale, reerkoodii ayaa qaadacay inay kamid noqdaan Xubnaha Gudiga la sameeyay, oo ay soo hambeeyeen Wasiiradda isku roonaaday ee Xukuumadda Federaalka ku jira.

Xubno lagu daray Gudiga ayaa Keydmedia Online u sheegay inaysan ka warhayn Gudiga la dhisay, oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaacisay. Waxeyna Dadka Degaanku u arkeen in Shirkaan uu yahay mid lagu marin habaabinayo Ujeedooyinkii laga lahaa.

Dowladda waxa ay qorsehynaysaa inay markale shir u qabato Saxiixiyaashii Heshiiska Maamul u samaynta G/dhexe, sidaas waxaaa KON u sheegay Xildhibaan C/qaadir Maxa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.