Keydmedia Online EXCLUSIVE: Xasan Sheikh waa kuma, Xildhibaanse waa kee?

Keydmedia Online — Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo la doortay Bishii Sebtember ee Sanadkii 2012, wuxuu ahaa Nin Bulshada Soomaaliyeed aysan horey u aqoon, hebeenkii la doortayna wuxuu jeediyay Khudbad Bulshada Soomaaliyeed Boqolkiiba Sagaashan soo jiidatay.
Keydmedia Online EXCLUSIVE: Xasan Sheikh waa kuma, Xildhibaanse waa kee?

Xasan wuxuu ka hadlay in uu wax ka qabanayo Cadaalad iyo Xasilooni darada, wuxuu balanqaaday in uu Wadanka Nabad kusoo dabaalayo, siiba Caasimada Muqdisho. Wuxuu balanqaaday in uu Wadanka u horseedayo Hormar, wuxuu balanqaaday in Lix Billood gudahood Degmo walba yeelaneyso: Ceelal Biyood, Baro Caafimaad, Iskoolaad, Xarumo Boolis iyo Maxkamad xukunta kuwa Nabadgalyadda kasoo horjeeda.

Hadaba, aan kala qaadnee, Xasan Sheikh Cadaaladdii wuxuu la maray Surin Ciriiri ah oo waliba ugub ah. Wuxuu Itoobiya iyo Kenya u Saxiixay in ay Wadanka sidee rabaan ka yeelaan, waxaana lagu qiyaasay Ciidamada Itoobiya ee Wadanka ku sugan in ay Afartan Kun kor u dhaafeen.

Wuxuu Jubbooyinka u Saxiixay (Kismaayo) Kooxo Gaarisa, Jigjiga iyo Garoowe kasoo soo duulay oo gabaad u ah Ciidamada Kenya.

Wuxuu caqabadeyay oo caburiyay rabitaankii Dadweynaha oo lagu diidanaa Cadowga Kismaayo qabsaday, isla markaasna wuxuu Caasimada Muqdisho ka mamnuucay in Mudaharaad laga sameeyo.

Wuxuu caqabad ku noqday Shirkii Maamulka Lixda Gobol ee Baydhabo looga dhawaaqay kuna yimid rabitaanka Dadka Degaanka Jubbooyinka dagga.

Cadaalad daradda aad la yaabteen ee Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku kacay waxaa kamid aheyd Fatahaadi ku habsatay Shabeellaha Dhexe siiba Jowhar oo ay ku barakaceen 18.000 oo Qoys, Xasan Sheikhna gurmadkii Dowladda u gurman laheyd wuxuu ka dhigay in uu ugu deeqo Konton Kun oo Dollarka Mareykanka ah iyo Garoowe oo Waadi biyo mareen ah fatahay, Xasan Sheikh uu Hal Malyan oo Dollarka Mareykanka ah ugu deeqay.

Tusaalayalku waa badanyihiine, Xasan Sheikh waa kuma, maanta halkaas baan ku joojineynaa.

Xildhibaan waa kee?

Xildhibaanadda Soomaaliyeed in yar oo Alle kacabsigu ku weyn yahay ma ahee, inta kale Soomaalidu waxey u taqaanaa Dad aan Qoor iyo Xero laheyn, Dad aan Qowl laheyn, Dadnimo Soomaaliyeed laheyn, diir danqada laheyn, dantooda kaliya fiirsada oo Jeeb doon ah, Jaga doon ah, Jaajuusiin ah!

Waxaa loo yaaqaanaa "Sim Card" Lacag lagu shubto. Waa kuwii Madaxweyne Xasan Sheikh uu Lacagta siiyay si ay usoo doortaan Xasan Sheikh, waa kuwii Xasan Sheikh intuu Kaararka u buuxiyay, uu Raisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ku riday. Waa kuwii inta Kaararka Dollarka loogu shubay, Cabdiweli Kalsoonida siiyay. Waana isla ayagii kuwa hada Mooshinka ka keenay Xasan Sheikh.

Kuwaan Xildhibaanadda isku sheega, Soomaaliya waxaa looga yaqaanaa "Gafanayaal" dhiiga Masaakiinta dhuuqa, oo xaaraan ku naaxya ah.

Yaa Maanta Hogaaminaya Kooxda Mooshinka ka keentay Xasan Sheikh

Waxaa Hogaaminaya Kooxda loo yaqaan "Qaswadashaasha" oo aad si fiican u wada xusuusataan, waa Xildhibaan Jurilla, Xildhibaan Xasan Abshir, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Gaandi, Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo kuligood isku Qoys ah, oo ah kuwa Olloleynaya riditaanka Xasan Sheikh, doonayana in Booska la keeno mid ayaga ay isku Beel yihiin, waxeyna Qandaraas dhaqale siiyeen Xildhibaanno Hawiye ah oo ay kamid yihiin:

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo Qoyska Madaxweyne Xasan Sheikh ah isla markaasna kamid ah Maalqabeynta waaweyn ee Beesha Abgaal. Cabdulqaadir wuxuu ka Carooday in aan loo Magacaabin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.