Xertii Federaalka oo Xanaftiisu gaadhay!

Cabdiraxiin H. Galayr — Waxaa la yidhi hadda ka hor, ayaa gobolka Togdheer xilligii uu joogay Gumeysiga waxaa laysku qabsaday Hal lammaan, oo markaas nin ka soo jeeda deegaammada Hawdka ama Doollo uu ku doodayey inuu leeyahay, Arrintii markii cilinkeedii la saari waayey, ayaa loo gudbiyey Saancaddaalihii Ingiriiska Maxkamaddiisii, waxaana la yidhi nimankani waxay isku haystaan Hashan lammaan, nin welibana waa ka biyo diiday Xeer Soomaaligii ee u garqaada.
Faallo Keydmedia Online
Xertii Federaalka oo Xanaftiisu gaadhay!

Sidii lagu yaqaannay, Xeerkii Saancaddaalaha waxaa laysugu keenay dhismihii maxkamadda Xarunta Burco, waxaana la dhegaystay, labadooda dacwadood. Ninka Reer Burco ayaa wuxuu haystay laba Markhaati oo ehelkiisa ah, halka ninka kale aysan jirin xitaa cid garanaysa, waxaase u muuqda Hashiisii Hebla oo Sumaddeedii iyo Sawraceedii wadata, Sumaddiina la madhac dhaamay oo sumado kale laga kormarshey.

Qaaddigii ayaa dhegaystay dacwadihii, wuxuuna ku yidhi ninkii hasha ku doodayey haddaadan marag haysan waxba ma lihid! Ninkii arrintii waa ka biyo diiday, wuxuuna dalbadey in arrinta loo dhabbogalo.

Ninkii Ingiriiska ahaa ayaa ballamiyey maalintii dambe, balse, intuusan go’aanka ridin ayuu laba nin oo Soomaali ah albaabka joojiyey, si qolo weliba markay baxayso uu hadalkooda u dhegaysto. Qoladii Hasha ku doodeysay ee Markhaatiyada wadatey ayaa tidhi markay, albaabka ka baxeen; “Cadkeeda leey, Wallee dabadaan dhulka ugu dhufanney!” ninkii keligii ahaa ayaa yidhi isaguna markuu albaabka ka baxayey intuu cirka eegay; “Alla Ilaahayoow maad maantoo kale hadashid?!”.

Nimankii shaqaalaha ahaa waxay soo gudbiyeen waxay ka maqleen labada qolo, ninkii qaaddiga ahaana waxaa u soo baxday inay qolada xaqdarro ku doodeysa yihiin nimankii yidhi, “Alleylehe dabadaan dhulka ugu dhufanay” rag dulmi isku bahaystey inay yihiin.



Maalinnimadii dambe ayuu hashii u xukmiyey, ninkii reer Doollo, halkaana ku kaxaystay hashiisii oo lammaan.

Dulucda iyo sheekada aan uga socdaa arrinkan, ayaa ah xaaladda cusub ee Soomaaliya 10ka Sano la baaxaadegayso ee Federaalka (Beelaysiga) ayaa waxaa keenay, Gobollada bari oo aan odhan karno waa kuwa iyagu lahaa ama curiyey aragtidan ah, in dalka loo qaybiyo Deegaamo beelo xukumaan, oo beel weliba gooni dowlad u noqoto, gaar ahaan reer bariga ayaa markaas ciyaarayey arrin ah, “Ciyaarta lug baan kula jiraa haddey xumaatana waa kala baxay” Maadaama ay maamul nidaam beeleed ah ku dhisteen 1998, kaasoo ahaa aragti hufan oo wanaagsan laguna kala badbaadiyey umaddii deegaankaas ku dhaqnayd, balse, waxaa loo xidhay markii dambe Gaashaan ka duwan kii hore oo noqdey, “Mashruuc gorgortan iyo Sedbursi lagu raadinayo” ama “Kaagana kula lihi kaygana annaa iska leh” iyo in dowladda dhexe, Jago iyo jeenan ay qaybtooda ka qaataan iyo dhaqaalaha ka soo baxa Gobollada kale ee dowladda hoos taga, iyaguna kooda ay gooni u qaatan, “Laba eef”

Haddii xaalku sidaa ahaa waxaa jirtey, in maanta  xertii ololaha iyo xamaasadda ku waddey Federaalka ay xanaftiisii gaadhay, “Belaayo intey kaa maqantahay qayrkaa bay ku maqantahaye”, waxaa lagu sandulleeyey, Gobollada Dalka Jubbooyinka, iyo Koonfur Galbeed, deegaammo aan isku xidhmin iyo dad aan afti iyo oraah la weydiin ayaa lagu toloy, qaado nidaamka qabyaaladeysan haddii kale QASWADE ayaad tahay.

Intaasba bulshada reer Puntland waxay ku dacwinayeen ninkii diida Federaalka (Beelaysigu) inuu yahay QASWADE, qarannimada meel uga dhacay, oo aanu doonayn in dalku dego. Waxaa kaalintii galay United Nationka oo markii hore u xukmiyey guud ahaan, dadkii kale inay Beelaha Barigu ka saxan yihiin, halka kuwii kale aan waxba laga weydiin, Puntland ayaa wadatey laba Markhaati waa Kenya iyo Itoobiya (IGAD) haddaba United Nationku waxay labada albaab dhigeen dad dhegaysta arrimaha bulshada Soomaaliyeed iyo dareenkooda.

Qaaddi Nikoles Kay, ayaa dacwaddii shalay xukmiyey in Gobolka Mudug lagu daro Maamul Goboleed cusub oo loo sameeyo Gobollada Dhexe, hase yeeshee Gobolka Mudug oo u qaybsanaa qaab beeleed, Maamulka Bari: inyaroo ka mida Gaalkacayo, Jarriiban iyo Goldob,  ayu beel ahaan ku gioostay, ee aan nidaam dawladeed iyo maamul midna ahayn, oo aysan ka talin Koonfurta Gaalkacayo, Hobyo iyo Xarardheere, sidaa awgeed waxaa la go’aanshay inaysan beelnimo u qaybsami karin Mudug ee laysku darro, arrintu waa laba is neceb (Jiir iyo Bisad) wax isugu dar, Puntland iyo Maamulkii bari waxaa ku yimid, waddadii Sarfeeygii lagu jeexayey Beelaysiga.

Waxaa aad loola yaabay go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.