Xildhibaan Maxuu yahay..? Yu Wakiil u yahay..? Yu u adeegaa..?

Salma Abdikarim Ayuub (Keydmedia) - Ciddii aan weli garan, hala xusuusiyo macnaha ereyga Xildhibaan. Goormaa la curiyey erayga Xildhibaan…? Xildhibaan ma Qofka xilku dhibo oo aan xilqaadi Karin miyaa? Mise waa midka xilqaadka ah oo ku shaqeeya Rabitaanka Shacbiga iyo daryeelka danaha Bulshada…?
Faallo Keydmedia Online
Xildhibaan Maxuu yahay..? Yu Wakiil u yahay..? Yu u adeegaa..?

Sidee Xildhibaan u Shaqeeyey wixii ka dambeeyey Dawladdii Miletariga ahayd oo dhaqangelisay Ereyga Xildhibaan…? Side hadda Ereygaas loogu dhaqmaa…? Xildhibaan wuxuu ugu dhaqmaa il-dhaqaale. Waa xil ku salayan maslaxad Qof leeyahay.

Aragtida iyo ficilka Xildhibaan wuxuu leeyahay astaamo gaar ah oo loo cuskado. Xildhibaanku/xildhibaantu waa shakhsi xul Bulsho ah oo laga soo naqeeyey deegaannada Dalka oo dhan oo ka fiyow astaamaha Qofka Mas’uulka ah nuqsaanta gelin kara, sida:

Adeegsiga qabyaaladda, laaluush-qaadashada, eexda-falidda, nin-jeclaysiga, isir-nacaybka, lunsashada hantida qaranka iyo tan bulshada, ballanfuryada, hawldhaliilnimada, hanqaltaagga sadbursiga, gacansaarka shisheeyey, dhaxal-wareejinta hantida bulshada iyo tan qaranka, dadhilifnimada, iwm…

Xildhibaanku wuxuu u taagan yahay:

  • Sharcideginta Dastuurka
  • Ilaalinta xeerka Qaranka iyo sixiddooda
  • Sugitaanka Ammanka iyo xasiloonida Dalka
  • Hoggaaminta jiritaanka Dawladnimo iyo sugitaanka haybadda Qaranimo
  • Xakamaynta xadgudubyada Qaranimada loo geysto
  • Xadaynta iyo sugidda xaduudka iyo kheyraadka dhabiiciga ah ee Dalka
  • Dhawridda danaha Bulshada iyo Horumarinta Deegaamada, iwm.

Xildhibaannada TFG-du xilkaas ma sidaan? Jawabtu waa Maya!

Sidee Xildhibaan Hadda U Shaqeeyaa?

Si kastaba Magaca Xildhibaan ha u wataane, xildhibaannada TFG-du waxay ka ganacsadaan Codkooda, qof walbana danaha u gaarka ah buu u taagan yahay. Waxay u adeegaan Rabitaanka Madaxda TFG-da! Aaway Rabitaanka Shacabka? Waxayna ka gaabsadaan Qaranduminta Dalka lagu hayo.

Sida xoolo xero ku jira oo kale, Shariif Axmad tiro Xildhibaanno ah buu Gacanta ku hayaa oo si gaar ah uu u naasnuujiyo. Shariif Sheikh Aadan Koox gaar ah baa jeebka ugu jirta oo dantiisa u codeeya, wax dheefna uga qaata. Qaar kale waxay u taagan yihiin difaaca Wasiirka 1-aad oo u codeeya Kursiga uu ku fadhiyo.

Guud ahaan, Xildhibaannada intooda badanu waxay u heellan yihiin Go’aannda dhoob-dhoobka ah oo laga soo abaabulo Dawladaha IGAD oo ay homoodka ka yihiin, madaxda Itoobiya, Uganda, Kenya iyo talada maldahan ee uu ku taliyo Augustine Mahiga. Aqriste bal arag xilkii xildhibaannadu lahaayeen oo ahayd inay Sharci u sameeyaan soo gelidda, tiradooda, tayadooda iyo xaddadidda inta ciidan shisheeye uu dalka  joogi karo.

Xilkii Baarlamaanku lahaa waxaa afduubay afhayeenka Baarlamaanka, madaxweynaha TFG-da iyo wasiirka 1-aad, iyaga ayaaana qalinka ku jiiday Qaranduminta Soomaaliyeed. Waa heshiis xaaraan ah oo xadgudub ku ah nadaamkii habwanaagga Dawladnimo.

Waxaa Keydmedia.net Maqaal ku ah in Xildhibaannada la siiyo inta u dhexaysa USD 100-500 qofkiiba marka laga shabbadaysto dan Madaxda TFG-du leedahay ama IGAD iyo Mahiga ay wataan, intaas bayna xilkii ay Bulshada u hayeen ku doorsadaan.

Madaxda TFG-du waxay galeen dambiyo badan oo heer Qaranka ah, haddana xildhibaannadu kama qaadaan tallaabo sharci ah. Madaxdu waxay lunsadaan hanto Qaran oo lixaad leh, haddana xildhibaannadu kama qaadin tallaabo sharci ah. Madaxda TFG-du waxay wareejiyeen haybaddii Qaranka taasoo keentay in Meles Zenawi, Museveni iyo Kibaki ay dalka ugu xadgudbaan siday doonaan, haddana xildhibaannadu kama qaadaan tallaabo sharci ah.

Xilka Xildhibaan uu Bulshada u hayo wuxuu ku doorsaday gacan-hoorsi xaqiran. Affar arrimood Xildhibaannadu weli ma garan:

  1. Inay xilka ay ummadda u hayaan ka dhabeeyaan oo qaranka qareen u noqdaan oo mideeyaan codkooda iyo ficilkooda.
  2. Inay jagada ka qaadaan madax kasta oo ku xadgudubta sharafta ummadda iyo karaamada qaranka.
  3. Inay xabbis dheer ama dil ku xakumaan inta gasha dambi qaran ama lunsata hanti qaran.
  4. Inay ka taliyaan aayaha dalka iyo samatabaxa ummadda.

Yaa Xildhibaan Garab Iyo Gaashaan U Noqon Kara?

Ummaadda Soomaaliyeed baa wax walba la garabtaagan. Marka Xildhibaanku u istaago sugidda Qaranimada Soomaaliyeed, ummadda ayaa garab iyo gaashaan u ah. Talyaani oo ah Dawlad wax walba haysata ayaa dhagax looga guulaystay dagaalkii hannoolaato oo 51 looga dilay maalin keliya oo shacbigu gadooday

Maxaa na hoosgeeyey dawladaha IGAD oo cadawga noo ah…? Maxaa noo keenay in Madaxweynaha TFG uu abbaan u noqdo Meles Zenawi, Mwai Kibaki iyo Yoweri Museveni…? Maxaa keenay in Wasiirka 1-aad xilka looga qaado Kampala mid kalena lagu caleemasaaro isla goobta ayaga oo ay fadhiyaan afhayeenkii Baarlamaanka iyo Madaxweynihii Dawladda? Waa maskabjab laga tiiraanyoodo. Maxaa keenay in wasiirka 1aad uu soo sixiixo heshiisyadii madaxweyne sixiixi lahaa, baarlamaankuna guddoomin lahaa…? Maxaa arrimahaas Baarlamaanku uga doodi waayey oo loo casili waayey madaxweynaha iyo wasiirka 1aad…? Maxaa baarlamaanku ugu afduuban yahay afhayeenka iyo Madaxweynenimada Baarlamaankana loo garabmaraa…? Maxaaku kallifay in xildhibaan gacanta hoorsado oo lagu danaysto…?...

Dalka faraha ka baxay iyo Dadka ku dhammaaday looma haysto Al-Shabaab oo keliya ee waxaa loo haystaa Xildhibaannada iyo Madaxda TFG!

Xildhibaan Xilgabay Ma Loo Baahan Yahay?

Jawaabtu waa Maya!! 550-ka Xildhibaan waa caqabadda ugu weyn oo Qaranka gaarsiisay halka uu maanta marayo. Waa tiro badan oo aan tayo lahayn. Mar haddii Mahiga noo laqimayo wuxuu rabo maxaa Xildhibaan looga baahan yahay…? Mar haddii Madaxweynihii uu garka iyo gondaha hayo Maxdaxda IGAD maxaa Madaxweyne looga baahan yahay…? Mar haddii Qasiirka 1-aad uu Dalkii iibgeliyey maxaa wasiir 1-aad looga baahan yahay…? Dhabnimadii waxay u joogaan inay shaabbad u noqdaan inta nagu danaysanaysa oo diyaar u ah inay dudumiyaan Qaranimada Soomaaliya.

Mar kasta oo ay noqotaba, waxaa la dhisi doonaa taallo lagu qoro “Looxa Ceebta” maangaab kastana halkaasuu Magaciisa ka daawan doona.

Dhacdo Ugub Ah

Quustii Xildhibaan laga qabay waxaa kasoo dhalaalay Xildhibaannadii Galmudug oo gutay xilkii bulshadoodu u dhiibatay, waxayna mudan yihiin bogaadin heer Qaran ah.

Madaxweynihii Mudane Maxamad Axmad Caalin bay xilkii ka qaadeen. Go’aanka xildhibaannada Galmudugna wuxuu ku salaysnaa maamulkii gobolka oo gacanta ka baxay: Nabadgelyadii oo sii xumaatay. Wadashaqayntii madaxweynaha iyo baarlamaanka u dhexayn jirey oo habacsanaan ku dhacday taasoo loo eedaynayo Madaxweyne Caalin.

Afdduub Shaqaale Ajnabi ah oo weli lahaysteyaal ah oo aan tallaabo fiican weli laga qaadin iyo ayadoon lasoo xirin raggii fakiyey burcaddii lasoo xiray. Garoonkii oo mooryaanu xiratay muddo maalmo ah, iwm.

Madax oo dhan oo Madaxweyne kamid yahay khalad Maamul way geli karaan, xilkii laga sugayey inuu wax ka qabtana xagaldhaaco ayuu yeelan kara. Waxaa gabi karaan hawlihii loo xilsaaray oo laga sugayey inuu ka qaado tallaabo dawladeed. Dadaal badan waxqabad badan buu keenaa, cid walbana waa kuu godlan tahay inay kula shaqayso oo dhibka kula qaybsato. Caalin dambi Qaran ma gelin, hase yeeshee xilkii loo dhiibay buu la kufay, wuxuu ka gaabiyey wadashaqaynta Baarlamaanka aayadoo loo danaynayo danta guud ee Bulshada degaanka.

Madaxweynuhu ma ahan keligitaliye ee waa Mas’uul Bulshadu dooratay oo ku shaqeeya danta guud iyo Rabitaanka bulshada xilka u dhiibatay. Mas’uulkii kasoo bixi waaya kaalintii uu lahaa xilka waa laga qaadayaa.

Taasu waa Dhacdo cusub oo ay curiyeen Xildhibaannada Maamulka Galmudug, waana tusaale cad u tahay inay ku daydaan xildhibaannada TFG-da.

Ha ogaadaan in Madaxweyneyaasha Soomaaliyeed ay yihiin hawlwadeenno Ummadda u adeega ee ayna ahayn keligetaliye xilka Qaranka afduub ku haysta.

Salma Abdikarim Ayuub - Deputy Political Editor for Keydmedia - Columbus, OH
Salma.a.ayuub@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.